Home Blog Page 2517

UN releases 3 mln USD to combat expected flooding in Somalia

0


Friday April 26, 2024

The international donor-backed Somalia Humanitarian Fund (SHF), designed to address the country’s most urgent needs, has allocated 3 million U.S. dollars to help address the anticipated flooding, the United Nations said on Tuesday.

The UN Office for the Coordination of Humanitarian Affairs (OCHA) said the funds will reduce the humanitarian impact of the predicted flooding to communities that are expected to be the hardest hit in remote and hard-to-reach locations of Jamame, Luuq, and Afgooye.

“It will mainly provide multipurpose cash, pre-position and distribute hygiene kits and essential medicines, and upgrade communal universal water, sanitation, and hygiene (WASH) infrastructure and health facilities that could be implemented post-floods,” the OCHA said in its latest report issued in Mogadishu, the capital of Somalia.

The move comes as heavy rainfall has been affecting Somalia since April 19, causing floods, flash floods, and river overflows that have resulted in casualties and damage.

According to the OCHA, four people have died, of whom three in Somaliland, northern Somalia, and one in Hirshabelle State, south-central Somalia.

The UN agency said some 804 people have been displaced, 100 shelters have been destroyed, and a school has been damaged across the country.

“Humanitarian partners are stepping up response across the country,” it said, noting that more rainfall is expected over northwestern and southwestern parts of Somalia for the next 24 hours.

{DAAWO MUUQAALKA} Kooxda Xamaas oo Ka Hor timid Baaq ay U Direen 17 Dal oo Maraykanka uu Ka Mid Yahay.

Dowlada Soomaaliya oo Sheegatay in La Leexsaday Saadkii Ciidamada Kumaandoska Danab.

Jimco -26-Apr-2024 {HMC}  Dowladda Soomaaliya oo cadeysay in Saadkii ciidanka Danab la leexsaday loona xiray saraakiil ka tirsan ciidanka Danab.

warsaxaafadeedka dowladda Soomaaliya ayaa imaanaya kadib markii Dowladda Mareykanka ay warqad u soo dirtay dowladda uguna sheegeen in Raashinka ciidanka la leexsaday ayna hakiyeen maalgelinta Saadka ciidanka Danab.

Wasaaradda Gaashaandhigga ee XFS oo warbixin ka soo saartay taageerada dowladda Maraykanka ee iskaashiga istiraatijiyadeed ee ay la leedahay shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed ee dagaalka kula jira Al-shabaab iyo bixinta taageerada muhiimka ah ee bini’aadantinimada iyo horumarinta.

Qoraal ka soo baxay Wasaaradda ayaa lagu sheegay in shaqada laga joojiyey saraakiil ka tirsan ciidanka xoogga dalka oo ku lug yeeshay nusuq lagula kacay saadka ciidanka Danab gaar ahaan raashiinka ka dib baaritaano la sameeyey.

Saadka Ciidanka kumandoska Danab iyo mushaharkaba waxaa bixiya dowlada Mareykanka, waxaana War saxaafadeedka lagu sheegay in natiijada baaritaanka lala wadaagay saraakiisha Mareykanka ee tababarada siiya ciidankaas.

Arrintaan ayaa imaanaysay xilli dolwadda madaxweyne Xasan sheekh loo jeedinaayo eedo badan oo la xariira dhinaca musuqmaasuqa iyo boobka xoolaha dadweynaha.

 

 

 

 

Daadad iyo dhul go’ ka dhacay dhacay Dalka Tansaaniya oo ay Ku Dhinteen in Kabadan 150

Jimco -26-Apr-2024 {HMC} Ugu yaraan 155 qof ayaa ku dhimatay daadad iyo dhul go’ ka dhacay Tanzania kadib roobab mahiigaan ah oo ka dhashay El Niño, sida uu sheegay ra’iisul wasaaraha Tanzania.

Kassim Majaliwa ayaa ka digay in roobabku ay sii socon doonaan illaa bisha May, wuxuuna ku boorriyay qoysaska inay ka baxaan meelaha ay fatahaaduhu saameeyeen.

Ku dhawaad​​ 200,000 oo qof iyo in ka badan 51,000 oo qoys ayey durba saameysay masiibadan, ayuu raaciyay hadalkiisa.

Roobab mahiigaan ah ayaa sidoo kale ka da’ay dalalka dariska ah ee Kenya iyo Burundi, kuwaas oo dhibaato bani’aadannimo ka geystay gobolka.

Xamaas oo Ka Hor timid Baq ay U Direen 17 Dal oo Maraykanku Ka Mid Yahay

Jimco -26-Apr-2024 {HMC} WASHINGTON — Madaxweynaha dalka Maraykanka Joe Biden iyo hoggaamiyayaasha illaa 17 dal oo kale oo caalamka ah ayaa ugu baaqay ururka Xamaas inay aqbalaan hindisaha xabbad-joojinta isla markaana ay sii daayaan la haystayaasha gacanta ugu jira.

Dalalkan soo saaray bayaanka, ayaa muwaadiniin u dhalatay dalalkoodu ay ka mid yihiin, dadka gacanta ugu jira ururka Xamaas.

Hindisaha xabbad-joojinta ee la soo bandhigay ayay ku jiraan, “Xabbad-joojin degdeg ah, oo wakhti dheer soconaysa, taas oo sahlaysa in gargaar bini’aadanimo oo dheeraad ah in la geeyo marinka Qaza, iyada oo horseedi karta in la soo afjaro guud ahaan colaadda jirta” ayaa lagu sheegay qoraal ka soo baxay aqalka cad ee Maraykanka.

Aqalka Cad ayaa sheegay in dadka reer Qaza ay dib ugu laaban doonaan guryahooda, iyada oo loo diyaarinayo hoy iyo adeegyada kale ee ay u baahan yihiin.

Dalalka bayaankan soo saaray ee Maraykanka ku wehelinayey waxaa ka mid ah, dalalka Argentina, Austria, Brazil, Bularia, Canada, Colombia, Denmark, France, Germany, Hungary, Poland, Portugal, Romania, Serbia, Spain, Thailand iyo Ingiriiska.

Xamaas ayaa diiday hindisaha la soo jeediyey, sida uu sheegay sarkaal sare oo u hadlay maamulka Biden. Hase ahaatee wuxuu intaas ku daray inay weli jiraan, dareeno ka imanaya dhinaca Xamaas oo sheegaya inay ka fekerayaan hindisahan.

Warbixino kala duwan ayaa sheegaya in Xamaas ay dalbanayso, heshiis xabbad-joojineed oo dhamaystiran, in Israa’iil ay si dhamaystiran uga baxdo Gaza, in kor loo qaado gargaarka imanaya, iuyo in dadka reer Gaza ay si dhamaystiran ugu laabtaan woqooyiga Gaza. Xamaas ayaa ku eedaynaysa in Israa’iil ay ka hor-istaagayso, in shacabku ay dib ugu laabtaan guryahooda.

{DHAGEYSO} Warka Habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn {25/04/2024}

Khamiis April -25-2024-{HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Wark Habenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn

Warka waxaa soo jeedinayo ;Abdirahmaan Mo,alim Muse Osman

Farsamadii :Dhaqane Khalifa Abdi

HOOS KA DHAGEYSO WARKA HABEENIMO

Ra’iisul Wasaarihii hore ee Malaysia oo wajahaya baaritaan musuq-maasuq

Khamiis -25-Apr-2024 {HMC} KUALA LUMPUR — Ra’iisul Wasaarihii hore ee Malaysia Mahathir Mohamad, oo ku dhowaad 100 sano jir ah, ayaa lagu billaabay baaritaan musuq-maasuq oo ay ku lug leeyihiin labadiisa wiil, waxaa sidaas maanta sheegay guddiga la-dagaalanka musuq-maasuqa ee dalka.

Guddiga la-dagaalanka musuq-maasuqa Malaysia (MACC) ayaa bishii Janaayo amray in wiilka curadka ah ee Mahathir, Mirzan Mahathir uu caddeeyo dhammaan hantidiisa gudaha iyo dibadda dalka, taasi oo qayb ka ah baaritaan la xiriira soo shaac-bixidii warqadaha sirta ah ee loo yaqaan Panama Papers.

Madaxa MACC, Azam Baki ayaa maanta oo Khamiis ah weriyayaasha ugu sheegay gobolka waqooyi bari ee Kelantan in Mahathir sidoo kale la baarayo.

“Waxaan rabaa inaan xaqiijiyo in isaga (Mahatir) uu ka mid yahay dadka la baarayo. Tani waxay daba socotaa baaritaan lagu sameeyay wiilashiisa,” ayuu ku yiri hadal laga baahiyey teleefishinka.

“Labada wiil waxaa la siiyay ogeysiis ah inay caddeeyaan hantidooda,” ayuu raaciyey isaga oo diiday inuu bixiyo faah-faahin.

Qof kaaliye u ah Mahathir ayaa wakaaladda wararka ee AFP u sheegay, isaga oo codsaday inaan magaciisa la shaacin “in aan weli la soo saarin ogeysiis rasmi ah oo ka dhan ah Mahathir oo lagu wargelinayo ra’iisal wasaarihii hore wax baaritaan ah”.

Mahathir, oo 98 jir ah, waa nin ay siyaasad ahaan xafiiltamaan, aadna u dhaleeceeya Ra’iisul Wasaare Anwar Ibrahim, oo xukunka qabtay 2022-kii isagoo wacad ku maray inuu meesha ka saari doono musuq-maasuqa heerka sare ah.

Guddiga MACC ayaa sheegay inuu bishii August 2022 baaritaan ku billaabay “hay’ado lala xiriiriyey ama lagu xusay” Waraaqaha Pandora iyo Panama, kuwaas oo kashifay canshuur bixin ka dhuumashada maalqabeenada iyo dadka awoodda leh ee caalamka oo dhan.

Bishii Febraayo, MACC waxay dacwad ku soo oogeen wasiirkii hore ee maaliyadda Daim Zainuddin iyo xaaskiisa sababo la xiriira inay ku guuldareysteen inay shaaciyaan hantidooda. Daim waa saaxiib aad ugu dhow Mahathir.

{DAAWO MUUQAALKA} Boqollaal shacab ah oo lagu dilay weerar aargudasho ah oo ay qaadeen Milatariga

Khamiis-25-April-2024 {HMC} Boqollaal shacab ah oo lagu dilay weerar aargudasho ah oo ay qaadeen Milatariga

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

{DAAWO MUUQAALKA} In ka badan 100 maxbuus oo baxsatay markii roobbab waxyeello u gaysteen xabsiga

Khamiis-25-April-2024 {HMC} In ka badan 100 maxbuus oo baxsatay markii roobbab waxyeello u gaysteen xabsiga

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

{DAAWO SAWIRADA} Masuul Ka Tirsan Maamulka Gobolka Banadir oo Ka Qeyb Galay Madal Muhiim Ah

Khamiis -25-Apr-2024 {HMC}  Guddoomiye Kuxigeenka Arrimaha Bulshada iyo Wacyigelinta Maamulka Gobolka Banaadir Mudane Cabdicasiis Cusmaan Maxamed ayaa Magaalada Nairobi ee dalka Kenya ugu qeyb galay Madasha Magaalooyinka Bariga Afrika oo ay ku midaysan yihiin Dawladdaha Hoose ee Soomaaliya, Uganda, Burundi, Congo, Kenya, Koonfurta Suudaan iyo Rwanda.

Madasha ayaa looga hadlay Dardargelinta Iskaashiga Dawladaha Hoose ee Wadamada Bariga Afrika, Daadajinta Adeegyada guud illaa iyo heer Dawlad Hoose, Daadajinta Awoodaha, Khayradka, Dhaqaalaha iyo in Talooyinka shacabka ay qeyb ka noqdaan talooyinka lagu horumarinaayo Dawladdaha Hoose ee Bariga Africa.

Shirkaan oo socday 21 – 25 April, ayaa waxaa sidoo kale Dawladda Hoose ee Muqdisho ugu qeyb-galay Agaasimaha Waaxda Arrimaha Dibadda iyo Hey’addaha Caalamiga Mudane Maxamed Xasan iyo xubno kale, iyadoona gaba-gabada Madashaan laga soo saaray War-Murtiyeed ujeedkiisu ahaa Iskaashi iyo in si wadajir loo xaliyo caqabadaha heysta Dawladdaha Hoose ee Bariga Africa, isla markaana ay iska taageeraan dhinacyada tababarada iyo aqoon is weydaarsiga.

Dawladda Hoose ee Muqdisho ayaa Madashaan ka mid noqotay kadib markii Dowladda Federaalka Soomaaliya ay dhawaan ku biirtay Ururka Bulshada Bariga Afrika (EAC).