Home Blog Page 2518

Mareykanka oo Xiray mudaaharaadayaal Kasoo Horjeedo Xasuuqa Gaza

Khamiis -25-Apr-2024 {HMC}  Booliiska ayaa xiray boqolaal kale oo mudaaharaadayaal ah guud ahaan Mareykanka, iyadoo mudaaharaadyada looga soo horjeedo dagaalka Gaza ay sii xoogeysanayaan guud ahaan xarumaha jaamacadaha.

Ilaa 108 qof ayaa lagu xiray kulliyadda Emerson,sida ay booliska Boston u sheegeen laanta Mareykanka ee CBS News.

Hadda ka hor, 93 qof ka tirsan Jaamacadda Southern California (USC) ee Los Angeles ayaa xabsiga loo taxaabay iyaga oo lagu eedeeyay inay xad-gudbeen.

Mudaaharaadayaasha iyo booliiska ayaa sidoo kale isku dhacay jaamacadda Texas ee Austin.

Maamulka ayaa sheegay in sidoo kale 34 qof lagu xiray halkaas.

Jaamacadaha Maraykanka ayaa arkay tiro sii kordhaysa oo arday ah oo ka baxaya fasalka ama isku dayaya in ay samaystaan ​​xeryo ay kaga mudaaharaadaan ololaha milatari ee Israel ka wado Qaza.

Xarigga ugu dambeeyay wuxuu daba socdaa kuwa kale ee Columbia, Yale iyo Jaamacadda New York.

AS oo 70 Xubnood Loogu Dilay Duqeen Dhanka Cirka Ah…

Khamiis -25-Apr-2024 {HMC}  War-saxaafadeed kasoo baxay dowladda Soomaaliya ayaa lagu sheegay in ka badan 70 xubnood oo katirsan Al Shabaab ah lagu dilay laguna dhaawacay 30 kale, kaddib hawlgal ay iska kaashadeen ciidanka Qaranka iyo saaxiibada caalamka oo laga fuliyay hawdka deegaanka Tabar-mooge oo qiyaastii 28-km Waqooyi kaga beegan magaalada Xarardheere ee Gobolka Mudug.

Maleeshiyaadka la laayay ayaa lagu beegsaday saddex barood oo ku yaala deegaankaas, xogta la helay ayaa sheegeysa in ay isku aruursanayeen ilaa 150- xubnood oo Al Shabaab ah, kuwaas oo isugu jiray maleeshiyaad ka soo firxaday hawlgalkii shalay ka dhacay deegaanka Carfuuda iyo maleeshiyaad kale oo la soo aruuriyay.

Geesiyaasha Ciidanka Qaranka iyo Saaxiibada Caalamka ayaa wali ku raad-jooga Kontomeeyo maleeshiyaad ah oo isku dayay in ay dhulka hawdka ah ku baxsadaan, iyada oo sidoo kale Al Shabaab daryeel u la’dahay maleeshiyaadka dhaawacyada daran ay ka soo gaareen hawlgalka maanta.

{DAAWO MUUQAALKA} Wararka ugu waa weyn Soomaaliya iyo Caalamka ee Warbaahinta Hiiraanweyn 25_04_2024

Khamiis-25-April-2024 {HMC} Wararka ugu waa weyn Soomaaliya iyo Caalamka ee Warbaahinta Hiiraanweyn 25_04_2024

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

{DAAWO MUUQAALKA} Iiran oo ciidamadeeda kala baxeysa Suuriye iyo walaaca dagaal culus

Khamiis-25-April-2024 {HMC} Iiran oo ciidamadeeda kala baxeysa Suuriye iyo walaaca dagaal culus

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

Xabsi ku Yaalo Nageria oo Maxaabiis Farabada Ka Baxsatay Sababta Ogoow..

Khamiis -25-Apr-2024 {HMC}  Xabsi weyn oo kuyaalla duleedka magaalada Abuja ee caasimadda dalka Nageria ayaa waxaa ka baxsaday maxaabiis tiro badan oo ku xirnaa, kaddib markii roob xooggan oo da’ay waxyeelo gaarsiiyay dhismaha xabsiga.

Warbaahinta dalka Nageria ayaa ku warantay in xabsiga Suleja oo ku dhaw caasimadda Nigeria ay ka baxsadeen 118-maxbuus oo dambiyo kala duwan u xirnaa, kuwaa oo baxsaday markii roobka saameeyay dhismaha xabsiga ay ku jireen.

Ciidamada ilaalada xabsiyada dalka Nageria ayaa durba bilaabay howlgallo balaaran ay dib ugu soo qabanayaan maxaabiista carartay, waxa ayna ciidamada dib usoo xireen ilaa 10-maxbuus oo kamid ahaa kuwii xabsiga ka baxsaday.

Afhayeenka waaxda adeegga xabsiyada dalka Nageria Adama Duza oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in ciidamada ilaalada xabsiyadda wadaan howlgalo ay dib ugu soo qabanayaan maxaabiista baxsatay.

Dowladda Nageria ayaan wali shaacin maxaabiista baxsatay waxa ay ahaayeen iyo dambiyada ay u xirnaayeen, waxaana warar soo baxaya sheegayaan in xabsiga ku xirnaayeen xubno loo heesto in ay katirsanaayeen kooxda Boka Haram.

{DHAGEYSO} Warka Duhurnimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn 25-04-2024

Khamiis April 25, 2024 {HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Wark Duhurnimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn.

Warka waxaa soo jeedinayo :: shugri baryare

Farsamadii ::Abdiqani osoble

HOOS KA DHAGEYSO WARKA Duhurnimo

{DAAWO MUUQAALKA} Guddoomiyaha Aqalka Sare iyo wafdi uu hoggaaminayo oo u safray dalka Turkiga

Khamiis-25-April-2024 {HMC} Guddoomiyaha Aqalka Sare iyo wafdi uu hoggaaminayo oo u safray dalka Turkiga

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

{DAAWO MUUQAALKA} Ehalada wiil arday ah oo lagu dilay Muqdisho ayaa Cadaalad dalbaday

Khamiis-25-April-2024 {HMC} Ehalada wiil arday ah oo lagu dilay Muqdisho ayaa Cadaalad dalbaday

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

{DAAWO MUUQAALKA} Gudoomiye Madaale oo dhagax dhigayo wado muhiim ah oo laga dhisayo Muqdisho

Khamiis-25-April-2024 {HMC} Gudoomiye Madaale oo dhagax dhigayo wado muhiim ah oo laga dhisayo Muqdisho

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

{DAAWO MUUQAALKA} Shacabka Muqdisho oo soo dhaweeyey amar uu Ra’isulwasaare Xamse faray Shirkadaha korontada

Khamiis-25-April-2024 {HMC}  Shacabka Muqdisho oo soo dhaweeyey amar uu Ra’isulwasaare Xamse faray Shirkadaha korontada

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA