Khamiis-25-April-2024 {HMC} Hay’adda SoDMA oo Caratuur ka sameeysay gooba laga Cabsi qabo in uu ku fataho wabiga Jubba.
{DAAWO MUUQAALKA} Taliye Sanbaloolshe oo gaaray Furimaha hore ee Dagaalka.
Khamiis-25-April-2024 {HMC} Taliye Sanbaloolshe oo gaaray Furimaha hore ee Dagaalka.
HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA
{DAAWO MUUQAALKA} Dekedda KMG ah ee Baraawe oo laga soo dejiyay shixnado ganacsi
Khamiis-25-April-2024 {HMC} Dekedda KMG ah ee Baraawe oo laga soo dejiyay shixnado ganacsi
HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA
{DAAWO MUQAALKA} Soomaalida Mareykanka oo u dareertay doorashooyinka iyo Xildhibaan Ilhaan Cumar oo ka hadashay
Khamiis -25-Apr-2024 {HMC} Soomaalida Mareykanka oo u dareertay doorashooyinka iyo Xildhibaan Ilhaan Cumar oo ka hadashay
HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA
Nin hooyadiisa u dilay si uu lacag kala baxo Akoonkeeda
Khamiis -25-Apr-2024 {HMC} Hooyo lagu magacaabi jiray Sandra Maria dos Santos Carvalho oo 58 jir ahayd ayaa waxaa Sabtidii la soo dhaafay (April 20) maydkeeda laga helay hoygeeda oo ku yaalla magaalladda Salvador ee dalka Brazil.
Haweeneydaasi ayaa la sheegay inuu dilay wiilkeeda oo lagu magacaabo Jose Natan Carvalho, waxaana la sheegay inuu dhowr jeer ku dhuftay, tooreey, isla markaana uu gacanta ka jaray.
Eedeysanaha waxa uu maxkamad la saaray ka hor qirtay inuu isaga ka dambeeyey dilkaasi iyo inuu surka iyo gacanta ka jaray hooyadiisa.
Jose Natan Carvalho oo 21 jir ah ayaa la soo weriyey in sababaha uu sida arxan-darada ugu dilay hooyadiisa ahayd inuu kaydsado gacanta uu ka jaray, si uu galaangal ugu yeesho inuu faraheeda ugu adeegsado sidii uu lacag ugala soo bixi lahaa Kayd-xisaabeedkeeda Bangiga .
Docda kale, Garsoore Leandro Florencio Rocha de Araujo waxa uu u sheegay warbaahinta gudaha ee dalka Brazil inuu Eedeysanaha da’da yar qirtay, kana qoomameeyey fal- dembiyeedka uu ku dilay hooyadiisa.
Si kastaba, maxkamadda sare ee dalka Brazil ayaa la filayaa inay ku dhawaaqdo xukunka uu mudan yahay eedeysanayaashaasi gawracay hooyadiisa, iyadoo Falkaasi aad looga xumaaday loon acambaareeyay.
{DAAWO SAWIRADA} Gudoomiye Abdixaashi Ka Qeybgalayo Shir Looga Hadlayo Xornimada Falastiin
Khamiis -25-Apr-2024 {HMC} Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdi Xaashi Cabdullaahi iyo wafdi uu hoggaaminaayo ayaa maanta u ambabaxay dalka Turkiga, halkaas oo uu uga qayb gali doono shirka Madasha Baarlamaanada ee Qudus oo looga hadlayo Xornimada iyo Madax-bannaanida Falastiin.
Shirkan oo soconaya muddo saddex maalmood ah oo ay ka soo qayb gelayaan madaxda baarlamaannada wadamada Islaamka ayaa diiradda lagu saari doonaa arrimaha Falastiin gaar ahaan dhinacyada bini’aadnnimada.

Madaxweyne Laftagareen oo isaga tagay Muqdisho kuna laabtay Baydhabo kaddib markii
Khamiis -25-Apr-2024 {HMC} Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen Madaxweynaha Koonfur Galbeed iyo wafdi uu hoggaaminayo oo safar shaqo ugu maqnaa dalka dibaddiisa iyo Muqdisho ayaa dib ugu soo laabtay magaalada Baydhabo ee xarunta KMG ee maamulka Koonfur Galbeed.
Gudoomiye ku xigeenka 2-aad ee Baarlamaanka Koonfur Galbeed ,wasiiro, xildhibaano, saraakiisha hay,addaha amniga iyo qeybaha kala duwan bulshada ayaa garoonka diyaaradaha Shaati-Gaduud kuso dhaweeyay wafdiga madaxweyne Laftagareen.
Madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed ayaana maalmihii lasoo dhaafay ku sugnaa magaalada Muqdisho uu u tagay ka qeyb galka shirkii golaha Wadatashiga Qaran uu iclaamiyay Madaxweynaha Soomaaliya, balse markii dambe u baaqday cillado farsamo.
Muqdisho waxaa ku sugnaa maalmihii lasoo dhaafay madaxda maamulada Koonfur Galbeed, Galmudug iyo Hirshabelle, waxaana magaalada imaan oo wararku sheegayaan in dartiis u baaqday shirkii golaha Wadatashiga Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe.
Shirka baaqday ee golaha Wadatashiga Qaran ayaan wali la shaacin xilliga uu qabsoomi doono, waxa ayna madaxda maamul goboleedyada hadda bilaabeen in ay dib ugu laabtaan deegaannadooda.
Wakiilka gaarka ah ee Qaramada Midoobay oo bilowday kulamo madax goboleedyada kahor inta aysan bixin
Khamiis -25-Apr-2024 {HMC} – Wakiilka gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan arrimaha Soomaaliya, Marwo Catriona Laing ayaa bilowday kulamo gaar gaar ah oo ay la yeelaneyso madaxda dowlad goboleedyada dalka, kuwaas oo kusoo aaday xilli xasaasi ah oo ay taagan tahay xiisad ka dhalatay wax ka beddelka dastuurka KMG ka ah ee dalka.
Kulamadan ayaa ah kuwii ugu dambeeyay oo ay Catriona Laing la yeelaneyso madax goboleedyada, waxaana u jeedkooda lagu sheegay sagootin, maadaama ay ka tageyso xafiiska.
Kulankii ugu horreeyay ee sagootinta ah waxa ay la yeelatay madaxweynaha HirShabelle, Cali Guudlaawe Xuseen oo haatan ku sugan magaalada Muqdisho, sida lagu sheegay war kooban oo kasoo baxay xafiiska Qaramada Midoobay ee Soomaaliya.
“Kulankeedii ugu horreeyay ee sagootin ah oo ay la qaadaneyso madaxda dowladaha xubnaha ka ah Dowladda Federaalka ah ayey maanta Ergayga Gaarka ah ee Qaramada Midoobay, Catriona Laing la qaadatay Madaxweynaha Hirshabeelle Mudane Cali Xuseen Guudlaawe,” ayaa lagu yiri qoraalka.
Intaas kadib labada mas’uul ayaa ka wada-hadlay arrimo ay kamid yihiin dhammeystirka dastuurka, shirka golaha wadatashiga qaran ee la iclaamiyay iyo la dagaalanka Al-Shabaab.
“Waxay ka wada hadleen hannaanka dib u eegista dastuurka Soomaaliya, howlgelinta Golaha Wadatashiga Qaranka, la dagaallanka Al-Shabaab, dadaallada xasilinta iyo dib u heshiisiinta Hirshabeelle” ayaa lasii raaciyay.
Dhinaca kale waxaa kulankan lagu soo qaaday xaaladaha bani’aadanimo ee ka jira dalka, gaar ahaan fatahaadaha laga cabsi qabo inay ku dhuftaan qaybo badan oo kamid ah dalka.
“Waxaan ka mahadcelinayaa taageerada joogtada ah ee Hay’addaha Qaramada Midoobe, waxaan ku faraxsanahay inaan wadajir uga wada shaqeyno howlaha hor-tebinta inoo leh.”
Ugu dambeyn madaxweynaha maamulka HirShaeelle ayaa u mahadceliyay Catriona Laing oo dhawaan dalka ka tagi doonto, wuxuuna ku amaanay sida ay ula shaqeysay muddada kooban ee ay joogtay xafiiska.



