Wakiilka gaarka ah ee Qaramada Midoobay oo bilowday kulamo madax goboleedyada kahor inta aysan bixin
Khamiis -25-Apr-2024 {HMC} – Wakiilka gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan arrimaha Soomaaliya, Marwo Catriona Laing ayaa bilowday kulamo gaar gaar ah oo ay la yeelaneyso madaxda dowlad goboleedyada dalka, kuwaas oo kusoo aaday xilli xasaasi ah oo ay taagan tahay xiisad ka dhalatay wax ka beddelka dastuurka KMG ka ah ee dalka.
Kulamadan ayaa ah kuwii ugu dambeeyay oo ay Catriona Laing la yeelaneyso madax goboleedyada, waxaana u jeedkooda lagu sheegay sagootin, maadaama ay ka tageyso xafiiska.
Kulankii ugu horreeyay ee sagootinta ah waxa ay la yeelatay madaxweynaha HirShabelle, Cali Guudlaawe Xuseen oo haatan ku sugan magaalada Muqdisho, sida lagu sheegay war kooban oo kasoo baxay xafiiska Qaramada Midoobay ee Soomaaliya.
“Kulankeedii ugu horreeyay ee sagootin ah oo ay la qaadaneyso madaxda dowladaha xubnaha ka ah Dowladda Federaalka ah ayey maanta Ergayga Gaarka ah ee Qaramada Midoobay, Catriona Laing la qaadatay Madaxweynaha Hirshabeelle Mudane Cali Xuseen Guudlaawe,” ayaa lagu yiri qoraalka.
Intaas kadib labada mas’uul ayaa ka wada-hadlay arrimo ay kamid yihiin dhammeystirka dastuurka, shirka golaha wadatashiga qaran ee la iclaamiyay iyo la dagaalanka Al-Shabaab.
“Waxay ka wada hadleen hannaanka dib u eegista dastuurka Soomaaliya, howlgelinta Golaha Wadatashiga Qaranka, la dagaallanka Al-Shabaab, dadaallada xasilinta iyo dib u heshiisiinta Hirshabeelle” ayaa lasii raaciyay.
Dhinaca kale waxaa kulankan lagu soo qaaday xaaladaha bani’aadanimo ee ka jira dalka, gaar ahaan fatahaadaha laga cabsi qabo inay ku dhuftaan qaybo badan oo kamid ah dalka.
“Waxaan ka mahadcelinayaa taageerada joogtada ah ee Hay’addaha Qaramada Midoobe, waxaan ku faraxsanahay inaan wadajir uga wada shaqeyno howlaha hor-tebinta inoo leh.”
Ugu dambeyn madaxweynaha maamulka HirShaeelle ayaa u mahadceliyay Catriona Laing oo dhawaan dalka ka tagi doonto, wuxuuna ku amaanay sida ay ula shaqeysay muddada kooban ee ay joogtay xafiiska.
Duqeyn lala beegsaday Goob ay ku sugnaayeen Xubno Ka Tirsan AS
Khamiis -25-Apr-2024 {HMC} – Guddoomiyaha maamulka degmada Ruun-nirgood ee gobolka Shabeelaha Dhexe Muxyadiin Maxamuud Kulmiye ayaa faahfaahin dheeraad ah ah ka bixiyay duqeymo Arbacadii ka dhacay gudaha degmadaas iyo deegaanada hoostaga.
Muxyadiin ayaa sheegay in duqeynta si gaar ah looa beegsaday xarunta degmada Ruun-nirgood, xilli ay ku sugnaayeen Al-Shabaab, wuxuuna sheegay in halkaas lagu gaarsiiyay jab xoogan iyo khasaare kala duwan.
Sidoo kale waxa uu tilmaamay in xilliga la beegsanayay ay degmada ku qaadayeen lacag, taas oo ay ka aruurinayeen shacabka degaanka iyo gaadiidka isticmaala halkaasi.
“Duqeynta ka dhacday degmada Ruun-nirgood waxaa lala beegsaday nimanka Khawaarijta ah waxaa lagula beegsaday gudaha degmada, ayaga oo joogo xarunta degmada oo dhaqaalihii uga qaadayo shacabka iyo gadadiidka” ayuu yiri guddoomye Muxyadiin Kulmiye.
Waxaa kale oo uu sii raaciyay “Howlgal laga soo shaqeeyay oo la’iska kaashaday ayuu ahaa marka si rasmi ah ayaa Khawaarijta loola beegsaday”.
Guddoomiyaha dgemada Ruun-nirgood oo hadalkiisa sii wata ayaa shaaca ka qaaday in weerarkan cirka ah lagu lagu dilay xubna Shabaab ahaa, laguna dhaawacay kuwa kale.
“Nimanka wa ku jabeen duqeynta, waxaana gaaray dhaawac badan iyo dhimasho intaba waa ku dhacday” ayuu mar kale yiri guddoomiyaha degmada Ruun-nirgood.
Xaaladda ayaa maanta kacsan, waxaana weli dhaq-dhaqaaqyo laga dareemayaa aaga degmada Ruun-nirgoodiyo dhilka howdka ah ee u dhexeeya xadka gobollada Shabeelaha Dhexe iyo Galgaduud.
Si kastaba, Ruun-nirgood ayaa waxaa marar badan isku bed-bedalay ciidamada dowladda iyo xoogaga Al-Shabaab, kadib dagaallo culus oo ka dhacay gudaha degmadaasi.
Booliska Dalka Kenya oo loo haysto dilka in ka badan 100 qof oo Shacab ah
Khamiis -25-Apr-2024 {HMC} – Hay’adaha xuquuqul insaanka ee Kenya iyo kuwa caalamiga ah ayaa warbixin ay soo saareen maanta ku sheegay in 118 qof ay dhibanayaal u yihiin dilal sharci darro ah oo ay geysteen booliska Kenya.
Dilalkan ayaa la sheegay in booliska uu geystay sannadkii hore, iyagoo cambaareeyay waxa ay ugu yeereen “isla xisaabtan la’aanta” ay weli ciidamada ammaanku ku naalloonayaan.
Waxay intaa ku dareen in tiradani ay hoos u dhacday boqolkiiba sagaal marka loo eego sannadkii 2022 oo ay tiradu aheyd 120, halka tirada “dadka lagu la’yahay afduubka qarsoodiga ah” ay hoos u dhacday in ka badan kala bar ilaa 10 xaaladood isla muddadaas.
Ku dhawaad kala bar dilalka ayaa dhacay intii lagu guda jiray howl-gallada ka dhanka ah dambiyada, sida lagu sheegay warbixin ay soo saareen hay’ado ay ka mid yihiin Human Rights Watch, Amnesty International Kenya iyo kooxda Kenyanka ah ee la yiraahdo Missing Voices.
Kooxahan ayaa sheegay in 45 qof oo kale lagu dilay dibad-baxyo ay soo qaban qaabiyeen mucaaradka Kenya intii u dhaxeysay bilihii March iyo July ee sannadkii hore, kuwaasi oo ka cabanayay qiimaha sare ee nolosha.
Mudaaharaadyo looga soo horjeedo dowladda madaxweyne William Ruto ayaa waxaa ka dhacay rabshado iyo dhac goos goos ah, waxaana mucaaradka iyo kooxaha xuquuqul insaanka ay ku eedeeyeen booliska inay isticmaaleen awood xad dhaaf ah.
“Sarkaalka bilayska ayaa dhif iyo naadir ah loogu xiraa ka qayb qaadashada dilalka sharci-darrada ah iyo dadla lagu la’yahay afduubka qarsoodiga ah,” ayaa lagu yiri qoraalka.
Afhayeenka booliska qaranka Resila Onyango kama aysan jawaabin codsiyada AFP ee ah inay arrintan ka hadasho.
Tan iyo markii la doortay 2022, Ruto wuxuu ku cel-celiyay inuu doonayo inuu joojiyo rabshadaha iyo dhaqamada sharci darrada ah ee ay ku kacayaan saraakiisha sharci fulinta.
Hay’adaha u dooda xuquuqul insaanka ayaa inta badan ku eedeeya booliska Kenya in ay adeegsadaan awood xad dhaaf ah, ayna fuliyaan dilal sharci darro ah, gaar ahaan xaafadaha isku raranta ah.
Waxaa sidoo kale horay loogu eedeeyay in ay boolisku ay leeyihiin kooxo geysta dilal qarsoodi oo bartilmaameedsada dadka ay ka midka yihiin u dhaqdhaqaayesha xaquuqda aadanaha iyo qareennada baaraya xadgudubyada xuquuqda aadanaha ee bilaysku.
“Waa run in dad badan oo Kenyaan ah aan ku weynay dilal sharci darro ah, sidoo kale waa run in dad badan oo Kenyan ah aan ku weynay dilal siyaasadeed,” ayuu Axaddii yiri madaxweynaha Ruto, isaga oo intaas raaciyay “Mar dambe ma dhici doonto dil sharci darro ah ama dilal siyaasadeed.”
Bishii Oktoobar 2022, Ruto ayaa ballan qaaday in dib u habeyn lagu sameyn doono shaqada bilayska wuxuuna ku dhawaaqay in la baabi’inayo Unugga Adeegga Gaarka ah ee laga cabsado (SSU) oo xubnahooda lagu eedeeyay dilalka iyo afduubka dadka la waayay.
Sida laga soo xigtay Voices Missing, 1,350 qof ayaa ku dhintay gacanta saraakiisha booliska tan iyo markii ay bilowday xog ururinta 2007-dii.
Inasta oo ay yar tahay caddaaladda la xisaabsan ka booliska, haddana bishii February ee sannadkii hore saddex sarkaal oo boolis ah ayaa lagu xukumay xukunno u dhexeeya 24 sano oo xadhig ah iyo ciqaab dil ah, kadib markii lagu helay dil ay sannadkii 2016-kii u geysteen saddex qof oo uu ku jiro qareen.
{DHAGEYSO} Warka Subaxnimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn 25-04-2024
Khamiis-25-April-2024 {HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Warka Subaxnimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn
Warka waxaa soo jeedinayo:Abdirahman Muse
farsamadii :Mohamed Baryare Haamud
HOOS KA DHAGEYSO WARKA SUBAXNIMO
Somalia’s president calls for national unity amid constitutional disputes with Puntland

Thursday April 24, 2024 {HMC} President Hassan Sheikh on Tuesday called on Somalia’s regional governments to avoid politicizing key national issues such as unity, solidarity, and independence. His appeal comes amidst ongoing tensions with Puntland over constitutional amendments.
In a statement from the Office of the Somali President, Mohamud reiterated his administration’s commitment to enhancing cooperative relationships with regions, especially Puntland. “Since taking office on May 15, 2022, enhancing cooperation based on constitutional principles has been a priority to advance our national agendas,” Mohamud stated, noting progress in security, economic development, and federalization.
The call for unity follows the recent cancellation of the National Consultative Council meeting, which was halted by Puntland’s non-participation. Puntland has withheld recognition of Mohamud’s government, demanding a rollback of recent constitutional changes as a precondition for further dialogue.
The Somali government asserts it has avoided politicizing economic, development, and humanitarian concerns, instead focusing on reinforcing the constitutional roles and rights of regional administrations. “We remain committed to depoliticizing our collaborative duties, particularly in economic development and humanitarian efforts,” Mohamud said.
Efforts to amend Somalia’s federal constitution continue, with the government engaging both political stakeholders and the public to foster dialogue to establish a democratic governance structure that addresses the needs of Somali citizens.
Mohamud emphasized the importance of national unity and solidarity in his statement, reminding regional governments of their responsibilities under the national constitution and the broader impact of their political decisions. “Issues central to the fate of the Somali government, including national unity, solidarity, independence, and political integrity, should never be politicized,” he concluded.
Korantada Soomaaliya ma gaarsiisan tahay heerkii looga baahnaa?
Khamiis -25-Apr-2024 {HMC} Korontadu waxay muhiim u tahay nolosha casiga ah ee bulsho walba, waxayna kamid tahay waxyaabaha ugu muhiimsan ee aadanuhu haysto, cilmiga sayniskuna suurto geliyay.
Badi nolosha caalamka maanta waa mid ku tiirsan korantada iyadoo siyaabo kala duwan lagu dhaliyo quwadda korantada oo suuro-gelinaysa haddeer qormadanba in aan sameeyo.
Waxay ka dhigantahay dhammaan shay-yada aan haddeer isticmaalo sida taleefanada iyo kombuutaradaba waa kuwo ku tiirsanayaal u ah korantada.
Badhkood ku tiirsanaantaas waa mudaysan tahay oo waxay haystaan intay tamar qaataan in ay saacado ku hayaan haddana u baahdaan tamar kale, wabaa sida aad adiguba cuntada ugu baahato oo iyagu ma shaqayn karaan korantadaas la’aanteed.
Dalka Soomaaliya oo helitaanka korantadu qaali ku tahay ayay Hay’adda Istaatistikada Soomaaliya ku sheegtay in guud ahaan dadka ku nool Soomaaliya 69.1% ay boqolkiiba ay dadku heli karaan koronto.
Tan iyo burburkii dowladii dhexe ee Soomaaliya dalku ma yeelan shirkad koronto oo dowladda dhexe maamusho, shirkadaha korantada ee dalka ka jirana waa kuwo gaar loo leeyahay.
Laakiin warbixin uu daabacay Baanka Adduunku 2021 ayaa lagu sheegay dadka Soomaaliya ku nool oo gaadhaya 15 Milyan oo qof in aysan 9 Milyan oo ka mid ah helin koronto taas oo Soomaaliya ka dhigaysa mid ka mid ah meelaha ugu sarreeya koronto la’aani ka jirto caalamka.
Isticmaalka korontada ugu badan ee Soomaaliya waa nooca laga sameeyo matoorada ku shaqeeya naafatada qiimaha halkii Kilowatt ee koranto ah gudaha Soomaaliya ayaan ka mid ah kuwa ugu qaalisan qaaradda Afrika sida uu sheegay World Bank – marka la Barbar dhigo Soomaaliya wadamada deriska ah ee Itoobiya iyo Kenya Soomaaliya ayaa saddex ayaa noqonaysaa sida warbixinta lagu sheegay 50-125 Cents/kWh halka Kenya ay tahay 0.5 Cents /kWh Itoobiyana ay tahay 0.6 Cents.
Guriga ay todobada qof ku nooshahay magaalada Jigjiga korantada waxay bishii bixiyaan lacag dhan 300 oo lacagta Birta Ethiopia ah oo u dhiganta. $5.28.
Mid kamid ah dadka Hargeysa korantada ka shaqeeya, waliba uruuriya lacagaha oo aan la hadalnay waxuu noo sheegay qiimaha dhexdhexaadka ah qoysku bishii korantada ku bixiyaan magaalada Hargeysa in ay tahay $40.
Qoyska magaalada Muqdisho ku nool ayaa iyagana bishii ku bixiya lacag u dhexeysa 50-30 dollar bishii.
Baanka Adduunka ayaa lacag dhan150 Milyan oo doolarka maraykanka ah u qoondeeyay mashruuca dib-u-soo noolaynta korantada Soomaaliya kaas oo lagu taageeraayo dowladda Soomaaliya , ayadoo mashruucaas uu soo dhammaan doono sannadka 2026.
Mashruucan ayaana ujeedkiisa World Bank uu ku qeexay in looga gol leeyahay tayaynta adeegga caafimaadka, iyo sare u qaadida waxbarashada iyadoo 205 xarumo caafimaad oo Soomaaliya ku yaala la siinaayo koronto joogto ah, sidoo kalena 380 iskuul ay ku heli doonaan adeeg koronto oo dhammaystiran
Soomaaliya waxaa ka dhaca dhibaatooyin ay sababto korantadu kuwaas oo inta badan keena kicitaanka dabab dhaliya khasaare nafeed iyo mid maaliyadeedba, waxaa sidoo kale jira dadyow badan oo ku dhinta korantada guryahooda ku jirta.
Sanadkii tagay bishii March madaxweynaha Soomaaliya ayaa saxiixay Hindise Sharciyeedka Korantada Soomaaliya kaas oo ay soo meel mariyeen golaha baarlamaanka labada aqal waa midka ka sare iyo kan hoosee.
Sharciga ayaana dhigaya dhismaha Hay’adda Qaran ee Korantada Soomaaliya. Waxuuna dhiirigelinayaa sidoo kale sharcigani maalgashiga shisheeye ee korantada Soomaaliya.
Sidoo kale wuxuu sharciga uu saxiixay madaxweynaha Soomaaliya dhigayaa tayaynta iyo dhowrida deegaanka inta la isticmaalaayo korantada, sidoo kale waxuu xeerkaas cusub dhigayaa in sharcigaan la ansixiyay uu horseedo nidaam koronto iyo isgaadhsiin oo dadka magaalooyinka iyo miyigaba deggan ah.
“Talabaadaan keliya nal kuma shidayno, ee waxaan ku hubsan doonaa in aan haysanno adeeg koronto oo waaraya, qiimo jaban faa’iidana u leh bay’adeenna” ayuu yidhi Madaxweynaha Soomaaliya maalinkaas uu ansixiyay sharcigaan cusub.
Dowlada Argentina oo dalbatay in la soo xiro wasiirka arrimaha gudaha Iran
Khamiis -25-Apr-2024 {HMC} BUENOS AIRES — Argentina ayaa weydiisatay booliska caalamiga ah ee Interpol inay soo xiraan wasiirka arrimaha gudaha Iran sababo la xiriira qarax 1994-kii lala beegsaday xarun ay bulshada Yahuudda ku leeyihiin Buenos Aires, kaasi oo lagu dilay 85 qof, waxaa sidaas Talaadadii sheegtay wasaaradda arrimaha dibedda.
Wasaaradda Arrimaha Dibedda ayaa sheegtay in wasiir Ahmad Vahidi uu ka mid yahay wafdi ka socda Tehran oo booqanaya Pakistan iyo Sri Lanka, islamarkaana booliska Interpol uu soo saaray wargelinta cas ee lagu dalbanayo xarigiisa kadib codsiga Argentina.
Argentina ayaa sidoo kale labadaas dowladood weydiisatay inay soo xiraan Vahidi, ayaa lagu yiri bayaanka.
Hase yeeshee wakaaladda wararka rasmiga ah ee Iran ee IRNA ayaa ku warrantay in Vahidi uu Talaadadii kusoo laabtay Iran, halkaasi oo uu kaga qeyb-galay munaasabad lagu dhaariyey barasaab cusub.
Sarkaal ka tirsan wasaaradda arrimaha dibedda Sri Lanka ayaa AFP u sheegay in Vahidi uusan ku jirin liiska wafdiga Iran ee dalkaas yimid Arbacada maanta ah.
12-kii April, maxkamad ku taalla Argentina ayaa Iran ku eedeysay weerarkii 1994-kii ka dhanka ahaa xarunta bulshada Yahuudda ee AMIA ee bartamaha Buenos Aires, iyo qarax laba sano kahor ka dhacay safaaradda Israel, kaasi oo lagu dilay 29 qof.
Weerarkii 1994-kii ayaan weli cidna aysan sheegan ama la xalin, hase yeeshee Argentina iyo Israel ayaa muddo tuhunsanaa inay kooxda Xizbullah ku fulisay codsiga Iran.
Dacwad-oogayaasha ayaa saraakiil sare oo reer Iran ah ku eedeeyey inay amreen weerarka, inkasta oo Tehran ay beenisay inay ku lug laheyd.
Maxkamadda ayaa sidoo kale la xiriirisay Xizbullah, waxayna ugu yeertay weerarka AMIA — kii ugu dhimashada badnaa taariikhda Argentina — “iyo dambi ka dhan ah bani’aadannimada.”
Bayaanka Talaadadii kasoo baxay wasaaradda arrimaha dibedda ayaa lagu yiri “Argentina waxay dalbaneysaa xariga caalamiga ah ee kuwii mas’uulka ka ahaa weerarkii AMIA ee 1994-kii kaasi oo lagu dilay 85 qof, iyo kuwa weli xilalka haya ee leh xasaanadda buuxda.”
“Mid ka mid ah waa Ahmad Vahidi, oo garsoorka Argentina ay u doonayaan inuu yahay mid ka mid ah kuwii mas’uulka ka ahaa weerarkii ka dhanka ahaa AMIA,” ayaa lagu yiri bayaanka oo sidoo kale ay wax ka saxiixday wasaarada amniga.
Argentina ayaa horey u sheegtay in Vahidi, oo ka tirsanaan jiray ciidamada Ilaalada Kacaanka Iran, uu yahay mid ka mid ah maskaxdii ka dambeysay qaraxii AMIA, waxayna dalbatay in loo soo masaafuriyo.
{DAAWO MUQAALKA} Muxuu kala hadlay Taliyaha ciidanka dhulka ciidamada ku sugan Buule-Burde ?
Khamiis -25-Apr-2024 {HMC} Taliyaha ciidanka dhulka Soomaaliya Dayax Cabdi Cabdulle ayaa ciidamo ka tirsan Gor-Gor kula hadlay Dagmada Buule-Burde ee Gobolka Hiiraan.
HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA
{DAAWO MUQAALKA} Talyaaniga oo Tababar Siiyay Arday Soomaaliyeed.
Khamiis -25-Apr-2024 {HMC} Cutubka ka tirsan ciidamada Dalka Talyaaniga ee ku sugan Magaalada Muqdisho ayaa oo tababar ku saabsan cilmiga Beeraha iyo wax soo saarka dalka u qabtay.



