Khamiis-25-April-2024 {HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Warka Subaxnimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn
Warka waxaa soo jeedinayo:Abdirahman Muse
farsamadii :Mohamed Baryare Haamud
HOOS KA DHAGEYSO WARKA SUBAXNIMO
Khamiis-25-April-2024 {HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Warka Subaxnimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn
Warka waxaa soo jeedinayo:Abdirahman Muse
farsamadii :Mohamed Baryare Haamud
HOOS KA DHAGEYSO WARKA SUBAXNIMO

Thursday April 24, 2024 {HMC} President Hassan Sheikh on Tuesday called on Somalia’s regional governments to avoid politicizing key national issues such as unity, solidarity, and independence. His appeal comes amidst ongoing tensions with Puntland over constitutional amendments.
In a statement from the Office of the Somali President, Mohamud reiterated his administration’s commitment to enhancing cooperative relationships with regions, especially Puntland. “Since taking office on May 15, 2022, enhancing cooperation based on constitutional principles has been a priority to advance our national agendas,” Mohamud stated, noting progress in security, economic development, and federalization.
The call for unity follows the recent cancellation of the National Consultative Council meeting, which was halted by Puntland’s non-participation. Puntland has withheld recognition of Mohamud’s government, demanding a rollback of recent constitutional changes as a precondition for further dialogue.
The Somali government asserts it has avoided politicizing economic, development, and humanitarian concerns, instead focusing on reinforcing the constitutional roles and rights of regional administrations. “We remain committed to depoliticizing our collaborative duties, particularly in economic development and humanitarian efforts,” Mohamud said.
Efforts to amend Somalia’s federal constitution continue, with the government engaging both political stakeholders and the public to foster dialogue to establish a democratic governance structure that addresses the needs of Somali citizens.
Mohamud emphasized the importance of national unity and solidarity in his statement, reminding regional governments of their responsibilities under the national constitution and the broader impact of their political decisions. “Issues central to the fate of the Somali government, including national unity, solidarity, independence, and political integrity, should never be politicized,” he concluded.
Khamiis -25-Apr-2024 {HMC} Korontadu waxay muhiim u tahay nolosha casiga ah ee bulsho walba, waxayna kamid tahay waxyaabaha ugu muhiimsan ee aadanuhu haysto, cilmiga sayniskuna suurto geliyay.
Badi nolosha caalamka maanta waa mid ku tiirsan korantada iyadoo siyaabo kala duwan lagu dhaliyo quwadda korantada oo suuro-gelinaysa haddeer qormadanba in aan sameeyo.
Waxay ka dhigantahay dhammaan shay-yada aan haddeer isticmaalo sida taleefanada iyo kombuutaradaba waa kuwo ku tiirsanayaal u ah korantada.
Badhkood ku tiirsanaantaas waa mudaysan tahay oo waxay haystaan intay tamar qaataan in ay saacado ku hayaan haddana u baahdaan tamar kale, wabaa sida aad adiguba cuntada ugu baahato oo iyagu ma shaqayn karaan korantadaas la’aanteed.
Dalka Soomaaliya oo helitaanka korantadu qaali ku tahay ayay Hay’adda Istaatistikada Soomaaliya ku sheegtay in guud ahaan dadka ku nool Soomaaliya 69.1% ay boqolkiiba ay dadku heli karaan koronto.
Tan iyo burburkii dowladii dhexe ee Soomaaliya dalku ma yeelan shirkad koronto oo dowladda dhexe maamusho, shirkadaha korantada ee dalka ka jirana waa kuwo gaar loo leeyahay.
Laakiin warbixin uu daabacay Baanka Adduunku 2021 ayaa lagu sheegay dadka Soomaaliya ku nool oo gaadhaya 15 Milyan oo qof in aysan 9 Milyan oo ka mid ah helin koronto taas oo Soomaaliya ka dhigaysa mid ka mid ah meelaha ugu sarreeya koronto la’aani ka jirto caalamka.
Isticmaalka korontada ugu badan ee Soomaaliya waa nooca laga sameeyo matoorada ku shaqeeya naafatada qiimaha halkii Kilowatt ee koranto ah gudaha Soomaaliya ayaan ka mid ah kuwa ugu qaalisan qaaradda Afrika sida uu sheegay World Bank – marka la Barbar dhigo Soomaaliya wadamada deriska ah ee Itoobiya iyo Kenya Soomaaliya ayaa saddex ayaa noqonaysaa sida warbixinta lagu sheegay 50-125 Cents/kWh halka Kenya ay tahay 0.5 Cents /kWh Itoobiyana ay tahay 0.6 Cents.
Guriga ay todobada qof ku nooshahay magaalada Jigjiga korantada waxay bishii bixiyaan lacag dhan 300 oo lacagta Birta Ethiopia ah oo u dhiganta. $5.28.
Mid kamid ah dadka Hargeysa korantada ka shaqeeya, waliba uruuriya lacagaha oo aan la hadalnay waxuu noo sheegay qiimaha dhexdhexaadka ah qoysku bishii korantada ku bixiyaan magaalada Hargeysa in ay tahay $40.
Qoyska magaalada Muqdisho ku nool ayaa iyagana bishii ku bixiya lacag u dhexeysa 50-30 dollar bishii.
Baanka Adduunka ayaa lacag dhan150 Milyan oo doolarka maraykanka ah u qoondeeyay mashruuca dib-u-soo noolaynta korantada Soomaaliya kaas oo lagu taageeraayo dowladda Soomaaliya , ayadoo mashruucaas uu soo dhammaan doono sannadka 2026.
Mashruucan ayaana ujeedkiisa World Bank uu ku qeexay in looga gol leeyahay tayaynta adeegga caafimaadka, iyo sare u qaadida waxbarashada iyadoo 205 xarumo caafimaad oo Soomaaliya ku yaala la siinaayo koronto joogto ah, sidoo kalena 380 iskuul ay ku heli doonaan adeeg koronto oo dhammaystiran
Soomaaliya waxaa ka dhaca dhibaatooyin ay sababto korantadu kuwaas oo inta badan keena kicitaanka dabab dhaliya khasaare nafeed iyo mid maaliyadeedba, waxaa sidoo kale jira dadyow badan oo ku dhinta korantada guryahooda ku jirta.
Sanadkii tagay bishii March madaxweynaha Soomaaliya ayaa saxiixay Hindise Sharciyeedka Korantada Soomaaliya kaas oo ay soo meel mariyeen golaha baarlamaanka labada aqal waa midka ka sare iyo kan hoosee.
Sharciga ayaana dhigaya dhismaha Hay’adda Qaran ee Korantada Soomaaliya. Waxuuna dhiirigelinayaa sidoo kale sharcigani maalgashiga shisheeye ee korantada Soomaaliya.
Sidoo kale wuxuu sharciga uu saxiixay madaxweynaha Soomaaliya dhigayaa tayaynta iyo dhowrida deegaanka inta la isticmaalaayo korantada, sidoo kale waxuu xeerkaas cusub dhigayaa in sharcigaan la ansixiyay uu horseedo nidaam koronto iyo isgaadhsiin oo dadka magaalooyinka iyo miyigaba deggan ah.
“Talabaadaan keliya nal kuma shidayno, ee waxaan ku hubsan doonaa in aan haysanno adeeg koronto oo waaraya, qiimo jaban faa’iidana u leh bay’adeenna” ayuu yidhi Madaxweynaha Soomaaliya maalinkaas uu ansixiyay sharcigaan cusub.
Khamiis -25-Apr-2024 {HMC} BUENOS AIRES — Argentina ayaa weydiisatay booliska caalamiga ah ee Interpol inay soo xiraan wasiirka arrimaha gudaha Iran sababo la xiriira qarax 1994-kii lala beegsaday xarun ay bulshada Yahuudda ku leeyihiin Buenos Aires, kaasi oo lagu dilay 85 qof, waxaa sidaas Talaadadii sheegtay wasaaradda arrimaha dibedda.
Wasaaradda Arrimaha Dibedda ayaa sheegtay in wasiir Ahmad Vahidi uu ka mid yahay wafdi ka socda Tehran oo booqanaya Pakistan iyo Sri Lanka, islamarkaana booliska Interpol uu soo saaray wargelinta cas ee lagu dalbanayo xarigiisa kadib codsiga Argentina.
Argentina ayaa sidoo kale labadaas dowladood weydiisatay inay soo xiraan Vahidi, ayaa lagu yiri bayaanka.
Hase yeeshee wakaaladda wararka rasmiga ah ee Iran ee IRNA ayaa ku warrantay in Vahidi uu Talaadadii kusoo laabtay Iran, halkaasi oo uu kaga qeyb-galay munaasabad lagu dhaariyey barasaab cusub.
Sarkaal ka tirsan wasaaradda arrimaha dibedda Sri Lanka ayaa AFP u sheegay in Vahidi uusan ku jirin liiska wafdiga Iran ee dalkaas yimid Arbacada maanta ah.
12-kii April, maxkamad ku taalla Argentina ayaa Iran ku eedeysay weerarkii 1994-kii ka dhanka ahaa xarunta bulshada Yahuudda ee AMIA ee bartamaha Buenos Aires, iyo qarax laba sano kahor ka dhacay safaaradda Israel, kaasi oo lagu dilay 29 qof.
Weerarkii 1994-kii ayaan weli cidna aysan sheegan ama la xalin, hase yeeshee Argentina iyo Israel ayaa muddo tuhunsanaa inay kooxda Xizbullah ku fulisay codsiga Iran.
Dacwad-oogayaasha ayaa saraakiil sare oo reer Iran ah ku eedeeyey inay amreen weerarka, inkasta oo Tehran ay beenisay inay ku lug laheyd.
Maxkamadda ayaa sidoo kale la xiriirisay Xizbullah, waxayna ugu yeertay weerarka AMIA — kii ugu dhimashada badnaa taariikhda Argentina — “iyo dambi ka dhan ah bani’aadannimada.”
Bayaanka Talaadadii kasoo baxay wasaaradda arrimaha dibedda ayaa lagu yiri “Argentina waxay dalbaneysaa xariga caalamiga ah ee kuwii mas’uulka ka ahaa weerarkii AMIA ee 1994-kii kaasi oo lagu dilay 85 qof, iyo kuwa weli xilalka haya ee leh xasaanadda buuxda.”
“Mid ka mid ah waa Ahmad Vahidi, oo garsoorka Argentina ay u doonayaan inuu yahay mid ka mid ah kuwii mas’uulka ka ahaa weerarkii ka dhanka ahaa AMIA,” ayaa lagu yiri bayaanka oo sidoo kale ay wax ka saxiixday wasaarada amniga.
Argentina ayaa horey u sheegtay in Vahidi, oo ka tirsanaan jiray ciidamada Ilaalada Kacaanka Iran, uu yahay mid ka mid ah maskaxdii ka dambeysay qaraxii AMIA, waxayna dalbatay in loo soo masaafuriyo.
Khamiis -25-Apr-2024 {HMC} Taliyaha ciidanka dhulka Soomaaliya Dayax Cabdi Cabdulle ayaa ciidamo ka tirsan Gor-Gor kula hadlay Dagmada Buule-Burde ee Gobolka Hiiraan.
Khamiis -25-Apr-2024 {HMC} Cutubka ka tirsan ciidamada Dalka Talyaaniga ee ku sugan Magaalada Muqdisho ayaa oo tababar ku saabsan cilmiga Beeraha iyo wax soo saarka dalka u qabtay.
Arbaco-24-Apr-2024 {HMC} – Hay’adda Qaxootiga iyo Barakacayaasha Qaranka Soomaaliyeed ayaa digniin ka soo saartay saameynta iyo dhibaatooyinka ka dhallan kara Roobab aad u xooggan oo la filayo in 8-da maalmood ee soo socota ay ka da’aan magaalooyinka Beledweyne, Bu’aale, Garbahaarey iyo Baydhaba.
Si gaar ah waxay hay’addu digniin ugu direysaa dadka barakacayaasha ah ee ku nool degmooyinka iyo daagano ku xusan warqadaan, kuwaas oo lagu wargeliyey in ay ka feejignaadaan waxyeelada roobabka.
Dadkaan waxaa lagu sheegay digniinta in ay yihiin dadka ugu nugul, uguna saameynta xooggan biya-baxooyinka iyo fatahaadaha ka dhaca dalka.
1. Magaalada Beledweyne.
Sideeda maalin oo soocota roobab xoogan ayaa la filayaa in ay ka da’aan Beledwayne iyo deegaanada ku xeeran. “Waxa aad u sareeya suugaralnimada biyo baxyo kadhaca magaalada, gaar ahaan hareeraha Wabiga.
Hey’adda ayaa sheegtay in la qiyaasayo biyaha roobabkan aad u xooggan in ay sare u kacaan biyaha wabiga, taas oo ay ka dhalan karto fatahaado sababi kara barakac Bulsho iyo dhibaatooyin kale oo xoggan, “sidaas awgeed in dadka degan Magaalada Beledweyne waa inay muujiyaan taxadar aad u xooggan,” ayaa lagu yiri qoraalka.
2. Magaalada Bu’aale
Sideeda maalmood ee soocota roobab xoogan ayaa la filayaa in ay ka da’aan magaalada Bu’aale iyo deegaanada ku xeeran, “Waxa aad u sareeya suugaralnimada in ay biyo baxyo kadhacado, sidaas awgeed waa in dadyowga deegaanadaas ay aad u taxadaraan,” ayaa lagu yiri qoraalka.
3. Magaalada Garbahharey
Si lamid ah magaalooyinka kale, waxaa la saadaalinayaa in 8-da maalmood ee soocota ay roobab xoogan ka da’aan Garbaharey iyo deegaanada ku xeeran, waxaana digniin loo diray dadka deegaanadaas oo laga dalbaday inay taxadaraan.
4. Magaalada Baydhaba.
8-da maalmood ee soocota roobab xoogan ayaa la filayaa in ay ka da’aan Baydhabo iyo deegaanada ku xeeran. “Waxa aad u sareeya suugaralnimada biyo baxyo ka dhacdo sidaas awgeed waa in Dadyowga deegaanadan ay aad u taxadaraan,” ayaa lagu yiri qoraalka hey’adda qaxootiga iyo barakacayaasha.

Warka waxaa soo jeedinayo :: Abdirahman Muse Osman
Farsamadii :: Abdiqani Osoble
Arbaco-24-Apr-2024 {HMC} Markii la i doortay 15-kii May 2022, Dowladda Federaalka Soomaaliyeed ee aan hoggaamiyo waxay ugu horreyntiiba mudnaan gaar ah siisay xiriirka wada-shaqeyn ee kala dhaxeeya dowlad goboleedyada iyadoo saldhig uga dhigaysa mabaadi’da dastuureed ee hagaysa hannaanka wadashaqeynta Dowladda Federaalka iyo dowlad goboleedyada si loo dardargeliyo fulinta ajendayaasha qaran oo ay ugu horreeyaan adkaynta amniga dalka, dhammaystirka Dastuurka Dalka oo dabranaa muddo ka badan 10 sanadood, xoojinta federaalaynta dalka iyo horumarinta dhaqaalaha.
Nasiib wanaag, muddadii koobneyd ee aan talada Dalka hayey, Dowladda Federaalku waxay ka mirodhalisay xaqiijinta inta badan ajandeyaashii mudo inagu madlanaa inaga oo guulo ka gaarnay la-dagaalanka khawaarijta oo aan deegaano baaxad weyn ka saarnay, qaadista cunaqabateyntii hubka ee ina saarnayd in ka badan muddo 30 sano ah iyo cafinta deyntii naga hortaagneyd maalgashiga caalamiga ah.
Dowladda Federaalka waxa ay horumar ka sameysay dibu-eegista lagu dhammaystirayo Dastuurka J.F.S iyada oo sameysay wadatashiga saamileyda siyaasadeed iyo si gaar ah talo aruurin dadweyne si toos ah iyo si danabeysanba (Online), welina waxa ay dowladu dhiirigelinaysaa wada-xaajoodka iyo wada-tashiga lagu dhameystirayo dastuurka dalka si shacabka Soomaaliyeed u gaaraan himillooyinka ay hiigsanayaan ee ah helidda dowlad hagaagsan oo dimoqraadi ah kana shaqeysa baraaraha muwaadinka Soomaaliga ah.
Waxaan si gaar ah hoosta uga xariiqayaa in Dawladda Federaalku dadaal farabadan ku bixisay hagaajinta xiriirka wadashaqeyn ee kala dhaxeeya dhammaan Dowlad Goboleedyada si gaar ahna Dowladda Puntland si uu noqdo xiriir sharci ah oo ku salaysan danta dadka iyo dalka, welina waxaa ka go’an Dawladda Federaalku in ay sii wado dadaal kasta oo ay ku hagaajineyso Xiriirka Dawladda Puntaland si dadka Soomaaliyeed u hantaan dawlad Soomaaliyeed oo xaqiijin karta himilooyinkooda Dawladnimo.
Hadaba, Dowladda Federaalka waxaa ka go’an sidii horeba in aysan marnaba siyaasadeynin waajibka ka saaran wadashaqeynta labada heer dowladeed ee federaalka si gaar ah arrimaha ku saabsan dhaqaalaha, horumarinta iyo la tacaalidda arrimaha bini’aadannimada iyadoo oo adkeynaysa waajibka iyo xuquuqaha dastuuriga oo ay leeyihiin Dowlad goboleedyadu.
Ugu dambeyn, anigoo gudanaya xilkeyga dastuuriga ee ah ilaalinta midnimada iyo wadajirka dalka waxaan xusuusinayaa sida uu qabo Dastuurka Dalka in dowlad goboleedyadu aysan marnaba siyaasadeynin arrimaha masiiriga ah ee dowladnimada Soomaaliyeed sida:
midnimada iyo wadajir Dalka, madax-bannaanida iyo gobnimada siyaasadeed ee Dalka, amniga Dalka, iyo bedqabka muwaadinka.
Arbaco-24-April-2024 {HMC} Shacabka Muqdisho oo soo dhoweeyay heshiiska difaaca iyo dhaqaalaha ee Soomaaliya iyo Turkiga.