Arbaco-24-April-2024 {HMC} Wasiirka Beene-Beene”Waxaan soo dhaweynayaa ganacsatada daneenaya maalgashiga Soomaaliya
HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA
Arbaco-24-April-2024 {HMC} Wasiirka Beene-Beene”Waxaan soo dhaweynayaa ganacsatada daneenaya maalgashiga Soomaaliya
Arbaco-24-Apr-2024 {HMC} Qaramada Midoobay ayaa shalay ka digtay in la filayo in roobab xooggan ay ka da’aan Soomaaliya xilli roobaadkan gu’ga.
Afhayeenka Qaramada Midoobay Stephane Dujarric ayaa shalay sheegay in roobab biyo badan dhigay ay ka da’een gobollo kala duwan oo Soomaaliya ah, kuwo kalena la filayo April ilaa June.
Waxa uu sheegay in ilaa 50 doonyood loo diyaariyey meelaha laga baqayo inay ka dhacaan fatahaadaha oo illaa toban goobood ah oo ku teedsan webiyada Shabelle iyo Jubba.
Waxa uu intaas ku daray in roobabka laxaadka leh iyo daadadku ay saamayn karaan ilaa 770 kun oo qof.
Dujarric ayaa sheegay in roobabka laga cabsi qabo inay sii adlkeeyaan xaaladda shuban biyoodka iyo daacuunka lagu arkay meelo ka midah Soomaaliya, waxaana ilaa haatan la diiwaangeliyey ugu yaraan 7,200 kiis, iyo 75 dhimasho ah sannadkan.
Qaramada Midiobay waxay sheegtay in dhaqaalihii ay codsatay sannadkan oo ahayd 1 bilyan iyo 600 kun oo dollar la helay ilaa boqolkiiba toban.
Haddaba wararkan ayaa Caasha Ibraahim Aadan ay ka waraystay Cabdullahi Cilmi Maxamed oo ah khabiir ka faallooda arrimaha biyaha iyo degaanka.
Arbaco-24-April-2024 {HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Warka Duhurnimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn
Warka waxaa soo jeedinayo:Yaasiin Ali Ahmed Iyo Shugri Baryare
farsamadii Abdiqani osoble
Arbaco-24-April-2024 {HMC} Wararka ugu waa weyn Soomaaliya iyo Caalamka 24 04 2024
Arbaco-24-April-2024 {HMC} G/ Madaale” Kuwo Cudurka Aids qabay oo dad u shaqeenayay ayaan aragnay dadka maba ka warqabaan”
Arbaco-24-April-2024 {HMC} Somaliland oo ka jawaabtay carada ay Jabuuti ka qaaday heshiiska badda ee Itoobiya.
Arbaco-24-April-2024 {HMC} Safiirka Kenya Jibriil”Shirka maanta furmay wuxuu tusaale u yahay xaaladda cusub ee dalku galay
Arbaco-24-Apr-2024 {HMC} Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xamza Cabdi Barre ayaa maanta Muqdisho ka furay shirka maal-gashiga Soomaaliya.
Shirkan ayaa lagu soo bandhigayaa sidii looga faa’iideysan lahaa fursadaha maalgashi ee ka jira Soomaaliya, oo ay ka mid yihiin deyntii oo laga cafiyey Soomaaliya iyo ku biirista suuqa Bulshada Barifa Afrika {EAC}.
Ra’iisul Wasaare Xamza, oo hadal ka jeediyey munaasabadda, ayaa sheegay in Soomaaliya ay tahay waddan “qani ah oo leh kheyraad kala duwan, sidaas awgeedna ay xukuumadda dadaal ugu jirto soo jiidashada iyo dhiirigelinta maalgashiyo caalami ah oo dalka u horseeda isku filnaansho dhaqaale iyo shaqo abuur.”
Waxa uu ku dhiirigeliyey maalgashiyada gudaha iyo dibedda in ay ka faa’iideystaan fursadaha badan ee ka bannaan maalgashiga dalka.
Ra’iisul Wasaaraha ayaa xusay in fursadaha jira ay sii dhiirigelinayaan amniga oo soo hagaagaya iyo shuruucdii maalgashiga hagaysay oo la dhammeystiray, tallaabooyinkaas oo damaanad siinaya maalgashadeyaasha caalamiga ah, sida uu hadalka u dhugay.
Shirka oo ay soo qaban-qaabisay Wasaaradda Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha, ayaa waxaa ka soo qeyb galay ganacsato ka socotay dalalka Bariga Afrika, iyada oo lagu soo bandhigay fursadaha waaweyn ee dhinaca maalgashiga ah ee ka jira Soomaaliya.
Arbaco-24-April-2024 {HMC} Ciidanka Booliska oo loo bilaabay wacyigelin joogta ah oo la xiriirta Cibaadada iyo Adeega Bulshada.
Arbaco-24-Apr-2024 {HMC} Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa xariga ka jaray xarunta Howlgalka Deg-dega ah ee Caafimaadka Dadweynaha Gobolka Banaadir.
Xaruntaan oo laga hirgeliyay Degmada Xamarweyne ee Magaalada Muqdisho ayaa noqon doonta mid la socota dhaq-dhaqaaqyada xaaladaha Caafimaadka ee Gobolka ka jira iyo uruurinta xogaha, sida uu sheegay Agaasimaha Caafimaadka Maamulka Gobolka Banaadir iyo Dowladda Hoose ee Xamar Dr. Cabdiraxmaan Axmed Maxamed.
Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa sheegay in xaruntaan Howlgalka Deg-dega ee Caafimaadka dadweynaha ay qeyb weyn ka qaadan doonto daboolida adeegyo Caafimaad oo ay baahi u qabaan Bulshada Gobolka Banaadir.
Sidoo kale waxa uu sheegay in Maamulka Gobolka Banaadir ay ka go’an tahay horumarinta adeegyada Caafimaadka. Asigoona faray Agaasinka Caafimaadka Dowladda Hoose ee Xamar in xooga la saaro Arrimaha Faya-dhowrka si loo ilaaliyo bad-qabka Bulshada.
