Home Blog Page 2523

{DAAWO SAWIRADA} Wasiirka Amniga oo Shir Gudoomiyay Shirka Hormarinta Mashruca Boliiska

Arbaco-24-Apr-2024 {HMC} Waiirka Wasaaradda Amniga Gudaha ee JFS S/Guuto C/laahi Sheikh ismaaciil {Fartaag} ayaa Gudoomiyey shirka wajiga Labaad ee mashruuca JPP ee Horumarinta Boliiska Soomaaliyeed, kaasi oo looga arrinsanayo sidii loo Horumarin lahaa Boliiska,
Shirkan waxaa Goobjog ahaa Taliyaha Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed S/Guuto. Sulub Axmed Firin, Wasiirada Amniga Dowlada Goboleedyada Xubinta ka ah Dowlada FDS iyo deeqbixiyaasha.

Ujeedka Shirkan ayaa ahaa sidii sare loogu qaadi lahaa tayada iyo aqoonta Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed, si ay ula falgalaan Bulshada Soomaaliyeed.
Wasiir Fartaag oo shirka hadal ka jeediyey ayaa uga mahadceliyaya saaxiibada Caalamka ee Marwalba garab istaaga Boliiska Soomaaliya.

Dhanka kale Taliyaha Ciidanka Boliiska Soomaaliya S/Guuto Sulub axmed Firin ayaa ka hadlay habka loo marayo mashruuca Hormarinta Boliiska Soomaaliya, kana mahaceliyay shqeynta wanaagsan ee saaxiibada caalanka ee garab istaagay Boliiska Soomaaliya.

DFS oo soo saartay Digniino ka dhalan kara Roobab ka da’aya gobolada

Arbaco-24-Apr-2024 {HMC} Wasaaradda Deegaanka XFS ayaa soo saartay warbixin ku aaddan saadaasha hawada iyo digniino ku saabsan Isbeddelka Cimilada, iyadoo saadaalisay in 27-ka bishan uu roobku wada gaari doono inta badan gobollada dalka, kuwaas oo soo billowday 20-kii bishan April.

Warbixinta wasaaradda ayaa sheegtay in Webiga Shabeelle uu khatar ugu jiro in uu fataho gaar ahaan magaalada Jowhar oo ay ka harsan tahay kaliya 23 cm ee billowga fatahada Wabiga Shabeelle.

Waxa kale oo suurta-gal ah ayaa la lagu yiri warbixintan in ay ka dhashaan roobka daadad degmooyinka dhaca goballada Bay, Sanaag, Waqooyi Galbeed, Togdheer, Banaadir, Hiiraan iyo Gedo, kuwaas oo hakad gelin kara dhammaan isku socodka gadiidka iyo kaabayaasha nolasha guud ahaan iyadoo xaddiga roobkuna uu u dhaxeyn doono 50% ilaa 60%.

Wasaaradda Deegaanka Xukuumadda Soomaaliya ayaa sidoo kale sheegtay in xaddiga kuleylkauu isna sii ahaan doono mid u dhaxeeya 32°-39° guud ahaan Soomaaliya.

Warbixinta ayaa lagu xusay in waaxda Saadaasha Hawada ee Wasaarada Deegaanka iyo Isbeddelka Cimilada XFS ay ku boorineyso dhamaan bulshada Soomaliyeed in ay muujiyaan taxaddar iyo feejignaan dheeri ah.

ciidanka Dowlada oo Guula Ka Sheegatay Dagaal AS Kusoo Qaadeen deegaanka Xawaadley

Arbaco-24-Apr-2024 {HMC} Dagaalamayaal katirsan kooxda Al Shabaab ayaa xalay weerar culus ku qaaday deegaanka Xawaadley ee gobolka Shabeelaha Dhaxe, waxaana halkaasi ka dhacay dagaal culus oo khasaaro badan dhaliyay.

Sida aan wararka ku helnay Al Shabaab ayaa weerarka ay qaadeen u adeegsaday qaraxyo iyo weerar toos ah, waxa ayna beegsadeen saldhigyo la sheegay in ciidanka dowladda iyo kuwa deegaanka ku leeyihiin deegaankaasi.

Saraakiil katirsan ciidanka xoogga dalka ayaa sheegay in weerarka Al Shabaab ku qaadeen deegaanka Xawaadley la fashiliyay, waxa ayna xuseen in hayeen xogta weerarka ayna uga hortageen goobo ka baxsan saldhigyadii ay qorsheeyeen in ay weeraraan.

Waxa ay sheegeen saraakiisha ciidanka in Al Shabaab weerarka kaga dileen xubno badan kuwa kalana kaga dhaawaceen, waxa ay sidoo kale xuseen in ay jiraan xubno dagaalka looga qabtay Al Shabaab iyo hub badan oo laga furtay.

Dadka deegaanka ayaa ku waramaya in meydadka xubno katirsan Al Shabaab lagu arkayo goobihii lagu dagaallamay, waxaa sidoo kale la sheegay in Al Shababa horey usii qaateen askar dhaawac ah iyo kuwa laga dilay meydadkooda.

Al Shabaab ayaa sidoo kale la sheegay in laga fashiliyay qorshe ay doonayeen in ay ku qarxiyaan buundada deegaanka Xawaadley marta, waxaana dagaal muddo kooban socday kaddib Al Shabaab u firxadeen halkii ay ka yimaadeen.

Ciidanka xoogga dalka oyo kuwa dadka deegaanka ayaa saakay wada howlgalo ay ku baadigoobayaan kooxdii weerarka soo qaaday, waxa ay sidoo kale ciidanka raadinayaan xubno ay ka carareen Al Shabaab iyo hub.

AS oo Duqeymo loogu bur buriyay garaash aay ku diyaarinayeen qaraxyo

Arbaco-24-Apr-2024 {HMC} Diyaaradaha dagaalka ee caawiya ciidanka xoogga dalka Soomaaliya ayaa xalay fuliyay duqeymo culus oo lagu bartilmaameedsaday baabuur Al Shabaab lahaayeen iyo goobo kale ayaa ka dhacay deegaanno katirsan Hirshabelle iyo Galmudug.

Duqeyn culus ayaa lagu garaacay koontarool Al Shabaab ku baaraan gaadiidka iyo dadka, kaa oo u yaallay duleedka degmada Ruunirgood ee gobolka Shabeelaha Dhaxe, waxaana duqeyntaasi la sheegay in lagu dilay toban xubnood oo katirsanaa Al Shabaab.

Saraakiisha ciidanka dowladda ayaa sidoo kale sheegay in duqeyntaasi lagu bur buriyay gaadiid ay lahaayeen kooxda Al Shabaab , sidoo kale ka firxadeen goobtii ay shacabka ku dhibaateenayeen ee la duqeeyay.

Duqeyn kale oo diyaaradeed ayaa ka dhacday deegaanka Carfuudo oo hoostaga tuulada Wadaariq ee gobolka Mudug, waxaana halkaasi lagu beegsaday xubno katirsan jabhadaha Al Shabaab , waxaana lagu bur buriyay afar goob ay ku sugnaayeen jabhadaha Al Shabaab

Waxaa sidoo kale duqeynta ka dhacday gobolka Mudug lagu bur buriyay garaash Al Shabaab lahaayeen oo ay ku jireen gaadiid dagaal iyo sidoo kale gaadiid kale oo la sheegay in qaraxyo lagu diyaarinayay.

Taliska ciidanka xoogga ayaana sheegay in Al Shabaab khasaarooyin lagu gaarsiiyay duqeymihii ugu dambeeyay ee lala beegsaday, waxa ayna xuseen in gaadiid dagaal iyo kuwa kale oo qaraxyo waday dhulka lala simay, ayna sii socon doonaan duqeymaha.

{DAAWO MUUQAALKA} Guri ay ku shirayen Madax ka tirsan AS oo duqeyn lagu burburiyay iyo weerar xoogan oo la fashiliyay.

0

Arbaco-24-April-2024 {HMC} Guri ay ku shirayen Madax ka tirsan AS oo duqeyn lagu burburiyay iyo weerar xoogan oo la fashiliyay.

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

{DAAWO MUUQAALKA} Somaliland oo ka jawaabtay carada ay Jabuuti ka qaaday heshiiska badda ee Itoobiya

0

Arbaco-24-April-2024 {HMC}  Somaliland oo ka jawaabtay carada ay Jabuuti ka qaaday heshiiska badda ee Itoobiya

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

{DAAWO MUUQAALKA} Kulan wacyigelin ah oo loo sameeyey Ciidanka Booliska Somaliyeed

0

Arbaco-24-April-2024 {HMC} Kulan wacyigelin ah oo loo sameeyey Ciidanka Booliska Somaliyeed

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

{DAAWO MUUQAALKA} Dagaal ka dhacay duleedka Xawaadley ayaa lagu jebiyey AS L Xidigle Cali Cabdullahi ayaa faahfaahin

0

Arbaco-24-April-2024 {HMC} Dagaal ka dhacay duleedka Xawaadley ayaa lagu jebiyey AS L Xidigle Cali Cabdullahi ayaa faahfaahin

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

{DAAWO MUUQAALKA} Muwaadin Soomaaliyeed oo guul ka keenay halgan sharciyeed kadib cunsuriyad lagu sameeyay.

0

Arbaco-24-April-2024 {HMC}  Muwaadin Soomaaliyeed oo guul ka keenay halgan sharciyeed kadib cunsuriyad lagu sameeyay.

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

 

{DAAWO MUUQAALKA} Wacyi galin loo sameeyay Ciidanka xooga dalka ee ku wajahan Furimaha hore ee Dagaalka.

0

Arbaco-24-April-2024 {HMC} Wacyi galin loo sameeyay Ciidanka xooga dalka ee ku wajahan Furimaha hore ee Dagaalka.

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA