Home Blog Page 2524

ciidanka Dowlada oo Guula Ka Sheegatay Dagaal AS Kusoo Qaadeen deegaanka Xawaadley

Arbaco-24-Apr-2024 {HMC} Dagaalamayaal katirsan kooxda Al Shabaab ayaa xalay weerar culus ku qaaday deegaanka Xawaadley ee gobolka Shabeelaha Dhaxe, waxaana halkaasi ka dhacay dagaal culus oo khasaaro badan dhaliyay.

Sida aan wararka ku helnay Al Shabaab ayaa weerarka ay qaadeen u adeegsaday qaraxyo iyo weerar toos ah, waxa ayna beegsadeen saldhigyo la sheegay in ciidanka dowladda iyo kuwa deegaanka ku leeyihiin deegaankaasi.

Saraakiil katirsan ciidanka xoogga dalka ayaa sheegay in weerarka Al Shabaab ku qaadeen deegaanka Xawaadley la fashiliyay, waxa ayna xuseen in hayeen xogta weerarka ayna uga hortageen goobo ka baxsan saldhigyadii ay qorsheeyeen in ay weeraraan.

Waxa ay sheegeen saraakiisha ciidanka in Al Shabaab weerarka kaga dileen xubno badan kuwa kalana kaga dhaawaceen, waxa ay sidoo kale xuseen in ay jiraan xubno dagaalka looga qabtay Al Shabaab iyo hub badan oo laga furtay.

Dadka deegaanka ayaa ku waramaya in meydadka xubno katirsan Al Shabaab lagu arkayo goobihii lagu dagaallamay, waxaa sidoo kale la sheegay in Al Shababa horey usii qaateen askar dhaawac ah iyo kuwa laga dilay meydadkooda.

Al Shabaab ayaa sidoo kale la sheegay in laga fashiliyay qorshe ay doonayeen in ay ku qarxiyaan buundada deegaanka Xawaadley marta, waxaana dagaal muddo kooban socday kaddib Al Shabaab u firxadeen halkii ay ka yimaadeen.

Ciidanka xoogga dalka oyo kuwa dadka deegaanka ayaa saakay wada howlgalo ay ku baadigoobayaan kooxdii weerarka soo qaaday, waxa ay sidoo kale ciidanka raadinayaan xubno ay ka carareen Al Shabaab iyo hub.

AS oo Duqeymo loogu bur buriyay garaash aay ku diyaarinayeen qaraxyo

Arbaco-24-Apr-2024 {HMC} Diyaaradaha dagaalka ee caawiya ciidanka xoogga dalka Soomaaliya ayaa xalay fuliyay duqeymo culus oo lagu bartilmaameedsaday baabuur Al Shabaab lahaayeen iyo goobo kale ayaa ka dhacay deegaanno katirsan Hirshabelle iyo Galmudug.

Duqeyn culus ayaa lagu garaacay koontarool Al Shabaab ku baaraan gaadiidka iyo dadka, kaa oo u yaallay duleedka degmada Ruunirgood ee gobolka Shabeelaha Dhaxe, waxaana duqeyntaasi la sheegay in lagu dilay toban xubnood oo katirsanaa Al Shabaab.

Saraakiisha ciidanka dowladda ayaa sidoo kale sheegay in duqeyntaasi lagu bur buriyay gaadiid ay lahaayeen kooxda Al Shabaab , sidoo kale ka firxadeen goobtii ay shacabka ku dhibaateenayeen ee la duqeeyay.

Duqeyn kale oo diyaaradeed ayaa ka dhacday deegaanka Carfuudo oo hoostaga tuulada Wadaariq ee gobolka Mudug, waxaana halkaasi lagu beegsaday xubno katirsan jabhadaha Al Shabaab , waxaana lagu bur buriyay afar goob ay ku sugnaayeen jabhadaha Al Shabaab

Waxaa sidoo kale duqeynta ka dhacday gobolka Mudug lagu bur buriyay garaash Al Shabaab lahaayeen oo ay ku jireen gaadiid dagaal iyo sidoo kale gaadiid kale oo la sheegay in qaraxyo lagu diyaarinayay.

Taliska ciidanka xoogga ayaana sheegay in Al Shabaab khasaarooyin lagu gaarsiiyay duqeymihii ugu dambeeyay ee lala beegsaday, waxa ayna xuseen in gaadiid dagaal iyo kuwa kale oo qaraxyo waday dhulka lala simay, ayna sii socon doonaan duqeymaha.

{DAAWO MUUQAALKA} Guri ay ku shirayen Madax ka tirsan AS oo duqeyn lagu burburiyay iyo weerar xoogan oo la fashiliyay.

0

Arbaco-24-April-2024 {HMC} Guri ay ku shirayen Madax ka tirsan AS oo duqeyn lagu burburiyay iyo weerar xoogan oo la fashiliyay.

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

{DAAWO MUUQAALKA} Somaliland oo ka jawaabtay carada ay Jabuuti ka qaaday heshiiska badda ee Itoobiya

0

Arbaco-24-April-2024 {HMC}  Somaliland oo ka jawaabtay carada ay Jabuuti ka qaaday heshiiska badda ee Itoobiya

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

{DAAWO MUUQAALKA} Kulan wacyigelin ah oo loo sameeyey Ciidanka Booliska Somaliyeed

0

Arbaco-24-April-2024 {HMC} Kulan wacyigelin ah oo loo sameeyey Ciidanka Booliska Somaliyeed

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

{DAAWO MUUQAALKA} Dagaal ka dhacay duleedka Xawaadley ayaa lagu jebiyey AS L Xidigle Cali Cabdullahi ayaa faahfaahin

0

Arbaco-24-April-2024 {HMC} Dagaal ka dhacay duleedka Xawaadley ayaa lagu jebiyey AS L Xidigle Cali Cabdullahi ayaa faahfaahin

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

{DAAWO MUUQAALKA} Muwaadin Soomaaliyeed oo guul ka keenay halgan sharciyeed kadib cunsuriyad lagu sameeyay.

0

Arbaco-24-April-2024 {HMC}  Muwaadin Soomaaliyeed oo guul ka keenay halgan sharciyeed kadib cunsuriyad lagu sameeyay.

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

 

{DAAWO MUUQAALKA} Wacyi galin loo sameeyay Ciidanka xooga dalka ee ku wajahan Furimaha hore ee Dagaalka.

0

Arbaco-24-April-2024 {HMC} Wacyi galin loo sameeyay Ciidanka xooga dalka ee ku wajahan Furimaha hore ee Dagaalka.

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

{DAAWO MUUQAALKA} Muxuu yahay Heshiiska Cusub Kenya La galeeyso Soomaaliya.?

0

Arbaco-24-April-2024 {HMC} Muxuu yahay Heshiiska Cusub Kenya La galeeyso Soomaaliya.?

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

{DHAGEYSO} Warka Subaxnimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn 24-04-2024

Arbaco-24-April-2024 {HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Warka Subaxnimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn

Warka waxaa soo jeedinayo:Yaasiin Ali Ahmed

farsamadii :Mohamed Baryare Haamud

HOOS KA DHAGEYSO WARKA SUBAXNIMO