Home Blog Page 2525

{DAAWO MUUQAALKA} Maxaan ka naqaanaa abwaanada reer Somaliland ee AS iska wada dhiibay mudo kooban?

0

Arbaco-24-April-2024 {HMC} Maxaan ka naqaanaa abwaanada reer Somaliland ee AS iska wada dhiibay mudo kooban?

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

{DAAWO MUUQAALKA} Jabuuti oo ka hadashay Qorshihii u qarsanaa Muuse Biixi Markii uu Xasan Shiik kula kulmaayay Dalkaas

0

Arbaco-24-April-2024 {HMC} Jabuuti oo ka hadashay Qorshihii u qarsanaa Muuse Biixi Markii uu Xasan Shiik kula kulmaayay Dalkaas

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

{DAAWO MUUQAALKA} Wasaarada Arimaha Gudaha Somaaliya oo Tababar ka Furtay Magaalada KIsmaayo

0

Arbaco-24-April-2024 {HMC} Wasaarada Arimaha Gudaha Somaaliya oo Tababar ka Furtay Magaalada KIsmaayo

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

{DAAWO MUUQAALKA} Odeyaasha Dhaqanka Soomaaliyeed oo War ka so Saaray Colaadaha ka socda meelo badan oo dalka ah.

0

Arbaco-24-April-2024 {HMC} Odeyaasha Dhaqanka Soomaaliyeed oo War ka so Saaray Colaadaha ka socda meelo badan oo dalka ah.

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

{DAAWO MUUQAALKA} Darawal Baladweyne Lagu dilay 11 Maalin ka hor oo Caawa la isku Afgartay in La Aaso Meydkiisa.

0

Arbaco-24-Apr-2024 {HMC} Darawal Baladweyne Lagu dilay 11 Maalin ka hor oo Caawa la isku Afgartay in La Aaso Meydkiisa.

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

kadib hadalkii kasoo baxay Jabuuti Somaliland oo si caro leh ugu jawaabtay Jabuuti

Arbaco-24-Apr-2024 {HMC}-Wasiirka arrimaha dibadda ee maamulka Somaliland Ciise Keyd Maxamuud ayaa ka jawaabay hadalkii wasiirka maaliyadda Jabuuti Ilyaas Muuse Dawaaleh oo cadeeyey in Jabuuti iyo madaxweynaheeda Ismaaciil Cumar Geelle ay si weyn uga caroodeen tallaabadii uu Muuse BIixi badda ku siiyey Itoobiya.

Wasiirka arrimaha dibedda Somaliland, Ciise Keyd Maxamuud oo ku sugan Maraykanka ayaa u waramay Idaacadda VOA, wuxuuna sheegay in wax dhibaato ah aysan u arkin hadalka wasiirka maaliyadda Jabuuti.

Sidoo kale Wasiir Keyd ayaa sheegay in Jabuuti aysan u geysan wax dhibaato ah, balse ay ka shaqeynayeen aayaha umadda reer Somaliland, markii ay gelayeen heshiiska Itoobiya, sida uu hadalkiisa u dhigay.

Waxaa la weydiiyey sababta ay uga baxeen heshiiskii ay garwadeenka ka aheyd Jabuuti ee dowladda federaalka Soomaaliya ay la galeen, wuxuuna ku dooday in halkaas wax heshiis ah aan lagu gaarin, taasina ay sababtay in Somaliland ay iska daneysato.

Sidoo kale wuxuu sheegay in heshiiska ay la galeen Itoobiya uusan dhabarjebin ku aheyn Jabuuti iyo arrimihii ay waday ee dhexdhexaadinta, balse uu ahaa mid ay muddo kasoo wada shaqeynayeen Somaliland iyo Itoobiya.

“Si fudud uma aanaan tegin Itoobiya, afar bilood ayaan ka shaqeynayey arrintaas, kulanka Jabuuti markii uu dhacayey anigu waxaan joogay Addis Ababa, taasi waxay keentay in madaxweynuhu uu Itoobiya tago si heshiiskaas uu u saxiixo, maadaama uu soo dhamaaday wadahadalkeenii anaga iyo Itoobiya,” ayuu yiri wasiirka arrimaha dibadda Somaliland.

Wasiirka ayaa meesha ka saaray in heshiiskaas uu ahaa falcelin ku saabsan heshiiskii ay garwadeenka ka aheyd Jabuuti, balse uu ahaa heshiis ay muddo afar bilood ah ka shaqeyneysay wasaaradda arrimaha dibadda Somaliland oo isagu uu hoggaamiyo.

Ugu dambeyntii wasiir Ciise Keyd ayaa sheegay in Jabuuti iyo Somaliland ay yihiin walaalo, isla markaana uu ka dhaxeeyo heshiis iyo walaalnimo soo jireen ah.

“Heshiiskii Somaliland iyo Itoobiya meel aad u wanaagsan ayuu marayaa, wax kastana waxay u socdaan sidii loo qorsheeyey,” ayuu yiri wasiirka arrimaha dibadda Somaliland Ciise Keyd Maxamuud.

KENYA iyo Soomaaliya oo kala saxiixday heshiis ganacsi oo muhiim ah.

Arbaco-24-Apr-2024 {HMC}-Xoghayaha beeraha iyo xanaanada xoolaha ee Kenya Mithika Linturi ayaa ku dhawaaqay in Kenya ay heshiis dhoofinta qaadka ah la galeyso Soomaaliya 8da bisha soo socota ee Maajo, si loo xaqiijiyo faa’iido dhaqaale, loona abuuro hanaan sharci oo ganacsiga qaadku ku shaqeeyo.

Mr Linturi wuxuu hoosta ka xariiqay in qaadku uu laf-dhabar u yahay dhaqaalaha degmada Meru, kaasoo waxtar u leh nolosha dad badan oo degmadaas ku nool.

Xoghayaha wuxuu u ballan qaaday dad uu la hadlayey in xukuumaddiisa ay diyaar u tahay in ay ilaaliso danahooda.

Sannadihii u dambeeyey waxaa ganacsiga qaadka ee Soomaaliya iyo Kenya u dhaxeeya hareeyey khilaaf soo noqnoqonayey, horena uma aysan jirin heshiisyo qaadka la xiriira oo ay labada dhinac wada galeen.

Muddo ku dhawaad laba todobaad laga joogo ayaa dib waxaa u billowday qaadkii tegi jiray Muqdisho, ka dib markii muddo hakad ku jiray.

Cabdiwaaxid Barre Macallin oo ka mid ah dadka ka shaqaysta qaadka ee ka soo qaada Beeralayda ilaa ay u dhoofiyaan Soomaaliya ayaa sheegay in ay khaati ka joogaan wax uu isagu ugu yeeray “magafayaasha qaadka” oo lacago dheeraad ah ka qaada ganacsatada qaadka u dhoofiya Soomaaliya.

“Waa arrin dhib ku ah dadka nolol maalmeedkooda, beeralayda ilaa kuwa ku xiran ee wax ka hela, lacagta maaha mid ah canshuurta oo Kenya u dhacda, iyo mid Soomaaliya u dhacda laakiin waxay u dhacdaa kudlad isku xiran oo ku sii xiriirsan dad awood leh,” ayuu yiri Barre.

Dowladda Soomaaliya ayaa qaadka Miiroowga ee Muqdisho tagaya sida maalin laha ah ku canshuurta lix dollar kiiladiiba.

Kenya waxay muddo raadinaysay suuq ay isku hallayn karto oo ay u dhoofiso qaadkeeda. Soomaaliya dhowr goor oo hore ayuu ganacsiga qaadku hakad galay sababo qaarkood siyaasado markaas taagnaa salka ku hayey, halka suuqii kale ee loo dhoofin jiray qaadka Kenya oo ah dalka Ingiriiska isna gabi ahaanba laga mamnuucay bishii Juun 2014. Soomaaliya weli kama aysan hadlin heshiiskaas.

{DAAWO MUQAALKA} Qoysaskii Ugu dambeyay oo Iskaga Barakacay Fatahada Webiga Shabelle uu ka Sameyay Deeganka Beey-Xaaw

Arbaco 23 Apr 2024 {HMC} Qoysaskii Ugu dambeyay oo Iskaga Barakacay Fatahada Webiga Shabelle uu ka Sameyay Deeganka Beey-Xaaw ee Duleedka Magaalada Jowhar ee Gobolka Shabellaha dhaxe.

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA 

Jabuuti oo si kulul uga hadashay go’aankii Muuse Biixi uu badda ku siiyey Itoobiya.

Arbaco-24-Apr-2024 {HMC}-Wasiirka Maaliyadda ee dalka Djibouti, Ilyaas Muuse Dawaleh oo ku sugan magaalada Washington ee dalka Mareykanka ayaa ka hadlay aragtida dowladda Djibouti ee heshiiskii is-afgarad ee dhexmaray Ethiopia iyo Somaliland, kaas oo Muuse Biixi uu ku saxiixay qeyb ka mid ah badda Soomaaliya.

Wasiirka ayaa sheegay in Jabuuti aysan dooneyn inay dhex gasho arrimaha gudaha ee Somaliland, balse ay beeninayaan warar been abuur ah oo ku saabsan arrintaas oo khuseeya Jabuuti.

Wuxuu sheegay in Jabuuti iyo Somaliland ay walaalo yihiin, balse mowqifka Jabuuti uu cadyahay, markii la joogo wixii dhacay, isagoo muujiyey in sharafta madaxweynaha Jabuuti uu meel uga dhacay Muuse Biixi.

“Mowqifka Madaxweyne Ismaaciil iyo Jabuuti waa cadyahay, sharaftu waa in arrinta miiska saaran runta laga sheego, waxaa la rabay in Muuse sheego hadii uusan dhab ka aheyn heshiiska Soomaaliya,” ayuu yiri Wasiir Dawaaleh.

Wasiirka ayaa sheegay in Somaliland ay xaq u leeyihiin aayahooda inay ka tashadaan, balse Jabuuti ay samadoon ama dhexdhexaadiye ka yihiin arrimaha Soomaaliya iyo Somaliland, maadaama ay dhiig wadaagaan.

“Wax noo qarsoon maleh mowqifkeenu waa cadyahay, Muuse Biixi waxaan ka weynay habeen kale nala hoyo, kadibna waxaan ka war helnay inuu galay heshiis kale oo aad idinkuba aragteen, waan la yaabnay, waana cadeynay mowqifkeena arrinta Itoobiya,” ayuu yiri wasiirka maaliyadda Jabuuti.

Sidoo kale wasiirka ayaa sheegay in Jabuuti aysan caqabad u arkin walaalahood Somaliland, “Heelka ay naga taagan tahay walaalnimada Somaliland, waxaan Midowga Yurub uga ololeynay in dhaqaale lagu siiyo sidii ay u dhisan laheyd kaabayaal dhaqaale, maadaama ay nabadooda dhisteen,” ayuu yiri Xasan Sheekh.

Wasiirka Maaliyadda Jabuuti ayaa shacabka Somaliland u sheegay inay u hayaan galgaceyl walaalnimo, balse tallaabadii Muuse Biixi ay ka xumaatay Jabuuti, “Canaantaas waa u taallaa Muuse Biixi, laakiin isaga ayey u taallaa sidii uu u laab xaaran lahaa walaalkiis Madaxweyne Ismaaciil,” ayuu yiri Wasiir Ilyaas Muuse.

RW Xamza kulan casho sharaf ah ku maamuusay Saraakiisha iyo Taliyeyaasha Ciidamada Turkiga.

Arbaco-24-Apr-2024 {HMC}-Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xamsa Cabdi Barre, ayaa kulan casho sharaf ah ku maamuusay Saraakiisha iyo Taliyeyaasha Ciidamada Turkiga ee saarnaa Markab dagaal oo ay leeyihiin Ciidamada Difaaca Turkiga.

Markabkaas ayaa soo gaaray magaalada Muqdisho, isagoo ku soo xirtay dekedda, waxaana dushiisa lagu qabtay munaasabadda lagu kala saxiixday dhaqan-gelinta heshiiska iskaashiga difaaca ee dowladaha Turkiga iyo Soomaaliya.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa tilmaamay in Markabka Difaaca Turkiga ee ku soo xirtay Muqdisho uu yahay dhacdo taariikhi ah oo xoojinaysa iskaashiga iyo walaalnimada Soomaaliya iyo Turkiga.

Kulanka cashada ayaa waxaa ku wehelinayey Ra’iisul Wasaaraha, xubno ka tirsan Golaha Wasiirrada, Xildhibaanno, saraakiil ciidan iyo Danjiraha Dowladda aan walaalaha nahay ee Turkiga u fadhiya Soomaaliya.

Ujeedku wuxuu ahaa in kulankaas shaqada ah lagu casuumo saraakiisha Turkiga ee Markabkaas saaraa, kuwaas oo ku yimid safar dhanka badda ah, maadaama ay la socdeen markab dagaal oo hordhac u ah qorshaha Turkigu uu ku soo degayo xeebaha Soomaaliya.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ay wehelinayaan Wasiirro ka tirsan Xukuumadda Federaalka Soomaaliya iyo Danjiraha dowladda Turkiga ayaa galabta kaga qeyb-galay dusha markabkaas dagaal oo ay leeyihiin Ciidamada Difaaca Turkiga munaasabad ku saabsan dhaqan-gelinta heshiiska iskaashiga difaaca Labada dal.

“Dowladda aan walaalaha nahay ee Turkiga oo heshiiskani inaga dhexeeyo waa dal iyo dad aan naqaanno, marar badan hiil inoo muujiyay. Waa waddan saaxiib iyo walaal ah oo aan ku aamini karno iskaashigan muhiimka u ah difaaca qarannimadeeenna iyo midnimadeenna dhuleed” ayuu yiri Xasan Sheekh.