Home Blog Page 2527

Maxaa ka jira in hoggaanka Xamaas oo laga saarayo dalka Qatar

Talaado-23-April-2024 {HMC} Qatar ayaa maanta sheegtay in hoggaanka siyaasadeed ee Xamas ay ku sii nagaan doonaan Doha inta joogitaankoodu uu faa’iido u leeyahay dadaallada dhex-dhexaadinta ee looga dan leeyahay in lagu soo afjaro dagaalka Gaza.

Hadalkan ayaa yimid kadib markii warbaahinta qaar ay ku warrameen in Xamas laga yaabo ama la weydiisan doono iany ka tagaan saldhigooda Qatar.

“Ilaa iyo inta joogitaankooda halkan Doha, sida aan had iyo jeer sheegno, uu waxtar u leeyahay dadaalkan dhex-dhexaadinta ah, way sii joogi doonaan halkan,” waxaa sidaas shir jaraa’id ku sheegay afhayeenka wasaaradda arrimaha dibadda Qatar Majed al-Ansari.

Waxa uu intaas ku daray in Qatar ay sii wado inay dib u qiimeyso doorkeeda dhex-dhexaadiye ah.

Qatar oo tan iyo 2012-kii martigelisay hoggaanka siyaasadeed ee Xamaas, ayada Maraykanka uu raali ka yahay, ayaa waxay toddobaadyo ku lug laheyd wadahadallo daaha gadaashiisa ah oo ku saabsan sidii xabad-joojin loogu soo dabaali lahaa Gaza iyo sii deynta la haystayaasha Israel, ayada oo ku beddelanaysa maxaabiis Falastiiniyiin ah oo lagu hayo xabsiyada Israel.

Hase yeeshee kadib markii dhex-dhexaadiyayaasha, oo ay sidoo kale ku jiraan Mareykanka iyo Masar, ay ku guul-dareysteen in la hakiyo dagaalka intii lagu guda jiray bisha Ramadan, ayaa ra’iisul wasaare Mohammed bin Abdulrahman bin Jassim Al Thani uu sheegay toddobaadkii tegay in Qatar ay dib u eegeyso doorkeeda.

Hadalkaas ayaa dhaliyey tuhuno ku saabsan in Xamaas laga yaabo in la weydiisto inay ka tagto dalkan ku yaalla Gacanka ee gaaska hodanka ku ah.

{DAAWO SAWIRADA} Xasan Sheekh oo Ka Qeyb kalay Munasabada Ciidamada Difaaca eeTurkiga

Talaado-23-April-2024 {HMC} Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo ay wehelinayaan Wasiirro ka tirsan Xukuumadda Federaalka Soomaaliya iyo Danjiraha dowladda Turkiga ayaa kaga qeyb-galay dusha markab dagaal oo ay leeyihiin Ciidamada Difaaca Turkiga munaasabad ku saabsan dhaqan-gelinta heshiiska iskaashiga difaaca Labada dal.

Madaxweynaha ayaa xusay taariikhda faca-weyn ee ka dhaxaysa Turkiga iyo Soomaaliya, gaar ahaan doorka wanaagsan ee ay ka qaadanayaan dowlad-dhiska, gargaarka iyo garab istaagga dadka Soomaaliyeed, iyagoo xilli adag ku soo dhiirraday in ay soo gaaraan Soomaaliya.

Dowladda aan walaalaha nahay ee Turkiga oo heshiiskani inaga dhexeeyo waa dal iyo dad aan naqaanno, marar badan hiil inoo muujiyay. Waa waddan saaxiib iyo walaal ah oo aan ku aamini karno iskaashigan muhiimka u ah difaaca qarannimadeeenna iyo midnimadeenna dhuleed.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda oo mahadcelin iyo bogaadin u diray Madaxweynaha Turkiga, ayaa shacabka Soomaaliyeed ugu bishaareeyey in dhaqan-gelinta heshiiskan ay suurta gelinayso dib u soo celinta Ciidamadda Badda Soomaaliyeed oo awood u yeesha in ay kaligood sugaan difaaca badaheenna, muddo dhow kaddib, haddii Alle idmo.

Flooding wreaks havoc across East Africa

0

Tuesday  23, April 2024 {HMC} Deadly floods are wreaking havoc in many parts of East Africa that face torrential rainfall, with Burundi calling for international help to deal with the aftermath.

Lake Tanganyika’s rising waters have invaded the port of Bujumbura, Burundi’s economic capital, disrupting business there and elsewhere in the country that relies heavily on donor support to run government programs.

 

“We are issuing this statement to ask our development partners to combine efforts with the state of Burundi to help all people affected by these disasters,” Interior Minister Martin Niteretse said April 17. “We need that support.”

Between September and April 7, some 203,944 people were affected by flooding, with 19,250 homes and 209 classrooms destroyed. The number of people internally displaced by flooding rose by 25%, reaching over 98,000, according to Violet Kenyana Kakyomya, the U.N. resident coordinator in Burundi.

Burundi is one of the world’s poorest countries, with 80% of its 13 million people employed in agriculture, according to the World Bank.

Flooding there has created surreal scenes like game rangers entering the waterlogged Rusizi National Park in a canoe. The Boulevard du Japon, a major highway in Bujumbura, has been flooded in recent days.

Climate experts say flooding in Burundi and elsewhere in the region is part of extreme conditions linked to the El Niño weather phenomenon.

“It must be said directly that these floods are associated with climate changes that affect Burundi like other countries in the region,” said Jean Marie Sabushimike, a geographer and disaster management expert who teaches at the University of Burundi.

While climate change is the trigger, the impact of the flooding is exacerbated by poor land-use planning “that does not take into account areas at very high risk of flooding,” he said.

The rising waters of Lake Tanganyika have caused the Kanyosha river to overflow, damaging homes and other property in Bujumbura. Some in the city have been unable to return to their homes — or leave.

Joachim Ntirampeba, resident of the village of Gatumba near the Congo border, said that while he had witnessed many flooding events over the years, this time “it’s terrible.”

He said it’s “the first time” he’s seen such heavy flooding.

Meanwhile, in Kenya 35 people have died since mid-March in flooding events that have affected more than 100,000 people, according to the U.N., which cites Red Cross figures in the most recent update.

Some residential areas in Nairobi, the capital, flooded as rivers broke their banks Sunday night.

The Kenyan government agency in charge of roads warned Nairobi residents to avoid flooded highways, including one to the coastal city of Mombasa. Those who live by the Nairobi river were urged to move to higher ground.

Flooding and mudslides have also been reported in western Kenya. In the northern region, a passenger bus was swept away by floodwaters on a bridge earlier in April, with disaster avoided after 51 passengers were rescued.

Kenya’s meteorology department predicts that rainfall will peak this week.

SOURCE

Wasiirka Isgaarsiinta oo Maanta La Yeeshay Kulan Isbarasho Madaxda Shirkadaha Isgaarsiinta

Talaado-23-April-2024 {HMC} Wasiirka Isgaarsiinta iyo Teknolojiyada XFS 𝗫𝗶𝗹𝗱𝗵𝗶𝗯𝗮𝗮𝗻 𝗠𝗮𝘅𝗮𝗺𝗲𝗱 𝗔𝗮𝗱𝗮𝗻 𝗠𝗮𝗰𝗮𝗹𝗶𝗻 𝗖𝗮𝗹𝗶 (𝗦𝗼𝗼𝗺𝗮𝗮𝗹𝗶) ayaa maanta xarunta Wasaaradda waxa uu shir Isbarasho ah iyo soo dhaweyn gaar ah kula yeeshay Madaxda Shirkadaha Isgaarsiinta Dalka, waxaana looga wada hadlay xoojinta iyo xiriirka Wadashaqeynta ee ka dhaxeeyso Wasaaradda iyo Shirkadaha Isgaarsiinta.

Sidoo kale Shirkaan waxaa qeyb ka ahaa Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Mudane Cabdicasiis Duwane Isaaq iyo qaar ka mid ah Agaasime Waaxeedyada Wasaaradda.

Wasiirka Isgaarsiinta iyo Teknolojiyada 𝗫𝗶𝗹𝗱𝗵𝗶𝗯𝗮𝗮𝗻 𝗠𝗮𝘅𝗮𝗺𝗲𝗱 𝗦𝗼𝗼𝗺𝗮𝗮𝗹𝗶 ayaa bogaadiyey Shaqada ay Shirkaddaha Isgaarsiinta u hayaan Bulshada Soomalaaliyeed iyo sida ay hanti badan ugaliyeen dalka iyga oo qeyb weyn ka ah Kobaca Dhaqaalaha Dalka…

“Sida aan la socono aduunka Shirkaddaha Dalkasta leeyahay waa lagu faanaa,Wasaaradda waxa ay u shaqeysaa Ganacsatada Soomaaliyeed, waxaad u baahantihiin in la xoojiyo Shuruucdii la idinku difaaci lahaa oo diyaar ah, duruufaha aad ku shaqeysaan waa Fahmayaa waxaana rajeenayaa in Tartanka Shirkaddaha uu noqdo mid hufan oo dan u ah Bulshada Soomaaliyeed….ayuu yiri 𝗪𝗮𝘀𝗶𝗶𝗿 𝗠𝗮𝘅𝗮𝗺𝗲𝗱 𝗦𝗼𝗼𝗺𝗮𝗮𝗹𝗶.
𝗠𝗮𝗱𝗮𝘅𝗱𝗮 𝗦𝗵𝗶𝗿𝗸𝗮𝗱𝗱𝗮𝗵𝗮 𝗜𝘀𝗴𝗮𝗮𝗿𝘀𝗶𝗶𝗻𝘁𝗮 ayaa ka Mahadceliyey kulanka gaar ah ee ay la yeesheen Wasiirka Isgaarsiinta iyo Teknolojiyada, waxa ayna ballan qaadeen in ay si dhow u wada shaqeyndoonaan.

{DAAWO MUUQAALKA} RW Xamsa “Masaajidda, dugsiyada Quraanka Iyo isbitaallada waa in ay Helaan koronto lacag la aan ah

0

Talaado-23-April-2024 {HMC} RW Xamsa “Masaajidda, dugsiyada Quraanka Iyo isbitaallada waa in ay Helaan koronto lacag la aan ah

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

 

{DAAWO MUUQAALKA} G/Shirkada Korontada Beco ”Waan ku Farasanahay hishiiska lagu Mideeynayo shirkadaha korontada”

0

Talaado-23-April-2024 {HMC} G/Shirkada Korontada Beco ”Waan ku Farasanahay hishiiska lagu Mideeynayo shirkadaha korontada

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

 

{DAAWO MUUQAALKA} Soomaaliland oo Beesha Caalamka hordhigtay Dalab Culus.

0

Talaado-23-April-2024 {HMC} Soomaaliland oo Beesha Caalamka hordhigtay Dalab Culus.

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

 

{DAAWO MUUQAALKA} Xog haya Golaha shacabka oo Muqdisho ka sagootiyey Xildhibaanadii ka socday Bulshada Bariga Africa.

0

Talaado-23-April-2024 {HMC} Xog haya Golaha shacabka oo Muqdisho ka sagootiyey Xildhibaanadii ka socday Bulshada Bariga Africa.

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

 

{DAAWO MUUQAALKA} Wararka ugu waa weyn Soomaaliya iyo Caalamka 2304/2024

0

Talaado-23-April-2024 {HMC} Wararka ugu waa weyn Soomaaliya iyo Caalamka

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

 

{DAAWO SAWIRADA} Madaxweyne Xasan Sheekh oo hadda gudaha u galay markabka ciidanka badda Turkiga

0

Talaado 23, April  2024 {HMC} Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa hadda gudaha u galay markabka ciidanka badda Dalka Turkiga , TCG Kınalıada (F-514) ee ku sugan dekedda Magaalada Muqdisho, kaa oo ay ka dhacayso munaasabadda lagu daahfurayo dhaqangelinta heshiiska difaaca iyo dhaqaalaha oo ay Dawladda Soomaaliya la gashay Turkiga.

 

Heshiiska ayaa dhigaya ilaalada biyaha Soomaaliya ka hortagga khataraha, xad-gudubka iyo kalluumaysiga sharci darrada ah, halka dhinaca dhaqaalaha uu heshiiskan fursan u siinayo Soomaaliya ka faa’iideysiga khayraadka kalluunka iyo shidaalka, waxaa intaa dheer dhismaha iyo qalabeynta ciidanka badda Soomaaliya.