Home Blog Page 2528

Sarafle Ka Tirsanaa AS oo Maxkamadda CXDS Xukun Ku Riday

Talaado-23-April-2024 {HMC} Maxkamadda ciidamada qalabka sida ayaa xukun adag oo xabsi ah ku riday Maxamed Cali Xersi Diirshe, oo lagu helay in uu katirsanaa kooxda Al Shabaab , gaar ahaan qeybta jaajuusnimada iyo dhagareynta shacabka.

Ninkan ayaa deegaanka Ceelasha Biyaha ee duleedka Muqdisho, ku lahaa goob uu gabbaad ka dhiganayey oo lagu sarifo lacagaha, isaggoo Al Shabaab uu u gudbin jiray xogaha ciidanka Muqdisho ka baxa ee ku wajahan Shabeellaha hoose, islamarkaana maraya wadada Ceelasha Biyaha, tiradooda iyo gaadiidka ay wataan intaba.

Maxamed Cali waxuu ku biiray Al Sahbaab 2012-kii, waxaana ku tashkiiliyey Yuusuf Xasan Ibraahim oo horey maxkamada ciidamada Qalabka sida ay ugu xukuntay 10 sano oo Xabsi ciidan ah, isaggoo ku daray qeybta jaajuusnimada iyo bombo tuurka, xogaha uu helana waxaa uu u gudbin jiray Yuusuf Xasan Aadan.

Bishii lixaad sannadii 2022 waxa uu bomb gacmeed ku tuuray saraakiil ciidan iyo masuuliyiin ka tirsan maamulka deegaanka Ceelasha Biyaha oo xilligaasi ku sugnaa goob timaha lagu jarto, sidoo kale goobo kale oo ay kamid yihiin Alnasri 3 iyo Hotel Musdalifo ayuu Bomb ku tuuray.

Falalkaasi argagixisanimo ee uu geystay Maxamed Cali, ayaa waxaa ka dhashay dhaawaca seddex ruux oo labo kamid ah ay ahaayeen haween.

Maxamed Cali Xersi Diirshe, ayaa u cararay deegaanka Jannaale, kadib markii Ciidanka amniga ay soo qabteen Yuusuf Xasan Ibraahim oo ahaa horjoogihiisa, afar bilood kadibna waxa uu kusoo laabtay Ceelasha Biyaha, isaggoo sii amba-qaaday dhagartiisa, waxaana markaan horjooge u ahaa nin lagu magacaabo nabadoonka.

Hay’adaha amniga oo ku raad-joogay Maxamed Cali Xersi Diirshe, ayaa deeganka Ceelasha Biyaha kasoo qabtay taariikhdu markii ay aheyd kow iyo tobankii bishii labo iyo tobnaad ee 2023.

Baaris dheer kadib Xafiiska Xeer Ilaalinta ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya ayaa codsaday qaadista kiiskan, waxaana laga oggolaaday labo iyo tobankii bishii seddexaad ee sannadkaan 2024.

Garsoorka maxkamadda ciidamada qalabka sida oo waqti ku filan siiyey dhinacyadda dacwadda ayaa ugu dambeyn maanta ku xukuntay Maxamed Cali Xersi Diirshe 15 Sano oo xabsi ciidan ah, sida uu ku dhawaaqay Garsoore Gaashaanle Maxamed Cabdi Muumin.

Wax Ka Ogaaw Bada cusub oo La Filayo in Afrika ka Dilaacdo

Talaado-23-April-2024 {HMC} Bad cusub ayaa ka soo baxaysa Afrika sida lagu sheegay daraasada cusub, i waxaa loo malaynayay in ay tahay natiijada geeddi socod qaadan doona inta u dhaxaysa 5 ilaa 10 milyan oo sano, laakiin natiijooyin cilmiyeed cusub ayaa tilmaamaya in tani ay dhici karto si ka dhakhso badan sidii la filayay.

Cynthia Ebinger oo ah Cilmi baare ka tirsan jaamacadda Tulane ee dalka Maraykanka sidoo kalena ah bare oo maaddada jiyoolajiga dhigaysay ilaa 1980-meeyadii ayaa tiri “waqtiga badda cusub la arkayo oo markii loo maleeynayay in muddo dheer ay qaadan doonin hadda waxaa la filaya in 1 milyan oo sano ama ka yar lagu arki doono”.

Sida laga soo xigtay shabakadda Google, Ebinger waxaa ay qortay maqaallo ka badan 16,000 kuwaasoo lagu daabacay joornaallada sayniska waana khabiiradda tixraaca iyo gundhigga u ah maaddada jiyoolajiga iyo deegaanka adduunka.

Sanadka 2023, waxaa la daabcaday 17 qoraal, kuwaas oo intooda badan ku saabsan kanaalka cusub ee badda ah ee ka dillaaci doona gobolka Canfarta, ee ku yaal xudduudaha saddex oo ah mid aan ka fogayn Soomaaliya.

Xeel dheeryaasha cilmiga juquraafiga ayaa sheegay in badda cusub ay si gaar ah loogu arki doono dalalka Bariga Afrika, waxaana laga sameeyay cilmi baaris kala duwan.

Daraasadda la sameeyay ayaa waxa lagu lafo-guray falkii magma-ga oo ahaa dhul-beereedka Itoobiya ku yaal halkaas oo ah meel ay folkaano ka dhacaday taas oo socotay muddo 45 milyan oo sannadood ah.

Waxa kale oo ay tilmaamtay cilmi barista in“magma-ga ay tahay halka ugu badan ee badda cusub kasoo bixi doonto.

Badda cusub ayaa markay dillaacdo waxaa qaaradda Africa ay noqon doontaa laba qaaradood, kuwaas oo kala ah, Qabcad Nuubiyaan (Nubian plate) iyo Qabcad Soomaali (Somali plate). Kadib waxa kala qaybin doona bad yaroo cusub oo dhexdooda ka samaysmi doonta.

Badda cas ayay khuburradu tilmaameen in ay halka ay tahay hadda ay ka durkayso ayada oo sanad kasta guurta 2.5 sentimitir, halka dhulka Soomaalida iyo dalalka dariska ah ay dhulkooda sidoo kale guuraan nus sentimitir waan sababta keentay laga cabsi qabo in qaaradda u kala qaybi sami doonto laba qaybood.

Biyo aad u badan oo milix ah aya ka imaan doona Badda Cas iyo Gacanka Cadmeed kuwaas oo Badda Cusub noqon doona sida lagu sheegay daraasadda.

Dhulgariirkii ka dhacay dalka Itoobiya sanadkii 2005-tii ayaa lagu sheegay cilmi baarista in lagu arkay caddeymo badan oo arrinta xoojinaya.

Gobolka Canafarta ee dalka Itoobiya ayaa la sheegay in xilligas uu ka dillaacay dhul dhan 60 kiiloomitir oo ka mid ah meelaha lagu laga cabsi qabo.

Daraasad la daabacay 2009-kii, oo uu hoggaaminayey Atalay Ayele, oo ka tirsan Jaamacadda Addis Ababa, Itoobiya qaba argti ah in kala go’a qaaradda uu yahay mid dhaw.

Bishii hore, Ayele iyo Ebinger waxay ka mid ahaayeen koox sagaal saynisyahano ah oo daabacay daraasad lagu daabacay joornaalka Tectonophysics oo soo bandhigay qaabka 3D ee ficilada juqraafiga ee ka dhacaya gobolka.

Natiijooyinka waxa ka mid ah, in ay ogaadeen qolof cusub oo ka kacay dhulka iyo lakabka hoose ee dhulka gobolka Canafrta oo jilicsan.

“Dhacdooyinka daran waxay soo dedejin karaan habka furitaanka dildilaaca iyo helista marinka biyaha cusbada,” ayay tiri saynisyahannad Cynthia Ebinger, oo wareysi siisay Warbaahinta Usheegay

Waxay hadda ku qiyaastay in ay qaadan doonto wax ka yar hal milyan oo sano soo ifbaxa badweynta cusub ee ka soo baxi doonta biyaha Badda Cas.

“Dhibaatada ayaa ah in sayniska hadda jira uusan si sax ah u saadaalin karin dhacdooyinka sida qaraxyada foolkaanaha iyo dhulgariirrada.” Ayay hadlkeda sii raacisay

Cilmi-baaris lagu sameeyay khaladka weyn ee ka dhashay saxaraha Itoobiya ayaa ujeeddadeedu tahay, ka sokow ka jawaabista su’aalaha ku saabsan dhacdooyinka la filayo inay dhacaan boqollaal kun oo sano kadib , in la abuuro hanaan awood u leh inay si sax ah u saadaaliyaan masiibooyinka deegaanka mustaqbalka.

Heavy rain brings deadly flooding to Kenya and Burundi

0
Tuesday 23, April  2024 {HMC}  Vehicles were stranded in Kenya’s capital of Nairobi on Sunday as the devastating toll of the heavy rains and floods in Kenya continues to rise.
Meanwhile, people in Burundi were struggling to cope with flooding after heavy rains hit the country, with thousands being displaced and many homes and schools damaged. (AP Video: Francine Sinarinzi, Josphat Kasire and David Oketch)

SOURCE 

Wax Ka Ogaaw Bad cusub ee Afrika ka soo baxeeysa

Talaado-23-April-2024 {HMC}  Bad cusub ayaa ka soo baxaysa Afrika sida lagu sheegay daraasada cusub, i waxaa loo malaynayay in ay tahay natiijada geeddi socod qaadan doona inta u dhaxaysa 5 ilaa 10 milyan oo sano, laakiin natiijooyin cilmiyeed cusub ayaa tilmaamaya in tani ay dhici karto si ka dhakhso badan sidii la filayay.

Cynthia Ebinger oo ah Cilmi baare ka tirsan jaamacadda Tulane ee dalka Maraykanka sidoo kalena ah bare oo maaddada jiyoolajiga dhigaysay ilaa 1980-meeyadii ayaa tiri “waqtiga badda cusub la arkayo oo markii loo maleeynayay in muddo dheer ay qaadan doonin hadda waxaa la filaya in 1 milyan oo sano ama ka yar lagu arki doono”.

Sida laga soo xigtay shabakadda Google, Ebinger waxaa ay qortay maqaallo ka badan 16,000 kuwaasoo lagu daabacay joornaallada sayniska waana khabiiradda tixraaca iyo gundhigga u ah maaddada jiyoolajiga iyo deegaanka adduunka.

Sanadka 2023, waxaa la daabcaday 17 qoraal, kuwaas oo intooda badan ku saabsan kanaalka cusub ee badda ah ee ka dillaaci doona gobolka Canfarta, ee ku yaal xudduudaha saddex oo ah mid aan ka fogayn Soomaaliya.

Xeel dheeryaasha cilmiga juquraafiga ayaa sheegay in badda cusub ay si gaar ah loogu arki doono dalalka Bariga Afrika, waxaana laga sameeyay cilmi baaris kala duwan.

Daraasadda la sameeyay ayaa waxa lagu lafo-guray falkii magma-ga oo ahaa dhul-beereedka Itoobiya ku yaal halkaas oo ah meel ay folkaano ka dhacaday taas oo socotay muddo 45 milyan oo sannadood ah.

Waxa kale oo ay tilmaamtay cilmi barista in“magma-ga ay tahay halka ugu badan ee badda cusub kasoo bixi doonto.

Badda cusub ayaa markay dillaacdo waxaa qaaradda Africa ay noqon doontaa laba qaaradood, kuwaas oo kala ah, Qabcad Nuubiyaan (Nubian plate) iyo Qabcad Soomaali (Somali plate). Kadib waxa kala qaybin doona bad yaroo cusub oo dhexdooda ka samaysmi doonta.

Badda cas ayay khuburradu tilmaameen in ay halka ay tahay hadda ay ka durkayso ayada oo sanad kasta guurta 2.5 sentimitir, halka dhulka Soomaalida iyo dalalka dariska ah ay dhulkooda sidoo kale guuraan nus sentimitir waan sababta keentay laga cabsi qabo in qaaradda u kala qaybi sami doonto laba qaybood.

Biyo aad u badan oo milix ah aya ka imaan doona Badda Cas iyo Gacanka Cadmeed kuwaas oo Badda Cusub noqon doona sida lagu sheegay daraasadda.

Dhulgariirkii ka dhacay dalka Itoobiya sanadkii 2005-tii ayaa lagu sheegay cilmi baarista in lagu arkay caddeymo badan oo arrinta xoojinaya.

Gobolka Canafarta ee dalka Itoobiya ayaa la sheegay in xilligas uu ka dillaacay dhul dhan 60 kiiloomitir oo ka mid ah meelaha lagu laga cabsi qabo.

Daraasad la daabacay 2009-kii, oo uu hoggaaminayey Atalay Ayele, oo ka tirsan Jaamacadda Addis Ababa, Itoobiya qaba argti ah in kala go’a qaaradda uu yahay mid dhaw.

Bishii hore, Ayele iyo Ebinger waxay ka mid ahaayeen koox sagaal saynisyahano ah oo daabacay daraasad lagu daabacay joornaalka Tectonophysics oo soo bandhigay qaabka 3D ee ficilada juqraafiga ee ka dhacaya gobolka.

Natiijooyinka waxa ka mid ah, in ay ogaadeen qolof cusub oo ka kacay dhulka iyo lakabka hoose ee dhulka gobolka Canafrta oo jilicsan.

“Dhacdooyinka daran waxay soo dedejin karaan habka furitaanka dildilaaca iyo helista marinka biyaha cusbada,” ayay tiri saynisyahannad Cynthia Ebinger, oo wareysi siisay Warbaahinta.

Waxay hadda ku qiyaastay in ay qaadan doonto wax ka yar hal milyan oo sano soo ifbaxa badweynta cusub ee ka soo baxi doonta biyaha Badda Cas.

“Dhibaatada ayaa ah in sayniska hadda jira uusan si sax ah u saadaalin karin dhacdooyinka sida qaraxyada foolkaanaha iyo dhulgariirrada.” Ayay hadlkeda sii raacisay

Cilmi-baaris lagu sameeyay khaladka weyn ee ka dhashay saxaraha Itoobiya ayaa ujeeddadeedu tahay, ka sokow ka jawaabista su’aalaha ku saabsan dhacdooyinka la filayo inay dhacaan boqollaal kun oo sano kadib , in la abuuro hanaan awood u leh inay si sax ah u saadaaliyaan masiibooyinka deegaanka mustaqbalka.

RW XFS oo Ka Qeeybgalay Heshiis lagu mideynayo qaar kamid shirkadaha korontada bixiya ee Muqdisho

Talaado-23-April-2024 {HMC}  Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa ka qeyb galay Heshiis lagu mideynayo qaar kamid shirkadaha korontada bixiya ee Muqdisho, si shacabku u helaan koronto qiimo jaban, awood leh, la iskuna haleyn karo.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa tilmaamay muhiimadda ay leedahay in dalka laga helo adeeg koronto oo ku filan dalka, taas oo ay awoodi karaan guud ahaan shacabka Soomaaliyeed.
Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay in heshiiskani uu horseedayo fursado waaweyn oo wax ka beddeli kara korontada dalka, taas oo fursad siineysa ganacstada Soomaaliyeed.

“Dawladdu waxa ay u dejisaa xeerarkaan iyo siyaasadahaan si loo abuuro nidaamka suuqa furan ee ganacsiyadu ku tartamaan tayeynta iyo baahinta adeeggooda, iyo yareynta khasaaraha, kuwaas oo dhammaantood horseeda isku-filnaansho dhaqaale iyo kobaca waxsoosaarka“.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa xusay in Shirkadaha Korontada ka shaqeeya ay il gaar ah ku eegaan goobaha danta guud iyo kuwa cibaadada, kuwaas oo had iyo jeer loo baahan yahay in laga helo koronto joogto ah.

Heshiiska oo ay soo qaban qaabisay Wasaaradda Tamar iyo Biyaha Xukuumadda F. Soomaaliya, ayaa waxaa kala saxiixday Banaadir Electric Company, BlueSky Energy iyo Mogadishu Supply.

Ship seized by Somali pirates arrives in UAE; all 23 Bangladeshi sailors safe

0

by Waheed Abbas
Tuesday April 23, 2024

Senior Bangladesh officials and company officials were scheduled to meet the crew later on Monday as the ship was awaiting anchorage at the port

All 23 Bangladeshi sailors who were taken hostage by the Somali pirates and arrived in Dubai on Sunday are in good physical and psychological condition, officials said on Monday.

The MV Abdullah ship run by Bangladeshi firm KSRM was carrying coal from South Africa to Dubai when it was seized by the Somali pirates. It was released on April 14.

Senior Bangladesh officials and the company’s officials were scheduled to meet the crew later on Monday as the ship was awaiting anchorage at the port.

BM Jamal Hossain, the consul general of Bangladesh in Dubai and Northern Emirates, told Khaleej Times that MV Abdullah safely arrived in UAE waters and was anchored in the deep sea on Monday morning.

“We expect in a few hours today (Monday) to see the crew. The ship would anchor and then we would be able to see the crew onboard. All the crew members are sound mentally and physically. The ship arrived safely without suffering any casualty,” said Hossain.

The Bangladeshi missions and KSRM have also arranged a medical team to check on the health of the sailors upon arrival in UAE.

Hossain added that the missions would arrange visa and flight if any of the 23 crew members wished to fly to the home country to see his loved ones.

Hossain revealed that they’re closely coordinating with the port authorities in the UAE who are willing to extend any kind of support that is required for the sailors.

Shahriar Jahan, deputy managing director of KSRM, said the crew’s spirits are very high.

“They have already given consent that they want to be with the ship and carry forward to the next voyage. However, the ship might be sailing to Bangladesh for some repair work. The government is waiting for the ship’s arrival,” said Jahan.

Echoing Hossain’s statement, Jahan added sailors could go to Bangladesh with the ship or a flight could be booked for those who want to go to the home country.

KSRM currently owns and operates 25 ships. This is the second instance that the KSRM ship was seized by the pirates.

“We had trust in insurers that they would take care of the case as they have a very professional team that was engaged in negotiations with pirates for the release of sailors. In just 31 days, we were able to get our ship back,” he said.

“Since it was a coal cargo, so we had a huge concern about inflammability. But thank God, nothing happened. They allowed the crews to do a regular check on the cargo so that the oxygen level didn’t increase too much which could lead to fire breaking out on the ship. The pirates didn’t misbehave with the crew and also fed them well. The luck was on our side,” he added.

is Rasaaseen sababtay Dhimashada 1 Qof oo Ka Dhacday Garawe

Talaado-23-April-2024 {HMC}  Iska hor imaad dhexmaray rag hubeysa kana dhashay dhul, la isu qabsaday aga-gaarka shirkadda Korontada NECSOM ee bariga Garoowe ayaa sababay dhimashada Hal qof iyo dhaawaca labo kale.

Ciidanka Booliska Caasimada ayaa dhankooda wada dadaalo lagu baajinayo arintaan, Nabadoona iyo wax garadka Caasimada ayaa dhankooda ku hawlan isii loo soo af jari lahaa xiisada ka dhalay dhulka la isu qabsaday.

Ciidmada Booliiska ayaa wararku sheegayaan iney ku hareereysan yihiin koox dabley ah oo tacshiirad ku furtey koox kale halkaas ku dileen qof kuna dhaawac een mid kale.

UN says heavy rains to affect about 770,000 people in Somalia

0

Tuesday April 23, 2024

The upcoming heavier than normal Gu rains and floods in 22 districts of Somalia are expected to affect some 770,000 people, the UN Office for the Coordination of Humanitarian Affairs (OCHA) said on Sunday.

The upcoming heavier than normal Gu rains and floods in 22 districts of Somalia are expected to affect some 770,000 people, the United Nations Office for the Coordination of Humanitarian Affairs (OCHA) said on Sunday.

OCHA said the April-to-June Gu rains have started in most regions of the country, with heavy rains in some areas, though no flash or riverine flooding has been reported yet.

“Humanitarians have developed a plan to mitigate the anticipated impact of the Gu rains, but require urgent resources to ensure timely response,” OCHA said in its latest humanitarian update released in Mogadishu, the capital of Somalia.

According to the UN agency, 51 boats are available to evacuate people and deliver assistance in priority locations along the Shabelle and Juba rivers, and to deliver assistance to areas that may be cut off, or evacuate people who may be marooned.

“In various hotspot locations, partners are conducting gap analysis and engaging in early warning and community awareness activities, especially in evacuation sites,” OCHA said.

However, it said, the rains have brought relief to pastoralists and agro-pastoralists across the country, regenerating pasture and filling up water points.

In late 2023, heavy Deyr (October to December) rains and flooding displaced 1.6 million people from their homes, according to the UN.

Last month, OCHA warned that the heavy rains are also expected to trigger cholera outbreaks in areas where the disease has not been observed in years.

OCHA said it has teamed up with its partners and the Somalian health authorities to step up response and preparedness activities, guided by a six-month plan of action that requires 5.9 million U.S. dollars to implement.

Turkey’s first warship arrives in Mogadishu Port under defense deal

0

Tuesday 23, April 2024 {HMC} A Turkish warship named Kemalreis will dock today at the port of Mogadishu, the capital of Somalia, as this action is part of a defense cooperation agreement recently signed between Ankara and Mogadishu.

It is expected that the leaders of the Somali government will meet units of the Turkish Navy when the warship docks in the port of Mogadishu, which will be the first step in the implementation of the agreement signed last February.

There has been a pause in the work of the port of Mogadishu as President Hassan Sheikh Mohamud is expected to participate in the ceremony of welcoming the ship in the sea of Somalia.

According to the agreement signed by their defense ministers and approved in February by the Somali Parliament, Turkey will provide training and equipment to the Somali Navy, allowing Somalia to protect its maritime resources and prevent terrorism, piracy, and interference by strangers.

The agreement will also enhance economic development and trade relations between the two countries, as Turkey will help Somalia to take advantage of its vast potential in fishing, tourism, and energy.

Wasiirka Fiqi oo ku dhawaaqay hindise lagu casriyaynayo howlaha Wasaaradda

Talaado-23-April-2024 {HMC}  Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Danjire Axmed Macallin Fiqi, ayaa maanta oo Talaado ah shir-guddoomiyay kulan ay iskugu yimaadaan Xoghayaha Joogtada iyo Agaasimayaasha waaxyaha Wasaaradda oo diiradda lagu saaray isbedello istiraatiijiyadeed oo ujeedkeedu yahay hagaajinta iyo dardargelinta shaqada.

Intii lagu guda-jiray kulanka, Waxa uu Wasiir Fiqi faray fulinta qorsheyaal hiigsi leh oo dib loogu habeynayo arkiifiyada iyo adeegyada qunsuliyadeed, iyadoo ujeeddadu tahay casriyaynta iyo ka dhigidda “degital” nambar iyo tixraac leh.

Waxa uu caddeeyay muhiimadda ay leedahay xiriirka labo geesoodka iyo midka dhinacyada badan, isaga oo qeexay istiraatiiyado lagu xoojinayo xiriirada siyaasadeed, amni, dhaqaale iyo bulsho, iyadoo la unkayo feelal dhammaystiran oo u samaysan hab juquraafi ah.

Wasiir Axmed Macallin Fiqi ayaa ku nuux-nuuxsaday muhiimadda ay leedahay in si la hubo loo keydiyo dukumintiyada iyo natiijooyinka ka soo baxa shirarka iyo wadahadallada dibadda si loo raad-raaco, loona fuliyo.

Waxa uu dhiirrigeliyay hal-abuurka iyo wax-soo-saarka oo uu sheegay inay yihiin tiirar lama-huraan ah oo lagu gaaro guulo diblamaasiyadeed, ayna xoojiyanayaan sumcadda Soomaaliya ee caalamka.