Talaado-23-April-2024 {HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Warka Duhurnimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn
Warka waxaa soo jeedinayo:Yaasiin Ali Ahmed Iyo Shugri Baryare
farsamadii Abdiqani osoble
Talaado-23-April-2024 {HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Warka Duhurnimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn
Warka waxaa soo jeedinayo:Yaasiin Ali Ahmed Iyo Shugri Baryare
farsamadii Abdiqani osoble
Talaado ,23-April-2024 {HMC} Guddoomiyaha degmada Balcad mudane Qaasim Cali Nuur iyo shacabka degmada ayaa si diirran u soo dhaweeyay madaxweynaha Dowladda Hirshabeelle mudane Cali Cabdullaahi Xuseen (Cali Guudlaawe).
Socdaalka waxaa ku wehliyo xubno ka kala tirsan Golaha Wasiirrada iyo Barlamaanka Dowladda Hirshabeelle iyo Xildhibaan Cusmaan Xaadoolle.
Dadka deeggaanka ayaa waqti dheer sugayay mashaariicda maanta laga daah-furay degmada Balcad.
Madaxweynaha ayaa xariga ka jaray garoonka kubbadda cagta ee Dr. Ayuub Jeenyo kaas oo horumar u ah dadka deegaanka.

Talaado ,23-April-2024 {HMC} Ciidamada booliiska qeybta gobolka Sool ee maamulka Khaatumo State ayaa xabsiga dhigay haweeney lagu eedeeyay in ay baraha bulshada taageero weyn ugu muujisay maamulka Somaliland.
Booliiska Khaatumo ayaana xiray Yaasmiin Maxamed Diiriye oo ay ku eedeeyeen in ay taageertay maamulka Somaliland iyada oo joogta deegaannada Khaatumo, waxaa sidoo kale lagu eedeeyay in calanka maamulkaasi baraha bulshada kusoo bandhigtay.
War kasoo baxay taliska booliiska qeybta gobolka Sool ayaa lagu sheegay in ay ku daba jiraan ayna soo qabanayaan dad kale ay ku eedeeyeen in ay caadeesteen in ay baraha bulshada ka taageeraan maamulka Somaliland ay dagaalka kula jiraan.
Booliiska Khaatumo State ayaana uga digay dhallinyarada kunool deegaannada maamulkaasi ka arrimiyo in ay ku kacaan falal lagu taageerayo Somaliland, waxa ayna ugu goodiyeen ciddii lagu qabto in la xirayo lana horgeyn doono maxkamad.
Maamulka Somaliland ayaa sidaan oo kale deegaannada uu ka taliyo uga mamnuucay in laga taageero maamulka Khaatumo iyo sidoo kale dowladda Soomaaliya, iyagoona xarig iyo dhibaato kalaba muteesanaya ciddii lagu qabtaa calanka Soomaaliya iyo kan khaatumo.
Talaado-23-April-2024 {HMC} Guddiga doorashooyinka Somaliland ayaa madaxda xisbiyada iyo rurrada siyaasadda guddoonsiiyey liista kama-dambaysta ah ee cod-bixiyayaasha doorashada madaxtooyada iyo doorashada tooska ah ee xisbiyada.
Qoraal ay diyaariyeen guddiga doorashada Somaliland ayey ku sheegeen in tirada guud ee codbixiyeyaasha sannadkan wax doonaranaya ay gaarayaan in ka badan hal milyan iyo laba boqol oo kun oo qof.
Doorashada Somaliland ayaana la qorsheeyey inay dhacdo 13-ka November 2024 ee sannadkan, waxa ayna xisbiyadda ka jira Somaluland bilaabayaan u diyaar garoga doorashada soo socota oo loollan xooggan loo galayo.
Guddiga doorashada goobaha ay cod-bixiyaasha ka diiwaan-geliyeen waxaa kamid ah gobolka Sool oo hadda intiisa badan ka maqan gacanta maamulka Somaliland, lamana oga sida deegaannada gobolkaasi doorashada uga dhici doonto.

Talaado-23-April-2024 {HMC} Ciidanka booliiska ee ka howlgala gobolka Banaadir ayaa gacanta Ku soo dhigay eedeysanayaal lagu qabtay iyaga oo si sharci-daro ah ah mootooyinka bajaajta ugu buufinaya calaamada A iyo B ay ku shaqeeyaan mootooyinka.
Howlgal ay sameeyeen ciidanka booliiska saldhigga degmada Xamar Jajab ayeyna kusoo qabteen eedeysanayaasha ku guda jiray buufinta bajaajta, waxaana horey buufinta bajaajta looga soo saaray sharci, iyadoona loo xiray dad gaar ah oo gobolka ogyahay.
War kasoo baxay taliska booliiska Soomaaliyeed ayaa lagu sheegay in eedeysanayaasha xilliga la qabanayay meel gaar ah kula dhuunteen buufinta bajaajta, waxa ayna uga digeen cid kasta oo arrintan oo kale lagu qabto in tallaabo sharci ah laga qaadi doono.
Ciidanka booliiska ayaana bilaabay baaritaanno lagu sameenayo eedeysanayaasha lagu soo qabtay buufinta sharci-darada ah ee mootooyinka, waxa ayna xuseen booliiska in maxkamad loo gudbin doono dadkan haddii lagu helo dambiga lagu soo eedeeyay.
Mootooyinka bajaajta ee ka shaqeeya magaalada Muqdisho ayaa lagu buufiyay calaamada A iyo B, si ay midbo maalin gaar ah u shaqeyso, waxaana mootooyinka loo sameeyay nambaro ugu jira diiwaanka oo lagu ogaanayo cidda iska leh iyo numberkeeda.




Talaado-23-April-2024 {HMC} Khilaafkii arrimaha doorashooyinka Somaliland ayaa dhawaan laga gaaray isfaham siyaasadeed, ayada oo lagu dhawaaqay inay qabsoomi doonto bisha Novermber ee sanadkaan.
Waxaa soo baxaya walaaca fara-gelin taban oo xukuumadda Addis Ababa ku yeelato doorashooyinka Somaliland, si ay kursiga ugu boobto Muuse Biixi, oo isagu Itoobiya la saxiixday is-afgarad beenaad lagu rumeynayo riyada Itoobiya ee helitaanka dhul badeed.
Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame oo qoraal kasoo saaray heshiiska doorashada Somaliland ayaa bogaadiyay in ugu dambeyn la go’aamiyey qabashada doorashooyinka muddo dhaafka ee madaxtinimada maamulkaas.
Xildhibaanka ayaa sidoo kale wuxuu usoo jeediyay xisbiyada mucaaradka Somaliland iyo ururrada siyaasadeed inay u diyaar-garooban sidii looga hortagi lahaa qorshe kasta oo la isku-dayo in doorashada loogu boobo, kuwaasi oo xilligaan ka imaan kara dhanka xukuumadda Abiy, oo gacan saar la’leh Biixi.
“Xisbiyada Mucaaradka ah iyo ururrada kale ee siyaasadeed ee Somaliland, waxaa saaran masuuliyad wayn oo u bahaan xikmad, dulqaad, ku dhac iyo dhiiranaan lagu wajo mitid dirirka Muuse, caqabadaha uu dhigayo iyo miinooyinka siyaasadeed ee uu aaasayo.”
Waxaa bogaadin mudan guddiga doorashooyinka Somaliland ee ugu danbayn go’aamiyey in bisha November ee sanadka la qabto doorashooyinkii madaxtinimada maamulkaas.
Sida la wada ogsoonyahay doorashadani waxay ku timid halgan iyo loollan adag, iyada uu labo sano oo muddo xileedkiisa ka dheeri ah Muuse Biixi kursiga ku mitidayey. Waxaa u rajaynaynaa in ay si nabad ah oo daahfuran ku dhacdo.
Waa doorasho muuhiim u ah Somaliland iyo Soomaaliya. Inkastoo ay teeda haysato ciddii ay taageertana culays ku tahay, maadaama aysan tabar dhaqaale iyo mid diblomaasiyadeed lahayn, Itoobiya waxay isku deyi doontaa in ay xeelado taban iyo fara-gelin gurracan ku gacansiiso Muuse Biixi oo ay ka mid tahay dagaal lagu qaado Khaatumo, iyo in la boobo doorashada.
Xisbiyada Mucaaradka ah iyo ururrada kale ee siyaasadeed ee Somaliland, waxaa saaran masuuliyad wayn oo u bahaan xikmad , dulqaad, ku dhac iyo dhiiranaan lagu wajo mitid dirirka Muuse, caqabadaha uu dhigayo iyo miinooyinka siyaasadeed ee uu aaasayo.
Talaado-23-April-2024 {HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Warka Subaxnimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn
Warka waxaa soo jeedinayo:Yaasiin Ali Ahmed
farsamadii :Mohamed Baryare Haamud
Talaado-23-April-2024 {HMC} Markab dagaal oo Turkigu leeyahay oo maanta imanaya Muqdisho – Maxaa dhacaya?
Talaado-23-April-2024 {HMC} Dowlada Soomaliya oo Turkiga la wadaagtay Goobaha laga heli karo Shidaalka Soomaliya.
Talaado-23-April-2024 {HMC} 𝗗𝗶𝗴𝗻𝗶𝗶𝗻 𝗶𝘆𝗼 𝗧𝗮𝗹𝗮 𝗯𝗶𝘅𝗶𝗻 𝗸𝘂 𝗮𝗮𝗱𝗮𝗻 𝗙𝗮𝘁𝗮𝗵𝗮𝗮𝗱𝗱𝗼 𝗹𝗮 𝗳𝗶𝗹𝗮𝘆𝗼 𝗶𝗻 𝗮𝘆 𝗱𝗵𝗮𝗰𝗮𝗮𝗻 𝗮𝘀𝗯𝘂𝘂𝗰𝗮 (𝟮𝟯 – 𝟮𝟵 𝗔𝗽𝗿)-𝟮𝟬𝟮𝟰
➤ Todobadda casho ee soo socota oo ah asbuuca ugu danbeya bisha Abriil 2024ka 𝘄𝗮𝘅𝗮𝗮 𝗮𝗮𝗱 𝘂 𝘀𝗮𝗿𝗲𝗲𝘆𝗮 𝘀𝘂𝘂𝗿𝘁𝗮-𝗴𝗮𝗹𝗻𝗶𝗺𝗮𝗱𝗮 𝗶𝗻 𝗮𝘆 𝗸𝗮 𝗱𝗵𝗮𝗰𝗮𝗮𝗻 𝗳𝗮𝘁𝗮𝗵𝗮𝗮𝗱𝗼 𝗶𝘀𝘂𝗴𝘂 𝗷𝗶𝗿𝗮 𝗸𝘂𝘄𝗼 𝗸𝗮 𝘆𝗶𝗺𝗮𝗮𝗱𝗱𝗮 𝘄𝗮𝗯𝗶𝘆𝗮𝗱𝗮 𝗶𝘆𝗼 𝘁𝗼𝗴𝗮𝗴𝗮 𝘀𝗼𝗼 𝗿𝗼𝗴𝗺𝗮𝗱𝗮, kuwaas oo aadka u saameeyndoona qaar ka mid ah degmooyinka dalka Sida; 𝗝𝗼𝘄𝗵𝗮𝗿, 𝗕𝗮𝗹𝗲𝘁𝘄𝗲𝘆𝗻, 𝗕𝘂𝗹𝗮𝗯𝘂𝗿𝗱𝗲, 𝗟𝘂𝘂𝗾, 𝗗𝗼𝗹𝗼𝘄 𝗶𝘆𝗼 𝗾𝗮𝗮𝗿𝗸𝗮𝗹𝗲 𝗼𝗼 𝘄𝗮𝗯𝗶𝗴𝘂 𝘂𝘂𝘀𝗮𝗻 𝗺𝗮𝗿𝗶𝗻.
➤ Degmooyin ka mid ah gobolada 𝗕𝗮𝘆, 𝗕𝗮𝗸𝗼𝗼𝗹, 𝗚𝗮𝗹𝗴𝘂𝗱𝘂𝘂𝗱, 𝗚𝗲𝗱𝗼 𝗶𝘆𝗼 𝗝𝘂𝗯𝗮𝗱𝗮-𝗛𝗼𝗼𝘀𝗲 ayaa waxaa aad u sareeysa suurtagalnimada ah in ay fatahaado ka dhacaa ay saameeyndoonaan nolosha iyo hab-nololeedka bulshooyinka ku nool degmooyinkaas.
➤ Degmooyinka kor ku xusan waxay wajihi doonaan khataro ka imankarta Fatahaada webiyada iyo daadadka ay togagu soo rogaan.
➤ Waxaa sare u soo kacaya heerka biyaha wabiyada Shabeele iyo Juba taasina waxaa sabab u ah roobabka xoogan ee ka da’aya qeybo ka mid ah dalka iyo buuralayda Ethiopia.
𝗛𝗮’𝗮𝗱𝗱𝗮 𝗦𝗼𝗗𝗠𝗔 oo Horay u soo saartay 𝗫𝗮𝗿𝘂𝗻𝘁𝗲𝗲𝗱𝗮 𝗞𝗮 𝗱𝗶𝗴𝗶𝘀𝘁𝗮 𝗛𝗮𝗹𝗶𝘀-𝘄𝗮𝗱𝗮𝗿𝗲𝗲𝗱𝗸𝗮 Saadaasha Roobab ka iyo digniino sanadkii tagay ee 2023 roobabkii ma hiigaanka ahaa oo dalka ka da’ay kuwaas oo geeystay Daadad iyo Fatahaada 𝗘𝗹𝗡𝗶ñ𝗼 , ayaa mar kale Bulshada Soomaaliyeed u direeysay 𝗗𝗶𝗴𝗻𝗶𝗶𝗻𝗼 𝗶𝘆𝗼 𝘁𝗮𝗹𝗼𝗼𝘆𝗶𝗻 si loogu feejignaado saameynta 𝗿𝗼𝗼𝗯𝗸𝗮 𝗚𝘂𝗴𝗮 ku yeelan karo nafta iyo Hantida shacabka Soomaaliyeed. Insha Allah
