Talaado-23-April-2024 {HMC} Dowlada oo Markale Dooneeyso in shirka Golaha wadatashiga qaranka la qabto.
{DAAWO MUQAALKA} AS-kajoogta Galmudug oo dhan waxaa ku filan ciidanka qaranka iyo kuwa deegaanka ee Xarardheere jooga
Talaado-23-April-2024 {HMC} AS-kajoogta Galmudug oo dhan waxaa ku filan ciidanka qaranka iyo kuwa deegaanka ee Xarardheere jooga
HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA
{DAAWO MUQAALKA} faah-faahin laga bixiyey Howlgallo lagu baacsanayo AS oo laga fuliyay koonfurta Gobolka Mudug.
Talaado-23-April-2024 {HMC} faah-faahin laga bixiyey Howlgallo lagu baacsanayo AS oo laga fuliyay koonfurta Gobolka Mudug.
HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA
{DAAWO MUQAALKA} Dekadda magaalada Baraawe oo markii ugu horeysay aay kusoo xiratay dooni katimid dalka dibadiisa.
Talaado-23-April-2024 {HMC} Dekadda magaalada Baraawe oo markii ugu horeysay aay kusoo xiratay dooni katimid dalka dibadiisa.
HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA
kadib heshiiskii Turkiga iyo Soomaliya Markab dagaal oo Turkigu leeyahay oo maanta imanaya Muqdisho.
Talaado-23-April-2024 {HMC} Dekedda Muqdisho waxaa lagu wadaa in maanta uu ku soo xirto Markab dagaal oo dowladda Turkiga ay leedahay, kaas oo ah Markabkii ugu horeeyey ee howlgalka Turkiga oo loo saxiixay in 10 sano uu sugo amniga iyo xasiloonida badda Soomaaliya.
Masuuliyiin ka tirsan dowladda Soomaaliya ayaa saakay lagu wadaa inay tagaan dekedda Muqdisho, si Markabka Turkiga iyo saraakiisha la socota ay ugu soo dhaweeyaan Muqdisho, waxaana toos u bilaabanaya howlgalka Turkiga oo soo degaya xeebaha Soomaaliya.
Markabkaan ayaa la sheegay inuu sido qalab lagu rakibiyo xeebaha dalka oo ilaalada amniga ka qeyb qaata, diyaarado sahan sameeyana, doomo iyo agabyo kale oo muhiim u ah howlgalka Turkiga ee Soomaaliya.
Waxaa suurtagal ah in Madaxweyne Xasan Sheekh uu maanta dekedda tago, sidoo kale waxaa la kahiyey shaqadii dekedda, iyadoo ganacsatada lagu wargeliyey inay sugaan oo shaqada joojiyaan maalmaha ay socoto howshaan.
Wadooyinka ag mara dekedda Muqdisho ayaa saakay lagu waa bareystay iyagoo xiran, mar hore ayaana la qorsheeyey arrintaan, maadaama markabkaan oo sida xamuul iyo saanad culus uu maalmo u soo socday Muqdisho.
Soomaaliya ayaa heshiis iskaashi difaac la gashay Turkiga, kaas oo lagu ilaalinayo xeebaha Soomaaliya, sidoo kale shidaal looga qodayo dalka.
Sanadka 2025-ka dowladda Turkiga ayaa Soomaaliya ka bilaabeysa qodista shidaalka, sida uu shaaciyey wasiirka tamarta ee dowladda Turkiga.
10 sano ayuu sii joogayaa Soomaaliya howlgalka Turkiga ee loo saxiixay ilaalada xeebaha Soomaaliya, mudadaas waxay dowladda Soomaaliya ku dhisa doontaa ciidanka badda, sidoo kale waxay ku soo saari doontaa shidaalka dalka.
weerarkii ugu horeeyay ee culus oo lagu qaado ciidamada isbaheysiga muddo kadib.
Talaado-23-April-2024 {HMC} Gantaallo laga soo tuuray Woqooyiga Ciraaq ayaa lagu weeraray saldhig ay Suuriya ku leeyihiin isbaheysiga Mareykanka uu hoggaamiyo, sida ay ku warrameen ciidamada amniga Ciraaq.
Isbaheysiga la-dagaalanka kooxaha jihaad doonka ayaa sheegay in mid ka mid ah diyaaradahooda dagaalka ee Ciraaq ay “burburisay gantaal ayaga oo is-difaacaya kadib markii ay soo baxeen warar sheegaya weerar gantaal oo fashilmay,” meel u dhow saldhig ku yaalla waqooyi bari Suuriya.
“Ma jiro wax dhaawac ah oo soo gaaray shaqaalaha Mareykanka,” ayaa lagu yiri qoraal kooban oo isbaheysiga ay siiyeen AFP.
Waa weerarkii ugu horeeyay ee culus oo lagu qaado ciidamada isbaheysiga muddo dhowr toddobaad ah.
Waxa uu kusoo beegmay maalmo kadib markii la sheegay in Israel ay ka jawaabtay weerar ay Iiraan ku qaaday ayada oo adeegsaneysa diyaarado aan duuliye lahayn.
Ciidamada Ciraaq ayaa goor sii horeysay sheegay in howlgal baaritaan oo ballaaran ay ka sameeyeen waqooyiga gobolka Nineveh ayna ku heleen gaarigii loo adeegsaday weerarka.
Bayaanka ka soo baxay ciidamada ammaanka Ciraaq ayaa ku eedeeyay “canaasiir fallaago ah in ay gantaallo la beegsadeen saldhigga isbaheysiga caalamiga ah ee bartamaha dhulka Suuriya”, abaare 9:50 habeenimo (1850 GMT).
Ciidamada amamanka waxa ay gubeen gaarigii ku lugta lahaa weerarka, ayaa lagu yiri bayaanka.
Rami Abdel Rahman, oo ah agaasimaha kooxda kormeerka xuquuqda aadanaha Suuriya, ayaa sheegay in dhowr gantaal oo laga soo tuuray “dhulka Ciraaq lala beegsaday saldhigga Kharab al-Jir”, halkaasi oo ay ku sugan yihiin ciidamada Mareykanka.
Waxa uu ku eedeeyay in weerarka ay fulisay Kooxda Muqaawamada Islaamiga ah ee Ciraaq, oo ah isbahaysi ka mid ah kooxaha ay taageerto Iiraan.
Kooxdan ayaa sheegatay inta badan weeraradii lagu qaaday ciidamada Mareykanka ee la fuliyey bartamihii October illaa horraantii Febraayo.
DF oo shaacisay xilliga rasmiga ah ee la bilaabayo qodista shidaalka Soomaaliya
Talaado-23-April-2024 {HMC} Warbaahinta dawladda Turkiga oo soo xiganaysa wasiirka Tamarta ee dowladda Turkiga Alparslan Bayraktar ayaa sheegtay toddobaadkan in Turkiga uu sannadka 2025-ka billaabi doono qodista shidaalka Soomaaliya.
Wasiirka Batroolka Soomaaliya Cabdirisaaq Cumar Maxamed ayaa ka hadlay arrintaas isagoo wuxuuna xaqiijiyey in qorshaha qodista shidaalka Soomaaliya uu socdo, sida ay shaacisay dowladda Turkiga.
Wasiirka Cabdirisaaq ayaa faahfaahiyey hanaanka la qorsheeyey in loo maro shidaalka laga qadayo Soomaaliya, isagoo sheegay in dowladda Turkiga ay leedahay bisha la bilaabayo howsha.
Sidoo kale wasiirka ayaa sheegay in dowladda Turkiga ay la wadaageen Baloogyada uu ku jiro shidaalka Soomaaliya ee la sahmiyey, isla markaana aysan weli sugayaan go’aankooda iyo goobaha ay codsadaan.
“Soomaaliya, inta ka dhaxeysa Jubaland iyo Galmudug – Hobyo waxaa sahan ka sameeyey labo Company, daatooyinkaas waxay sheegayaan in gaas iyo batrool aad u badan ay ku jiraan dhulka la sahmiyey, Galmudug ayaa ugu badan, wuxuu afar mar ku jumaarmaa batrool qaali ahaa oo hada ka hor laga helay dalka Kazakhstan,” ayuu yiri wasiir Cabdirisaaq.
Wasiirka ayaa sheegay in Turkiga iyo Soomaaliya aysan weli kala saxiixan heshiis shidaal oo rasmi ah, balse ay go’aansadeen inay iska kaashadaan wax soo saarka kheyraadka, balse ay dhiman yihiin heshiisyadii quseeyey shidaal qodista.
Wasiirka ayaa la weydiiyey halka uu ku dambeeyey amarkii ra’iisul wasaaraha ee ahaa in heshiiska shidaalka ee Turkiga iyo Soomaaliya la soo marsiiyo guddiga heshiisyada u qaabilsan xukuumadda, wuxuuna sheegay wasiirku in arrintaasi ay weli taagan tahay.
Wuxuu sheegay in Ra’iisul Wasaaraha ay u sharaxayaan arrintaan sida ay u socoto, isaga iyo wasiirka maaliyadda, isagoo rajo ka muujiyey in shakiga galay Ra’iisul Wasaaraha uu ka saari karo hadii uu fursad u helo in arrintaan uu sharaxaad ka siiyo.
Maraykan ah oo xabsiga dhigay arday ka soo horjeesatay, duullaanka Israa’iil ee Qaza.
Talaado-23-April-2024 {HMC} Masuuliyiinta Jaamacadda Columbia ee ku taalla magaalada New York ayaa Isniintii sheegay inay hakiyeen, in ardaydu ay timaaddo fasalada si ay u qaataan casharadooda, taas bedelkeeda waxay sheegeen in ardaydu ay casharada ku qaadan doonaan, hab muuqaal ah.
Tallaabadan ayaa jawaab u ah, ka dib markii maalmahan ugu dambeeyeyba ay jaamacaddaas ka socdeen mudaharaado lagu taageerayo Falastiiniyiinta, taasoo keentay in xabsiga loo taxaabo qaar ka mida ardayda.
Qoraal uu soo saartay guddoomiyaha Jaamacadda Columbia Nemat Minouche Shafik ayaa sheegtay in jaamacaddu ay hakisay casharadii lagu bixin jiray gudaha jaamacadda, iyada oo cambaaraysay, ereyada nacaybka ah ee ka dhanka ah Israa’iil, hanjabaadda iyo dhaqanada caga-juglaynta ah ee ka dhacay dhismaha jaamacadda.
In ka badan 100 arday oo ka qayb gelayey banaanbax lagu taageerayey Falastiiniyiinta ayaa Xabsiga loo taxaabay Khamiistii, ka dib markii guddoomiyaha jaamacaddu ay ka dalbatay ciidamada boolisku inay ardaydaas kala kexeeyaan.
Ardaydan ayaa ka soo horjeedda, duullaanka Israa’iil ee Qaza.
Maraykanka oo ciidamadiisa ka daadgureeynaya dal ku yaalla Galbeedka Afrika
Talaado-23-April-2024 {HMC} Afhayeen u hadlay wasaaradda difaaca ee Maraykanka ayaa sheegay Isniintii in Maraykanku uu wadahadal la furay xukuumadda milateriga ah ee ka talisa dalka Niger, isaga oo kala hadlaya go’aankooda ku aaddan, bixitaanka ciidamada Maraykanka ee ku sugan dalkaas.
Bishii hore ayaa saraakiisha milateriga ee dalka Niger waxay ku dhawaaqeen inay soo afjarayaan heshiiskii u dhexeeyey Maraykanka iyo Niger, waxaana la sheegayaa in saraakiisha difaaca ee Maraykanku inay toddobaadkii hore aqbaleen go’aanka Niger ee ah, in ciidamada Maraykanku ay baxaan.
Isniintii afhayeen u hadlay Pentagon-ka Maraykanka, ayaa xaqiijiyey inay socdaan wadahadalo u dhexeeya Maraykanka iyo Niger, kaas oo ku aaddan, hannaankii ay ciidamada Maraykanku uga soo bixi lahaayeen dalkaas,
General Pat Ryder oo u hadlay wasaaradda difaaca ee Maraykanka ayaa intaas ku daray, inay u dirayaan Niger wefti aad u kooban oo ay ku jiraan xubno ka tirsan taliska Maraykanka ee Afrika, si ay wadahadal ula yeeshaan saraakiisha milateri ee dalkaas xukuma.
Wuxuu sheegay inaanu ka hordhici doonin, xilliga ay ciidamada Maraykanku ka soo bixi doonaan iyo weliba in wax isbedeli haatan ku yimi tirada ciidamada ee ku sugan Niger.
{DHAGEYSO} Warka Habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn 22-04-2024
Isniin April 22, 2024 {HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Wark Habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn.
Warka waxaa soo jeedinayo :: Yaasiin Ali Ahmed
Farsamadii :: Mohamed Baryare Haamud



