Home Blog Page 2531

Kulamo oo hor dhac u ah Shirka Golaha wadatashiga qaran oo ka socdo Magaalada Muqdisho.

Isniin April 22, 2024 {HMC} Madaxda dowlad-goboleedyada Galmudug, HirShabelle iyo Koonfur Galbeed ayaa ku sugan magaalada Muqdisho, kuwaasi oo caasimada u yimid shirka Golaha Wadatashiga Qaranka oo dib u dhac ku yimid.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa madaxda dowlad-goboleedyada ku casuumay shirkaasi oo qorshuhu ahaa inuu dhaco 20-kii bishaan, balse uu arrimo farsamo u baaqday, sida ay sheegtay Villa Somalia.

Shirkan ayaa waxaa qaadacay hoggaamiyaha Puntland Saciid Cabdullaahi Deni, halka uu ka maquurtay sida muuqata hoggaamiyaha Jubbaland Axmed Madoobe oo waayahan lasoo warinayay inay kala furteen madaxweyne Xasan Sheekh.

Madaxda dowlad-goboleedyada saddexda ah ee ku sugan Muqdisho ayaa waxaa maanta kulamo gooni-gooni ah la qaatay wasiirka arrimaha gudaha, federaalka iyo dib-u-heshiisiinta XFS Xildhibaan Cali Yuusuf Xoosh.

Mudane Xoosh ayaa kullamada gaar-gaarka ah ee uu maanta la yeeshay madaxda dowlad-goboleedyada isugu jiray is-xogwareysiga iyo wada-shaqeynta dhinacyada, sida lagu sheegay bayaan kasoo baxay wasaaradda arrimaha gudaha.

“Inta mas’uuliyiintani ay fadhiga lahaayeen arrimaha si horudhac ah looga hadlay waxaa ugu muhiimsanaa; wada-shaqeynta wasaaradda iyo dowlad-goboleedka Koonfur Galbeed, hortabinnada qaranka iyo qaar kale,” ayaa lagu yiri bayaanka wasaaradda ee kulamadan kasoo saartay.

Kulamada maanta Muqdisho ku dhex-maray wasiirka arrimaha gudaha Soomaaliya iyo madaxda dowlad-goboleedyada Galmudug, HirShabelle iyo Koonfur Galbeed ayaa ahaa mid miro-dhal ah.

Axmed Qoor-Qoor, Cali Guudlaawe iyo Cabdicasiis Lafta-gareen ayaa weli Muqdisho u jooga qabsoomida shirka Golaha Wadatashiga Qaranka, kaasi oo uu xafiiska ra’iisul wasaaraha shaaciyay in dib loo dhigay muddo kooban, iyadoo aan la shaacin waqtiga la isugu imaanayo.

Sababta waxaa lagu sheegay in shirkaas uu iclaamiyey madaxweyne Xasan Sheekh uu u baaqday arrimo farsamo, balse faah-faahin kale lagama bixin arrimahaas.

{DAAWO MUQAALKA} Deeq dawo ah oo lagu wareejiyay wakiilka Xanaanada Xoolaha maamulka Gobalka Banaadir.

0

Isniin April 22, 2024 {HMC} Deeq dawo ah oo lagu wareejiyay wakiilka Xanaanada Xoolaha maamulka Gobalka Banaadir.

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

{DAAWO MUQAALKA} Agab caafimaad oo lagu wareejiyay Isbitaalka guud ee degmada Marka ee gobalka Shabeellada Hoose.

0

Isniin April 22, 2024 {HMC} Agab caafimaad oo lagu wareejiyay Isbitaalka guud ee degmada Marka ee gobalka Shabeellada Hoose.

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

 

{DAAWO MUQAALKA} Guddoomiyaha degmada Kaxda “ Maanta kadib Goofkii Hoobiye laga soo tuuro shuruud la’aan ayaan,……

0

Isniin April 22, 2024 {HMC} Guddoomiyaha degmada Kaxda “ Maanta kadib Goofkii Hoobiye laga soo tuuro shuruud la’aan ayaan,

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

 

Madaxweyne Ku-xigeenka oo warbixin ka dhegeystay Gudiga doorashada Puntland

Isniin April 22, 2024 {HMC} Madaxweynaha Ahna Madaxweyne Ku-xigeenka dowladda Puntland Ilyas Osman Lugatoor ayaa kormeer shaqo ku tegey xarunta Guddiga Doorashooyinka Puntland ee PEC.

Madaxweyne Ku-xigeenka ayaa guddiga ka dhegaystay warbixin ku aadan shaqada socota, hawlihii qabsoomay iyo qorshaha ku aadan doorashada Goleyaasha deegaanka ee degmooyinka haray, isaga oo ku bogaadiyey shaqadii baaxada lahayd ee ay soo qabteen.

Ugu dambayn Madaxweyne Ku-xigeenka ayaa Guddiga faray in ay dar-dargeliyaan habsami-u-socodka iyo hannaanka daah-furnaanta qabashada doorashooyinka golaha deegaanka ee degmooyinka haray.

Madaxweynaha ayaana uga mahadceliyay shaqada Guddigu hayaan oo uu sheegay iney tahay mid muhimad gaar ah u leh shacabka iyo dowlad goboleedka Puntland

 

Saldhig Mareykanka uu ku leeyahay Suuriya oo la weeraray

Isniin April 22, 2024 {HMC} Gantaallo laga soo tuuray Woqooyiga Ciraaq ayaa habeenkii Axadda lagu weeraray saldhig ay Suuriya ku leeyihiin isbaheysiga Mareykanka uu hoggaamiyo, sida ay ku warrameen ciidamada amniga Ciraaq.

Isbaheysiga la-dagaalanka kooxaha jihaad doonka ayaa sheegay in mid ka mid ah diyaaradahooda dagaalka ee Ciraaq ay “burburisay gantaal ayaga oo is-difaacaya kadib markii ay soo baxeen warar sheegaya weerar gantaal oo fashilmay,” meel u dhow saldhig ku yaalla waqooyi bari Suuriya.

Ma jiro wax dhaawac ah oo soo gaaray shaqaalaha Mareykanka,” ayaa lagu yiri qoraal kooban oo isbaheysiga ay siiyeen AFP.

Waa weerarkii ugu horeeyay ee culus oo lagu qaado ciidamada isbaheysiga muddo dhowr toddobaad ah.

Waxa uu kusoo beegmay maalmo kadib markii la sheegay in Israel ay ka jawaabtay weerar ay Iiraan ku qaaday ayada oo adeegsaneysa diyaarado aan duuliye lahayn.

Ciidamada Ciraaq ayaa goor sii horeysay sheegay in howlgal baaritaan oo ballaaran ay ka sameeyeen waqooyiga gobolka Nineveh ayna ku heleen gaarigii loo adeegsaday weerarka.

Bayaanka ka soo baxay ciidamada ammaanka Ciraaq ayaa ku eedeeyay “canaasiir fallaago ah in ay gantaallo la beegsadeen saldhigga isbaheysiga caalamiga ah ee bartamaha dhulka Suuriya”, abaare 9:50 habeenimo {1850 GMT}.

Ciidamada amamanka waxa ay gubeen gaarigii ku lugta lahaa weerarka, ayaa lagu yiri bayaanka.

Rami Abdel Rahman, oo ah agaasimaha kooxda kormeerka xuquuqda aadanaha Suuriya, ayaa sheegay in dhowr gantaal oo laga soo tuuray “dhulka Ciraaq lala beegsaday saldhigga Kharab al-Jir”, halkaasi oo ay ku sugan yihiin ciidamada Mareykanka.

Waxa uu ku eedeeyay in weerarka ay fulisay Kooxda Muqaawamada Islaamiga ah ee Ciraaq, oo ah isbahaysi ka mid ah kooxaha ay taageerto Iiraan.

Kooxdan ayaa sheegatay inta badan weeraradii lagu qaaday ciidamada Mareykanka ee la fuliyey bartamihii October illaa horraantii Febraayo.

Erdogan oo booqasho ku tegay dalka Ciraaq

Isniin April 22, 2024 {HMC} Madaxweynaha Turkey Recep Tayyip Erdogan ayaa maanta booqasho naadir ah ku tegay dalka ay deriska yihiin ee Ciraaq, ayada oo biyaha, shidaalka iyo amniga gobolka ay yihiin ajendayaasha ugu weyn.

Erdogan ayaa waxaa lagu soo dhoweeyey 21 madaafiic salaan ah oo laga riday garoonka diyaaradaha caalamiga ee Baghdad, halkaasi oo uu ku qaabilay ra’iisul wasaare Mohamed Shia al-Sudani.

Hoggaamiyaha Turkiga ayaa waxaa lagu wadaa inuu magaalada Baghdad kulamo kula yeesho Sudani iyo madaxweyne Abdel Latif Rashid, kahor inta aanu booqan saraakiisha Arbil, oo ah caasimadda gobolka is-maamulka woqooyi ee Kurdistan.

“Ciraaq iyo Turkey waxay wadaagaan taariikh waxayna leeyihiin isu ekaansho, dano iyo fursado, laakiin sidoo kale dhibaatooyin,” ayuu Sudani yiri mar uu ka hadlayay munaasabad ka dhacday Golaha Atlantic ee magaalada Washington oo uu dhowaan booqday.

“Biyaha iyo amniga ayaa ah ajandaha ugu sarreeya,” ayuu yiri mar uu ka hadlayay kulanka Erdogan, oo markii ugu dambeysay booqday Ciraq 2011.

Safarka ayaa imanaya ayada oo ay aad u kacsan tahay xiisadda gobolka ee ka dhalatay dagaalka Israel iyo Xamas ee Marinka Gaza iyo weeraradii ay is-weydaarsadeen Israel iyo Iran.

Farhad Alaaldin, oo ah la-taliyaha arrimaha dibedda ee Sudani, ayaa u sheegay AFP in qodobada ugu weyn ee Erdogan uu kala hadli doono saraakiisha Ciraaq ay ku jiraan “maal-gelinta, ganacsiga… wada-shaqeynta amni ee labada dal, maamulka iyo biyaha iyo kheyraadka biyaha.”

Alaaldin ayaa filaya saxiixyada heshiisyo is-afgarad oo dhowr ah inta lagu guda jiro booqashada.

Wadaagga kheyraadka biyaha ayaa ah qodob xasaasi ah, oo ay isku hayaan labada dal, ayada oo Baghdad ay aad uga soo horjeedo biyo-xireenada ay Turkey ka sameysay wabiyada ay wadaagaan ee Tigris iyo Yufratis, kuwaas oo sii xumeeyey biyo yaraanta Ciraaq.

Erdogan ayaa sheegay in arrinta biyuhu ay noqon doonto “mid ka mid ah qodobbada ugu muhiimsan” ee booqashadiisa ka dib “codsiyo” ay sameeyeen mas’uuliyiinta Ciraaq.

“Waxaan ku dadaali doonnaa sidii aan u xallin lahayn arrintaas, taasi sidoo kale waa rabitaankooda,” ayuu yiri.

{DAAWO MUQAALKA} Wiil Toorreey ku dilay Saaxiibkiis iyo Ciidamo hubeysan oo la sheegay inay fakiyeen.

0

Isniin April 22, 2024 {HMC}  Wiil Toorreey ku dilay Saaxiibkiis iyo Ciidamo hubeysan oo la sheegay inay fakiyeen.

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

{DAAWO MUQAALKA} Wasiir Fartaag Waa Alle Mahaddii marba haddii Ganacsatadii geesaha Fiir fiirin jiray ay ciidanka iyo

0

Isniin April 22, 2024 {HMC} RW Wasiir Fartaag Waa Alle Mahaddii marba haddii Ganacsatadii geesaha Fiir fiirin jiray ay ciidanka iyo

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

{DAAWO MUQAALKA} RW Xigeen Saalax”Waa Ceeb Adigoo Masuul ah oo wax haysta inaad xoog ku marto Askari Qaran”

0

Isniin April 22, 2024 {HMC} RW Xigeen Saalax”Waa Ceeb Adigoo Masuul ah oo wax haysta inaad xoog ku marto Askari Qaran”

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA