Home Blog Page 2534

{DAAWO MUQAALKA} Ogoow Dalalka ugu dhaqaalaha iyo ganacsiga fiican dunida ee aysan Soomaalidu ku baraarugsaneyn

0

Isniin ,22-April-2024 {HMC} Ogoow Dalalka ugu dhaqaalaha iyo ganacsiga fiican dunida ee aysan Soomaalidu ku baraarugsaneyn

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

{DAAWO MUQAALKA} WAR DEG DEG AH: Webiga Shabelle oo ka Fatahay Tuulada Beyxaaw oo Koonfur bari ka xigta Jowhar

0

Isniin ,22-April-2024 {HMC} WAR DEG DEG AH: Webiga Shabelle oo ka Fatahay Tuulada Beyxaaw oo Koonfur bari ka xigta Jowhar

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

{DAAWO MUQAALKA} Qoor qoor oo Taageero weyn ku Helay dhax dhaxaadintii uu ka sameeyay Dadka dagan dabdamiska iyo DFS

0

Isniin ,22-April-2024 {HMC} Qoor qoor oo Taageero weyn ku Helay dhax dhaxaadintii uu ka sameeyay Dadka dagan dabdamiska iyo DFS

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

{DAAWO MUQAALKA} Maxeey Nairobia Ugu wanaagsan tahay Caasimadaha kale ee Africa ?

0

Isniin ,22-April-2024 {HMC} Maxeey Nairobia Ugu wanaagsan tahay Caasimadaha kale ee Africa ?

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

{DAAWO MUQAALKA} Qoor Qoor hada waxuu ku fiican yahay in aan sida Deni afar kale ugu darno oo aan niraa qabo Xilkaan.

0

Isniin ,22-April-2024 {HMC} Qoor Qoor hada waxuu ku fiican yahay in aan sida Deni afar kale ugu darno oo aan niraa qabo Xilkaan.

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

{DAAWO MUQAALKA} Madaxweyne Xasan Shiikh oo dhiiri Gilin weyn u orodyahankii Ku guuleystay Oradka 5000 mitir

0

Isniin ,22-April-2024 {HMC} Madaxweyne Xasan Shiikh oo dhiiri Gilin weyn u orodyahankii Ku guuleystay Oradka 5000 mitir

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

{DAAWO MUQAALKA} Koox Bur cad ah oo ay ku jirto haweyney oo Maanta xukun Lagu riday.

0

Isniin ,22-April-2024 {HMC} Koox Bur cad ah oo ay ku jirto haweyney oo Maanta xukun Lagu riday.

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

4 qodob oo aas-aas u ah khilaafka Xasan Sheekh iyo madax goboleedyada dalka

Isniin ,22-April-2024 {HMC} Madaxweynaha Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa shir gaar ah ku casuumay dhammaan madaxda maamul goboleedyada dalka iyo duqa magaalada Muqdisho, shirkaas oo hadda baaqday, islamarkaana aan la ogeyn xilliga uu dhacayo.

Xog ay heshay warbaahinta ayaa sheegeysa in casuumadda shirka ay timid kadib markii madaxweynaha uu ka war helay caro sii kordheysa oo ka dhex jirta madax goboleedyada, taasi oo isaga ku wajahan.

Madaxweyne Xasan ayaa waxaa horey khilaaf uu ugala dhaxeeyey madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullaahi Deni. Hase yeeshee, waxaa hadda soo baxday in xubno kale laga yaabo inay ku biiraan xeendaabkiisa.

Madaxda maamul goboleedyada ayaa ka caraysan in madaxweynaha uu ka baxay heshiisyo ay horey u wada-galeen.

Arrintan ayaa si gaar ah ula xiriirta tallaabooyinkii u dambeeyay ee Villa Somalia u qaaday dhanka dastuurka, gaar ahaan isbeddelka uu madaxweyne Xasan Sheekh ku sameeyay qodobbadii ay isaga iyo maamullada ku heshiiyeen bishii May 2023.

Golaha Wadatashiga Qaran oo ay ka maqan tahay Puntland ayaa ku heshiiyay bishii May 2023 inay dalka ka dhacdo doorasho qof iyo cod ah oo la mideeyo doorashooyinka labada heer dowladeed.

Waxay sidoo kale isku racaeen in nidaamka xukunka ee dalka uu noqdo madaxweyne iyo madaxweyne ku-xigeen, in guddiga doorashada uu noqdo 15 xubnood oo ay min laba xubnood ka timaado 5-ta maamul goboleed, 5-ta kalena ay ka timaado dowladda dhexe iyo Benaadir, iyo in xisbiyada dalka noqdaan laba xisbi.

Madaxda maamul goboleedyada arrintaan dhowr jeer oo ay mucaaradka kala hadleen waa difaaceen, oo waa ku adkeysteen waxayna la safteen doonista madaxweyne Xasan Sheekh.

Si kastaba qaar badan oo kamid ah qodobaddii ay ku heshiiyeen dowladda dhexe iyo afartaasi maamul goboleed ayay Villa Somalia ka baxday dhowr maalmood kahor ansixinta afartii cutub ee ugu horreysay dastuurka.

Waxyaabaha la beddelay ayaa kala ah;

1.Haykalka dowladnimada

Maamullada iyo madaxweyne Xasan Sheekh waxay isku ogaayeen in haykalka dowladnimada uu noqdo madaxweyne iyo madaxweyne ku-xigeen. Laakiin iyada oo aan talo loogu laaban ayuu Xasan Sheekh iska tuuray qodobkaas, wuxuuna ku beddeshay ra’iisul wasaare uu isagu eryi karo.

2.Tirada xisbiyada

Maamullada waxay heshiiska hore ku galeen laba xisbi oo dalka uu yeelanayo laakiin talo la’aantooda waxaa laga dhigay saddex xisbi.

3.Guddiga doorashooyinka ee labada heer dowladeed

Maamullada waxay kula heshiiyeen madaxweyne Xasan Sheekh guddi doorasho oo 15 xubnood ah oo qabanaya dhamaan doorashooyinka dalka, oo maamul goboleedyada xaq u leeyihiin soo magacaabista min laba xubnood.

Laakiin hadda waxaa laga dhigay 18 xubnood iyaga oo wax talo ah la siinin, waxaana dhamaan soo magacaabaysa xukuumadda federaalka ah.

4.Madaxda maamullada oo loogu yeero hoggaamiyeyaal

Midda afaraadna waa in madaxda maamullada loogu yeero hoggaamiyeyaal oo laga tiro dastuurka inay madaxweyneyaal yihiin. Iyadana cidna talo lagama weydiin.

Madaxweyne goboleedyada oo ka caraysan afartaas qodob ayaa la sheegay inay dalbadeen shirka uu hadda iclaamiyey madaxweynaha.

Xogta ay heshay warbaahinta ayaa sheegeysa in madaxweynaha uu muddo toddobaadyo ah ka cago jiidayey shirkan, balse uu hadda aqbalay kadib markii ay madax goboleedyada ku hanjabeen inay soo saarayaan war-murtiyeed wadajir ah oo ka dhan ah wax ka beddelka dastuurka.

Waxaa xusid mudan in madax goboleedyada, marka laga reebo Saciid Deni aysan wax falcelin ah, taageere ama mucaaradid, ka sameyn wax ka beddelka dastuurka, ayna u dhigtaan illaa ay ka wada-hadlayaan madaxweynaha.

Halkaan waxaa kasoo socda culeys, mana cadda sida madaxweyne Xasan Sheekh iyo kooxdiisa ugu diyaarsan yihiin inay la dhigtaan haddii ay afartaan maamul goboleed isku dayaan inay ka horyimaadan.

Dil argagax leh oo ka dhacay maamulka goblka Oromada ee dal itoobiya.

Isniin ,22-April-2024 {HMC} Gobena Hola oo ah odeydhaqmeedkii safarka ku tagay Somaliland bilowgii sanadkaan ee yiri erayadii caanka noqday ee “Lafti Nagaa”, ayaa waxa uu sheegay in geerida wiilkiisa oo ka tirsanaa jabhadda OLA ee Oromada uu ka ogaaday baraha bulshada.

Todobaad ka hor ayaa wiilka uu dhalay odey dhaqmeedkaan oo ka tirsanaa Jabhadda, ayaa maamulka goblka Oromadu waxay sheegeen in ay talaabo ka qaadeen “ka dib markii uu bilaabay in uu beegsado dad shacab ah”.

Kadib markii uu soo shaac baxay warkaas ayaa waxaa aad hadal hayn u dhaliyay dhimashada wiilka odey dhaqmeedkaan oo ah odey laga haybeysto oo meeqaam sare ka jooga nidaamka dhaqanka ee Oromada.

Odeygaan oo lagu magacaabo Gobena Hola iyo Midowga Odeyayaasha Dhaqanka ee Oromada ayaa waxay ay sheegeen in geerida wiilkooda oo lagu magacaabi jiray Fole Gobena ay ka maqleen dad isla dhexmaraya baraha bulshada.

Warka ka soo baxay maamulka horaantii bishaan ayaa waxaa lagu yiri “Waxaa talaaba laga qaaday wiilka uu dhalay oday dhaqmeed Gobena Hola, kaas oo laynayay caruur Oromo ah.”

Sidoo kale warka maamulka ayaa waxaa la sii raaciyay: “Wiilka Gobena Hola, ee lagu magacaabo Fole Gobena waxa uu u socday in uu waxyeelo gaarsiiyo nolosha dad shacab ah oo ku sugan aagga xuduuda ee Bariga RC Zone, waxaana talaabo ka qaaday ciidamada ammaanka.”

Odey dhaqmeedka dhalay wiilka ayaa xaqiijin dhimashada wiilkiisa, balse waxa uu qiray in wiilkiisu uu xubin ka ahaa urur Xoreynta Oromia ee dawladdu ay ugu yeerto Shene.

Odeyga dhalay wiilka ayaa sheegay in wiilkiisa Fole oo ah 33 jir uu ka maqnaa muddo lix sano ah, intaas oo dhana uusan arag wiilkiisa.

“Maalin dhaweed ayaan arkay masawirkiisa oo baraha bulshada la wareejinayo aniga oo aan indho saarin muddo lix sano ah,” ayuu yiri odey dhaqmeed Gobena.

“Waan ogahay in uu xubin ka yahay ururka Ciidamada Xoreynta Oromia , balse ma jiro wax xiriir ah oo naga dhexeeya. Meel uu jooga xitaa ma aqaano.

Aagga Galbeedka RC ee Oromia warka uu soo saaray ayaa lagu sheegay in wiilka odey dhaqmeedka uu dilal ka sameynayay degmooyin kala duwan oo ku yaalla aagga.

Odey dhaqmeedka ayaa waxa uu sheegay in marka laga soo tago warka sheegaya in wiilkiisii la dilay uusan wax war ah ka hayn eedeymaha ay dawladdu u jeedisay.

“Waxaan ahay aabaha dhalay wiilka, been ma sheegayo; Wax xiriirka ah oo aan lalahaa wiilkeyga ma jiro. Taleefan xitaa iskama aanan wici jirin. Waaba markii ugu horeysay ee aan sawirkiisa arkayo muddo lix sano ah oo aan kala maqnayn.”

Sida uu sheegay aabihiisa wiilka la dilay ee ka tirsanaa jabhadda Ciidamada Xoreynta Oromia ee OLA ayaa guriga ka tagay isaga oo 26 jir ah.

Aabihiis ayaa waxa uu sheegay in maadaama wiilkiisu uu ka tirsanaa jabhadaan hubeysan ay ciidamada ammanaku si joogto ah u soo weerari jireen gurigiisa.

Bil ka hor odey dhaqmeedkaan ayaa wuxuu sheegay mar gurigiisa la weeraray iyada oo aan ciidamada haysan ruqsad maxkamadeed in la qaatay hub uu aabihiis ka dhaxlay, dhacdadaasina ay ragagax u geysatay qoyskiisa oo dhan.

Odey dhaqmeed Gobena ayaa wuxuu xilka kala wareegay odeygii hore ee xilkaan u hayn jiray tuulada Tulema muddo shan sano ka hor. Waxa uu noqday xilligaa ska dib mid ka mid ah odeyaasha dhaqanka ee ugu sareeya ee dadka Oromada ah.

Xilkaan odey dhaqmeednimada ayaa waxa uu Tulema u hayn doonaa ilaa iyo sanadka 2027 da. Intaas wixii ka horeeya xilka waa uu hayn doonaa.

Goboka Oromada ayaa ka mid ah gobolada ay ku sugan yihiin ciidamada hubeysan ee hawlgalladoodu joogtada yihiin, waxaana ugu xoogan urur Ciidamada Xoreynta Oromia ee uu xubinta ka ahaa wiilka uu dhalay odey dhaqmeedku.

Ururka Ciidamada Xoreynta Oromia oo ka hawlgala qaybo kala duwan oo ka tirsan gobolka Oromada ayaa dawladda Itoobiya waxay u aqoonsan tahay in uu yahay urur argagixiso iyada oo ku magacawday ‘Shene’, marar badan ayaa waxaa lagu eedeeyay in ay weerareen dad rayid ah.

{DAAWO MUQAALKA} Madaxweyne qoor qoor oo Taageero weyn ku Helay dhax dhaxaadintii uu ka sameeyay Dadka dagan dabdamiska iyo DFS

Isniin ,22-April-2024 {HMC} Madaxweynaha Maamulka Galmudug Axmed kaariye qoor qoor ayaa Taageero weyn ku Helay dhax dhaxaadintii uu ka sameeyay Dadka dagan dabdamiska iyo Dowladda Federaalka Soomaaliya.

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA