Isniin ,22-April-2024 {HMC} Olale wadooyinka Muqdisho biyaha roobka looga saarayo oo la bilaabay.
HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA
Isniin ,22-April-2024 {HMC} Olale wadooyinka Muqdisho biyaha roobka looga saarayo oo la bilaabay.
Isniin ,22-April-2024 {HMC} Odaygii dhulka soomaaliyeed kaga caan ahaa magaca Lafti Nagaa oo Wiilkiisa la dilay.
Isniin April 22, 2024 {HMC} Dowladda Uganda ayaa sheegtay in ciidamadeeda ay sii joogi doonaan gudaha Soomaaliya, xitaa haddii uu dhammaado howlgalka nabad ilaalinta ee ATMIS.
Nathan Mugisha, oo ah ku xigeenka madaxa howlgallada ciidamada Uganda ee ku sugan Soomaaliya, ayaa sheegay, in ciidamada Uganda ay sii wadi doonaan in ay ka howlgallaan Soomaaliya, taas oo uu xusay in ay qeyb ka tahay soo jeedinta howlgalka ATMIS ka dib.
“Uganda waxay halkan ku sugnaan doontaa qaab kasta oo ay tahay,” sidaas ayuu u sheegay saxafiyiinta, isagoo raaciyay in Golaha Ammaanka ay weydiisteen inay sii joogaan Soomaaliya, wuxuuna sheegay inay aqbaleen.
Sarkaalkan waxa uua sheegay dhimista tirada ciidamada ATMIS in Al-Shabaab ay ka faaidaysteen oo ay geysteen weeraro ay ku qaadeen saldhigyada Atmis, isagoo sheegay in ay dib u soo ceshadeen dhulkii laga qabsaday.
Taliyaha Uganda ayaa sidoo kale u sheegay Sunday Monitor in xitaa haddii ay dhacdo in UPDF laga saaro ciidamada cusub, ay sii wadi doonto joogitaankeeda Soomaaliya si ay u sugaan agabkooda iyo qalabkooda.
DFA
Monday April 22, 2024
The Northern Cape Provincial Organised Crime Investigations unit, in collaboration with the Colesberg Highway Patrol, arrested two Somali nationals in the Western Cape with khat worth R275,000 on Saturday.
AS PART of ongoing efforts to combat the illegal drug trade, the Northern Cape Provincial Organised Crime Investigations unit, in collaboration with the Colesberg Highway Patrol, arrested two individuals in possession of khat worth R275,000.
The operation, which took place on Saturday, April 20, at around 9am, culminated in the arrest of two Somali nationals in the Western Cape.
Following up on information received, the investigation led the police to Kraaifontein in the Western Cape. There, with the assistance of the Western Cape Organised Crime Investigations Narcotics unit, the police apprehended two suspects who were found in possession of several boxes of khat with an estimated street value of R275,000.
The two suspects, aged 38 and 42, are scheduled to make their court appearance at the Kraaifontein Magistrate’s Court shortly.
Isniin ,22-April-2024 {HMC} Aabe Cabdicasiis Maxamed oo dhalay marxuumad Luul oo uu horay u gubay Seygeeda Sayid-Cali Macallin ayaa ka hadlay sida ay ku bilaabatay dhageysiga kiiskan oo ay shalay gudaha gashay Maxkamadda Rafcaanka Gobolka Banaadir.
Aabe Cabdicasiis oo la hadlay Wariyeyaasha ayaa sheegay in maxkamadda uu goobjoog ahaa, lana dhageystay labada dhinac xeer ilaalinta iyo qareennada difaacaya Sayid-Cali.
Sidoo kale waxa uu tilmaamay in mar kale lagu balamay inay sii socoto maxkamadda, iyagana ay weli sugayaan cadaaladda gabadhooda.
“Maxkamaddii Rafcaanka maanta labada dhinacba way wada-hadleen xeer ilaaliyihii iyo abuukaatayaalkii kale ee uu u doodaayay eedeysane Sayid-Cali, kolley waxaa la yiri muddo kale ayaa la qabanaa marka cadaaladda ayaa weli sugeynaa” ayuu yiri Aabe Cabdicasiis.
Waxaa kale oo uu soo hadal qaaday waxa iska beddelay go’aankiisa, isaga oo sheegay in aani jirin wax isbeddel ah oo ay sugayaan kaliya in la qisaaso eedeysanaha.
“Lacag ma rabo, diyo ma rabno qiasaas ayaan rabnaa” ayuu mar kale ku celiyay Aabe Cabdicasiis Maxamed.
Dhankiisa waxaa warbaahinta u warramay Abuukaate Cali Xalane oo u doodaya Sayid-Cali, wuxuuna sheegay in Rafcaan qaadashadooda ay si wanaagsan usoo bandhigeen.
“Rafcaan qaadashadeennii waa soo gudbinay si xaraka leh ayaan usoo gudbinay, waxaana rajeyneynaa in go’aankaas codsiga ah aan soo gudbinay ay Maxkamadda naga aqabali doonto, kadibna ay go’aan kasoo saari doonto” ayuu isna yiri Abuukaate Cali Xalane.
Qudhiiisa Sayid-Cali oo lagu wareystay Maxkamadda ayaa ka hadlay sababta uu usoo qaatay Rafcaanka, isaga oo ku oodday inuu dhibane yahay, uuna dilin xaaskiisa.
“Sababta aan rafcaanka usoo qaatay mudane guddoomiye ayaa waxa ay tahay in anoo dhibane ah la’igu sheegay nin dilaa ah, waana layga been abuurtay” ayuu ku dooday.
Bil kahor maxkamadda gobolka Banaadir ayaa dil toogasho ah ku xukuntay Sayid-Cali, kadib markii ay caddeysay in lagu helay dilka xaaskiisii.
Kiiska Sayid-Cali waa kii ugu adkaa ee maxkamadaha gobolka Banaadir la horkeenay waayahaan, waxaana isha lagu wada hayaa halka uu ku dambey doono.
Isniin ,22-April-2024 {HMC} Waddamada deeq bixiyaasha caalamka ayaa dowladda Federaalka Soomaaliya usoo marsiisa deeqaha lacageed iyo mashaariicda ay ka fuliyaan dowlad goboleedyada dalka ka jira oo ay ku jirto maamulka Somaliland oo madax-bannaani raadinaya.
Wasiirka Qorsheynta maamulka Somaliland Axmed Maxamed Diiriye (Axmed Toorno) ayaa ka dalbaday waddamada deeq bixiyaasha caalamiga ah in kaalmada ay siiyaan Somaliland si toos ah ugu soo wareejiyaan ayna usoo marsiin meelo kale.
Waxa uu sheegay wasiir Axmed Toorno in maamulka Somaliland uu yahay mid ka madax-bannaan dowladda Soomaaliya, waxa uuna ka dalbaday deeq bixiyaasha in Somaliland toos ugu wareejiyaan kaalmada ay siiyaan ama usoo marsiiyaan hay’ad ama shirkad gaar ah.
‘’Waxaynu ka codsanaynay deeq bixiyayaasha caalamiga ah in deeqda dadka reer Somaliland ay siinayaan in ay si toos ah ugu cawiyaan Somaliland, ama hay’ad calami ah ha u soo mariyaan ama shirkad gaar ah ha u soo mariyaan ama dawladda Somaliland ha ugu dhiibaan ama iyaguba toos ha u fuliyaane, sababta aan sidaas u lahayna waxa weeyaan Soomaaliya iyo Somaliland berigii hore isku wadan bay ahaan jireen, laakiin hadda waa labo wadan oo kala duwan’’ ayuu yiri Wasiir axmed Toorno.
Waddamada deeq bixiyaasha caalamka ayaa u aqoonsan Somaliland maamul hoostaga dowladda Soomaaliya , waxa ayna deeqaha iyo waxyaabaha kale ay ugu talagaleen maamulkaasi soo marsiiyaan dowladda ee xarunteeda tahay Muqdisho.
Isniin ,22-April-2024 {HMC} Magaalada Muqdisho waxaa mar kale soo rogaal celiyay kooxaha ciyaal weerada ee dhibaatada ku haaya shacabka ku dhaqan gobolka Banaadir, kuwaas oo bilaabay falal ay ku qalqal-gelinayaan amniga, kuna dhibaateynayaan shacabka.
Wararka ayaa sheegaya in kooxahan ay dib uga soo cusboonaadeen xaafadaha qaar, waxayna bilaabeyn weeraro ay ku qaadaan dadka rayidka ah.
Falkii ugu dambeeyay oo sababay dhimasho iyo dhaawac ayay ciyaal weeradu xalay ka gaysteen degmada Kaxda ee gobolka Banaadir, sida ay innoo xaqijiyeen dadka deegaanka.
Weerar ay qaadeen ciyaal weerada ayaa waxaa lagu beegsaday shacab ku sugnaa waaxda 5-aad ee Kaxda, gaar ahaan halka loo yaqaano Albiri, waxayna gaysteen dil iyo dhaawac.
Ugu yaraan 1 qof ayaa ku dhintay weerarkaas oo ay toorey u adeegsadeen ciyaal weeradu, waxaana ku dhaawacmay mid kale, sida aanu kasoo xiganay ilo wareedyo xilkas ah.
Kooxaha falka gaysatay ayaa lasoo wariyay inay goobta isaga baxsadeen, mana jiro wax hadal ah oo kasoo baxay saraakiisha laamaha ammaanka oo ku aadan dhacdadaasi.
Dib usoo laabashada ciyaal weerada ayaa ah xaalad kale oo soo korortay, isla markaana dhibaato ku ah reer Muqdisho, waxaase laga war sugayaan tallaabada xigta ee dowladda.
Horay ciidamada ammaanka ayaa ugu guuleystay inay Muqdisho ka sifeeyaan kooxaha ciyaal weerada oo dhibaato xoogleh ka gaysanayay degmooyinka gobolka Banaadir.
Monday ,22-April-2024 {HMC} Somali Prime Minister Hamza Abdi Barre met with members of the Parliament of the East African Community (EAC) in Mogadishu on Sunday to address the final technicalities needed to facilitate Somalia’s engagement with the East African Market.
“I urge the members of the EAC Regional bloc to continue supporting efforts to harmonize policies and regulations, creating a conducive business environment for investors and entrepreneurs. Let us further bolster cooperation in regional security and the advancement of peace and stability,” Prime Minister Hamsa Abdi Barre emphasized during the meeting.
Barre presented Somalia’s potential contributions to the East African Community and underscored the benefits member countries could derive from Somalia’s inclusion. He highlighted Somalia’s abundant natural resources and its people’s dynamic and creative nature.
Last month, Somalia achieved full membership status in the East African Community (EAC) after fulfilling all the requirements for joining the regional bloc. With this development, Somalia joins Burundi, the Democratic Republic of Congo, Kenya, South Sudan, Tanzania, Rwanda, and Uganda as the eighth member of the EAC.
The EAC was established in 2000 and is headquartered in Arusha. Its mission has been to foster economic growth by eliminating customs duties among member states. In 2010, it established a common market.
Since 1991 when Somalia’s government collapsed, leading to three decades of political instability and the rise of al-Shabab, the country’s trade volume with its neighbours shrank rapidly.
Isniin ,22-April-2024 {HMC} Maxaad ka taqaan garoonka kulmiya geerida iyo kubadda cagta ee Muqdisho ku yaal?
Isniin ,22-April-2024 {HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Warka Subaxnimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn
Warka waxaa soo jeedinayo:Mustaf Ali Addow
farsamadii :Mohamed Baryare Haamud