Home Blog Page 2536

{DHAGEYSO} Warka Habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn 21-04-2024

Axad-21-April-2024 {HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Wark Habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn.

Warka waxaa soo jeedinayo :: Abdiqani Osoble

Farsamadii :: Mohamed Baryare Haamud

HOOS KA DHAGEYSO WARKA HABEENIMO

{DAAWO MUUQAALKA} Wararkii ugu dambeeyay ee Soomaaliya iyo Caalamka ee Hiiraanweyn 21-04-2024

0

Axad-21-April-2024 {HMC} Wararkii ugu dambeeyay ee Soomaaliya iyo Caalamka ee Hiiraanweyn 21-04-2024

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

{DAAWO MUUQAALKA} Walaac la xiriira fatahaad oo kasoo cusboonaatay Baladweyne.

0

Axad-21-April-2024 {HMC} Walaac la xiriira fatahaad oo kasoo cusboonaatay Baladweyne.

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

Maxkamada Ciidamada oo Xukunka Ku Riday Koox ay ku jirto haweynay

Axad-21-April-2024 {HMC}  Kormeere Labaad Asluub Nuur Iidle Salaad, Dable Xoogga Cabdisalaam Arwaax Shariif, Dable Xoogga Maxamed Nuur Axmed iyo Nimco Maxamuud Cali, ayaa si wadajir ah lagu soo eedeeyey fal burcadnimo hubeysan ah iyo Isticmaalka Qamri.

Afartaan Eedeysane oo watay gaari, ayaa dhac u geystay dad shacab ah oo gaaraya Afar iyo Toban Qof, kuwaasi oo ku sugnaa degmadda Hodan ee Gobolka Banaadir.

Eedaysane Nimco Maxamuud ayaa laheyd doorka qarinta agabyadii la soo dhacay, iyaddoo saarneyd qeybta hore ee gaariga, si loo marin habaabiyo ciidanka amniga.

Eedeysaneyaasha ayaa Cabsanaa Qamri xilligii ay dhaca geysanayeen, waxaana ay isku soo mareen dhowr degmo oo ka tirsan gobolka Banaadir.

Gaarigii ay wateen oo ka halaabay, ayaa iyaggoo ku sameynaya garaasha ku yaalla degmadda Hodan waxaa kasoo qabtay Ciidanka ammaanka, taariikhdu markii ay aheyd Tobanka bisha siddeedaad 2023.

Baaris dheer kadib Xafiiska Xeer Ilaalinta Ciidamada, ayaa codsaday qaadista kiiskaan, waxaana laga oggolaaday Todobada bishii Seddexdaad ee Sanadkaan 2024.

Garsoorka Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida oo waqti ku filan siiyey dhinacyadda dacwadda ayaa ugu dambeyn maanta go’aan ka soo saaray Shanta eedeysane, waxaa lagu kala xukumay.

Ex-Kormeere Labaad Asluub Nuur Iidle Salaad, Ex-Dable Xoogga Cabdisalaan Arwaax Shariif, Ex-Dable Xoogga Maxamed Nuur Axmed ayaa lagu Xukumay min 8 sano oo Xabsi ciidan ah, halka Nimco Maxamuud Cali lagu xukumay 5 sano oo xabsi ciidan ah.

Sida uu warbaahinta u sheegay Garsoore Gaashaanle Maxamed Cabdi Muumin oo ka tirsan garsoorka Maxkamadda Darajada Koowaad Ee Ciidamadda Qalabka Sida.

Wasaaradaha Waxbarashada Dowlad Goboleedyada oo War Saxaafadeed Soo Saaray

Axad-21-April-2024 {HMC}  Wasaaradaha Waxbarashada ee Dowlad Goboleedyada Jubaland, Hirshabeelle, Koonfur Galbeed, iyo Galmudug ayaa maanta oo taariikhdu tahay 12-ka April, 2024, waxay soo saareen warsaxaafadeed wadajir ah kaas oo ay ku muujiyeen caqabadaha xooggan ee ka dhex jira iskaashiga ay la leeyihiin Wasaaradda Waxbarashada ee Federaalka Soomaaliya.

Intii lagu guda jiray shir ay ku yeesheen aaladda fogaan aragga ee Zoom, wasiirada waxbarashada ee dowlad goboleedyada ayaa soo bandhigay caqabadaha soo noqnoqday ee ka hor taagan habsami u socodka mashaariicda waxbarasho ee muhiimka ah sida Mashruuca GPE, Systems Transformation Grant, iyo Girls’ Education Accelerator, kuwaas oo dhammaantood wajahaya daahitaan ka yimid dhinaca Federaalka, iyadoo ay meesha ka maqan tahay wada tashi dhexmara dowlad goboleedyada iyo federaalka.

Waxaa kaloo la isla soo qaaday arrimaha musuq-maasuqa iyo si xun u maamulka deeqaha waxbarasho, halkaas oo ardayda mudan in la siiyo fursadaha waxbarasho loo gacan geliyay si hoose xubno ka tirsan dowladda federaalka, taasoo meesha ka saartay daahfurnaantii iyo cadaaladdii loo baahnaa.

Wasiirada ayaa ku baaqay in la helo madal lagu dhageysto cabashooyinka jira isla markaana xal deg deg ah loogu helo arrimahan si wada shaqeynta u dhexeysa heerarka kala duwan ee wasaaradaha waxbarashada ay u sii socoto si caafimaad qabta.

Dhammaanteen waxaa naga go’an inaan hormarino waxbarashada Soomaaliya oo aan ka wada shaqeyno sidii aan u heli lahayn hannaan waxbarasho oo ka wanaagsan kan hadda jira.

Hadalkaan ayaa imaanaya xilli Puntland horey u diidey qaabka wadashaqeynta Wasaarada Federaalka Soomaaliya iyadoo ku dhaqanka dastuurka Federaalka noqodey mid meesha la baxdey.

{DAAWO MUUQAALKA} Suuqyada Muqdisho oo lagaa waa Hilib Geel iyo ganacsatada oo ka hadlay

0

Axad-21-April-2024 {HMC} Suuqyada Muqdisho oo lagaa waa Hilib Geel iyo ganacsatada oo ka hadlay

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

{DAAWO SAWIRADA} RW Xamsa oo kulan la qaatay Xubno ka tirsan Baarlamaanka EAC

Axad-21-April-2024 {HMC}  Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa kulan kula qaatay xafiiskiisa, Xildhibaanno ka tirsan Baarlamaanka Urur Goboleedka Iskaashiga Dhaqaalaha Bariga Afrika oo dalka soo gaaray maanta.

Ra’iisul Wasaaraha oo uga mahadceliyey dowladaha Bariga Afrika ee ku midaysan ururkan doorkii ay ka qaateen ansixinta xubinnimada Soomaaliya, ayaa soo bandhigay muhiimadda ay leedahay in degdeg loo dhammaystiro arrimaha farsamo ee xaqiijiniya la falgalka Soomaaliya ee Suuqa Bariga Afrika .

“Waxaan ku boorrinayaa xubnaha Urur Goboleedka EAC in ay sii wadaan taageerada dadaallada la isku waafajinayo siyaasadaha iyo xeerarka, si loo abuuro jawi ganacsi oo ku habboon maalgashadeyaasha iyo ganacsatada. Waa in ay sii wadaan xoojinta iskaashiga ku aaddan amniga gobolka iyo horumarinta nabadda iyo xasilloonida”.

Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa soo bandhigay waxtarka Soomaaliya ay u leedahay ka mid noqoshada Urur Goboleedka Bariga Afrika iyo fursadaha dalalka ku mideysan suuqan ay ka dhaxlayaan xubinnimada Soomaaliya, maadaama aan nahay waddan hodon ah oo ay ceegaagaan khayraad dabiici ah, dadkiisuna ay ku tilmaaman yihiin firfircooni iyo hal-abuur.

{DAAWO MUUQAALKA} Turkiga iyo Masar oo ka wada hadlay xalka xiisadda Soomaaliya iyo Itoobiya

0

Axad-21-April-2024 {HMC}  Turkiga iyo Masar oo ka wada hadlay xalka xiisadda Soomaaliya iyo Itoobiya

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

{DAAWO MUUQAALKA} Saraakiil ciidan oo maanta laga sagootiyay Muqdisho

0

Axad-21-April-2024 {HMC} Saraakiil ciidan oo maanta laga sagootiyay Muqdisho

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

{DAAWO MUUQAALKA} Wararka ugu waa weyn Soomaaliya iyo Caalamka 21/04/2024

0

Axad-21-April-2024 {HMC} Wararka ugu waa weyn Soomaaliya iyo Caalamka 21/04/2024

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA