Home Blog Page 2537

Musuul Ka Tirsan Wasaarada Batroolka oo Ka HadlayTurkiga oo baaris shidaal ka sameynayo Soomaaliya

Axad-21-April-2024 {HMC} Dowladda Soomaaliya ayaa soo dhoweysay ku dhawaaqidda Turkiga uu ku dhawaqay inuu baaris shidaal ka sameynayo Soomaaliya sanadka soo socda ee 2025.

Agaasimaha guud ee batroolka iyo macdanta Soomaaliya, Maxamed Xaashi Carrabey, ayaa sheegay in qorshahaan uu qeyb ka yahay fulinta heshiisa shidaalka baarista ee dhexmaray dowladaha Soomaaliya iyo Turkiga.

Agaasimaha guud wuxuu sheegay Soomaaliya inay xilligan diyaar u tahay in shidaal laga baaro dhulkeeda, wuxuuna intaas ku daray in rajo aad u weyn laga qabo in markii ugu horraysay shidaal lagasoo saaro Soomaaliya.

Meelaha la doortay in laga bilaabo qodista shidaalka ayuu sheegay inay yihiin magaalooyinka Hobyo iyo Baraawe oo ka kala tirsan gobollada Mudug iyo Shabeellaha Hoose.

“Sababta loo doortay labadan magaalo waa inay yihiin kuwa ugu muhiimsan ee markii baaritaanka la sameynayay la asteeyay.” Ayuu yiri agaasimaha.

Wasiirka tamarta iyo khayraadka dabiiciga ah ee Turkiga Alparslan Bayraktar ayaa sheegay in badda Soomaaliya ay ku jiraan kayd shidaal, isagoo sheegay in bilaha soo socda ay billaabi doonnaan shaqada samahinta ‘seismic-ka.

Bishii Febraayo, Turkiga waxa uu Soomaaliya la saxiixday heshiis iskaashi oo dhanka difaaca iyo dhaqaalaha ah, waxaana uu Soomaaliya siin doonaa taageero dhanka amniga badda ah.

Muuse Biixi oo soo saaray Wareegto ku Saabsan Qabsoomida Doorashooyinka

Axad-21-April-2024 {HMC}  Madaxweynaha maamulka Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi ayaa wareegto Madaxweyne uu maanta soo saaray waxa uu ku cayimaday muddada qabsoomidda doorashooyinka.

Guddiga doorashooyinka maamulka Somaliland ayaa shalay oo Sabti ah ku dhawaaqay jadwalka doorashada madaxtooyada iyo doorashada tooska ah ee xisbiyada ka jira deegaannada maamulka Somaliland.

Waxaanay u dhignayd Wareegtada Madaxweynuhu Sidan:-
Waxaanay u dhignayd Wareegtada Madaxweynuhu Sidan:-
Xeer Madaxweyne Lr. 24/042024
Cayimaadda Muddada Qabsoomidda Doorashooyinka
Markaan Arkay: Qodobka 90aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland;

Markaan Arkay: Qodobka 6aad, faqraddiisa 2aad ee Wax-ka-beddelka iyo Kaabista Xeerka Guud ee Doorashooyinka iyo Diiwaan-gelinta Cod-bixiyeyaasha ee Xeer Lr. 91/2023 oo dhigaya in Madaxweynuhu uu 15 maalmood gudahood uu ku soo saarayo digreeto cayimaadda muddada doorashada, ka dib marka uu helo cayimaadda Komishanka Doorashooyinka;

Markaan Helay; Qoraalka summaddiisu tahay Tix: KDG/XK-6/083/2024, kuna taariikhaysan 20/04/2024, ujeeddadiisuna tahay Cayimaadda Taariikhda La-qabanayo Doorashada Madaxweynaha, Ku-xigeenka Madaxweynaha iyo Doorashada Tooska ah ee Asxaabta Qaranka;

Waxaan Soo-saaray;

In doorashada Madaxweynaha, Ku-xigeenka Madaxweynaha iyo Doorashada Tooska ah ee Asxaabta Qaranka la-wada qabto 13-ka Bisha November ee sannadkan 2024-ka.

{DHAGEYSO} Warka Duhurnimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn 21-04-2024

AXAD -21-April-2024 {HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Wark Duhurnimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn.

Warka waxaa soo jeedinayo :: Abdiyare iyo Mustaf Cali

Farsamadii :: Abdiqani osoble

HOOS KA DHAGEYSO WARKA Duhurnimo

{DAAWO MUUQAALKA} Maxamedda Racfaanka oo go’aan ka gaareysa eeda Sayid Cali

0

Axad-21-April-2024 {HMC} Maxamedda Racfaanka oo go’aan ka gaareysa eeda Sayid Cali

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

{DAAWO MUUQAALKA} Saadaali oo ku guuleyso $30 Kullanka weyn ee caawa dhici doona ee Real Madrid 🆚 Barcelona

0

Axad-21-April-2024 {HMC} Saadaali oo ku guuleyso $30 Kullanka weyn ee caawa dhici doona ee Real Madrid 🆚 Barcelona

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

{DAAWO MUUQAALKA} Maamulka PUNTLAND oo raali-gelin ka bixisay hadal dhawaan ay eedeymo ugu jeediyeen sheikh umal.

0

Axad-21-April-2024 {HMC} Maamulka PUNTLAND oo raali-gelin ka bixisay hadal dhawaan ay eedeymo ugu jeediyeen sheikh umal.

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

{DAAWO SAWIRADA} Taliye Sulub oo Sagootiyay Saraakiil Dalka Dibadiisa Aqoon Kororosi Loogu Diray

Axad-21-April-2024 {HMC}  Taliyaha Ciidanka Boliiska Soomaalieed, Sareeye Guuto. Sulub Axmed Firin, ayaa maanta Xaflad Sagootin ah ugu sameeyayay Taliska Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed saraakiil iyo kormeerayaal katirsan Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed kuwaasi oo dalka dibadiisa u aadaya aqoon kororsi ku aadan sara u qaadida xirfadaha Boliiska,

Saraakiishan iyo Kormeerayaashan ayaa u kala baxaya Yurub. Afrika iyo Aasiya waxa ayna ku soo baranayaan xirfadaha kala duwan ee la xiriira Boliiska.

S/Guuto Sulub axmed Firin oo lahadalay Saraakiisha iyo kormeerayaashan ayaa kula dar daarmay in ay ka faa’iideystaan xirfadaha wadamada ay u ambabaxayaan sidoo kalana uga faa’iideeyaan xirfadaha ay yaqaanaan.

{DAAWO SAWIRADA} Horjoogayaal K a Tirsanaa AS oo Doowlada Isku Dhiibay

Axad-21-April-2024 {HMC} Horjoogayaasha iyo maleeshiyaadka ka tirsan AS ee isku soo dhiibaya dowladda ayaa aad u batay maalmahan, kuwaas oo sheegay inay u adkeysan waayeen dhibaatooyinka nololeed ee duurka ku heysta AS iyo baacsiga ay kala kulmayaan ciidamada qaranka iyo shacabka xaq u dirirka ah ee hubkooda qaatay.

Deegaannada Jubbaland, Galmudug iyo Koonfur Galbeed waxaa maalmihii lasoo dhaafay iska soo dhiibay tobanaan dhalinyaro ah oo sheegay inay ka soo hareen fikirkii  AS, kuwaas oo soo dhaweyn wanaagsan iyo nidaam loogu talagalay kala kulmay dowladda.

Ciidamada Qaranka Soomaaliyeed oo kaashanaya shacabka xaq u dirirka ah ee hubkooda qaatay si ay isaga xoreeyaan AS ayaa maalmahaan kordhiyey howlgallada ka socda deegaanada fog-fog ee gobollada dalka, taas oo AS ku abuurtay cabsi badan, geeri joogto ah iyo nolosha duurka oo ku adkaatay.

Maxeey Kawada Hadleen Erdogan iyo Ismaaciil Haniyah?

Axad-21-April-2024 {HMC}  Hoggaamiyaha garabka siyaasadda ee ururka Xamaas Ismaaciil Haniyah ayaa booqasho aan horey loo shaacin ku tagay dalka Turkiga, waxa uuna halkaasi kula kulmay Madaxweynaha Turkiga Rajab Tayib Erdogan.

Kulanka Madaxweyne Erdogan iyo Ismaaciil Haniyah dhax maray ayaa ahaa mid albaabada u xirnaayeen, waxaana la sheegay in labada dhinac kawada hadleen arrimo xasaasi ah oo ugu horreyso colaada Gaza iyo sidii xal loogu heli lahaa.

Madaxtooyada Turkiga faah faahin badan kama yasan bixin waxa kasoo baxay kulanka dhax maray Erdogan iyo Haniyah, waxaana kulankan ka horreeyay kulamo horey ugu dhax maray Doha Wasiirka Arrimaha Dibadda Turkiga iyo hoggaamiyaha Xamaas.

Madaxweyne Erdogan ayaa sheegay in Haniyah kawada hadleen muhiimada ay u leedahay midnimad Falastiiniyiinta inta lagu guda jiro marxaladan, isagoo xusay in jawaabta ugu adag ee Israa’iil iyo guushu tahay midnimo.

Erdogaan ayaa sidoo kale sheegay in Israa’iil ay lama huraan tahay in ay maalin uun bixiso qiimaha xaqdarrada ay ku hayso falastiiniyiinta, wuxuuna carrabka ku dhuftay in dalkiisu uu sii wadi doono in uu indhaha beesha caalamka ku soo jeediyo caddaalad darradaas.

Maamulka Israa’iil ayaana ka carooday kulanka dhax maray Madaxweynaha Turkiga iyo hoggaamiyaha garabka siyaasadda ee Xamaas, waxa ayna Israa’iil Turkiga ku eedeysay in garab siineyso koox aragagaxiso.

Muran dhul ka dhashay oo kumannaan Itoobiyaan ah guri la’aan dhigay

0

Axad-21-April-2024 {HMC} Dagaalka ka dhashay muranka dhulka ee xudduudaha gobollada Tigray iyo Amhara ayaa barakiciyay ku dhowaad 29,000 oo qof, sida ay sheegtay Qaramada Midoobay.

Dagaalka ayaa billowday toddobaadkii lasoo dhaafay wuxuuna u dhaxeeyay ciidamada labada gobol ee degmada Raya Alamata, oo ay labada dhinacba sheegtaan.

Saraakiisha ku sugan gobolka Amhara ayaa ku eedeeyay ciidamada Tigray inay duullaan qaadeen, balse maleeshiyadii hore ee Tigray ayaa beeniyay eedeyntan.

Dagaal sokeeye oo labo sano socday ayaa dhammaaday daba-yaaqadii 2022, kadib markii dowladda dhexe ee Itoobiya ay heshiis la saxiixatay ciidamada Tigray.

Si kastaba, waxaan weli la xallin arrimo badan oo ay ka mid tahay hub ka dhigista iyo deegaannada la isku heysto.

Degmada Raya Alamata ayaa laga xukumayay Tigray ilaa markii uu dagaalku qarxay 2020, balse ciidamada Amhara ayaa kadib la wareegay.

Xigasho BBC