Home Blog Page 2553

Ciidamada Bada Soomaaliya iyo kuwa Midowga Yurub oo Dhoolo Tus Sameeyay

Khamiis -18-April-2024 {HMC}  Ciidamada xeebaha Soomaaliya iyo kuwa badda ee Midowga Yurub ee loo yaqaano (ATALANTA) ayaa maanta si wadajir ah dhoolatus wayn uga sameeyay xeebaha Soomaaliya, oo muddooyinkii dambe lagu arkayay burcad badeed.

Labada ciidan ayaa si mideysan Layli ugu qaatay Markabka dagaalka lagu magacaabo (CANARIAS) ee dalka Spain ee jooga gudaha biyaha Soomaaliya.

Ujeedka Layligaan ayaa xambaarsanaa qaababka la dagaalanka burcad-badeedka, dhaca hubeysan ee badda iyo ka hortagga maalgelinta sharci darrada ah ee dembiilayaasha iyo shabakadaha Argagixisada.

Sidoo kale Layligaan wuxuu kamid yahay tababarada joogtada ah ee lagu tayeynayo ciidanka ilaalada xeebaha Soomaaliya, sarena loogu qaadayo xirfadaha kala duwan ee saraakiisha ammaanka iyo nabadgalyada badaha.

Dhaq-dhaqaaqan waxaa hoogaaminaayay Taliyaha Ilaalada Xeebaha Gaashaanle sare Bashiir Cabdi Qaasim iyo Taliyaha Markabka Dagaalka “CANARIAS” (F-86) Carlos CASTOSA.

Tallaabadan ayaa kusoo aadeyso, ayada oo mar kale ay soo rogaal celiyaan kooxaha burcad badeedda oo todobaadkan 5 milyan oo dollar madax furasho uga qaateen Marka MV Abdullah oo todobaadyadii lasoo dhaafay ay ku haysteen xeebaha bari ee Soomaaliya.

Afduubkan markabkan waxaa ka horreeyay markab kale oo lagu magacaabo MV Ruen oo isna laga badbaadiyay burcad badeeda, kadib markii ay nolosha ku qabteen kooxdii afduubayaasha ahaa ciidanka badda Hindiya oo ugu dambeyn ka dajiyay dalka Hindiya.

Golaha Wasiiradda Maamulka Somaliland oo Go’aanno Soo Saaray

Khamiis -18-April-2024 {HMC}  Fadhigii 127aad ee Golaha Wasiirrada Somaliland oo uu Shir-guddoominayey Madaxweynaha Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa lagu lafo-guray qodobbo kala duwan oo salka ku haya sidii la isu-waafijin lahaa arrimaha doorashooyinka sannadkan gudihiisa loo diyaar garoobayo iyo qorsheyaasha guud ee dhinaca maaliyadda, amniga iyo shilalka gaadiidka ee marba marka ka danbaysa sii badanaya.

Ugu horayn, Golaha Wasiirradu waxa uu war-bixin guud oo la xidhiidha amniga ka dhegeystay wasiir ku xigeenka arrimaha Gudaha, ahna ku simaha wasiirka, Mudane Cabdilaahi Xuseen Maxamed oo xog-waran golaha ka siiyey xaaladda amniga ee dalka iyo midda geeskaba iyo diyaar garawga xuska sannad Guurada 34aad ee dib ula soo noqoshadii Somaliland ee 18-May oo gudaha iyo dibeddaba ay ka socdaan abaabul xooggan oo la xidhidha qadiyadaha madax-bannaanida Somaliland.

Sidoo kale waxa goluhu warbixin ka dhegeystay, wasiirrada wasaaradaha, Horumarinta Maaliyadda, Dr. Sacad Cali Shire, qorshaynta iyo horumarinta qaranka, Axmed Maxamed Diiriye (Toorno), Horumarinta Beeraha, Mudane Axmed Maxamed Habbane iyo Horumarinta Caafimaadka, Mudane Xasan Maxamed Cali (Xasan Gaafaadhi) waxaanay dhammaantood golaha warbixin guud ka siiyeen hawlaha shaqo ee ay qaranka u hayaan wasaaradahaasi iyo qorsheyaasha sannadkan lagu jiro u degsan.

Dhinaca kale, goluhu waxa uu dood iyo falan-qayn dheer ka dib soo saaray qodobbo muhiima oo la xidhidha danaha qaranka iyo kuwa bulshadaba, kuwaas oo kala ah;-

1. In la Aas-aaso sanduuqa horumarinta qaranka laga bilaabo 2025-ka, iyadoo habraaca lagu maamulayo ay soo diyaariyaan wasaaradaha horumarinta maaliyadda iyo qorshaynta iyo horumarinta qaranka.

2. Goluhu waxa uu xoojinayaa go’aamadii hore uga soo baxay shirarkii hore ee la xidhiidhay in mashaariicda horumarineed ee ay Somaliland ka hesho beesha Caalamka aan cid kale loo soo marin ee wixii ay xaq u leedahay toos loogu soo hagaajiyo.

3. Tirada Dadka Somaliland ku dhaqan oo wakhtigan maraya 6.2 Milyan, waxa ay xukuumaddu ku hawlan tahay sidii ay u heli lahaayeen adeegyo dhamaystiran oo laga baaraan degay.

4. In tallaabo sharci oo deg-deg ah laga qaado arrimaha soo noq-noqday ee sababa shilalka gaadiidka ee naf iyo maalba ee dhibaatada ku haya dalka iyo dadkaba, iyadoo loo saaray guddi ka kooban wasaaradda gaadiidka iyo horumarinta jidadka iyo laamaha amniga ee arrintaasi khusayso.

 

Maamulka Khaatumo oo Doowlada Fadaraalka Baaq Udiray

Khamiis -18-April-2024 {HMC} Shir deg deg ah oo magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool ku yeesheen golaha fulinta ee maamulka Khaatumo ayaa laga soo saaray go’aanno muhiim ah oo ku socda dowladda federaalka iyo xildhibaannada Khaatumo kasoo jeeda.

Shirka ka dhacay Laascaanood oo looga arrinsanayay arrimo ay kamid yihiin amniga , difaaca iyo arrimaha siyaasadeed ee dalka ka taagan ayaa gabo gabadiisa laga soo saaray baaq ku socda dowladda Federaalka Soomaaliya.

Qodobada shirka kasoo baxay ayaa waxaa kamid ahaa in shacabka Khaatumo isku tashadaan iskana difaaacaan cadowgooda, waxaa sidoo kale xildhibaanada labada Aqal ee kasoo jeeda Khaatumo loogu yeeray in shir wadatashi ah u yimaadaan Laascaanood.

Maamulka Khaatumo ayaa sidoo kale ugu baaqay dowladda Federaalka Soomaaliya in ay gutaan waajibaadka dastuurkiga ah ee leeyihiin shacabka Khaatumo , kana shaqeeyaan midnimada iyo wadajirka umadda Soomaaliyeed.

Shirkan deg dega ah ee ka dhacay magaalada Laascaanood iyo go’aannadan lasoo saaray ayaa kusoo aadaya xilli Madaxweynaha Soomaaliya uu shir wadatashi ah isugu yeeray madaxda maamul goboleedyada uuna ka reebay maamulka Khaatumo.

{DAAWO MUUQAALKA} Wararka ugu waa weyn Soomaaliya iyo Caalamka 18-04-2024

0

Khamiis-18-April-2024 {HMC}  Wararka ugu waa weyn Soomaaliya iyo Caalamka 18-04-2024

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA.

{DHAGEYSO} Warka Duhurnimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn -18-4-2024

0

Khamiis 18April ,2024 {HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Warka Duhurnimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn
Warka waxaa soo jeedinayo:mustaf cali addow iyo abdi majid abdirahmaan

farsamadii :abdiqani osoble

HOOS KA DHAGEYSO WARKA SUBAXNIMO

{DAAWO SAWIRADA}Kulanka Golaha Wasiirada oo Maanta Lagu Asixiyay saddex Hishiis

Khamiis -18-April-2024 {HMC} Golaha Wasiiradda Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo maanta yeeshay kulankoodii toddobaadlaha ahaa, ayaa lagu ansixiyey saddex heshiis oo ay wada gaareen Dowladaha Soomaaliya iyo Tansaaniya.

Heshiisyada ay goluhu meel-mariyeen ayaa kala ah, heshiis iskaashi oo u dhexeeya Dowladaha Soomaaliya iyo Tansaaniya, heshiiska wareejinta Maxaabiista Xukuman iyo Heshiiska Iskaashiga Dalxiiska.

Shirka Golaha oo uu guddoominayey Ra’iisul Wasaaraha XJFS Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa looga dhageysatay Wasaaradaha Amniga Gudaha iyo Gaashaandhigga warbixinno la xiriira amniga guud ee dalka, xasillinta iyo dagaalka lagu ciribtirayo kooxaha Khawaarijta ah.

{DAAWO MUUQAALKA} Midowga Yurub oo ansixiyay Malaayiin Dollar loogu talagalay ammaanka Ciidamada Soomaaliya

0

Khamiis-18-April-2024 {HMC} Midowga Yurub oo ansixiyay Malaayiin Dollar loogu talagalay ammaanka Ciidamada Soomaaliya

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA.

{DAAWO MUUQAALKA} Golaha wasiirada oo Ansixiyey saddex heshiis oo ay wada gaareen Dowladaha Soomaaliya iyo Tansaaniya.

0

Khamiis-18-April-2024 {HMC} Golaha wasiirada oo Ansixiyey saddex heshiis oo ay wada gaareen Dowladaha Soomaaliya iyo Tansaaniya.

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA.

{DAAWO MUUQAALKA} Maxkamadeeynta Madaxweyne Trump oo mar kale Billaabatay

0

Khamiis-18-April-2024 {HMC} Maxkamadeeynta Madaxweyne Trump oo mar kale Billaabatay

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA.

{DAAWO MUUQAALKA} Magaalada Muqdisho oo laga xusay maalinta dhirta aduunka.

0

Khamiis-18-April-2024 {HMC} Magaalada Muqdisho oo laga xusay maalinta dhirta aduunka.

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA.