Khamiis-18-April-2024 {HMC} Qofkii afaraad ee afar kelyood leh dunida oo dhan oo laga helay Soomaaliya.
{DAAWO SAWIRADA} Soomaaliya oo hal arrin tusaale ugu noqotay dalalka soo koroya ee caalamka
Khamiis -18-April-2024 {HMC} Wasiirka Maaliyadda Xukumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Biixi Imaan Cige ayaa ka qeyb galay shirka guud ee Wasiirada Maaliyadda Dalalka Afrika iyo Madaxweynaha Bangiga Adduunka, xili uu soconayo shirka xiliga gu’ga ee IMF iyo Bangiga Adduunka.
Wasiirka Maaliyadda XFS oo matalaya dhammaan Wasiiradii shirka ka soo qabgalay, kuna hadlay afkooda ayaa jeediyay khudbad uu ku faahfaahiyay habka unuglaanshada Deymaha, ka soo kabashada iyo kobcinta dhaqaalaha. Tan iyo wixii ka dambeeyay December 2023, Soomaaliya waxa aheyd tusaale ay ku daydaan dalalka soo koraya ee deymaha lagu leeyahay.
Dhinaca kale, Wasiirka Maaliyadda XFS iyo Wafdiga ku wehliya shirarka Washington waxa ay shir gaar ah oo arrimaha Soomaaliya ah la qaateen Madaxweyne Ku Xigeenka Bangiga Adduunka qeybta Bariga iyo koofurta Qaaradda Afrika, shirkaan ayaa si gaar ah diiradda loogu saaray horumarinta iyo ballaarinta taageerada Baniga ee Soomaaliya.
Bangiga Adduunka waxa uu ka mid yahay Saaxibada Soomaliya ee ka qeyb qaata fulinta Mashaariicda horumarineed iyo dib-u-haneynta Maaliyadda oo hada meel aad u wanaagsan maraya.

{DAAWO SAWIRADA} Madaxweyne Xassan Shiikh oo qaabilay Orodyahan Guul taariikhi ah u soo hoyay Soomaaliya
Khamiis -18-April-2024 {HMC} Madaxweynaha Soomaaliya mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Madaxtooyada Qaranka ku qaabilay Cabdulaahi Jama Mohamed oo kaalinta labaad ku guuleystay billadda qalinka ah tartanka orodka 5000m ee Ciyaaraha Guud ee Qaramada Afrika, oo lagu qabtay dalka Ghana.
Madaxweynaha ayaa ku ammaanay Cabdulaahi Jama Mohamed sida uu u matalay dalkiisa, isagoo tilmaamay in guusha uu gaaray ay tahay mid taariikhi ah oo dhiirigelin u ah ciyaaraha fudud ee dalka iyo dhallinyarada Soomaaliyeed.
Waxa uu sheegay in madaxweynuhu in Xukuumadda ay ka go’an tahay horumarinta dhallinyarada iyo sare-u-qaadidda xirfadahooda
Xassan shiikh ayaa tilmaamay in Cabdullaahi uu yahay nin dhallinyaro ah oo ammaan gaar ah mudan, maadaama uu iskiis isugu xilqaamay in uu waddankiisa iyo calankiisa ku metelo fagaarayaasha ciyaaraha ee caalamiga.
“Cabdullaahi dadaalkiisa iyo go’aan-qaadashadiisu waxa ay dhiirragelin u yihiin dhallinyarada Soomaaliyeed, in aanay meel kale ka sugin ee horumarinta ay iyagu hormood u yihiin, iyo in guushu tahay mid la gaari karo, si walba oo caqabaduhu u badan yihiin”. ayuu yiri xassan shiikh.
Soomaaliya ayaa mudnaan siinaysaa horumarinta ciyaaraha, iyada oo dhisaysa kaabayaasha isboortiga, si dhallinyaradu u helaan tababbarro iyo fursado heer caalami ah oo ay asaaggood kula tartamaan una soo bandhigaan hibooyinkooda gaarka ah iyo kartidooda.

Magaalada lagu tilmaamo Jannadii Soomaaliya oo weli daad dhex jiifo
Khamiis -18-April-2024 {HMC} Isbedelka ku yimid cimillada adduunka ee sababay fatahaaddiiEl Nino ee sannadkii hore ku dhuftay Soomaaliya, ayaa saameyn qallafsan ku yeeshay waxsoosaarka beeraha ee deegaanka Jannaalle ee gobolka Shabeellaha Hoose, gaar ahaan kuwa moosku ka baxo.
Jannaale oo ah deegaan beeraha qani ku ah ayaa waxaa saameeyey daadad ka dhashay roobabkii dayrta ee El Nino oo gobolka maasheeyey, taas oo keentay in webiga Shabeelle ee halkaas mara ku fataho dhul beereed baaxad leh.
Guddoomiyah Degmada Jannaalle, Cabdiraxmaan Yuusuf Cabdinuur (Al Caddaalla) ayaa sheegay in uusan deegaanku ka soo kaban fatahaaddii El Nino ee kal hore, taas oo raadadkeedi ay weli Jannaale ka sii muuqdaan, sida in qaybo magaalada ka mid ah uu weli daad jiifo.
Guddoomiye Al Caddaala oo ka sii hadlayey daannada gaartey nolosha dadweynaha reer Jannaale ayaa sheegay in degmada ay ka dillaacay cudur halis ah oo beeraha mooska baabi’iyey, taas oo khasaarihii ka dhashay aysan beeraleyda degmadu weli ka soo waaqsan.
Wuxuuna wasaaradaha beeraha ee Koonfur Galbeed iyo heer fadaraalba ku dhaliilay in ka gaabiyeen cayminta beeraleyda mooska oo lafdhabar u ah dhaqaalaha degmada, gobolka iyo dalkaba.
Dhanka kale Guddoomiyaha ayaa sheegay in deegaanka uu ka jiro cudurka shubanka oo illaa hadda salfaday nolosha 16 ruux, kaas oo loo aaneeyey daruufaha ka dhashay El Nino oo abuurtay xaalad nadaafad darro.
Golaha Senatka Mareykanka oo meesha ka saaray eedihi Aqalka Wakiilladu xilka uga Qaaday Wasiirka Amniga Gudaha.
Khamiis -18-April-2024 {HMC} Golaha Senatka Mareykanka ayaa Arbacadi shalay meesha ka saaray dhammaan eedihi uu Aqalka Wakiillada xilka uga xayuubiyay Wasiirka Amniga Gudaha Alejandro Mayorkas.
Xubnaha Jamhuuriga ee Aqalka Wakiillada ayaa Mayorkas ku eedeeyay inuusan ku dhaqmin xeerarka xuduudaha Mareykanka iyo inuu been u sheegay koongareeska.
Aqalka Senatka oo ay aqlabiyad hal dheeri ah ku maamulaan dimoqraadiga ayaa tuuray labada qodob ee ay kusoo eedeeyeen Aqalka Wakiillada. Waxana ay xeerkoodu ku baas mariyeen codad dhan 51-48 iyo 51-49.
Jamhuuriyiinta ayaa ku doodaya in madaxweyne Biden uu aad ugu dabacsanyahay muhaajiriinta sida sharci-darrada ah uga soo tallaabaya xadka, kadib marki ay laba milyan oo ruux ay kor u dhaafeen dadka kasoo galaya xadka koofureed ee Mareykanka labadi sano ee lasoo dhaafay.
Wararkii ugu danbeeyay ee xaaladda Bariga Dhexe iyo Xiisada Colaadeed
Khamiis -18-April-2024 {HMC} Kaddib marki uu la kulmay wasiirrada arrimaha dibadda Ingiriiska iyo Jarmalka, ayuu ra’isulwasaaraha Isra’il Benjamin Netanyahu Arbacadi shalay ka shanqariyay, in Israel ay iyadu qaadan doonto go’aannadeeda ku aadan sida ay isu difaaceyso.
Hadalkaan ayaa kusoo aadaya xilli dalalka reer galbeedka gaar ahaan kuwa xulufada la ah Isra’iil ay ku cadaadinayaan xukumadda Telaviv in ay is xakameyso oo aysan ka jawaabin weerarki ay dhawaan kala kulantay Iran.
Mareykanka Midowga Yurub, iyo dalalka warshadaha ku horumaray ee G-7 ayaa dhammaantood dhawaaqay qorshayaal ay ku saarayaan cuna-qabateyn hor leh. Arrintaasi ayaa loo arkaa mid ay reer Galbeedka ku direen farriin ah in Isra’il aysan ka aar-gudan Iran.
Xafiiska Netanyahu ayaa sheegay, inuu uga mahadceliyay wasiirka arrimaha dibadda Jamralka Annalena Baerbock iyo dhiggeeda Ingiriiska David Cameron taageerada ay u muujiyeen, balse uu u caddeeyay in Israil ay iyadu qaadaneyso go’aannada ay isku difaaceyso.
Dhanka kale, ururka Xizbullah ee dalka Lubnaan ayaa Arbacadi sheegay in uu gantaallo ku weeraray saldhig millatari oo ku yaalla waqooyiga Israil.
Milatariga Isra’il ayaa sheegay in weerarkaasi ay ku dhaawacmeen 14 askari.
Xisbulah waxay weerarkaasi ku sheegtay, mid ay ugu aargudeysay duqeyn ay diyaaradaha Israil ku bartilmaameedsadeen xubno ka tirsan Xisbulah.
Qof afar kelyood leh oo Lagu Arkay Soomaaliya.
Khamiis -18-April-2024 {HMC} Dadka leh kelyaha dheeraadka ah inta badan kuma baraarugsanaa ilaa ay la soo deristo xaalad caafimaad taas oo ku qasabta in ay dhakhtarka booqdaan, iyagoo aan ka warheyn heybadda dheeraadka ah ee uu ilaahay siiyay, waxayse ogaadaan marka lagu sameeyo baaritaan, oo ay ka warhelaan oo kaliya ka dib baarista ultrasound-ka ama qalliin ka dib.
Dadka leh kelyaha dheeraadka ah ee laga diiwaan geliyay adduunka oo dhan ayaa ah kaliya saddex ruux iyada oo qofkii afaraad haatan laga helay gudaha Soomaaliya.
Wiil da’yar oo dhakhaatiirtu ay ka gaabsadeen shaacinta magaciisa ayaa noqday bukaan baaritaan dheer ka dib la ogaaday in uu leeyahay afar kelyood.
Isbitaalka tababarrada iyo cilmi baarista Somali Turkish ee horay loogu yaqiinnay Digfeer, ayaa waxaa booqday bukaankan isaga oo ka cabanaya xanuun uu ka dareemayo killidiisa bidix, waxana dhakhaatiirtu ay amreen in baaritaan lagu sameeyo taas oo lagu ogaaday in uu bukaanku leeyahay afar killiyood iyo in dhinaca uu ka cabanayo uu dhagax kaga jiro.
Dr Cabdikariin Xuseen Maxamed Gabayre, dhakhtarka daaweynta iyo qalliimada xanuunnada kaadi mareenka & taranka ragga oo ah dhakhtarka qalliinka ku sameeyay bukaanka ayaa BBC-da u sheegay qaabka ay xaaladdan ugu baraarugeen.
“Bukaanka oo soo booqday isbitaalka ayaa baaritaan kadib lagu ogaaday xaaladdan, waxa ay noqotay mid la yaab leh maadama adduunka oo dhan lagu ogaa saddex qof oo kaliya isla markaana uu noqonayo qofkii afaraad, intaas kadibna waxa aan u howlgalnay qaabka ugu wanaagsan ee loo geli karo daryeelka iyo daweynta bukaankan maadaama uu yahay ruux ka duwan dadka kale”.
Bukaanka ayaa sidoo kale lagu sameeyay qalliinka xanuunkii uu ka cabanayay maadaama killidiisa bidix laga helay dhagax ku raagay.
“Bukaanka waxa aan la tacaalnay xaaladdii uu isbitaalka u yimid waxa lagu sameeyay qalliin, maadama uu yahay bukaan leh xaalad ka duwan tan caadiga ah, qalliinkiisa iyo daweyntiisaba wey ka duwanaayeen kuwa caadiga ah, waliba waxa aan qoyskiisa kula dar daarannay in ay si gaar ah ula socdaan”, ayuu yiri Dr Gabayre oo qalliinka ku sameeyay.
Bukaanka oo la sheegay in uu dareemayay xanuun badan ayaa baaritaanka ka dib dhakhaatiirtu waxa ay go’aamiyeen in lagu sameeyo qalliin deg deg ah, waxaana lagu sameeyay qaab ‘leysar’ ah ama toos loo tooganayo dhagaxa iyadoo markii lagu guuleystay uu bukaanku dib ugu laabtay hoygiisii.
XIGASHO BBC
{DAAWO SAWIRADA} Siyaasi Kenyaan ah oo gabar Soomaali ah ku qasbay inay laabteeda giliso,Iyo Caro Xoogan oo ka dhalatay
Khamiis -18-April-2024 {HMC} Muslimiinta Kenya ayaa ka falceliyay arrin baraha bulshada qabsatay kadib markii uu soo baxay muuqaalka siyaasi Kenyaan ah oo haweeney Muslimad ah ku cadaadinaya inay hab siiso.
Imaamka masjidka Jamia Mosque ee dalka Kenya, Sheekh Jamaaludiin Cismaan oo warsaxaafadeed soo saaray ayaa cambaareeyay falkan wuxuuna sheegay in “ay sumcad-dil ku tahay haweenka, isla markaana aysan marnaba ahayn in lagu qasbo”
Warbaahinta iyo baraha bulshada Kenya ayuu si weyn hadal hayn uga dhaliyay muuqaalka laga duubay mid ka mid ah xildhibaannada Ismaamulka Nairobi Kennedy Ng’ondi oo ku cadaadinaya salaan iyo inuu isku duubo xilli ay xaflad dhalasho xafiiska ka socotay.
Ng’ondi oo ah afhayeenka baarlamaanka ismaamulka Nairobi ayaa la arkayaa isaga oo dhex wareegaya hoolka laabtana galinaya dumar iyo dad kale oo goobta kula sugan.
Waxaase markii dambe uu u soo dhaqaaqay sida muuqaalka laga arkayey dhanka gabadhan Soomaalida ah isagoo daneeyey inay u istaagto oo uu si fiican u laab galiyo hase yeeshee ay ka muuqato inay ka diiday balse uu si qasaba u doonayo inay u istaagto.
Waxaa kale oo la arkayey rag kale oo dhankeeda gadaal fadhiya oo iyaguna muujiyey codsi inay u kacdo masuulka oo ay si wacan u salaanto. Iyagoo kor u dhawaaqay, “Salimia watu, salimia watu!” oo ah “Dadka salaan, dadka salaan”
Gabadhan oo ku jirta xildhibaannada baarlamaanka Ismaamulka Nairobi ayaa la arkayey iyadoo si xishood leh madaxa hoos u foorarisay oo aan doonayn inay xitaa sare kacdo.
Aakhirka oo ay si dirqi ah u istaagtay waxaa ka muuqda sida aysan ugu faraxsanayn inuu gacmihiisa ku salaamo ama uu isku duubo.
Falcelintii Ka dhalatay ficilka

Markii muuqaalka uu ku baahay baraha bulshada, ayaa hoggaamiyeyaasha Muslimiinta waxay ku baaqeen in afhayeenka barlamaanka Ismaamulka Nairobi xafiiska laga eryo waxay falka ku qeexeen ‘faraxumayn’
Ururka Qareennada Muslimiinta ayaa ku baaqay in in Ng’ondi lagu soo oogo dacwad kufsi ah.
Qareen Axmednaasir Cabdullaahi oo ka hadlay falkan ayaa cambaareeyey isagoo xusay intani tahay ‘weerar gacan ka hadal ah’
“Tani waa gacan ka hadal, gef weyn oo lagu sameeyay qofka marwada ah. Aad baan ula yaabi doonaa haddii aan la door bidin eedeymaha dambiyada,” Qareen sare Axmednaasir Cabdullaahi ayaa bartiisa X ku soo qoray.
Senetarkii hore ee Ismaamulka Mandheera Billow Keerow ayaa ka mid ah siyaasiyiinta sida adag ugu hadlay falkan.
Isagoo la hadlay BBC-da ayuu falkan ku tilmaamaay “fal xadgudub ku ah xaquuqda gabadha, iyo qaynuunka wadanka, sidoo kalena ay foolxumo ku tahay in masuul xafiis dowladdeed maamulaa uu sidan u dhaqmo kaas oo uusan sharciga kenya oggolayn,”ayuu yir Keerow.
“Waxa aad halkan ku arkaysaan waa qof si fudud ugu xad-gudbi kara da’yarta, maxaa loogu oggolaaday arrintan qof madax ka ah hay’ad sida golaha deegaanka Nairobi.” Ayuu intaas raaciyey.

Isagoo ka falcelinaya muuqaalka, ayaa aasaasaha hay’adda xuquuqda aadanaha ee Usikimywe Njeri wa Migwi wuxuu yiri, “Tani waa dhibaateyn. Waxay leedahay xudduud cad oo shaqsiyadeed oo ah inuu jebinayo. Way dhibsan tahay, ma rabto ballan-qaadka, wuuna sii galayaa oo u taabanayaa si aan habboonayn!”
“Tani waa dhaqan xumo, foolxumo, aan habboonayn oo karaahiyo ah. Waa inay dacweeysaa.”
Dhankeeda, Nusrat Maxameed oo u dhaqdhaqaaqa arrimaha deegaanka ayaa tiri, “Xitaa haddii aysan Muslim ahayn, in lagu qasbo qof sidaas oo kale ah jir ahaan, oo si cad u diidan, waa wax xun, ixtiraam darro iyo dhibaateyn buuxda!”
Xuseen Cabdirazaaq, oo ah afhayeenka guud ee magaalada Mombassa ayaa yiri “Tani waa hagardaamo & ixtiraam darro, walalayaal caado ka dhiga in aad isu taagto xaaladahan oo kale, ha ka cabsanin in aad shaqada ku weydo, rizikku waa xagga Alle.
Waxay u muuqataa in dhacdadu si weyn looga hadal hayo baraha bulshada iyadoo siyaasiyiin, sharciyqaano iyo dad kale ay ka hadlayaan.
Guddoomiyaha barlamaanka Ismaamulka Nairobi ayaan wali ka hadlin falkan iyadoo sidoo kale maamulka ismaamulka caasimaddu aysan ka hadlin ficilkan gilgilay baraha bulshada ee dalka.
XIGASHO BBC
“Erdogan: Netanyahu Is Responsible for the Tensions in the Middle East”
Thursday-18-April-2024 {HMC} The President of Turkey, Recep Tayyip Erdogan, said on Tuesday that the Prime Minister of Israel, Benjamin Netanyahu, and other Israeli leaders alone are responsible for the renewed tensions in the Middle East.
He made these remarks during a press conference in Ankara after a cabinet meeting, stating, “Israel is trying to incite conflict in the region, and its attack on the Iranian embassy in Damascus was the latest incident.”
Erdogan added that new conflicts in the region are possible as long as “brutality and genocide” persist in Gaza, and he called on all parties to act wisely.
He also criticized the West for condemning Iran’s attack while not condemning Israel’s attack on the Iranian embassy.
Latest News About the Floods in the UAE
Thursday-18-April-2024 {HMC} The authorities and people of the United Arab Emirates are cleaning up the rubble caused by heavy rains that killed at least one person and damaged houses and businesses.
254 mm of rain fell in the United Arab Emirates, according to the National Meteorological Center.
It was the heaviest rainfall since rain gauge records began in 1949, before the country was founded in 1971.
Although the torrential rain eased on Tuesday afternoon, the chaos it caused continued on Wednesday, with Emirates airline suspending flights at Dubai airport until midnight tonight.
Dubai International Airport, one of the world’s busiest, said it faced major disruptions after heavy rains delayed or diverted flights and affected flight crews.
Passengers departing from Dubai have been advised not to go to the airport and check the status of their flight with the airline they booked their ticket for.
“We are working hard to recover and resume operations as soon as possible, despite this very difficult situation,” the airport management wrote on X.
Emirates said that passengers who had already stopped at the airport and were leaving for other countries would be helped but warned to expect delays.
The Dubai airport website shows departure and arrival flights with some delays of up to hours.
Local media reported that an Emirati man aged 70 died on Tuesday after his car was swept away by the flood in the Emirate of Ras Al Khaimah.
In Oman, which is a neighbor of the UAE, 19 people, including school children, died in the flood after three days of heavy rains, as reported by Omani media.



