Home Blog Page 2558

{DHAGEYSO} Warka Habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn 17-04-2024

Arbaco 17 April , 2024 {HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Wark Habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn.

Warka waxaa soo jeedinayo :Abdirahmaan Muse

Farsamadii :Abdi Qani Osoble

HOOS KA DHAGEYSO WARKA HABEENIMO

{DAAWO SAWIRA} Roobab Daadad Waaween Wato oo Ku Dhuftay Magaalada Dubai

Arbaco-17-April-2024 {HMC}  Mas’uuliyiinta iyo shacabka Imaaraatka Carabta ayaa Arbacada maanta ah nadiifinaya burburka ka dhashay roobab mahiigaan ah oo uu ku dhintay ugu yaraan hal qof, islamarkaana waxyeello gaarsiiyey guryo iyo goobo ganacsi.

Imaaraatka Carabta ayaa waxaa ka da’ay roobab oo cabirkoodu ahaa 254 mm, sida ay sheegtay xarunta saadaasha hawada ee qaranka.

Waxay ahaayeen roobabkii ugu xoogganaa tan iyo markii la bilaabay diiwaan gelinta cabirka biyaha roobka 1949-kii, ka hor inta aan dalka la aas-aasin 1971-kii.

In kasta oo roobabkii mahiigaanka ahaa ay yareeyeen galabnimadii Talaadada, haddana arbushaadda ay sababeen ayaa sii socotay Arbacada, iyada oo diyaaradda Emirates ay hakisay duulimaadyada madaarka Dubai illaa saqda dhexe ee caawa.

Garoonka diyaaradaha caalamiga ah ee Dubai, oo ka mid ah kuwa ugu mashquulka badan caalamka, ayaa sheegay in ay soo wajahday hakad weyn kadib markii roobabkii da’ay ay dib u dhigeen ama ay weeciyeen duulimaadyada, isla markaana ay saameyn ku yeesheen shaqaalaha duulimaadyada.

Rakaabka ka dhoofaya Dubai ayaa lagula taliyay inaysan aadin garoonka diyaaradaha, isla markaana ay xaaladda duulimaadkooda ka hubiyaan shirkadda diyaaradaha ee ay ticket-ka ka jarteen.

“Waxaan si adag uga shaqeyneynaa inaan soo kabsano oo aan dib ugu billowno howlaha sida ugu dhaqsaha badan ee suurtogalka ah, ayada oo ay jirto xaaladan aadka u adag,” ayuu maamulka garoonka kusoo qoray barta X.

Shirkadda Emirates ayaa sheegtay in rakaabka horey ugu hakaay garoonka ee usii dhoofayey dalalka kale la caawin doono, balse waxay ka digtay inay fishaan dib u dhacyo.

Website-ka garoonka diyaaradaha Dubai ayaa muujinaya duulimaadyada baxaya iyo kuwa imanaya oo qaarkood dib u dhacyadooda ay gaarsiisan yihiin saacado.

Warbaahinta gudaha ayaa werisay in nin Emirati ah oo da’diisu ahayd 70 meeyada uu Talaadadii geeriyooday kadib markii baabuurkiisa ay qaadeen daadka, Imaaradda Ras Al Khaimah.

Dalka Cuman oo deris la ah Imaaraatka, ayaa waxaa daadadka ku dhintay 19 qof, oo ay ku jiraan caruur iskuul kadib saddex maalmood oo roobab xooggan ah, sida ay werisay warbaahinta Cumaan. Warbaahinta Times of Oman ayaa sheegtay in roobab kale la filayo maanta oo Arbaco ah.

{DAAWO MUUQAALKA} Siciid Axmed Maxamed” Xaaskeyga iyo 2 kamid ah Caruurteyda ayaa leeyga dilay.

0

Arbaco-17-April-2024 {HMC} Siciid Axmed Maxamed” Xaaskeyga iyo 2 kamid ah Caruurteyda ayaa leeyga dilay.

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA.

{DAAWO MUUQAALKA} Ra’iisul wasaare ku xigeenka dalka “Wasaaradda Tamarta waxay muhiim u tahay korontada iyo biyaha oo,

0

Arbaco-17-April-2024 {HMC} Ra’iisul wasaare ku xigeenka dalka “Wasaaradda Tamarta waxay muhiim u tahay korontada iyo biyaha oo,

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA.

{DAAWO MUUQAALKA} Puntland oo shegtay inay kalsoonidi kala noqotay xildhibaanada ku matala labada aqal ee baarlamaanka

0

Arbaco-17-April-2024 {HMC}  Puntland oo shegtay inay kalsoonidi kala noqotay xildhibaanada ku matala labada aqal ee baarlamaanka

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA.

 

{DAAWO MUUQAALKA} Hadal jeedinta Wasiirka cusub ee wasaaradda Tamarta iyo Kheyraadka Biyaha Cabdullahi Bishaan Warsame

0

Arbaco-17-April-2024 {HMC}  Hadal jeedinta Wasiirka cusub ee wasaaradda Tamarta iyo Kheyraadka Biyaha Cabdullahi Bishaan Warsame

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA.

{DAAWO MUUQAALKA} Maxkamadda Ciidamada Jubbaland oo maanta shaacisay inay go’aan kama danbays ah ka gaari doonto……

0

Arbaco-17-April-2024 {HMC} Maxkamadda Ciidamada Jubbaland oo maanta shaacisay inay go’aan kama danbays ah ka gaari doonto……

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA.

{DAAWO SAWIRADA} Wasiir FIQI oo Muqdisho Ku Qaabilay Wakiil Ka Socday UN-KA

Arbaco-17-April-2024 {HMC} Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Danjire Axmed Macallin Fiqi, ayaa maanta oo Arbaco ah xafiiskiisa Wasaaradda ee Caasimadda Muqdisho ku qaabilay, Wakiilka Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobey u qaabilsan Arrimaha Soomaaliya (SRSG) ahna Madaxa Howlgalka Kaalmaynta Qaramada Midoobay ee Soomaaliya (UNSOM), Catriona Laing, oo uu kala hadlay dhowr arrimood oo ay ku jirto siyaasadda iyo amniga ee ah kuwa lagama maarmaanka u ah horumarka qaranka.

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray sidii looga wada-shaqayn lahaa wax ka qabashada caqabadaha ay wajahayso Soomaaliya, iyadoo la muujiyay sida ay lama huraanka u tahay sii ambaqaadidda iskaashiga u dhexeeya Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Qaramada Midoobey.

Israaiil oo duqayn ku dishay Dad Ubadan Carruur,

Arbaco-17-April-2024 {HMC}  Militariga Israaiil ayaa duqayn arxan-darro ah ku beegsaday Xerada Maghazi ee dhacda bartamaha Magaalada Gaza ee Falastiin waxaana ka dhashay dhimasho iyo dhaawac soo gaaray Dad dhammaantood Shacab ah.

Inta la xaqiijiyay waxaa geeriyootay ugu yaraan 18 ruux oo carruur ay qayb ka yihiin waxaana dhaawac soo gaaray dad kale oo lagu dawaynayo mid kamid ah goobaha caafimaadka ee fara-ku tiriska ah ee Gaza haatan ka howlgalla.

Goobjoogayaal la hadlay Warbaahinta ayaa u sheegay in khasaaraha uu yimid kaddib markii xalay waqti dambe duqayntu ay soo billaabeen ciidamada Yuhuumadda sidaasina ay waxyeellada kusoo gaartay Dadkaan.

Ciidamada Israaiil ayaa kordhiyay duqaymaha aan loo meel-dayin ee Magaalada Gaza ku beegsanayso iyada oo ay iska indha-tirayso soo jeedinta kala duwan ee la xiriirta ilaalinta meelaha lama-taabtaanka lagu sheego.

Madaxweynaha Turkiga. oo Sheegay in Israaiil ay isku dayayso hurinta colaadda Gobolka

Arbaco-17-April-2024 {HMC}  Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan ayaa eedayn culus u jeediyay Ra’iisul Wasaaraha Israaiil Benjamin Netanyahu isaga oo dusha ka saaran xiisadda adag ee ka taagan Bariga Dhexe in uu sababteeda uu leeyahay.

Erdogan ayaa intaas ku daray in Israaiil oo garab iyo gaashaan u ah Maraykanka & Dalalka reer Galbeedka in marba waddan ay ku samaynayso xadgudub sidaasina ay ku abuurmeen xasaradaha haatan ka jira Bariga Dhexe.

Recep ayaa tilmaamay in Israaiil ay xasuuq ka gaysatay Magaalada Gaza iyo deegaanno kale oo Dhulka Falastiin ah sidoo kale ay weerarro gardarro ah oo ay ka fulisay Dalal kale kuwaas oo sababay dhimasho iyo dhaawac.

“Israaiil waxa ay isku dayaysaa hurinta colaadda Gobolka, waxa ay weerartay Safaaradda Iiraan ee Dimishiq waana dacdadii ugu dambaysay, Netanyahu ayaa mas’uul ka ah xiisadda ka taagan Bariga Dhexe” Ayuu yiri Recep Tayyip Erdogan Madaxweynaha Turkiga.

Soo gabagabaynta xiisadda ka taagan Bariga Dhexe waxa uu fure uga dhigay in marka hore Israaiil ay joojiyo xasuuqa ay ka gaysanayso Dhulka Falastiin gaar ahaan Magaalada Gaza oo ah goobta tacadiga badan ay ka gaysatay.

“Isku dhacyada cusub ee Gobolka in ay soo ifbaxaan ama sii jiraan waa suuragal ilaa inta xasuuqa & arxan-darrada Israaiil ay ka gaysanayso Gaza ka joojiyo, waxaana ku baaqayaa in dhinac looga soo wada jaysto” ayuu hadalkiisa kusii daray Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan.

Madaxweynaha Turkiga ayaa dhowr jeer waxa uu ka gaabsada la kulanka Xoghayaha Arrimaha Dibadda Maraykanka sabab la xiriirta in Washington ay Israaiil ku garab-taagan tahay dhibaatooyinka ay ka gaysanayso Dhulka Falastiin.