Home Blog Page 2559

{DAAWO SAWIRADA} RW ku xigeenka oo Xilalka Ukala Wareejiyay Qaar Ka Mid Ah Wasiirada

Arbaco-17-April-2024 {HMC}  Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Xukuumadda JFS Mudane Salah Jama, ayaa xilalka uu kula wareejiyey Wasiirka cusub ee Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Teknolojiyadda Mudane Maxamed Aadan Macallin (Soomaali) iyo Wasiirkii hore ee Wasaaradda Mudane Jaamac Xasan Khaliif.

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka oo ku bogaadiyey Wasiirkii hore ee Wasaaradda shaqadii uu Qaranka u soo qabtay, ayaa tilmaamay in dal uusan horumar gaari karin haddii uusan lahayn adeeg teknolojiyadeed oo casri ah, lana jaanqaadaya dunida, kaas oo kaalin weyn ka qaata horumarinta dhinacyada caafimaadka, waxbaashada, dhaqaalaha iyo adeegyada bulsho ee ay dowladdu gaarsiineyso dadka Soomaaliyeed.

Mudane Saalax ayaa sheegay in Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Teknolojiyadda ay muddo yar ku sameysay horumarro waa-weyn oo ay kamid yihiin sameynta shuruuc iyo siyaasado Qaran oo horseedaya qorshe isbddel oo la jaanqaadaya dunida casriga ah.

Dhanka kale, Ra’iisul Wasaare ku xigeenka XJFS Mudane Saalax Axmed Jaamac, ayaa xilalka u kala wareejiyey Wasiirka cusub ee Wasaaradda Tamarta iyo Kheyraadka Biyaha Mudane Cabdullaahi Bidhaan Warsame iyo Wasiirkii hore ee Wasaaradda Mudane Jaamac Cabaas Taqal.

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka ayaa uga mahadceliyey Wasiirkii hore shaqooyinkii uu Qaranka u soo qabtay, isaga oo kula dardaarmay Wasiirka cusub ee xilka la wareegay in uu ka shaqeeyo sidii ay shacabka Soomaaliyeed u heli lahaayeen biyo nadiif ah iyo koronto jaban.

 

{DAAWO MUUQAALKA} Shirkii ugu Cuslaay oo Amniga looga hadlaayo ayaa lagu Qabtay Mogdisho.

0

Arbaco-17-April-2024 {HMC}  Shirkii ugu Cuslaay oo Amniga looga hadlaayo ayaa lagu Qabtay Mogdisho.

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA.

{DAAWO MUUQAALKA} Wararka ugu waa weyn Soomaakiya iyo Caakanka Warbaahinta Hiiraanweyn17/04/2024

0

Arbaco-17-April-2024 {HMC}  Wararka ugu waa weyn Soomaakiya iyo Caakanka Warbaahinta Hiiraanweyn17/04/2024

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA.

Puntland oo sheegtay in xildhibaanada DFS aysan Puntland ku matali karin Muqdisho.

Arbaco-17-April-2024 {HMC}  Maamulka Puntland ayaa sheegay inuu kalsoonidii kala noqday xildhibaanada ku matala labada aqal ee baarlamaanka ee kasoo horjeeda go’aannada ay Puntland ka qaadatay xiriirka dowladda federaalka.

Puntland waxay sheegtay in xildhibaanadaas aysan Puntland ku matali karin Muqdisho.

Wasiirka warfaafinta Puntland Maxamuud Caydiid Dirir ayaa yiri hadalkaan, isagoo sheegay in xildhibaanada ay Puntland u dirsatay Muqdisho, ay mucaarad ku noqdeen deegaanadii lagasoo doortay.

“Qofka meesha lagasoo doortay mucaarad ku noqday, xagguu joogayaa? Waa inay ogaadaan in aanay xasaanad lahayn haddii ay dafireen degaankii lagasoo doortay. Iyaga iyo dadka suuqa jooga waa isku mid.” Ayuu yiri wasiir Caydiid Diri.

Hadalka wasiirka warfaafinta Puntland ayaa yimid, xilli qaar kamid ah xildhibaanada labada aqal ah ee kasoo jeeda Puntland, ay sheegeen inay iyagu arrimaha Puntland kala xaajoonayaan dowladda federaalka, maaddaama uu madaxweyne Deni xiriirka u jaray dowladda federaalka Soomaaliya.

Xildhibaannadan ayaa ku eedeeyay madaxweyne Deni inuu arrimo siyaasadeed oo isaga u gaar ah uu kula dirirsan yahay dowladda federaalka, taasoo ay sheegeen inay kala dhalatay in dadka reer Puntland ay waayaan mashaariicdii ay xaq u lahaayeen.

Jilaa caan ah oo ka bad baaday isku day dil

Arbaco-17-April-2024 {HMC} Jilaaga caanka ah ee reer Hindiya Salmaan Khan ayaa ka bad baaday weerar rag hubeysan ku qaadeen gurigiisa oo kuyaalla magaalada Mombai , ragga hubeysan ayaana doonayay in ay nolosha dhaafiyaan aktarkan caanka ah.

Ragga weerarka ku qaaday guriga Salman Khan ayaa ka tirsan koox diimeed uu hoggaamiyo nin dilaa ah la yiraahdo Lawrence Bishnoi, waxa ayna kooxdan ka careesnaayeen dil uu Salman Khan 20-sanno kahor u geestay labo cowl.

Salman Khan ayaa xilligan weerarka lagu qaaday gurigiisa waxaa kula sugnaa xubno katirsan qoyskiisa, waxa uuna dareemay cabsi ka dhalatay weerarka , isagoona si deg deg ah falkaasi booliiska ula wadaagay.

Booliiska Hindiya ayaa howlgal ay sameeyeen ugu dambeyn kusoo qabtay labada nin ee dooneysay in ay dilaan Salmaan, kuwaa oo kala ah Vicky Gupta oo 24 sano jir ah iyo Sagar Kumar Palak oo 21 jir ah, waxaana lagu qabtay raggan degmada Kutch ee gobolka Gujarat.

Labada nin ee la xiray ayaa Axadii weerar ku qaaday guriga Salman Khan, waxa ayna raggan qirteen in iyagu ka dambeeyeen weerarka isku dayga dil, waxa ayna sheegeen in ay muddo raadinayeen sidii ay ku dili lahaayeen jilaaga.

Hoggaamiyahan kooxdan weerarka Salman Kahn oo lagu magacaabo Lawrence Bishnoi ayaa ah nin dilaa arxan daran, waxaana ninkan la xiray sannadkii 2022-kii , kaddib markii uu dilay nin fannaan ah oo u dhashay Hindiya.

{DAAWO SAWIRADA} MD Soomaaliya oo maanta guddoomiyay Shirka amniga Caasimadda

Arbaco-17-April-2024 {HMC} Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ahna Taliyaha Guud ee Ciidamada Qalabka sida Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Guddoomiyey Shirka Amniga Gobolka Benaadir oo looga hadalay dardar galinta tallaaabooyinka loo qaaday xaqiijinta amniga Caasimadda Muqdisho.

Kulankan oo markii ugu horreysay looga yeeray Guddoomiyeyaasha Degmooyinka Gobolka Benaadir ayaa warbixino ku saabsan xaaladda amniga Caasimadda looga dhageystay mas’uuliyiinta hay’adaha ammaanka, iyaga oo soo bandhigay qorsheyaashooda ku aaddan ilaalinta nafta, hantida iyo sharafta muwaadiniinta Soomaaliyeed.

Kulanka waxaa ka qayb galay Ra’iisulwasaaraha XFS, Wasiirada Gaashaandhigga iyo Amniga Gudaha, Taliyeyaasha Ciidamada Qalabka sida, Guddoomiyaha Gobolka Benaadir iyo Guddoomiyeyaasha Degmooyinka Gobolka Benaadir.

{DHAGEYSO} Warka Duhurnimo ee Radio Hiiraanweyn .17 .4.2024

Arbaco 17 April ,2024 {HMC}  Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Warka Duhurnimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn

Warka waxaa soo jeedinayo:Shugri baryare iyo yaasiin cali

farsamadii;Abdiqani osoble

HOOS KA DHAGEYSO WARKA DUHURNIMO

{DAAWO MUUQAALKA} Somaliland oo waddamada Caalamka ka codsatay in ay xushmeeyaan rabitaankooda.

0

Arbaco-17-April-2024 {HMC} Somaliland oo waddamada Caalamka ka codsatay in ay xushmeeyaan rabitaankooda.

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA.

 

{DAAWO MUUQAALKA} ku dhawaad 30 qof oo lagu dilay Dalka Suudaan.

0

Arbaco-17-April-2024 {HMC} ku dhawaad 30 qof oo lagu dilay Dalka Suudaan.

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA.

 

{DAAWO MUUQAALKA} War laga soo saaray dil ka dhacday Bandar-bayla iyo dhalinyaro habeenki xaafad xaafad isugu dagaala

0

Arbaco-17-April-2024 {HMC} War laga soo saaray dil ka dhacday Bandar-bayla iyo dhalinyaro habeenki xaafad xaafad isugu dagaala

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA.