Arbaco-17-April-2024 {HMC} War laga soo saaray dil ka dhacday Bandar-bayla iyo dhalinyaro habeenki xaafad xaafad isugu dagaala
HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA.
Arbaco-17-April-2024 {HMC} War laga soo saaray dil ka dhacday Bandar-bayla iyo dhalinyaro habeenki xaafad xaafad isugu dagaala
Arbaco-17-April-2024 {HMC} Wararka aan ka helayno aagga u dhaxeeya Somaliland iyo SSC Khaatumo ayaa waxay sheegyaan in halkaas ay ka jiraan dhaqdhaqaqyo ciidan oo laga cabsi qabo in dagaal uu ka dhaco aagga.
Labada dhinac ayaa waxay ciidamo keeneen goobaha qaar ee ay isku hor fadhiyeen markii horaba.
Ilaa saddex deegaan ayaa ciidamo dheeraad ah la keenay sida ay noo sheegeen dadka deegaanka.
Deegaanka Buqdharkayn oo ay hore uga dheceen dagaallo u dhexeeya labada dhinac ayaa ka mid ah meelaha la keenay ciidamo cusub.
Goobtani waxay qiyaastii 180 kilomitir dhanka woqooyi galbeed kaga began tahay magaalada Laascaanood.
Oog oo ay marto waddada laamiga ah ee isku xirta Burco iyo Laascaanood ayaa iyadana lasoo warinayaa in ay isku hor fadhiyaan ciidammo ka socda labada dhinac.
Qiyaastii boqol kilo mitir ayey halkani dhanka woqooyi kaga began tahay Laascaanood.
Goobahan ayaa hore u wada ahaan jiray saldhiyo ciidan oo fadhiisimo u ahaa ciidamada Somaliland ka hor inta uusan dhicin dagaalkii ay la galeen kuwa SSC, dagaalkaas oo burbur xooggan gaarsiiyey magaalada Laascaanood.
Xoghayaha Warfaafinta maamulka Khaatumo SSC, Daahir Cabdirisaaq Axmed ayaa sheegay in ciidamadoodu ay ku sugan yihiin deegaanadooda isla markaana aysan cidna dagaal kula jirin haatan, balse waxa uu qiray in ay jiraan dhaqdhqaaqyo ka socda meelaha xadka u ah labada dhinac.
“Annagu xaaladayada umbaan ka hadli karnaaye waxaanu ugu baaqaynaa uun nabad gelyo umadda Soomaaliyeed ee aanu deriska nahay, wax colaad ah oo deegaanakayaga ka aloosan oo aan degaanno kale ku qaadeynaana ma ay jirto,” ayuu yiri Dahir oo BBC la hadlay.
Dhanka Somalilan, Ilo xog ogaal ah ayaa u sheegay BBC da in ay jiraan diyaar garow ay ku tagayaan deegaanada Khaatumo ee ay horay uga talin jireen.
Balse khubarada ciidanka ayaa waxay sheegayaan in roobabka xilliga Guga ay baajin karaan colaad halkaas ka dhacda.
Muuqaallo lagu wadaagay baraha bulshada ayaa muujinaya ciidammo dhalin yaro u badan oo muuqaallo ay iska duubayaan ku sheegaya in ay dagaal diyaar u yihiin, BBC ma xaqiijin karto in ay yihiin ciidammo rasmi ah oo Somaliland leedahay iyo in kale.
Colaadda u dhaxaysa Somaliland iyo SSC Khaatumo ayaa ka bilowday Laascaanood oo markii hore ay ka talin jirtay Jamhuuriyadda iskeed ugu dhwaaqday madax bannaanideeda ee Somaliland.
Bilowgii dagaalka waxaa la isku adeegsaday hub culus, waxaana xaafado badan burburiyey madaafiic iyo hoobiyeyaal ku soo dhacaysay.
Odayaal dhaqameed (Garaado) deegaanka ka soo jeeda, markii uu dagaalka qarxayna intooda badan saldhig ka dhigtay magaalada, ayaa durba bilaabay inay ku soo uruuraan Laascaanood si ay u jiheeyaan dhallinyaro hubaysan oo ciidanka Somaliland dagaal la galay.
Dhallinyaradaas iyo Garaadada waxay ka caroodeen dilal ay sheegeen in lagu hayo ‘hal doorkii gobolka’.
Kacdoonkii sababay dagaalka ayaa xoogiisu ka dhashay dil habeennimadii 26 kii Diseembar ee sanadkii hore magaalada gudaheeda lagu geystay Cabdifataax Cabdullaahi Hadraawi oo u dambeeyey dilal is daba joog ah oo loo gaystay dad bulshada magac ku dhex leh oo ay dileen ‘dabley aan la aqoon’.
Cabdifataax wuxuu ahaa xubin ka tirsan xisbiga mucaaradka Somaliland ee Waddani.
Guddiga odayaasha dhaqanka oo 33 ka kooban waay ku eedeeyeen Somaliland inay ka dambaysay dilka Hadraawi iyo dad kale oo magaalada ay ku dhex dileen dabley aan la aqoonsan, sida la sheegay xilligaas, inkasta oo ay Somaliland iska fogeysay eedaas.
Madaxweyne Biixi ayaa ku eedeeyay “argagixiso” in ay dilka ka dambeeyeen.
Ugu dambeyn dagaalka oo muddo socday ayaa istaagay kadib markii ciidamada SSC Khaatumo ay la wareegeen saldhigga muhiimka ah ee Gooja Cadde halkaas oo Somaliland ay sheegtay in ciidankeedu uga bexeen xeelad dagaal.
Arbaco-17-April-2024 {HMC} Xiisad Dagaal oo maanta ka taagan Gobalka Sool xilli Diyaar garoow ay ku jiiraan SSC iyo Soomaliland
Arbaco-17-April-2024 {HMC} Muqdisho oo laga sagootiyey cutubyo ka tirsan ciidanka xoogga dalka oo ku socda Furinta Dagaalka.
Arbaco-17-April-2024 {HMC} Maxay tahay sababta Dowladda Soomaaliya ay u xertay suxufi Xuseen Cabdulle?
Arbaco-17-April-2024 {HMC} Waa kee Maamul goboleedkii ugu horreeyay ee qaadacay shirka uu iclaamiyay Madaxweyne Xasan Sheekh.
Arbaco-17-April-2024 {HMC} AS Waxaa ka go’an in ay laayaan dadka cibaadeysanaya, Anagana Go’aan keena in uu ahaadaa badbaadin”
Arbaco-17-April-2024 {HMC} Wararkii ugu dambeeyay ee Xaalada bariga dhaxe iyo Jawaabta laga filan karo Israel.
Arbaco-17-April-2024 {HMC} Caalamka ayaa wali isha ku haya jawaabta Israa’iil ay ka bixin doonto weerarkii Iiraan ku qaadday dalkaasi kaas oo noqday kii ugu horreeyey ee toos ah ee ay ku qaaddo Israa’iil.
Waxaa sidoo kale wali sii kordhaya dalabaadka iyo cadaadiska caalamiga ah ee ku aaddan xakameynta, iyadoo laga cabsi qabo iskahor imaad militari ee ka dhaca Bariga Dhexe.
Inta badan waddamada dunida ayaa cambaareeyey weerarka iyagoo kuwa xulufada la ah Israaiil ee Maraykanku waayeelka u yahay ay hadda ka arrinsanayaan sidii Iiraan loogu soo rogi lahaa cunaqabatayno dheeri ah.
Midowga Yurub ayaa isku diyaarinaya sidii uu UK iyo Maraykanka ugula biiri lahaa mowjado cunaqatayna oo jawaab looga dhigayo weerarkii Tehran ku qaadday Israa’iil.
Wasaaradda Arrimaha Dibadda ayaa muujisay “walaaca qotoda dheer” ee ku aaddan kor u kaca dagaalka waxayna ku baaqday “xakamaynta ugu badan”.
Bayaanka ayaa sidoo kale ka digay “khatarta ballaarinta gobolka ee iskahorimaadka”, waxayna intaas ku dartay Masar ay “si toos ah ula xiriiri doonto dhammaan dhinacyada isku haya si ay isugu dayaan inay xakameeyaan xaaladda”
Ra’iisul Wasaare Bisher Khasawneh ayaa sheegay in xaalad kasta oo ka soo cusboonaatay gobolka ay horseedi doonto “wadooyin khatar ah” wuxuuna sheegay in loo baahan yahay in la yareeyo xiisadda dhammaan dhinacyada.
Hadal uu u jeediyay golaha wasiirada, ayuu Khasawneh ku sheegay in ciidamada xoogga dalka ay ka hortagi doonaan isku day kasta oo ay sameeyaan dhinac kasta oo isku dayaya in uu khatar geliyo ammaanka boqortooyada.
Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay inay si weyn uga walaacsan tahay xaaladaha ka soo kordhay Bariga Dhexe, gaar ahaan weerarkii Iiran ay ku qaaday Israa’iil.
Warsaxaafadeed kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha dibadda Soomaaliya ayaa laģu sheegay inay si adag ugu baaqayso dhammaan dhinacyada ku lugta leh inay si deg deg ah u joojiyaan.
Raii’sul wasaaraha Malaysia Anwar Ibrahim ayaa weerarka Iran ku tilmaamay “natiijadii ka dhalatay dawladda Israa’iil oo jabisay shuruucda caalamiga ah” iyadoo duqaysay qunsuliyadda Iran 1-dii Abriil.
Waxa uu sheegay in rabshadaha u dhexeeya labada gobol ee iska soo horjeeda aysan u wanaagsanayn “dhaqaalaha adduunka iyo nabadda,” Daily Mail ee maxalliga ah ee Ingiriiska ayaa werisay.
“Dagaalka u dhexeeya Iran iyo Israa’iil oo bilowday ka dib markii xukuumadda Sahyuuniyadda Israel ay weerartay safaaradda Iran, taas oo ka soo horjeeda sharciga caalamiga ah, waa natiijada ficilka qofka. Markaad jebiso sharciga waxaad ku martiqaadaysaa falcelin
Tani waxay muujinayaa cawaaqib xumada ka dhalan karta burburka dublamaasiyadda,” ayay wasaaradda arrimaha dibadda Pakistan ku tiri hadal ay soo saartay.
Muddo bilo ah, ayay raacisay, Pakistan waxay hoosta ka xariiqday lama huraanka dadaallada caalamiga ah ee looga hortagayo ballaarinta colaadaha gobolka iyo xabbad-joojin laga sameeyo Qasa
“Hadda waa in xaaladda la dejiyo oo nabadda la soo celiyo. Waxaan ugu baaqaynaa dhammaan dhinacyada inay is xakameeyaan,” ayaa lagu soo gabagabeeyay.
Waddamada Khaliijka ayaa ugu baaqay dhammaan dhinacyada ay khusayso inay joojiyaan xiisadda colaadeed, isla markaana ay is xakameeyaan.
War qoraal ah oo ay soo saartay wasaaradda arrimaha dibadda Qatar ayay ku muujisay “walaaca qotoda dheer ee ay ka qabto horumarka gobolka”.
Waxay ugu yeertay “dhammaan dhinacyada inay joojiyaan xiisadda, kor u qaadaan xasilloonida oo ay muujiyaan xakamaynta ugu badan”.
Waxay ku boorisay “Beesha Caalamka inay qaado tallaabo degdeg ah oo lagu qaboojinayo xiisadda laguna qaboojinayo xaaladda gobolka”.
Wasaaradda arrimaha dibadda Sacuudiga ayaa soo saartay bayaan ay ku muujineyso walaaca ay ka qabto “kordhinta militariga” waxayna ugu yeertay “dhammaan dhinacyada inay is xakameeyaan”.
Waxay sii waday inay ku booriso Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay “inay qaataan mas’uuliyadda ka saaran ilaalinta nabadda iyo ammaanka caalamiga ah”
Turkiga ma doonayo in xiisadda gobolka ay sii kororto ka dib markii diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Iran iyo gantaallada lagu weeraray Israa’iil.
Wasiirka arrimaha dibadda Turkiga Hakan Fidan, ayaa telefoonka kula hadlay y dhiggiisa Iiraan, ilo diblomaasiyadeed oo Turki ah ayaa u sheegay wakaaladda wararka ee Reuters.
Lama oga ilaa hadda jawaabta Israa’iil ay ka bixin doonto weerarkii Iiraan, iyadoo xiisadda gobolka wali kacsan tahay.
Iiraan ayaa dhankeeda sheegtay inaysan faraha ka laaban doonin haddii lagu xadgudbo sida uu sheegay madaxweynaha Iiran Ibraahim Raisi.
Arbaco-17-April-2024 {HMC} Maxkamadda Magaalada Wajeer ee gobolka woqooyi bari dalka Kenya waxaa maanta lasoo taagay mid ka mid ah lix eedaysane oo ku tuhman kufsi wadareed loo geystay gabar marwa ah isla markaana aroos cusub ahayd.
Eedaysanaha oo lagu magacaabo ayey ciidamada ammaanku kasoo qabteen mid ka mid ah xaafadaha Magaalada Wajeer,
Laamaha ammanka ayaa sheegay in lagu raad joogo rag lagu tuhmayo in ay falkaan wax ka geysteen oo tiradoda lagu sheegay shan kale.
Eedaysanaha gacanta lagu dhigay ayaa iska fogeeyay eedaha loosoo jeediyay, sidaas darteedna waxay maxkamadda magaalada Wajeer oo dacwadda dhagaysnaysay ay sheegtay in mar kale dib loo dhagaysan doono toddobaadka dambe.
Eedaysanaha ayaa gacanta booliska kusii jiri doona ilaa kiisku ka dhamaanayo, sida ay sheegtay garsooraha maxkamadda Roslyn Oganyo.
Haweeney u dhaqdhaqaaqda xuquuqda dumarka oo lagu magacaabo Safiya, isla markaana goobjoog ka ahayd dhagaysiga dacwadda ayaa sheegtay in eedaysanuhu uu maxkamadda horteed ku diiday in uu dembigaas geystay, in kasta oo iyaga tuhun ku jiro.
Daynaba, gabar ku soo koobtay magaceeda oo ay qaraabo yihiin gabadha la kufsaday ayaa sheegtay in falka loo gaystay aroosadda cusub iyada oo ku sii socota xarun caafimaadka oo ku taalla magaalada Wajeer.
Daynaba oo ka hadlaysa sidii ay warka ku heleen ayaa tiri: “Inaga oo cideyda joogo ayaan colcolaad maqalnay, wiilalbaan wacnay.. war maxaa dhacay ayaan dhahnay, gabar tiin ah ayaa la xoogay ayey dheheen, masoo baxnaa ayaa dhahnay kadib waxay dheheen mayee iska jooga annaga ayaa soo wadnee”.
Markii ay la kulmeen gabadha ayay sheegtay in ay xog wareysteen kadibna u sheegtay sidii ay wax u dhaceen.
“Gabadha oo isbitaal kusii socotay ayay nin gaadiid wata waxay ka codsatay in uu sii qaado, balse intii iyada uu waday ayuu dhowr qof sii wacay” ayay tiri iyada oo sharraxaysa qaabkii gabadha wax ugu dhaceen.
“Markii ay soo gaareen nimankii uu wacay jidkii aan u socday ayaa la iga leexiyey, markii aan dhahay waddadii waad ka leexateenna”xijaabkaygaa la igu duuduubay afkaa la i qabtay lugahana waa la iga xiray” ayey tiri Daynaba oo soo xiganaysa gabadha dhibanaha ah oo u warrantay.
Daynaba ayaa waxay sheegtay in eedaysanayaashu ay dhammaantood yihiin dad ay garanayayaan qoysku maadaama ay isku magaalo dagan yihiin.
”Waa la yaqaanaa, hooyooyinkood ayaa la garanayaa aabayaashood ayaa la garanaya,” ayey tiri Daynab.
Eedeysanaha maanta maxkamadda la soo taagay ayaan ila iyo haatan loo qaban qareen u dooda.
Dhanka kale Daynaba ayaa waxay sheegtay in ganadha dhibanaha ah aysan waalidkeed ku sugneen magaalada dhibku kula dhacay. Waxay sheegtay in hooyadeed iyo aabaheedba ay ku nool yihiin meel u dhaxaysa xadka Kenya iyo Itoobiya.
Kiisaska kufsiga ayaa ah kuwa marar badan la geeyay maxkamadda degmada Wajeer. Kufsiyada loo gaysto gabadhaha da’yarta ah ayaana ah kuwa ugu badan ee maxkamaddu ay qaado kiisaskooda.
Xaakinka maxkamadda Wajeer ayaa dhageysiga dacwadda ka dib waxay sheegtay in aan waan waan laga gali doonin cid kasta oo kufsi ama tacaddi kale kula kacda haweenka.
”Dawladdu hanoo soo qabato [dadkii ka dambeeyay] , annaga waan baaba’nay, gabar nooma dhagna” ayey tiri Daynaba.
Dhanka kale, Safiya oo oo u doodda xuquuqda haweenka oo iyaduna ka walwalsan kufsiga lagula kaco dumarka ee deegaankooda ka dhaca ayaa sheegtay in ay ka shaqaynayso sidii gabadhan hadda la kufsaday iyo kuwa kaleba caddaalad ay ku heli lahaayeen.
Dacwadda oo dhageysigeeda dib loogu dhigay 18-ka bishaan ayaan weli qareen loo qaban eedaysanaha gacanta lagu hayo illaa hadda.