Home Blog Page 2571

{DAAWO MUUQAALKA} Dood Adag oo dhaxmartay Abuukaate Cali Xalane iyo Maxkamada Gobolka ,,

0

Isniin 15 April , 2024 {HMC} Dood Adag oo dhaxmartay Abuukaate Cali Xalane iyo Maxkamada Gobolka ,,

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA.

{DAAWO MUUQAALKA} Dhaawac ayaa kasoo gaaray dagaal ka dhacay ilix,laakiinse………..

0

Isniin 15 April , 2024 {HMC} Dhaawac ayaa kasoo gaaray dagaal ka dhacay ilix,laakiinse………..

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA.

{DAAWO MUUQAALKA} ‘Qisaastii loogu fuliyo si dhaqso ah’Waa codsiga xeer ilaaliye Cabdixakiim

0

Isniin 15 April , 2024 {HMC} ‘Qisaastii loogu fuliyo si dhaqso ah’Waa codsiga xeer ilaaliye Cabdixakiim

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA.

{DAAWO MUUQAALKA} Muxuu aa ahaa hadalkii saameynta lahaa ee u jeediyay Abshir Gaarane oo Shil gaari ku geeriyooday ?

0

Isniin 15 April , 2024 {HMC} Muxuu aa ahaa hadalkii saameynta lahaa ee u jeediyay Abshir Gaarane oo Shil gaari ku geeriyooday ?

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA.

Muxuu ka bilowday dagaalka magaalada Baraawe yuuse udhaxeeya dagaalka?

Isniin 15 April , 2024 {HMC} Dagaal sababay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac ayaa laba maalin kahor ka dhacay magaalada Baraawe ee gobolka Shabeelaha Hoose, iyadoo u dhex maray ciidamo ka tirsan millitariga Soomaaliya iyo kuwa daraawiishta ee maamulka Koonfur Galbeed.

Dagaalka ayaa ka billowday qaad la sheegay “in qayb kamida ciidamada ay dheceen halka kuwa kalana ay ka fal celiyeen”, taas oo keentay in ilaa gudaha magaalada la isla galo, sida ay noo sheegeen goobjoogayaal ku sugnaa goobta.

Xaafadaha magaalada ayaa si weyn looga maqlayay hubka ay ciidamadu isku adeegsanayeen iyadoo ay jiraan dad shacab ah oo wax ku noqday.

Qaadka la sheegay in ay dhaceen mid kamida labada garab ee ciidamada ee uu dagaalku dhex maray ayaa sida aan wararka ku heleyno waxaa lahaa ganacsato Soomaaliyeed oo uu usoo degay.

Gudoomiye ku-xigeenka amniga iyo siyaasadda ee degmada Baraawe. Ismaaciil Cabdullahai Jaadane, oo ku sugan magaalada yaa sheegay in xaalku haatan degan yahay.

“Magaalada Baraawe waxaa ka dhacday shaqaaqo, hase yeeshee hadda waa ay xasilloontahay, waxaa jiray ciidamo ku dhaqaaqay fal burcadnimo iyagiina hadda waala xiray,” ayuu yiri.

“Waxa ay isku dayeen in ay dhac u geystaan qaad uu lahaa ganacsade Soomaaliyeed, waxaa ku baxay ciidamada millitariga ah iyo kuwa daraawiishta oo wada shaqeynaya, haddana waa lasoo qabtay raggii falka ku kacay oo wey xiranyihiin,” ayuu yiri Gudoomiye Ismaaciil Jaadane.

Guddoomiyaha ayaa sheegay in uusan jirin isku dhac kala qabiyay ciidamada millitariga ah iyo kuwa Daraawiishta, hase yeeshee ciidamada ka tirsan daraawiishta ee falkan ku kacay awgeed ay si guud uga wada hortageen qaybaha kale ee ciidamada millitariga iyo daraawiishtaba.

Guddoomiyuhu waxa uu xaqiijiyay in ay jiraan dad shacab ah iyo ciidamada labada dhinacba oo wax ku noqday isku dhaca, balse uusan xaqiijin karin tiradu inta ay la egtahay.

Baraawe ayey dhowr mar horay uga soo dheceen iska hor imaadyo hubaysan oo ciidamada dhexmaray. Mar walaba ayaa waxaa kala duwanaa waxa salka u ahaa gacan qaadka.

“Waa run in ay Baraawe badanaa ka dhacaan shaqaaqooyin laakiin muhiimaddu waa kahor tagga – waa guul in aan xallinay waliba xilli hore,” ayuu raaciyay hadalkiisa Ismaaciil.

Dagaal degmada ka dhacay bartamihii bishii June ee sanadkii tagay – 2023-kii, oo dhex-maray ciidamada millitariga ah iyo kuwa daraawiishta ayaa ahaa mid khasaare sababay oo maalmo socday.

Dagaalkaas ayaa u dhaxeeyay ciidamada milatariga Soomaaliya gaar ahaan guutada lixaad iyo ciidmada daraawiishta dawlad goboleedka Koonfur-galbeed ee Soomaaliya.

Inta aan ka warhayno, ilaa dhawr iyo toban ruux oo labada dhinac ah ayaa ku geeriyooday, wixii intaa ka dambeeyayna waxaa jirtay hadal heyn iyo xiisad u dhaxaysa ciidamadaan.

Hadaba Maxay yihiin ciidmadaan isku haya Baraawe?

Ciidmada milatariga Soomaaliya oo ku sugan magaalada Baraawe ayaa ah kuwii kala wareegay AS magaalada Baraawe sanadkii 2014 kii, tan iyo xilligaas waxay ku sugnaayeen magaalada, iyagoo amniga guud gacanta ku hayay. Waxay hoostagaan qaybta lixdanaad ee ciidanka xoogga dalka Soomaaliyed.

Ciidamada daraawiishta ee Koonfur-Galbeed, ayaa ah kuwa billowgii qayb kamid ah lagu aasaasay gudaha magaalada, balse markii dabme ayay ballaarteen oo ciidamo xoojiya looga keenay magalaada Baydhabo.

Ku dhawaad horin ciidamadaas ah ayaa waxaa magaalada keenay madaxweynaha Koonfur Galbeed Cabdicasiis Lafta-gareen. Saddex duulimaad ayay ku yimaadaan ciidamadaas gudaha baraawe sanadkii 2021-kii.

Sidoo kale safarkii ugu dambeeyay ee madaxweynaha Koonfur-galbeed iyo gudoomiyaha Golaha Shacabka ee Soomaaliya ay ku tageen Baraawe, dhawr unug oo ciidamo ah oo la socday wafdiga ayaa magaalada la gaaray iyagoo aan dib loo soo celin.

Baraawe waxay leedahay mamamul dagmo oo ka kooban gudoomiye, ku-xigeen iyo gole deegaan. Balse waxaa ku sugan magaalada oo inta badan maamulkeeda gacan wayn ku leh ciidamada milatariga Soomaaliya. Sidoo kale waxaa ku sugan ciidamada daraawiishta ee ka Koonfur Galbeed oo labada u muuqda in ay ku loollamayaan gacan ku heynta degmada.

Israa’iil oo qaadeysa Weerar aargudasho oo xariir ah.

Isniin 15 April , 2024 {HMC} Dowladda Iran ayaa xalay weerar xooggan oo aargudasho ah ku qaaday Israa’iil, kaddib weerarkii milatariga Israa’iil ka fuliyeen Qunsuliyadda Iran ku leedahay magaalada Dimishiq, weerarkaasi oo lagu dilay saraakiil sar sare oo ilaalada Kacaanka katirsan.

Wasiiradda Israa’iil u qaabilsan dagaalka oo kulan saacado badan yeeshay ayaa la sheegay in ay go’aamiyeen in ay qaadaan weerar xooggan oo aargudasho ah, kaa ay ku qaadayaan dalka Iran iyo dalalka kale ee laga taageero.

Wakaaladda wararka ee Reuters, ayaa baahisay in golaha wasiirrada dagaalka ee Israa’iil ay isku raaceen in la qaado weerarro jawaab ah oo ka dhan ah Iran, kaa oo looga jawaab celinayo weerarkii xalay lagu qaaday Israa’iil.

Sida ay qortay Reuters waxaa jira kala qaybsanaan la xiriirta waqtiga weerarka la qaadayo iyo baaxadda u yeelanayo, waxaana adag in la helo xogaha ugu dambeeya ee ku aadan xilliga Israa’iil qorsheysay in ay qaado weerar aargudasho.

Xiisada colaadeed ee u dhaxeysa Iran iyo Israa’iil ayaa laga cabsi qabaa in meel xun gaaro iskuna badalo dagaal toos ah, waxaana jira walaac xooggan oo laga qabo xiisadan kasoo cusboonaatay Bariga Dhaxe.

Sannad Kadib billowga Colaadda Sokeeye ee Sudan xagee ayeey marayan dhimashada iyo dhawaca!

Isniin 15 April , 2024 {HMC} Sannad ayaa maanta u buuxsantay marki uu billowday gulufka colaadeed ee ka aloosan dalka Sudan, kaas oo u dhaxeeya millatariga iyo xooggaga hubeysan ee RSF.

Xalay oo kale, bartamihi bishi April ee sannadki 2013-ki ayuu qarxay dagaalka sokeeye ee uu dhiigga badani ku daatay. Tan iyo markaasi boqollaal qof ayaa ku dhintay, boqollaal kun oo qofna waa ay ku barakaceen ama u qaxeen dalka dibaddiisa.

Dagaalka sokeeye ee Sudan ayaa keenay abaar aad u daran, iyada oo ay Qaramada Midoobay iyo hey’adaha gargaarka ee caalamiga iyo kuwa maxalliga ah ayaa ka digay macluul ay suuragal tahay in dad aad u tiro badan u dhintaan bilaha soo socda.

Isu-duwaha xafiiska arrimaha bani’aadannimada Qaramada Midoobay, Justin Brady ayaa sheegay in bilaha foodda nagu soo hayo ay dhici karto in dalka Sudan ay macluul iyo gaajo ugu dhintaan tobnaan ama boqlaal kun oo qof, haddii aysan bulshada caalamka si deg deg ah ugu gurman Sudan.

Ilaa 3.5 milyan oo carruur ah oo ay da’doodu ka hooseeyso 5 jir ayaa la ildaran nafaqo darro aad u xun, waxaa ku jira carruur gaareyso 710,000 oo xaalkoodu uu halis yahay sida ay xaqiijisay laanta caafimaadka Qaramada Midoobay ee WHO.

QM waxay kaloo sheegtay in dad gaaraya 5 milyan oo ruux oo ku nool Sudan ay hal tallaabo u jiraaan in ay galaan macluul. Laakin guud ahaan warbixinta ayaa sheegaya in ku dhawaad 18 milyan oo reer Sudan ah ay cunto la’aan yihiin.

Orodyahan Soomaali ah oo ku guuleysaty tartanka Rotterdam

Isniin 15 April , 2024 {HMC} Orodyahan Cabdi Nageeye ayaa ku guuleystay tartanka Marathon-ka ee Rotterdam, waana markii labaad ee uu ku guuleysto.

Nageeye oo 35 sano jir ah ayaa orodkan ku dhammeeyey 42.195 Kiilo mitir, isagoo ku orday 2 saacadood, 4 daqiiqo iyo 43 ilbiriqsi.

Kiilo mitirkii u dambeeyay ayuu Nageeye ka guuleystay orodyahanka Itoobiya ee Amedework Walelegn.

Tartanka Rotterdam,

1-Abdi Nageeye | 2:04:45

2-Birhanu Legese | 2:05:16

3-Viola Kibiwott | 2:20:57Selly

4- Chepyego | 2:22:46

AU assessment report delays plan for Somalia’s post-Atmis force

0


Sunday April 14, 2024
By JULIUS BARIGABA

Sunday 14 April , 2024 {HMC} The shape, size and scope of a new force to secure Somalia — after the exit of the current African Union peacekeeping mission at the end of this year — remain unknown as it emerges that the Horn of Africa nation is yet to submit its plan before the United Nations Security Council (UNSC) for consideration.

In a communique dated April 3, the African Union said Somalia’s plan for a new force to replace the African Union Transition Mission is Somalia (Atmis) will be submitted next month after the continental body undertakes a comprehensive study of the threats and needs on the ground before seeking endorsement of the UNSC.

The troubled Horn of Africa nation missed its initial timeline of end of March when it was expected to submit its proposal, due to consultations with the AU Peace and Security Council on March 26 and April 3 to plan for the new force that will start operations on January 1 2025, once Atmis exit is complete.

The AU gave its support to Somalia call for a full assessment of the threats and current security needs, in a briefing by the Federal Republic of Somalia on its proposal for a post-Atmis security arrangement, pursuant to the UNSC Resolution 2710 (2023).

What is known for now is that the new force will be an AU-led, United Nations authorised peace support operation.

It will deploy and assume security responsibilities to support Somali security forces on January 1, 2025, a scenario that requires boots on the ground before end of this year to ensure seamless exit of Atmis troops and immediate replacement.

The AU is keen to preserve the gains that its mission has registered in Somalia for 17 years battling the Al Shabaab extremists and liberating more than 80 percent of Somali territory from the control of the Al Qaeda affiliated terrorist group.

But as the mission gradually departs the Horn of Africa nation, with periodic drawdown of troops — with another 4000 troops to leave at the end of June — experts say Somalia remains vulnerable as the country’s efforts for force generation have not moved in tandem with Atmis numbers reduction.

Accordingly, the AU underlines the importance of preserving the gains registered since 2007 by Atmis predecessor [African Union Mission in Somalia] Amisom and the current momentum of joint offensive operations by the green berets and Somali forces in the fight against Al Shabaab.

International partners that have supported the AU mission and the rebuilding of Somalia’s army to take full responsibility of its security, want a “lean mission focusing on supporting the Somali security forces” to complete the country’s transition without creating a new strain on donor budgets.

But the AU also reiterates its deep concern over the Atmis funding gap — even as the force’s tenure ends in under eight months — stressing the need for adequate, sustainable and predictable funding for the mission, the burden of which, international partners have borne since 2007.

The EU, for instance, which foots soldiers mission allowances or salaries, has forked out in excess of €2.5 billion for Amisom/Atmis, but amidst mission fatigue and donors facing competing funding priorities elsewhere, the AU still looks the same source for “adequate, predictable and sustainable financing to the post-Atmis force.

In the same period, Acled reports that there were 167 explosions/remote violence events as a result of Al Shabaab attacks against security forces and Atmis bases, as well as security force operations against the militants.

Last month, particularly in Galmudug and Hirshabelle states, the SNA suffered significant setbacks, which led Al Shabaab to regain control of several areas after security forces withdrew from several bases, where internal tensions over logistics failures, corruption, and power struggles were reported.

Dowladda Federaalka Soomaaliya oo War ka so Saartay Weerarka Ay Iiraan ku qaaday Israiil

0

Axad 14 April , 2024 {HMC} Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxay si weyn uga walaacsan tahay xaaladaha ka soo kordhay Bariga Dhexe, waxayna si adag ugu baaqaysaa dhammaan dhinacyada ku lugta leh inay si deg deg ah u joojiyaan. Xasiloonida iyo xiisadahan kor u kacaya waxay khatar ku yihiin xasiloonida gobolka, nabadda iyo amniga caalamka oo dhan.