Home Blog Page 2570

Hoggaamiyaasha waddamada G7 oo war kasoo saaray weerarkii Iran ku qaaday Israa’iil.

Isniin 15 April , 2024 {HMC} Hoggaamiyaasha waddamada ku bahoobay ururka G7 oo wadahadal xasaasi ah yeeshay ayaa si kulul u cambaareeyay weerarkii habeen hore ciidamada ilaalada kacaanka Jamhuuriyadda Iran ku qaaday Israa’iil.

Bayaan ay soo saareen hoggaamiyaasha waddamada G7 ayey ku caddeeyeen in ay garab taagan yihiin ayna taageerayaan Israa’iil, waxa ayna Iran ku cambaareeyeen weerarka aargoosiga ah ay ku qaaday Israa’iil.

Hoggaamiyaasha G7 ayaa sheegay in weerarka dowladda Iran ku qaaday Israa’iil ay kordhineyso xasillooni darrada Bariga Dhaxe, waxa ayna ku baaqeen in laga fogaadaan in uu qarxo colaad aan la xakameyn karin.

” Iran ficilkeeda, waxa ay sii kordhisay xasilooni darada gobolka, waxayna halis ugu jirtaa in ay kiciso xiisad goboleed oo aan la xakamayn karin. Tani waa in laga fogaadaa,” aya alagu yiri bayaanka kasoo baxay hoggaanka G7.

Maamulka Israa’iil ayaa dhankooda laga cabsi qabaa in ay qaadaan weeraro aargudasho ah, taa oo haddii ay dhacdo laga cabsi qabo in xaalada Bariga Dhaxe , gaar ahaan colaada Iran iyo Israa’iil u dhaxeysa faraha kasii baxdo.

Dab xoogan oo ka kacay dooxada deegaanka Dalsan ee gobalka Nugaal.

Isniin 15 April , 2024 {HMC} Wararka naga soo gaaraya gobolka Nugaal ayaa sheegaya in weli uu sii fidayo dab xoogan oo Axaddii ka ka kacay dooxada deegaanka Dalsan oo hoostaga degmada Dangorayo ee gobalka Nugaal.

Dabkan oo ahaa mid xoogan ayaa loo badinayaa inuu ka dhashay isbeddelka Cimilada ee sii kululaanaysa, maadaama Soomaaliya uu haatan ka jiro kuleyl aad u daran.

Wararka ayaa sheegaya in dabkan uu qabsaday dhul doog ah oo ku yaalla halkaasi, waxaana isaga barakacay qoysaskii deganaa goobtaasi

Dabkan ayaa la sheegay in uu sababay khasaare soo gaaray dhul daaqsimeedka siman ee dooxada Dalsan oo ku dhow magaalada Dangorayo.

Dhinaca kale Puntland oo sameysay dadaallo dheeraad ah ayaa ku guuleysatay in la damiyo dabkaasi, waxaana la magacaabay guddi soo baara, sida uu dabka u kacay.

Kaymaha uu dabka qabsaday ayaa si weyn u gubtay, waxaana xaaladda uga sii daray markii ay sii qarxeen macdan ku jiray kamyamahaasi, sida laga soo xigtay dadka deegaanka.

Xaaladdan ayaa lagu tilmaamay musiibo, maadaama uu dabka iskiis u kacay, loona sababeynayo isbeddelka ku yimid guud ahaan cimilada Soomaaliya oo aad u kulul.

Dhacdooyinka noocaan ah ayaa mararka qaar lagu arkaa deegaanada Puntland, gaar ahaan goobaha kaymaha oo ay u dhow yihiin buuraha oo horay sidaan oo kale uu dab uga kacay.

{DAAWO MUUQAALKA} Muxuu ka bilowday dagaalka magaalada Baraawe yuuse udhaxeeya dagaalka?

0

Isniin 15 April , 2024 {HMC} Muxuu ka bilowday dagaalka magaalada Baraawe yuuse udhaxeeya dagaalka?

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA.

 

{DAAWO MUUQAALKA} Sannad kadib xaalada Suudaan iyo biloogii dagaalka.

0

Isniin 15 April , 2024 {HMC} Sannad kadib xaalada Suudaan iyo biloogii dagaalka

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA.

 

{DAAWO MUUQAALKA} kulan amniga looga hadlay oo ka dhacay degmada Baraawe.

0

Isniin 15 April , 2024 {HMC} kulan amniga looga hadlay oo ka dhacay degmada Baraawe.

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA.

 

{DAAWO MUUQAALKA} Madaxweyne Xasan Shiikh Oo Furumaha Dagaalka ku noqoyo, Asiga Amaro dul dhigay Saraakiisha Ciidamada

0

Isniin 15 April , 2024 {HMC} Madaxweyne Xasan Shiikh Oo Furumaha Dagaalka ku noqoyo, Asiga Amaro dul dhigay Saraakiisha Ciidamada

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA.

{DAAWO MUUQAALKA} Golaha sare ee kacaanka iiraan oo isla qaatay go’aan uga sii dari kara xaalada bariga dhaxe.

0

Isniin 15 April , 2024 {HMC} Golaha sare ee kacaanka iiraan oo isla qaatay go’aan uga sii dari kara xaalada bariga dhaxe.

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA.

{DAAWO MUUQAALKA} Dowladda Federaalka Soomaaliya oo War ka so Saartay Weerarka Ay Iiraan ku qaaday Israiil

0

Isniin 15 April , 2024 {HMC} Dowladda Federaalka Soomaaliya oo War ka so Saartay Weerarka Ay Iiraan ku qaaday Israiil

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA.

{DHAGEYSO} Warka Subaxnimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn 15-04-2024

Isniin 15 April , 2024 {HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Warka Subaxnimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn

Warka waxaa soo jeedinayo: Yaasiin Ali Ahmed

farsamadii; Mohamed Baryare Haamud

HOOS KA DHAGEYSO WARKA SUBAXNIMO

{DAAWO MUUQAALKA} Wilisaqo iyo Deegaanka Beera yabaal

0

Isniin 15 April , 2024 {HMC} Wilisaqo iyo Deegaanka Beera yabaal

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA.