Home Blog Page 2569

Aadan Madoobe oo xafiiskiisa ku qaabilay safiirka cusub dalka Taliyaaniga

Isniin, April, 15, 2024 {HMC} Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur {Madoobe} ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay safiirka cusub dalka Taliyaaniga ee Soomaaliya Amb. Pier Marion Dacco Coppi.

Kullanka Guddoomiye Sheekh Aadan Madoobe iyo danjiraha dalka Taliyaaniga Mudane Pier Marion Dacco Coppi oo ahaa mid isbarasho iyo kala warqaadasho ah, maadaama safiirka uu dalka cusub yahay.

Kulanka ayaa looga hadlay sidii dowladda Taliyaaniga ay kaalin muuqata uga qaadan laheyd tayaynta iyo horumarinta Golaha Shacabka, waxaana uu ammaanay doorka Baarlamaanka Soomaaliya ka qaatay ansixinta shuruucda muhiimka u ah qaranka.

Sidoo kale guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa dowladda Taliyaaniga ku boggaadiyay kaalinta weyn ka soo qaateen dib u dhiska dalka iyo taageerada ay siiso Soomaaliya.

 

{DHAGEYSO} Warka Duhurnimo ee Radio Hiiraanweyn .13 .4.2024

Isniin, April, 15, 2024 {HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Warka Duhurnimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn

Warka waxaa soo jeedinayo: Cabdi Axmed  iyo Cabdimajid 

farsamadii;C/Kaafi

HOOS KA DHAGEYSO WARKA DUHURNIMO

 

Puntland: 30 sano kadib dowladnimada Soomaaliya waxay isku rogtay nidaam kaligiis talis ah

0

Isniin, April, 15, 2024 (HMC) – Madaxweyne ku xigeenka maamulka Puntland, Cusmaan Ilyaas Lugatoor ayaa sheegay, 30 sano kadib dowladnimada Soomaaliya in ay isku rogtay nidaam kaligiis talis ah oo awoodda dalka ay ku arurtay xafiiska madaxweynaha.

Madaxweyne ku xigeenka Puntland, oo ka qeyb galayay dood xalay ka dhacay barta X ee horey loo oran jiray Twitter, ayaa tilmaamay, sababta dastuurka wax looga beddelay in ay tahay in meesha laga saaro awoodaha dowlad goboleedyada iyo xafiiska raysal wasaaraha.

“Dastuurkaan cusub wuxuu abuurayaa nidaam unitary ah (nidaam dowlad dhexe), oo awooddoo dhan ay madaxweynaha ku urursan tahay, xataa la yiraahdo raysal wasaaraha wuxuu lamid yahay sida wasiirka, oo waa la eryi karaa. Dalku wuxuu hadda luminayaa isku dheeli tirnaantii xukunka dalka lagu maamulayay,” ayuu yiri Lugatoor.

Lugatoor wuxuu sheegay, Puntland dadaalkii ay kusoo bixisay dhismaha dowladnimada Soomaaliya in loogu beddelay in awood qeybsigii dowladnimada meesha laga saaro, dalkana dib loogusoo celiyo khatartii uu u dumay 30 sano ka hor.

Madaxweyne Lugatoor waxa uu sheegay, in Puntland aysan ka go’in Soomaaliya mar walbana u taagan tahay dowlad dhiska dalka oo ku salaysan Midnimo ku dhisan federaal iyo in la ilaaliyo dastuurkii Soomaaliya heshiiska ku ahayd.

Sargaal Ciidan Oo Lagu dilay Muqdisho iyo Faah faahino kasoo baxaya

0

Isniin, April, 15, 2024 (HMC) – Askar katirsan ciidanka dowladda Soomaaliya ayaa xalay isgooska Ex-koontarool Afgooye ee magaalada Muqdisho ku dilay sargaal katirsanaa ciidanka xoogga dalka, gaar ahaan ciidanka kumaandooska ee Gorgor.

Sida aan wararka ku helnay madaxii hubka iyo rasaasta ee guutada 17-aad ee ciidanka kumaandooska ee Gorgor labo xidigle Cabduqaadir Muxudiin Aadan ayaa lagala degay gaari uu la socday kaddibna lagu dilay isgooska Ex-koontarool Afgooye.

Ehelada sargaalkan la dilay ayaa sheegay in wiilkooda saddex xabadood ku dhufteen ciidamo katirsan dowladda kana baxsadeen goobta, waxa ayna laamaha amniga iyo madaxda dowladda ka dalbadeen caddaalad.

Sargaalkan xalay lagu dilay magaalada Muqdisho ayaa kamid ahaa ciidanka ka howlgalayay degmada Xarardheere ee gobolka Mudug, kuwaa uu dhawaan dalacsiiyay Madaxweynaha Soomaaliya markii uu tagay Xarardheere.

Dilalka ka dhacaya magaalada Muqdisho ayaa muddooyinkan noqday kuwa sii kordhaya, waxaana dilalka qaar dadka shacab ah iyo askar kalaba u geesanaya ciidan katirsan dowladda oo loogu tala galay ilaalinta amniga shacabka.

 

Gudoomiyaha Gobolka Hiiraan oo War Kasoo saaray Xaalada Baladweyne.

0

Isniin, April, 15, 2024 (HMC) – Guddoomiyaha gobolka Hiiraan ee maamulka Hirshabeelle Muuse Salaad Wehliye ayaa si adag uga hadlay falal amaan daro ah oo kusoo badanaayay mudooyinkii dambe gudaha xaafadaha magaalada Baledweyne.

Guddoomiyaha ayaa sheegay in dhibaatooyinka amni daro ee ka jira gudaha magaalada Baledweyne iney yihiin kuwa lagu sumcad dilayo sharafka ciidanka difaaca deegaanka ee loo yaqaano Macawiisleeyda.

“Waan ognahay cida geysata falalka burcadnimo ee lagu dhaco dadka ku nool xaafadaha Baledweyne iney yihiin dad doonaya iney suurad xumeyaan sharafka iyo halgankii lagu bartay ciidanka geesiyaasha ah, maka yeeli doono iney magacas meel uga dhacaan, waxaana cadeynaya in Macawisley aysan aheyn kuwa wax dhaca, Gacan bir ah ayaan ku qabananeyna kuwa doonaya iney sumcad dilaan magaca ciidanka Macawiisleeyda” ayuu yiri gudoomiye Muuse Salaad.

Wuxuu sidoo kale sheegay guddoomiyaha in ciidanka difaaca deegaanka ay wali ku sugan yihiin furimaha hore ee dagaalka, islamarkaana wali ay ku howlan yihiin la dagaalanka kooxda Al-shabaab.

“Ciidanka difaaca deegaanka aniga idinla hadla ayaa ka mid ah oo qeyb ka ahaa aas aaskooda, waxa dadka ku dhibaya Baledweyne iyo meelo kale oo gobolka ka mid ah waa kuwa aan dagaalamin oo iska dhex abaabulay magaloyinka, si ay u suurad xumeyeena magaca ciidanka Macawiisleeyda, waxaan leyahay kuwa ku howlan magac dilka ka waan tooba arintaasi waan idin ognahe” ayuu yiri guddoomiyaha gobolka Hiiraan ee maamulka Hirshabeelle Muuse Salaad Wehliye.

Hadaalkaan kasoo yeeray guddoomiye Muuse Salaad ayaa imaanaya, iyadoo mudooyinkii dambe xaafadaha Baledweyne ay kusoo kordhayeen kooxo hubeysan oo dilal dhac u geysanaayay dadka shacabka ah ee ku nool magaalada Baledweyne.

{DAAWO MUUQAALKA} Fanaan Maxamed Jaamac Abshir Gaarane mar hore ayuu dhintay wuxuu ahaa meyd socda

0

Isniin 15 April , 2024 {HMC} Fanaan Maxamed Jaamac Abshir Gaarane mar hore ayuu dhintay wuxuu ahaa meyd socda

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA.

 

{DAAWO MUUQAALKA} Waan ku faraxsanahay in maanta aan helnay Cadaalad oo la toogtay ninkii dilay Wiilkeena.

0

Isniin 15 April , 2024 {HMC} Waan ku faraxsanahay in maanta aan helnay Cadaalad oo la toogtay ninkii dilay Wiilkeena.

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA.

 

Mareykanka oo lacag balaayiin dollar ah ku caawinayo Israa’iil kadib weerarkii Iran.

Isniin 15 April , 2024 {HMC} Madaxweynaha dalka Mareykanka Joe Biden ayaa olole xooggan ugu jira sidii Aqalka Congress-ka u meel-marin lahaayeen deeq lacageed oo balaayiin dollar gaareysa oo Mareykanka ku caawinayo Israa’iil.

Biden ayaa ku booriyay hoggaamiyeyaasha Congress-ka in ay meel mariyaan sharciga qarashka gar gaar ee gaareysa $14bn ee Israa’iil la siinayo, kaddib weerarkii Iran ku qaaday Israa’iil.

Lacagtan Mareykanka ugu deeqayo Israa’iil ayaa lagu doonayaa in lagu hormariyo nidaamka difaaca ee Israa’iil, waxaana la tuhmayaa in Israa’iil weerarka ay ku qaaday qunsuliyadda Iran ee Syria in ujeedku ahaa sidii lacagtan u heli laheyd marka Iran weerarkaasi ka jawaabto.

Afhayeenka Aqalka Jamhuuriga Mike Johnson oo la hadlay Madaxweyne Biden ayaa u sheegay Fox News in xisbigiisu uu fahamsan yahay “baahida loo qabo in la garab istaago Israa’iil” iyo inuu isku dayi doono inuu horumariyo xirmada kharashka usbuucan.

Maamulka Biden wuxuu ku cadaadinayey Aqalka ay maamusho Jamhuuriga inuu meel mariyo $ 95bn ee xirmada kharashka amniga qaranka Mareykanka, lacagtan oo loogu tala galay in lagu taageero Israel, Ukraine iyo Taiwan.

Dowladda Ruushka oo eedayn kulul ujeedisay Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay

Isniin 15 April , 2024 {HMC} Golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa kulan deg deg ah ka yeeshay weerarkii jawaab celinta ahaa ee Iran ku qaaday Israa’iil, halka golaha aysan cambaareyn kana hadlin weerarkii Israa’iil ku qaaday qunsuliyada Iran ay ku lahaayeen Dimishiq Syria.

Wakiilka dowladda Ruushka u fadhiya Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaan ku tilmaamay golaha in ay yihiin kuwa munaafiqiin labo wajiilayaal ah, waxa uuna xusay in ay ka aamuseen weerarkii qunsuliyada Iran ayna diideen in ay cambaareeyaan.

Waxa uu sheegay wakiilka Ruushka in ay ka codsadeen golaha in weerarkaasi laga hadlo lana cambaareeyo, isagoona tilmaamay in haddii ay dalalka reer Galbeedka qaadi lahaayeen tallaabo, kaddib weerarkii Israa’iil qaaday sida hadda jirta in aysan dhacdeyn.

“ Horey ayaan uga dignay waxa dhacay, waxaan niri golaha ammaanka ha cambaareeyo weerarkii qunsuliyada, waa laga aamusay, waxa hadda dhacaya reer galbeedka haddii ay qaadi lahaayeen sidan way ka duwanaan lahayd xaaladda…Waxa aan maanta ku arkayno Golaha Ammaanka waa munaafaqnimo iyo laba wajiile, waana wax laga xishoodo.”ayuu yiri Wakiilka Ruushka u jooga Golaha Ammaanka.

Waddamada reer Galbeedka ayaa inta badan cambaareeya kana hadla weerarada lagu qaado Israa’iil, halka ay ka aamusaan weerarada iyo dhibaatooyinka kale ay geesanayaan ciidamada maamulka Israa’iil.

Hoggaamiyaasha waddamada G7 oo war kasoo saaray weerarkii Iran ku qaaday Israa’iil.

Isniin 15 April , 2024 {HMC} Hoggaamiyaasha waddamada ku bahoobay ururka G7 oo wadahadal xasaasi ah yeeshay ayaa si kulul u cambaareeyay weerarkii habeen hore ciidamada ilaalada kacaanka Jamhuuriyadda Iran ku qaaday Israa’iil.

Bayaan ay soo saareen hoggaamiyaasha waddamada G7 ayey ku caddeeyeen in ay garab taagan yihiin ayna taageerayaan Israa’iil, waxa ayna Iran ku cambaareeyeen weerarka aargoosiga ah ay ku qaaday Israa’iil.

Hoggaamiyaasha G7 ayaa sheegay in weerarka dowladda Iran ku qaaday Israa’iil ay kordhineyso xasillooni darrada Bariga Dhaxe, waxa ayna ku baaqeen in laga fogaadaan in uu qarxo colaad aan la xakameyn karin.

” Iran ficilkeeda, waxa ay sii kordhisay xasilooni darada gobolka, waxayna halis ugu jirtaa in ay kiciso xiisad goboleed oo aan la xakamayn karin. Tani waa in laga fogaadaa,” aya alagu yiri bayaanka kasoo baxay hoggaanka G7.

Maamulka Israa’iil ayaa dhankooda laga cabsi qabaa in ay qaadaan weeraro aargudasho ah, taa oo haddii ay dhacdo laga cabsi qabo in xaalada Bariga Dhaxe , gaar ahaan colaada Iran iyo Israa’iil u dhaxeysa faraha kasii baxdo.