Home Blog Page 2573

{DAAWO SAWIRADA} Wasiiradii dhawaan uu magacaabay Ra’isul wasaare Xamse oo xilalka loo dhaariyey.

Axad 14 April , 2024 {HMC} Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur {Madoobe} ayaa shir guddoomiyay kulan aan caadi aheyn oo ay maanta yeesheen Guddiga Joogtada ah ee Golaha Shacabka BJFS.

Kulanka oo ajandihiisu ahaa dhaarinta wasiiradda dhowaan uu soo magacaabay Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre.

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta Somalia mudane Cali Yuusuf Cali {Xoosh} iyo wasiirka amniga C/llaahi Shiikh Ismaaciil Fartaag ayaa ka mid ah xubnaha la dhaariyey

Waxaa dhaariyay garsoore Saalax Sheekh Ibrahim oo ka tirsan Maxkamadda Sare ee dalka.

Guddoomiye Sheekh Aadan Madoobe oo la dardaarmay wasiiradda cusub ayaa xusay in xilkooda u gutaan si mas’uuliyad ku jirto ugana adeegaan dalka iyo shacabka Soomaaliyeed.

Wasiir Fiqi, oo xafiiskiisa ku qaabilay, Ergeyga gaarka ee Nabadda Geeska Afrika.

Axad 14 April , 2024 {HMC} Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Danjire Axmed Macallin Fiqi, ayaa maanta oo xafiiskiisa ku qaabilay, Ergeyga gaarka ee dhexdhexaadinta Nabadda Geeska Afrika ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda Finland, Suldaan Saciid Axmed.

Kulanka Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo geyga gaarka ee dhexdhexaadintaNabadda Geeska Afrika ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda Finland ayaa diiradda waxaa lagu saaray xoojinta xiriirka labo geesoodka iyo iskaashiga u dhexeeya labada dal ee saaxiibada ah.

Kulanka ayaa sidoo kale lagu fallanqeeyay xaaladihii ugu dambeeyay ee heer gobol iyo heer caalami ee muhiimadda gaarka ah u leh, iyaga oo muujiyay sida ay uga go’an tahay labada dhinac inay iska kaashadaan hindisayaasha nabadda iyo xasilloonida.

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Danjire Axmed Macallin Fiqi, ayaa Ergeyga gaarka ee dhexdhexaadintaNabadda Geeska Afrika ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda Finland, Suldaan Saciid Axmed uga mahadceliyey booqashada uu ugu imaaday xafiiskiisa.

{DAAWO MUUQAALKA} Wararka ugu waa weyn Soomaaliya iyo Caalamka 14/04/2024

0

Axad 14 April , 2024 {HMC} Wararka ugu waa weyn Soomaaliya iyo Caalamka 14/04/2024

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA.

{DHAGEYSO} Warka Duhurnimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn

0

Axad 14 April , 2024 {HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Warka Subaxnimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn

Warka waxaa soo jeedinayo: Mustaf Ali Addow & shukri baryare

farsamadii; kaafi

HOOS KA DHAGEYSO WARKA DUHURNIMO

{DAAWO MUUQAALKA} Imisa lacag ah ayeey madax furasho uga qaateen Burcad badeedda Soomaalida markabka MV Abdullah ?

0

Axad 14 April , 2024 {HMC} Imisa lacag ah ayeey madax furasho uga qaateen Burcad badeedda Soomaalida markabka MV Abdullah ?

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

{DAAWO MUUQAALKA} Maamulka Degmada wallaweyn oo Billaabay waan waanta beelihii dhawaan dagaalamay.

0

Axad 14 April , 2024 {HMC} Maamulka Degmada wallaweyn oo Billaabay waan waanta beelihii dhawaan dagaalamay.

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

 

Wararkii ugu dambeeyey ee weerarka ay Iran ku qaadday Israa’iil

Axad 14 April , 2024 {HMC} Iran ayaa xilli dambe oo Sabtidii ah, waxay weerar aargudasho ah ku qaaday gudaha Israa’iil, hase ahaatee ciidamada milateriga ee Israa’iil ayaa sheegay inay soo rideen qaybo badan oo ka mida gantaallada iyo diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee ay Iran u adeegsatay weerarkan, ka hor intii aanay soo gaadhin hawada Israa’iil, sida ay baahisay wakaaladda wararka ee AP.

Milateriga Israa’iil ayaa sheegay in Iran ay ku soo weerartay in ka badan 100 diyaaradood oo ah nooca aan duuliyaha lahayn oo xambaarsanaa bambooyin kala duwan. Saacado ka dib, haddana waxaa Iran ay markale ku dhawaaqday inay dhinaca Israa’iil ku ridday gantaallo waaweyn oo khasaare badan geysan kara.

Qaar ka mida gantaallada Iran ayaa ku dhacay gudaha Israa’iil, illaa haddana xog badan lagama hayo khasaaraha uu geystay weerarkani.

Iran ayaa hore u sheegtay inay qaadi doonto weerar aargudasho ah, ka dib weerarkii bishan April 1-deedii lagu qaaday qunsuliyadda ay ku leedahay Dimishiq, halkaas oo lagu dilay 12 qof oo ay ku jiraan laba sarkaal oo sarsare oo ka tirsan ciidamada Iran.

Hawlgalka diblomaasiyadeed ee Iran u fadhiya Qaramada Midoobay ayaa bartooda X ku sheegay, iyaga oo adeegsanaya qodobka 51aad ee axdiga Qaramada Midoobay, inay Iran qaadday tallaabo jawaab u ah, falkii gardarrada ahaa ee ay Israa’iil ka geysatay dhismahooda diblomaasiyadeed ee ku yaalla Dimishiq.

Iran ayaa intaas ku dartay “Israa’iil ma ka baaqsan doontaa inay khalad kale samayso, jawaabta Iraan waxay noqon doontaa mid aad uga daran tan iminka. Haatan waxaa xiisaddu u dhexeysa Iran iyo maamulka Israa’iil, oo ay tahay in Maraykanku uu ka fogaado.”

Madaxweynaha Maraykanka Joe Biden ayaa soo gaabiyey fasax uu ku joogay gobolka uu ka soo jeedo ee Delaware, isaga oo dib ugu soo laabtay Aqalka Cad, lana kulmay saraakiisha amniga u qaabilsan.

Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay Antonio Guterres ayaa ku baaqay in la xakameeyo colaadda ka taagan bariga dhexe. Wuxuu cambaareeyey xaaladda ka sii daraysa ee bariga dhexe gaar ahaan weerarka ugu dambeeyey.

{DAAWO MUUQAALKA} Wasiir Maareeye oo ka hadlay cabashooyin ay beeralaydu ku qabeen ciidamad Jooga Baraha Kontarolada.

0

Axad 14 April , 2024 {HMC} Wasiir Maareeye oo ka hadlay cabashooyin ay beeralaydu ku qabeen ciidamad Jooga Baraha Kontarolada.

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

{DAAWO MUUQAALKA} Wararkii ugu danbeyay dagaalka Iiran ku qaaday Israa’iil iyo saldhiga la beegsaday

0

Axad 14 April , 2024 {HMC} Wararkii ugu danbeyay dagaalka Iiran ku qaaday Israa’iil iyo saldhiga la beegsaday.

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

{DAAWO MUUQAALKA} Booliska Soomaliya oo Markii sadaxaad ku amray Dadka ineey iskaga Guuraan dhulka Dabdamiska.

0

Axad 14 April , 2024 {HMC} Booliska Soomaliya oo Markii sadaxaad ku amray Dadka ineey iskaga Guuraan dhulka Dabdamiska.

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA