Home Blog Page 2574

{DAAWO MUUQAALKA} Duqeeyn Culus oo AS lagu Beegsaday Deegaan ka tirsan Gobolka Hiiraan.

0

Axad 14 April , 2024 {HMC} Duqeeyn Culus oo AS lagu Beegsaday Deegaan ka tirsan Gobolka Hiiraan.

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

{DAAWO MUUQAALKA} Xildhibaano iyo beel degta Galmudug ayaa lagu sababta looga soo baxay dhulkii AS ay la wareegen

0

Axad 14 April , 2024 {HMC} Xildhibaano iyo beel degta Galmudug ayaa lagu sababta looga soo baxay dhulkii AS ay la wareegen

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

{DAAWO MUUQAALKA} Maraykanka oo Laga Mamnuucay Isticmaalka Hawada Dalal badan oo Carab ah.

0

Axad 14 April , 2024 {HMC} Maraykanka oo Laga Mamnuucay Isticmaalka Hawada Dalal badan oo Carab ah.

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

Natiijada weerarkii Dowladda Iiran {AKHRISO XOG SAX AH}

0

Natiijada weerarkii Iran?

Ma la gaaray yoolal dhab ah, kaddib weerarkii xalay?

Maxay tahay faa’iidada uu ku qabo Netanyahu?

Sidaan horey u sheegay, Israa’iil ugama aysan tegin Iran wax dookh ah oo aan ahayn inay weerar ka soo qaaday dhulkeeda,markii ay Israa’iil duqeysay dhismaha qunsuliyadda Iran ee Suuriya, maaddama dhismayaasha diblomaasiyadda loo tixgeliyo qayb ka mid ah dhulka waddanka ay diblomaasiyiintiisa ku shaqeeyaan.

Israa’iil waxay u diyaar garoobeen weerarka bilawgii hore, iyo sidii aan horayba u sheegay ee ku saabsan fursadaha Iran ay weerar ku soo qaadi karto inay adeegsan karto;
•Gantaalada Ballistic-ga
•Gantaalada Cruise
•Diyaaradaha aan duuliyaha lahayn.

Waxaan xalay aragnay muuqaallo muujinaya Iran oo qaaday weerar isugu jira diyaaradaha aan duuliyahan lahayn iyo gantaallo , waxay ugu horreynba weerarka ku bilowday diyaaradaha is qarxiya oo lagu qiyaasayo inay ka badan yihiin 200 , marka ay diyaaradaha gaareen hawada Israa’iil iyo ka hor inta aysan galin, waxaa isugu tagay si ay u joojiyaan; Mareykanka , Ingiriiska iyo Israa’iil oo ay difaacayeen, laakin waxaa xigtay boqollaal kale oo gantaal oo ay u suragashay tiro badan oo ka mid ah inay gudaha u galay dhulka Israa’iil, waxay ahayd fikrad laga arkay kooxaha iska caabinta Qasa, markii ay qaadeen weerarkii 7 Oktoobar, waxaa xataa isla fikradan adeegsadan dhowaan Ruushka.

Qaar ka mid ah gantaallada iyo diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Iran ayaa ku guuleystay in ay dhaafaan nidaamka difaaca Israa’iil oo ay ku ku dhacaan goobo ku yaalla Israa’iil.

Maraykanku wuxuu u dhaqmay sidii difaac horumarsan oo kale, nidaamkiisuna waxa uu soo riday daraasiin diyaarado iyo gantaallo ah ka hor intii aysan gaarin hawada Israa’iil.

Sida uu sheegay afhayeen u hadlay ciidamada Israa’iil, waxaa jiray burbur yar oo soo gaaray kaabayaasha saldhigga ee ciidanka cirka ee Negev, kaas oo lagu garaacay gantaallo.

Maxaa dhacay kaddib?

Sida laga soo xigtay wakiilka Iran ee Qaramada Midoobay,” Ma jiri doono dagaal u dhexeeya Iran iyo Israa’iil… Weerarka Iran waxa uu la mid ahaa is difaac sida uu dhigayo qodobka 51-aad

kaddib markii Israa’iil ay duqeysay dhismayaal diblomaasiyadeed— halkaa ayayna ku dhammaatay.” Wuxuu intaa ku daray; Laakiin haddii Israa’iil ay khalad kale gasho, Iran waxay ku jawaabi doonta weerar ka xooggan kan.

Maxay tahay faa’iidada sirta ah?

Xaqiiqdii, Netanyahu wuu ku faraxsanaa weerarkan…Ma garanaysaa sababta?
Sababtoo ah arrimuhu waxay u dhaceen sidii uu qorsheeyay, wuxuuna ku guuleystay inuu dabin u dhigo Iran sidii uu qorshihiisu ahaa!

Waa maxay sababta?

Qof walba oo si dhow ula socday xaaladda ay maalmihii u dambeeyay wajahaysay Israa’iil, wuxuu arkayay inuu Netanyahu lumiyay taageerradii xad-dhaafka ahayd ee Mareykanka iyo xitaa wakiilada ugu dhow ee Congress-ka ee sida weyn u taageeri jiray Israa’iil. Waxa aan sheegay dhowaan, sida ay suragal u tahay doorasho waqtigeeda laga soo hormariyo inay ka dhici karto Israa’iil , taa oo haddii la qaban lahaa qofka u horreeya ee laga saari lahaa xafiiska uu noqon lahaa Netanyahu .

Mareykanka illaa siyaasiyiinta mucaaradka Israa’iil ayaa doonayay inay ku ciqaabaan Netanyahu fashilka uu dhexda uga jiray;
•Dagaalkii 7 Oktoobar
• Inuu istaagay dagaalkii Qasa oo lagu guul-darraystay 6 bilood dagaalka socda in lagu soo furto hal maxbuus ama xataa la gaaro heshiis cusub.

Dhammaantood waxay doonayeen in Netanyahu kaligii loo ciqaabo khaladaadka dagaalka iyo kaligii inuu qaato cawaaqibka ka dhalan kara haddii uu dagaal ku qaado Rafah.

Laakiin maxaa dhacay weerarka Iran ay xalay qaaday kaddib?

Xildhibaannada ku dhaleeceeyay Netanyahu Congress-ka Mareykanka toddobaadyadii la soo dhaafay, hadda mowqifkooda ayaa la beddelay , farriimo taageero ah ayaa ka yimid dhammaan siyaasiyiinta Mareykanka ee diiddanaa Netanyahu.

Macluusha iyo dhimashada ka taagan Qasa waa la ilaaway, gaar ahaan xasuuqii bishan dhacay ee lagu dilay hal qof oo Maraykan ah iyo saddex British ah oo samafalayaal kale.
Codkii diidmada ee weerar lagu qaado Rafah , hadda waa la aamusiyay. Netanyahu wuxuu ku guuleystay inuu dib u soo celiyo taageerrada Washington.

Maalmo ka hor ,hoggaamiyaha aqlabiyadda Senate-ka Charles Ellis Schumer, wuxuu ku celceliyay inuu Netanyahu is casilo, isagoo ku sheegaya qof fashilmay, laakin weerarkii xalay kaddib, wuxuu u soo baxay isagoo leh, “Iyadoo Iran ay weerar ku tahay Israa’iil, waxaan garab taagannahay Israa’iil iyo dadkeeda… Maraykanku wuxuu sameyn doonaa wax walba oo uu ku taageerayo difaaca Israa’iil.”
Dhanka kale, Wasiirka Hidaha Israa’iil, wuxuu u soo baxay isagoo wax u muuqday inuu ammaanayo weerarkan, isagoo leh;”Maanta Iran waxay noo soo celisay sharciyad caalami ah… Caawa, Israa’iil waxay heshay sharci caalami ah oo ballaaran si ay mar kale u weerarto Iran.”
Wasiirka difaaca Israa’iil ayaa isagana dhankiisa sheegay in Maraykanku kaliya ka codsaday inay ku wargaliyaan ka hor inta aan wax jawaab ah laga bixin weerarka Iran haddii ay doonayaan inay ka jawaabaan.

Aragtidayda, Netanyahu wuxuu u qaaday weerarkii qunsuliyadda Dimishiq, si uu neef ugu shubo ruux-diisa sii dhimanaysay, waayo wuxuu maanta ku guuleystay inuu xasilliyay halka ku cadaadin lahayd inuu xafiiska ka tago, waana Mareykanka oo uu maanta ka dhigay kuwa kaliya ka hadla difaaca Israa’iil, wuxuuna mideeyay codkii taageerrada, isagoo meesha ka saaray codkii isaga diiddanaa.

Waxaa laga yaabaa in aynaan arkin hal dhaleeceyn oo ku socota Netanyahu muddo dheer, xitaa haddii Rafah uu weerarro.

Marna ma dhayalsado waxa Iran samaysay, faalladana kuma sii deyn dareenkayga, haddii ay kugu soo dhacdo inan hoos u dhigay waxqabadka Iran! Laakin maalmaha soo socda ayaa ku filnaan doona inay muujiyaan in waxa aan sheegay ay run yihiin iyo in kale.

Aragtidayda, run ahaantii waxay ila ahayd inaysan Iran bixin wax jawaab ah xilligan, taa ayaana rajeynayay , gaar ahaan wakhtigan. Fikir ahaanteyda, waqtigu aad ayuu u xun yahay…Iran waxay ahayd inay dib u dhigto weerarka, waxay awooday inay la sugto haddii ciidanka Israa’iil ay billaaban hawlgalka Rafah, waayo hadda Iran waxay adeegsatay weerarkii xalay inay u qaaday is difaac, isla tan ayay dhihi karta, iyadoo ku daraysa waqti kaddib in weerarka uu sidoo kale jawaab u yahay howlgalka Rafah. Waxa xataa badbaada leh waa inay waqtigaa cadaadis ku saari karto Israa’iil inay joojiso duulaanka Rafah.

Tan iyo xalay inta aan tabinayay wararka la xiriira weerarka, waxaan arkayay falcelinta laga bixiyay weerarka ay qaaday Iran , waxaan arkay in loo badna labo aragti ; Midda koowaad waxa dhacay inay yihiin wax lagu heshiiyay! Qaybta labaad ayaa muujinaysay inay aaminsanyihiin Iran inay iska horkeenayso Israa’iil oo si xooggan uga soo horjeedo!
Laakin marka laga eego aragtidayda shakhsi waa wax ka duwan labada aragti. Aan aragno yoolalka laga gaaray weerarka Iran;

Israa’iil waxay bartilmaansatay oo dishay taliyayaal sare oo ka tirsan Ilaalada Kacaanka…Weerarka Iran miyuu bartilmaameedsaday taliyayaasheeda ciidanka Israa’iil tusaale ahaan?

Miyaa laga hortagay weerarkan..?

Israa’iil waxay ku guulaysatay in ay si xariifnimo leh uga xanaajiso Iran iyada oo bartilmaameedsatay dhismaheedii diblomaasiyada. Waqtigan ma jirin wax kale oo aan ahayn in Israa’iil ay raalli-gelin ka bixiso weerarka.

Taa haddii aysan dhicin kaliya labo waddo ayaa furan; Magdhawga waa la bixiyaa, oo sida uu qabo shuruucda caalamiga ah, markii la diiddo xataa Iran waxay ku dhawaaqi kartay dagaal ka dhan ah Israa’iil ama waxay kaga jawaabi kartay duqaynta dhismayaasha diblomaasiyadeed ee Israa’iil.

Laakin, waxa aan aragnay ; Jawaabta Iran waxay ahayd nooc ka mid ah soo celinta sharaftii Iran, wax kale lagama fakarin, wax walbana xalay ayay dhammaadeen, arrintuna ma noqon karto dagaal u dhexeeya labada dal, sababto ah daruufaha labada dhinac:
•Marka hore Iran waxay ku jirtaa marxalad ay ku dhisanayso awoodeeda ciidan, dookha ugu dambeeya ee ay adeegsan kartana waa ku dhawaaqista dagaal.

•Midda labaad, Mareykanka laftiisa ma doonayo in dagaal cusub uu ka qarxo gobolka, sidaan sheegnayna, wuxuu rabaa inuu naftiisa u huro ka hortagga Shiinaha iyo Ruushka.
•Marka saddexaad, xitaa Israa’iil lafteedu ma rabto inay dagaal la gasho Iran.

Tani waa sababta Israa’iil ay u cagajugleysay Iran … Iran ayaa ka jawaabtay waxa laga doonayay!

Netanyahu ayaa aad ugu farxay weerarkan, waxaana uu sida ugu wanaagsan uga faa’ideysan doonaa in dawladiisa ay u suuq geyso Washinton, isla markaana uu dulmiga Israa’iil markale u suuqa galiyo ra’yul caamka reer galbeedka. Waxa hubaal ah ayaa ah in Netanyahu uu ku guulaystay in uu aamusiyo codadka siyaasiyiintii isaga ka soo horjeeday ee Washington weerarka kaddib!

Laakiin xukuumadda Netanyahu ma ka faa’iidaysan doontaa weerarkan si ay u maydho sumcadda Israa’iil ee ra’yiga dadweynaha reer galbeedka?

Waxaa Qoray

Iman Jama

Iran oo War Cusub ka so saartay weerarro duqaymo ah oo ay u geystay Israaiil.

0

Axad 14 April , 2024 {HMC}  Dowladda Iran ayaa hadashay gantaalo aargoosi ah iyo duqeymo diyaaradeed oo ka dhan ah Israa’iil, si ay uga jawaabaan weerarkii Israel ee kowdii Abriil ee ka dhanka ahaa xarumaha diblomaasiyadeed ee Iran ay ku lahayd caasimadda Dimishiq ee Suuriya.

Kacaanka Islaamiga ah ee Iran ayaa ayaa bayaan ay soo saareen habeenimadii sabtida ee xalay ku dhawaaqay in ay bilaabeen duqeymo, iyaga oo howlgalkan ugu magac daray “Balanqaad dhab ah”.

“Iyadoo laga jawaabayo dambiyada tirada badan ee taliska Sahyuuniyadda, oo ay ku jiraan weerarkii lagu qaaday qaybta qunsuliyadda ee safaaradda Iran ee Dimishiq iyo tiro ka mid ah taliyayaasha dalkeena iyo la taliyayaasha militariga ee Suuriya, Qeybta Hawada ee Kacaanka Iiraan waxay soo saartay tobanaan gantaal iyo diyaaradaha aan duuliyaha lahayn, kuwaaas oo lagu bartilmaameedsaday gudaha dhulka la haysto,” ayaa lagu yiri bayaanka.

Wasiirka Difaaca Iran Brigadier General Mohammad Reza Ashtiani, ayaa dhanka kale uga digay dal kasta oo ciidiisa ama hawadiisa u furi kara Israel, si ay u weerarto Iran, isagoo sheegay inay heli doonaan jawaabtooda.

Maxaa laga fili karaa Maraykanka ka dib weerarkii xalay ay Iiraan ku waaday Israa’iil?

Axad 14 April , 2024 {HMC} Iiraan ayaa xalay tobnaan diyaaradood oo aan duuliye lahayn iyo gantaallo ku garaacday Israa’iil, taasoo muujinaysa weerar aargoosi ah oo si weyn loo sugayo.

Ilaalada Kacaanka Islaamiga ah ee Iran (IRGC) ayaa sheegtay in weerarka uu ahaa mid lala beegsaday “bartilmaameedyo gaar ah”.

Milateriga Israa’iil ayaa sheegay in Israa’iil iyo dalal kale ay qabteen tobannaan gantaal oo ah nooca loo yaqaan cruise-ka iyo diyaaradaha aan duuliyaha lahayn, kuwaas oo lagu qabtay inta badan meel ka baxsan hawada Israa’iil.

Ra’iisul wasaaraha Israa’iil ayaa ku baaqay shir ay isugu yimaadeen golaha wasiirrada dagaalka kadib markii uu billowday weerarka Iiraan.

Waxay ka dhigan tahay markii ugu horeysay ee colaada u dhaxaysa labada dal ee cadaw ee soo jireenka ah, kuwaas oo sanado badan dhex maray dagaal goodi gaarsiisaa inuu dagaal ka dhex qarxo.

Iiraan ayaa wacad ku martay in ay ka aargudan doonto weerar lagu qaaday qunsuliyadda ay ku leedahay Suuriya 1-dii Abriil kaas oo lagu dilay toddobo sarkaal oo ka tirsan IRGC, oo uu ku jiro taliye sare. Waxay ku eedaysay Israa’iil inay fulisay weerarkaas, laakiin Israa’iil ma aysan xaqiijin mana beenin.

“Weerarkii ballaadhnaa ee ay Iiraan caawa qaadday waa mid sii kordhaysa,” ayuu yiri afhayeenka ciidammada difaaca Israa’iil (IDF) Rear Admiral Daniel Hagari.

“Annaga oo kaashanayna xulafadayada iyo asxaabtayada, waxaan si buuxda ugu hawlgalaynaa si aan u difaacno Dawladda Israa’iil iyo dadka Israa’iil.”

Wuxuu sheegay in Iiraan ay ku gantay “raxan aad u badan oo ka badan 200 oo ah diyaaradaha aan duuliyaha lahayn, gantaalada cruise-ka iyo gantaalaha ballistic”, isaga oo intaa ku daray in Israa’iil iyo “la-hawlgalayaasheeda gobolka oo dhan” ay qabteen inta badan.

Waxa uu sheegay in qaar ka mid ah gantaalada ay ku dhaceen gudaha Israa’iil, kuwaas oo khasaare kooban u geystay saldhig ciidan, balse aanay wax khasaare ahi ka dhalan.

Adeegga ambalaasta ee Israa’iil ayaa sheegay in gabar 10 jir ah oo reer Baadiyaha ah ay ku dhaawacantay firir ka soo dhacay burburka ku soo dhacay koonfurta gobolka Arad.

Labo sarkaal oo Mareykan ah ayaa u sheegay CBS Mareykanka, in ciidamada Mareykanka ay soo rideen dhowr diyaaradood oo aan duuliyaha lahayn, balse ma aysan sheegin halka iyo sida lagu qabtay.

Seeriga digniinta ayaa laga maqlay guud ahaan Israa’iil, waxaana laga maqlayay magaalada Quddus qaraxyo waaweyn, iyadoo nidaamyada difaaca cirka ay soo rideen walxaha magaalada.

Israa’iil, Lubnaan iyo Ciraaq ayaa xiray hawadooda, Suuriya iyo Urdun ayaa heegan galiyay difaacyadooda cirka.

Ciidanka IRGC-da Iiran oo ah laanta ugu awoodda badan ciidamadeeda qalabka sida ayaa sheegay in ay weerarka u qaadeen “si ay uga aargoosato dembiyada soo noqnoqda ee taliska Sahyuuniyadda [Israa’iil], oo uu ku jiro weerarkii lagu qaaday qunsuliyadda safaaradda Iran ee Dimishiq”.

Wax yar ka hor warka ku saabsan duullaanka Iran, Ra’iisul wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu wuxuu sheegay in “nidaamyada difaaca” dalkiisa la heegan galiyey.

“Waxaan diyaar u nahay xaalad kasta, difaac iyo weerar ahaanba, dawladda Israa’iil waa xoog badan tahay, IDF waa xoog badan yahay, shacabku waa xoog badan yahay.

“Waxaan u mahadcelineynaa Mareykanka oo garab taagan Israa’iil, iyo sidoo kale taageerada Britain, France iyo dalal kale oo badan.”ayuu yiri Netanyahu

Madaxweynaha Mareykanka Joe Biden ayaa soo gaabiyay safar uu ku tagi lahaa Delaware si uu ugu laabto Aqalka Cad, iyadoo xiisada ay sii kordheyso Sabtidii.

“Balanqaadkayaga ku aaddan ilaalinta Israa’iil ee ka dhanka ah hanjabaadaha Iran iyo kuwa raacsan waa mid bir ah,” ayuu yiri, ka dib markii uu la kulmay madaxda amniga qaranka intii uu bilowday weerarka Iran.

Ra’iisul wasaaraha UK Rishi Sunak, ayaa dhaleeceeyay weerarka “ka taxadar la’aanta” ee Iran, isagoo wacad ku maray in UK “ay sii wadi doonto inay u istaagto amniga Israa’iil iyo kan dhammaan saaxiibadayada gobolka”.

Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay António Guterres ayaa bayaan uu soo saaray ku sheegay in uu “si adag u cambaareeyey weerarka ballaaran ee ay Iiraan ku qaadday Israa’iil.

Wuxuu sheegay inuu ku baaqayo “in si degdeg ah loo joojiyo colaadahaas” iyo in dhammaan dhinacyada ay is xakameeyaan.

“Gobolka iyo adduunku midna ma awoodo dagaal kale,” ayuu yiri Guterres.

Milateriga Israa’iil ayaa BBC-da u sheegay “in la qaaday xayiraadaha qaarkood” dhaqdhaqaaqa gudaha Israa’iil balse ma aysan bixin faahfaahin dheeraad ah.

Horraantii todobaadkan, wasiirka difaaca iyo arrimaha dibadda ee Israa’iil ayaa ka digay in haddii Iran ay weerarto Israa’iil ay Israa’iil weerar ku soo qaadi doonto gudaha Iiraan.

Maxaa laga fili karaa Maraykanka ka dib weerarka Iiraan ee Israa’iil?

Tani waa weerar toos ah oo aan horay loo arag oo Iran ay ku qaaday dhulka Israa’iil, oo ah xulafada muhiimka ah ee Maraykanka.

Sida Mareykanku uga jawaabo waxay ku xirnaan doontaa baaxadda weerarada Iran, noocyada hubka ee loo adeegsaday iyo inta uu la egyahay khasaaraha.

Madaxweyne Joe Biden iyo Raiisel wasaaraha Israel Benjamin Netanyahu waxay u badan tahay inay ka wadahadleen jawaab celin suurtagal ah markii ay taleefan wada hadleen daqiiqado ka hor.

Maraykanku waxa uu doonayaa in uu xaaladdan u dejiyo intii suurtogal ah, waxaana laga yaabaa in lagu qasbo in uu xukumo Israa’iiliyiinta marka uu saxayo jawaabtooda.

Ameerika iyo Israa’iil waxaa lagu boorrin doonaa inay si taxaddar leh u socdaan oo ay ka dhigaan aargoosi kasta oo mid saami ah.

Maraykanka iyo xulufadiisa, waxaa loo filayaa inaysan ka dhigin xaaladda mid falcelin ku jawaabid ah taas oo sababi karta iskahorimaad dagaal balaaan oo gobolka oo dhan ah.

Somali pirates who ransomed the ship MV Abdullah

0

Sunday 14 April , 2024 {HMC} After weeks of tense negotiations, Somali pirates have released the Bangladeshi cargo ship MV Abdullah along with its crew members. The vessel, which was hijacked in the volatile waters off the coast of Somalia last month, was freed after the payment of an undisclosed ransom.

The MV Abdullah, carrying a valuable cargo of [specify if known], was seized by armed pirates on [insert date]. The pirates, known for their sophisticated tactics and ability to evade maritime patrols, demanded a substantial ransom for the safe release of the ship and its crew.

Negotiations between the ship’s owners, Bangladeshi authorities, and the pirate group lasted [insert duration]. The final ransom amount, although undisclosed, is believed to be in the [insert range if known] range.

The negotiations were facilitated by [mention any intermediaries or organizations involved], who worked tirelessly to secure the safe release of the crew and cargo.

The crew members, who endured [describe any hardships they faced during captivity], were reported to be in good health upon their release. The successful resolution of this hijacking highlights the ongoing threat of piracy in the region and the challenges faced by maritime vessels navigating these dangerous waters.

Authorities have urged shipowners and operators to remain vigilant and adhere to recommended security protocols to minimize the risk of pirate attacks in the future.

Imisa lacag ah ayeey madax furasho uga qaateen Burcad badeedda Soomaalida markabka MV Abdullah ?

0

Axad 14 April , 2024 {HMC} Markabka MV Abdullah ee laga leeyahay dalka Bangaladesh oo ay la socdeen 23 badmaaxiin ah ayaa laga sii daayay kooxda burcad badeedda Soomaalida ee haystay.

Badmaaxiinta iyo markabka ayaa la sii daayay ka dib markii lacag madax furasho ah looga soo tuuray diyaarad helikobter ah, sida ay sheegeen ilo wareedyo ku suganaa Halka uu ku aftuubnaa Markka.

Si kastaba ha ahaatee, waxaan markiiba la ogaan karin inta ay la egtahay lacagta madax-furashada ah. Hase ahaatee warar ayaa sheegaya in milyan ah oo madax furasho ah ay burcad badeeddu qaateen.

Qaar ka mid ah burcad badeeda ayaa u cararay dhanka xeebaha, iyadoo ciidamada maamulka Puntland ay wadaan dhaq dhaqaaqyo ay kusoo qabanayaan burcadda.

Waa markabkii ugu horreeyay oo ay burcad badeeddu ka qaataan lacago madax furasho ah saddeex bilood kadib markii ay xeebaha ka bilowdeen falalka burcad badeedda.

Markabka lasii daayay ayaa dhuxul u siday Imaaraadka, waxaana la afduubtay 23-kii bishii March.

Waxaa soo baxaya walaaca laga qabo in dhacdadan ay sii hurin karto falalka burcad badeednimada ah ee ka soo cusboonaaday xeebaha Soomaaliya.

Farriin sir ah oo laga helay sida ay Iiraan dhaqaale ugu wareejisay Xamaas

Axad 14 April , 2024 {HMC} Sida uu daabacay wargeyska The Times ee ka soo baxa dalka Ingiriiska, waxaa la helay waraqo qoran oo loo diray nin lagu magaaco Abu Ibrahim, oo dunida inteeda kale u taqaan Yahya Sinwar oo ah hoggaamiyaha Xamaas ee Qasa, taas oo muujinaysa in waraaqahani ay faahfaahinayaan “jadwalka lacag bixinta” ee Iran ee Xamaas intii u dhaxaysay sanadihii 2014 iyo 2020.

Wargeysku wuxuu sheegay in arrintan la ogaaday intii lagu jiray dagaalka Qasa, ayna ku andacoodeen ciidanka Israa’iil inuu yahay “caddayn dhammaystiran oo taxane ah oo lacag-bixinno ah oo muujinaya heerka ay le’eg tahay maalgelinta joogtada ah ee Tehran ay siiso kooxda ka daga dagaalka Falastiin.”

Warqadaha oo ka koobnaa labo ayaa wargeysku sheegay in mid ka mid ah ay ahayd mid gacanta lagu qoray, taas oo uu qoray madaxa shaqaalaha ee garabka militariga ee Xamaas Marwaan Ciise, uuna ku saxiixnaa “Abuu Al-Baraa”.

Waxay u muuqdeen inay ku jireen faahfaahinta ugu yaraan 222 milyan oo doollar oo ay Iiraan ku taageertay Xamas, sida lagu sheegay nugul gaar ah oo uu helay Time

Waxaa la rumeysan yahay in Marwaan Ciss alagu dilay bishii hore weerar ay Israa’iil ku qaadday gurigiisa oo ku yaalla Nuseirat ee bartamaha marinka Qasa.

Wargeysku wuxuu intaa ku daray in Sinwar, Cissa, iyo taliyaha guud ee militariga Xamaas, Muhammad Deif, ay qorsheeyeen weerarkii lama filaanka ahaa ee lagu qaaday Israa’iil lix bilood ka hor.

Wargeysku waxa uu sheegay in fariinta ugu horeysa ay ku beegan tahay sanadka 2020,waxana ay muujinaysaa lacagaha ay Iran bixisay bishii July 2014,halka Xamaas ay dagaal hore kula jirtay Israa’iil.

Wadarta guud ee lacagaha Xamaas ka heshay Iran mudo lix sana ah ayaa lagu sheegay inay dhan tahay 154 milyan sida uu wargeyska The Times wariyey.

Wargeysku wuxuu intaas ku daray in warqadda labaad, ee ku taariikhaysan Noofambar 2021, ay ku bilaabmayso: “Bismilaahi raxmaani raxiim. Walaalkayga qaaliga ah ee Abuu Ibraahim, Ilaahay ha xifdiyo, ka dibna waxa uu u soo bandhigayaa tafaasiil ku saabsan lacagihii ay Iran ka bixisay dagaalkii ay ku qaaday sannadkaas, kaas oo ay Xamaas ugu magac-dartay Hawlgalka. Seeftii Yeruusaalem,” sida warqadda lagu sheegay.

Dagaalka ka dib wargeysku wuxuu sheegay in Iran ay Xamaas ku wareejisay lacagtii ugu badnayd oo ahayd 58 milyan oo dollar.

Warqada ayaa sharaxaysa sida inta badan lacagta loogu qoondeeyey Ururka gaar ahaan garabka militariga ee Xamaas halka qadar yar oo lacagta ka mid loo qoondeeyey garabka siyaasadda balse waxaa xusid muddan in lacag gaaraysa 2 milyan si toosa loogu hagaajiyey Yaxya Sinwar.

Waxaa loo malaynayaa in lacagtaasi ay magaalada Bayruut ku soo gaartay si kaas ah iyadoo ka timi Iran, halkaas oo saraakiil ka tirsan Ilaalada Jamhuuriga Iran ay ku wareejiyeen xidhiidhka ay la leeyihiin Xamaas, kaas oo wargeysku sheegay in uu yahay Siciid Izadi oo farriimahaas lagu sheegay inuu yahay Xaj. Ramadaan.

Wargeysku waxa uu sheegay in Iran aanay wali ka jawaabin daahfurka fariimahaasi oo ay saraakiisha Israa’iil si qarsoodi ah u sheegeen in looga golleeyahay in lagu caddeeyo Tehran in aanay hadda ka dib ku dhuuman karin wakiiladeeda gobolka.

Badbaadi la haystayaasha, badbaadi Israa’iil

Wargeysku wuxuu sheegay in dilka qaar ka mida wiilasha uu dhalay Ismaaciil Haniyeh, oo ah madaxa xafiiska siyaasadda Xamaas, ay cakiri karto wada xaajoodyada lagu sii dayn karo la haystayaasha taas oo ay ka dhalan karto sida wergaysku sheegay “xukun dil ah oo lagu xukumo la haystayaasha,” fashilin lahaayeen.

Dagaalka u dhaxeeya Israa’iil iyo Xamaas ayaa socda wax ka badan lix bilood kaas oo ay ka dhalatay xaalad bini’addanimo tii ugu darnayd sida ay sheegeen haya’addaha Qaramada Midoobay.

{DHAGEYSO} Warka Subaxnimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn 14-04-2024

Axad 14 April , 2024 {HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Warka Subaxnimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn

Warka waxaa soo jeedinayo: Mustaf Ali Addow

farsamadii; Mohamed Baryare Haamud

HOOS KA DHAGEYSO WARKA SUBAXNIMO