Home Blog Page 2575

{DAAWO MUUQAALKA} Sidee u dhacay weerarkii Xalay Iiraan ay ku qaaday Israa’iil.

0

Axad 14 April , 2024 {HMC} Sidee u dhacay weerarkii Xalay Iiraan ay ku qaaday Israa’iil.

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

{DAAWO MUUQAALKA} Maxey tahay Sababata ay Xayiraada uga saareen Turkiga Fiisaha Transit-ka 10 dal iyo Soomaaliya,

0

Axad 14 April , 2024 {HMC} Maxey tahay Sababata ay Xayiraada uga saareen Turkiga Fiisaha Transit-ka 10 dal iyo Soomaaliya,

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

{DAAWO MUUQAALKA} Shir dardargalinta sugida Amniga Caasimadda iyo xoojinta isku xirka wada shaqeynta Laamaha Amniga

0

Axad 14 April , 2024 {HMC} Shir dardargalinta sugida Amniga Caasimadda iyo xoojinta isku xirka wada shaqeynta Laamaha Amniga

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

Booliska Soomaaliya oo markale digniin adag u diray qoysas diiday inay baneeyaan dhulka dowladda

Axad 14 April , 2024 {HMC} Taliska ciidanka booliska Soomaaliyeed ayaa mar kale dalbaday in laga guuro dhulka Dabdamiska ee ku yaalla xaafadda Seybiyaano, gaar ahaan dhanka xigta degmada Wadajir, halkaas qoysaska degan ay si cad u diideen inay ka guuraan.

Waa markii 3-aad oo booliska Soomaaliya uu dirayo digniin noocaan ah, si looga guuro dhulkii u ahaan jiray xerada gaadiidka Dabdamiska, halkaas oo in ka badan 30 sano deegaan u aheyd dad shacab ah.

“Taliska ciidanka booliska Soomaaliyeed, wuxuu mar saddexaad ku wargelinayaa dadka degan xerada dabdamiska booliska, inuu dhamaaday waqtigii loo qabtay, waa inay ka guuraan,” ayaa lagu yiri qoraal ka soo baxay Taliska ciidanka booliska Soomaaliyeed.

Sida ku cad qoraalkaan booliska Soomaaliya ayaa waqti kale u qabtay qoysaska degan xerada Dabdemiska Booliska, waxaana ugu dambeyn laga doonayaa inay ka guuraan 20-ka bishaan.

Waa toddobaad kale, waxaana qoraalkaan lagu cadeeyey in halkaas laga dhisi doono xero buuxisa baahida loo qabo dabdemiska oo baahi weyn ay u qabaan dadka reer Muqdisho.

“Qof kasta oo degan xeradaas waxaan ku wargelineynaa inay muqadas tahay baneynta xerada dabdemiska ciidanka booliska Soomaaliyeed, ugu dambeyn 20-ka Abriil, si loo dhiso xarunta dabdemiska booliska oo bulshadu baahi weyn u qabto,” ayaa lagu yiri qoraalkaan.

Qoraalka booliska Soomaaliya ka soo baxay waa kii 3-aad, waxayna reeraha degan xeradaas si cad u diideen inay ka guuraan dhulkaas ay ku noolaayeen in ka badan 30 sano oo dowladnimada Soomaaliya ay burbursaneed.

Qoysaska degan xeradii hore ee dabdemiska booliska Soomaaliya ee ka biyo diiday inay ka guuraan ayaa u badan beesha Sacad ee Habargidir, waxayna wacad ku mareen inay dagaalami doonaan hadii dowladdu isku daydo inay xoog ku barakiciso qoysaska degan Ex ‘Xero Dabdemis.’

Bilo ka hor booliska gaarka ah ee Haramcad ayaa loo diray halkaas si ay u barakiciyaan reeraha degan, balse qorshahaasi wuxuu fashilmay markii ciidankii la diray ay dileen askari boolis ah oo ka dhashay Beesha Sacad, kaas oo waardiye ka ahaa Ceelbiyood xaafadaas laga cabo.

Guud ahaan siyaasiyiinta beesha Habargidir ayaa dilkaas kadib goobta tegay, waxaa Seybiyaano ilaa Banaadir is qabsaday banaanbax wayn oo dadka halkaas degan ay dhigeen, waxaana dowladda lagu eedeeyey inay ku soo duushay qabiil gaar ah.

Hoos ka eeg warqadda booliska

In Pictures: Iranians rally after missile, drone attacks on Israel

0

Sunday 14 April , 2024 {HMC}  In Pictures: Iranians rally after missile, drone attacks on Israel

Iranian demonstrators gathered outside the UK Embassy in Tehran early on Sunday morning to celebrate as Iran launched attacks on Israel [Majid Asgaripour/West Asia News Agency/ Reuters]

Demonstrators also gathered at Palestine Square in Tehran with a large Palestinian flag [Atta Kenare/AFP]

A man waves a Palestinian flag on the back of a motorbike near Palestine Square in Tehran early on Sunday morning [Vahid Salemi/AP]

An Iranian demonstrator holds a model of a bullet during a protest at the Felestin (Palestine) Square in Tehran, Iran [Vahid Salemi/AP]

Dagaalka Israa’iil iyo Iran oo saamayn ku yeeshay duulimaadyadii diyaaradaha

Axad 14 April , 2024 {HMC} Dalal badan oo ku yaalla bariga dhexe ayaa si ku meel gaadh ah u xidhay hawadooda, ka dib weerarkii ay Iran ku qaaday Israa’iil, waxaana la hakiyey duulimaadyo badan, halka kuwii hawada kusoo jirayna loo leexiyey meelo kale.

Israa’iil ayaa xilli dambe oo Sabtida ah sheegtay inay xidhay hawadeeda, iyada oo la hakiyey duulimaadyadii iman jiray garoonka diyaaradaha ee Tel Aviv. Jordan iyo Ciraaq ayaa iyaguna xidhay hawadooda, sida ay sheegtay warbaahinta dalkaasi.

Diyaaradda United Airlines ee laga leeyahay Maraykanka ayaa hakisay duulimaadkii ay ku tegi jirtay Tel Aviv Sabtidii, ka dib markii ay Israa’iil xidhatay hawadeeda. Sidoo kale diyaaraddan ayaa hakisay duulimaad kale oo ay ku tegi jirtay caasimadda dalka Urdun ee Cammaan.

Diyaaradda laga leeyahay dalka Israa’iil ee El Al ayaa hakisay in ka badan 20 duulimaad oo bixi jiray Axadda, waxayna u sheegtay rakaabkii diyaaraddaasi, inaanay imanin garoonka diyaaradaha maadaama aanu duulimaad jirinin, illaa amar dambe.

Diyaaradda laga leeyahay dalka Imaaraadka Carabta ee Emirates ayaa iyaduna hakisay duulimaad ay ku tegi jirtay caasimadda dalka Urdun ee Cammaan. Sidoo kale diyaaradaha Air France, British Airways iyo Luftansa ayaa iyana ka mida diyaaradaha gobolka u safri jiray ee hakiyey duulimaadyadooda.

Wararkii ugu dambeeyey ee weerarka ay Iran ku qaadday Israa’iil

Axad 14 April , 2024 {HMC} Iran ayaa xilli dambe oo Sabtidii ah, waxay weerar aargudasho ah ku qaaday gudaha Israa’iil, hase ahaatee ciidamada milateriga ee Israa’iil ayaa sheegay inay soo rideen qaybo badan oo ka mida gantaallada iyo diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee ay Iran u adeegsatay weerarkan, ka hor intii aanay soo gaadhin hawada Israa’iil, sida ay baahisay wakaaladda wararka ee AP.

Milateriga Israa’iil ayaa sheegay in Iran ay ku soo weerartay in ka badan 100 diyaaradood oo ah nooca aan duuliyaha lahayn oo xambaarsanaa bambooyin kala duwan. Saacado ka dib, haddana waxaa Iran ay markale ku dhawaaqday inay dhinaca Israa’iil ku ridday gantaallo waaweyn oo khasaare badan geysan kara.

Qaar ka mida gantaallada Iran ayaa ku dhacay gudaha Israa’iil, illaa haddana xog badan lagama hayo khasaaraha uu geystay weerarkani.

Iran ayaa hore u sheegtay inay qaadi doonto weerar aargudasho ah, ka dib weerarkii bishan April 1-deedii lagu qaaday qunsuliyadda ay ku leedahay Dimishiq, halkaas oo lagu dilay 12 qof oo ay ku jiraan laba sarkaal oo sarsare oo ka tirsan ciidamada Iran.

Hawlgalka diblomaasiyadeed ee Iran u fadhiya Qaramada Midoobay ayaa bartooda X ku sheegay, iyaga oo adeegsanaya qodobka 51aad ee axdiga Qaramada Midoobay, inay Iran qaadday tallaabo jawaab u ah, falkii gardarrada ahaa ee ay Israa’iil ka geysatay dhismahooda diblomaasiyadeed ee ku yaalla Dimishiq.

Iran ayaa intaas ku dartay “Israa’iil ma ka baaqsan doontaa inay khalad kale samayso, jawaabta Iraan waxay noqon doontaa mid aad uga daran tan iminka. Haatan waxaa xiisaddu u dhexeysa Iran iyo maamulka Israa’iil, oo ay tahay in Maraykanku uu ka fogaado.”

Madaxweynaha Maraykanka Joe Biden ayaa soo gaabiyey fasax uu ku joogay gobolka uu ka soo jeedo ee Delaware, isaga oo dib ugu soo laabtay Aqalka Cad, lana kulmay saraakiisha amniga u qaabilsan.

Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay Antonio Guterres ayaa ku baaqay in la xakameeyo colaadda ka taagan bariga dhexe. Wuxuu cambaareeyey xaaladda ka sii daraysa ee bariga dhexe gaar ahaan weerarka ugu dambeeyey.

Hezbollah claims rocket attack against Israeli positions in Golan Heights

0

Sunday 14 April , 2024 {HMC} The Lebanese group has said it fired dozens of katyusha rockets against two Israeli military bases in the occupied Golan Heights.

Hezbollah said in a statement that the attack was in support of Palestinians in Gaza and in response to Israel’s bombing of Lebanese villages. It did not mention the tensions between Israel and Iran.

 

Iran’s attacks could ‘backfire’ on effort to restrain Israel in Gaza Analyst

0

Sunday 14 April , 2024 {HMC} David Des Roches, an Associate Professor at the National Defense University in Washington DC, told Al Jazeera that he was surprised that Iran used a direct attack on Israeli territory.

“It seems that Iranian leaders are determined to take action, but also seen to take action. What that indicates to me is that there are considerations of pride and prestige that are divorced from strategy and tactical utility that may indicate a more dangerous era than we thought,” said Des Roches who is also a former US army officer and official.

He added that Iran may not have “really counted” the possibility its attack on Israel could “take the focus” off Gaza, saying that “the pressure that had been building on Israel to restrain from further actions in Gaza, that may have been lifted as a result of this attack”.

Israel could potentially gain leverage with the US by offering to avoid “an expanded regional conflict” in return for achieving its “strategic goals in Gaza”.

 

Israel’s UN envoy requests emergency Security Council meeting

0

Sunday 14 April , 2024 {HMC} Israel’s UN Ambassador Gilad Erdan has written to the president of the Security Council formally requesting an emergency meeting on Iran’s drone strikes against Israel.