Home Blog Page 2588

Race for AUC chairperson job tightens as Djibouti fronts third candidate

0

Friday  12,April 2024 {HMC} The race to have the Eastern Africa region produce the next chairperson of the African Union Commission (AUC) continues to stiffen as a third candidate has thrown his hat in the ring.

On Tuesday, Djibouti fronted their Minister of Foreign Affairs Mahmoud Youssouf as their candidate, expressing confidence that he is best qualified to occupy the seat.

“With over two decades of experience as Minister of Foreign Affairs of his country, a haven of peace distinguished by its constant pursuit of conflict resolution through dialogue and negotiation, Mr.
Mahmoud Ali Youssouf has all the qualities to meet the expectations and interests of the continent. He is fluent in French, English, and Arabic,” read a statement from the state.

Youssouf’s entry into the race threatens Kenya’s Raila Odinga’s stab at the position as he will now need a magical shot in the arm from other African leaders.

Also in the race is Somalia’s former deputy prime minister and current member of the Federal Parliament Fawzia Yusuf.

Last month, the AU Executive Council ratified a decision to have Eastern Africa produce the next chairperson while the Deputy Chairperson to be elected from Northern Africa.

The elections to find the next occupant at the AU top job will take place in 2025 as Chad’s Moussa Faki, the current chairperson, will exit after his two-term tenure.

So far Odinga has secured endorsements from 8 heads of state among them Kenya’s William Ruto, Paul Kagame (Rwanda) and Yoweri Museveni (Uganda).

Other leaders, according to Odinga as he said during a past address include “Mama Suluhu has said she will support me, Salva Kiir has accepted. The other day I was with Ramaphosa, he said yes, Tshisekedi has said yes.”

Ghanaian President Nana Addo Dankwa Akufo-Addo has also endorsed the Kenyan firebrand.

SOURCE 


By Moses Kinyanjui

Sadax nin oo si layaab isku so bad baaday.

0

Khamiis-11-April-2024 {HMC}  Waxaa la soo badbaadiyay Saddex nin oo ku xayirnaa in ka badan toddobaad Pikelot, oo ah jasiirad aan la degin halkaas oo ay doon uga kharibmatay.

Waxaa soo badbaadiyay Ilaalada Xeebaha Mareykanka ka dib markii ay aarkeen dhulka oo ay ku qorantahay erayga “HELP” ama “icaawi” taas oo indhahooda soo jiidatay.

Saddexda nin ayaa qoray kalmadaan ayaga oo isticmaalay caleemaha geed timirka.

Sawirkan ayay ka qaadeen goobta Ilaalada Xeebaha Maraykanka.

Xildhibaano dawladda waydiistay in xarunta baarlamaanka ay uga furto qol ay isku qurxiyaan

Khamiis-11-April-2024 {HMC} Xildhibaanada haweenka ee baarlamaanka Uganda ayaa waxay codasadeen in loo furo qol ay isku qurxiyaan oo laga sameeyo gudaha xarunta baarlamaanka si ay bilicdoodu u dhisanto in ay ku jiraan golaha.

 

Dhawaan ayaa waxa laga furay xarunta baarlamaanka goob gym ah, balse xildhibaanada haweenka ah ayaa waxay sheegeen in jimicsugu uu timaha isaga daro, sidaa daraadeedna aysan isticmaali karin.

 

Wasiirka Biyaha iyo Deegaanka ayaa waxay sheegtay Khamiistii in hadii meel is qurxib la furo ay xildhibaanada haweenka ah ay ka caawin doonto in ay hagaajiyaan kulamada ka hor.

 

Ms Anywar said: “My hair and nails and whatever are part of the woman”.

 

Anywar ayaa tiri “Timaheyga iyo cidiyahayga waxay qayb ka yihiin haweenka”.

‘Ma jiro hal baabuur oo gargaar’ ah oo kasoo gudbay isgoyska Erez

Khamiis-11-April-2024 {HMC} Ma jiraan wax baabuur ah oo soo galay marinka Gaza ee Erez inkasta oo ay dhawaan Israa’iil ku dhawaaqday in dib loo furayo, sida ay sheegtay hay’ad samafal.

 

“Haddii isgoyska Erez la furo waxay noqon doontaa tallaabo loo qaaday jihada saxda ah, sababtoo ah waxay suurtogal ka dhigi kartaa in gargaarku si toos ah u soo galo waqooyiga Qasa,” ayay tiri Karyn Beattie, hogaamiyaha ururka Save the Children ee Qasa, waxay ku dartay in ilaa hadda aysanjirin“hal baabuur oo gargaar” oo soo maray.

 

Israa’iil waxay sheegtay in marinka, oo xirnaa tan iyo 7-dii Oktoobar, uu dib u furmi doono ka dib dhimashada toddobo shaqaale gargaar ah oo ku dhintay duqeyn cirka ah 1-dii Abriil.

 

Dib u furista isgoysku waxay keenaysaa gargaar badan oo gaara waqooyiga, halkaas oo ay gaajadu aad ugu daran tahay guud ahaan Qasa.

 

Hay’adaha gargaarka iyo dowladahacaalamka ayaa muddo dheer ku boorinayay Israa’iil inay furto meelo badan oo la isaga gudbiyo gargaarka.

Joe Biden oo Iran u gooddiyey

Khamiis, April, 11, 2024 (Hmc) Madaxweynaha Mareykanka Joe Biden ayaa taageero u muujiyey Isra’il, xilli ay wajaheyso cabsi kaga imaaneysa Irsn oo laga yaabo in ay weertar aargudasho ah geysato.

Biden ayaa sheegay in Iran qorshreyneyso weerar ballaaran oo Isra’il ka dhan ah, kaas oo ay uga dabaaqeyso duqeyn 10 casho ka hor loo geystey qunsuliyadda Iran ku leedahay magaalada Dimishiq oo ay kudhinteen saraakiil sar sare oo ka tiran Ilaalada Kacaaanka Iran.

Madaxweyne Biden oo Iran ku dhego-hadlaya ayaa ballanqaaday in Mareykanku uu sameynayo wax kasta oo ku ilaalin karo amniga Isra’il, wuxuuna dhanka kale uga digey Iran tillaabo kasta oo halis gelin karta ammaanka Isra’il.

Hadalka Madxweynaha Mareykanka ayaa u muuqda mid jawaab u ah hanjabaad uu dhaswaan Isra’il u jeediyey Hoggaamiyaha Ruuxiga ah ee Iran, Ayatollah Cali Khamen oo ku gooddiyey in Isra’il ay eedi doonto falka ay ku weerareenm qunsuliyaddooda Suuriya.

Haweeneey musuqmaasuq lagu eedeeyay oo toogasho lagu xukumay

Khamiis, April, 11, 2024 (Hmc)  Haweney beeca dhismooyinka ka shaqeysa dalka Vietnam ayaa lahu xukumay dil toogasho ah iyada oo loo aaneeyay doorkii ay ku lahayd mid ka mid ah kiisaskii musuq maasuq ee ugu xumaa taariikhda.

 

Maxkamadda ku taalla magaalada Ho Chi Minh ayaa waxay sheegtay in Truong My Lan ay ahayd maskaxdii ka dambeysay in afartan bilan oo doolar laga qalin shubateeyo bangiga Saigon muddo toban sano ah.

 

Waxaa lagu eedeeyay in ay ay si dadban ula wareegtay milkiyadda in ka badan sagaashan boqolkiiba saamiyada baniga ka hor inta aysan si sharci darro ah u qaadan cadad badan oo deyn ah. 85 ruux oo kale ayaa waxaa ku dhacay xukuno intaa ka qafiifsan.

Waa Kuma Jilaaga Caanka ah ee geeriyooday?

Khamiis, April, 11, 2024 (Hmc)  WASHINGTON — O.J. Simpson, oo ahaa jilaa caan ah oo Mareykan ah, sidoo kalana ka mid ahaa xiddigihi xariifka ku ahaa ciyaaraha kibbada gacmaha iyo lugaha lagu ciyaaro ee Mareykanka, ayaa maanta lagu dhawaaqay in Arbacadi uu geeriyooday isaga oo ay da’diisu aheyd 76 jir.

 

Simpson, oo ahaa laacib iyo jilaa caan ah, ayaa si aada dunida daafaheeda ugu sii caan baxay kiis warbaahinta Mareykanka iyo tan caalamka qabsaday sannadki 1994-ki, kaddib marki lagu eedeeyay dilka xaaskiisii hore Iyo nin ay waaxibbo ahaayeen gabadha.

 

Nicole Brown Simpson iyo saaxibkeed Ronald Goldman ayaa meydkooda laga helay gurigiisii hore ee magaalada Los Angeles iyaga oo meyd ah isla markaana ay ka muuqdeen dhaawacyo toorreey.

 

Guddi Simpson, oo lagu eedeeyay dilkaasi ayay guddi xeer-beegti ah danbi ku waayeen, bilooyin maxkamadeyn si toos ah shaashadaha caalamka looga daawaday kana dhacday magaalada Los Angeles.

Maxkamadeynyaas ayaa xilligaasi loogu yeeray tii qarniga.

 

Inkasta oo uu xabsi ka fakaday haddana Simpson ayaa sannadki 2008-di lagu xakumay 9 sannadood, kaddib marki maxkamadda Nevada ku heshay 12 dacwadood oo isugu jiray dhac iyo afduub ka dhacay hotel ku yaalla Las Vegas.

 

Simpson ayaa ka mid ahaa laacibiintii ciyaataha kuabbadda Mareykanka ee sannadihii 1960-maadki ilaa 70-aadki. Kadib wuxuu u wareegay qeybta jilliinka isaga oo sameeyay aflaan iyo musalsalaat caan ka noqday Mareykanka.

 

Simpson ayaa lagu xasuusa doonaa mid ka mid ah shakhsiyaadki bulshada madow ee Mareykanka ugu caansanaa ee qarnigi tagay iyo qarnigaan

{DHAGEYSO} Warka Habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn 11-04-2024

Khamiis-11-April-2024 {HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Wark Habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn.

Warka waxaa soo jeedinayo :Abdi Ahmed Hussein

Farsamadii :Abdirahman Muse

HOOS KA DHAGEYSO WARKA HABEENIMO

Hogaamiyaha Kuuriyada Waqooyi: waa inaa u diyaargarowna dagaal

0
Khamiis, April, 11, 2024 (Hmc) Hogaamiyaha Kuuriyada Waqooyi Kim Jong Un ayaa Khamiistii sheegay in xaaladaha siyaasadeed ee aan xasiloonayn ee ku xeeran dalkiisa ay ka dhigan tahay in la joogo waqtigii loo diyaar garoobi lahaa dagaal si ka badan sidii hore.
Kuuriyada Waqooyi ayaa xoojisay horumarinta hubka dhowrkii sano ee la soo dhaafay, waxayna xiriir militari iyomid siyaasadeed la sameysatay Ruushka, iyadoo lagu eedeeyay inay Moscow ka caawisay dagaalka ay kula jirto Ukraine si ay uga caawiso mashaariicda militari ee istiraatiijiga ah.
“Haddii cadowgu uu doorto iska-hor-imaad millatari oo uu la galo Kooriya, waxaa soo gaari doona dharbaaxo halis
ah, waxaana abaabuleynaa dhamaan wixii awodeena ah,” ayuu yiri Kim.
Kuuriyada Waqooyi ayaa ku eedeysay Mareykanka iyo Kuuriyada Koonfureed inay sare u qaadeen xiisadda militari iyagoo sameeyay “Dhoolatus dagaal.”

Booliiska Soomaaliya oo shaaciyay ineysan jirin khatar amni oo ka jirta Muqdisho

0

Khamiis, April, 11, 2024 (Hmc) – Afhayeenka ciidanka Booliiska Soomaaliyeed Cabdifataax Aadan Xasan ayaa sharaxaad dheeraad ah ka bixiyay ciidamo aad u fara badan oo saacadahii ugu dambeeyay si weyn loogu arkaayay inta badan wadooyinka magaalada Muqdisho, kadib digniintii amni ee ee kasoo baxday Safaaradda Mareykanka.

Wuxuu sheegay Afhayeenka in ciidankaasi ay isugu jiraan qeybaha kala duwan ee ciidanka qalabka sida, islamarkaana ay ku howlan yihiin xaqiijinta amniga Caasimadda iyo badqabka dadka Soomaaliyeed oo ku guda jira dabaal daga maalmaha farxada Ciidan Soonfureed.

Afhayeenka Cabdifataax Aadan ayaa sidoo kale sheegay iney jirin wax khatar amni ah oo dhanka dowladda Fedaraalka ay ogtahay oo Muqdisho ka jira, isagoona xusay in amniga Muqdisho uu haatan yahay mid aad u wanaagsan.

“Majirto wax khatar amni ah oo aan hayno ka dowlad ahaan, ciidamada badan ee magaalada lagu daadiyay waa kuwa sugaya amaanka dadka Soomaaliyeed ee u dabaal degaya faraxada Ciidul Fitriga, culeys kale ma jiro, xaq ayayna u leeyihiin dadka Soomaaliyeed maalmaha farxada in la xaqiijiyo iney si farxad leh u damaashadaan” ayuu yiri Afhayeen Cabdifataax Aadan Xasan.

Hadalkaan kasoo yeeray Afhayeenka Booliska Soomaaliya ayaa kusoo beegmaya 48 saac kadib markii Safaaradda Maraykanka ay shaacisay xog ku saabsan halis amni oo ku aaddan in weeraro ka dhici karaan dhowr goobood oo ku yaala Muqdisho oo ay ka mid yihiin garoonka diyaaradaha ee Aadan Cadde iyo Dekadda weyn ee magaalada Muqdisho.