Home Blog Page 2589

Booliiska Soomaaliya oo shaaciyay ineysan jirin khatar amni oo ka jirta Muqdisho

0

Khamiis, April, 11, 2024 (Hmc) – Afhayeenka ciidanka Booliiska Soomaaliyeed Cabdifataax Aadan Xasan ayaa sharaxaad dheeraad ah ka bixiyay ciidamo aad u fara badan oo saacadahii ugu dambeeyay si weyn loogu arkaayay inta badan wadooyinka magaalada Muqdisho, kadib digniintii amni ee ee kasoo baxday Safaaradda Mareykanka.

Wuxuu sheegay Afhayeenka in ciidankaasi ay isugu jiraan qeybaha kala duwan ee ciidanka qalabka sida, islamarkaana ay ku howlan yihiin xaqiijinta amniga Caasimadda iyo badqabka dadka Soomaaliyeed oo ku guda jira dabaal daga maalmaha farxada Ciidan Soonfureed.

Afhayeenka Cabdifataax Aadan ayaa sidoo kale sheegay iney jirin wax khatar amni ah oo dhanka dowladda Fedaraalka ay ogtahay oo Muqdisho ka jira, isagoona xusay in amniga Muqdisho uu haatan yahay mid aad u wanaagsan.

“Majirto wax khatar amni ah oo aan hayno ka dowlad ahaan, ciidamada badan ee magaalada lagu daadiyay waa kuwa sugaya amaanka dadka Soomaaliyeed ee u dabaal degaya faraxada Ciidul Fitriga, culeys kale ma jiro, xaq ayayna u leeyihiin dadka Soomaaliyeed maalmaha farxada in la xaqiijiyo iney si farxad leh u damaashadaan” ayuu yiri Afhayeen Cabdifataax Aadan Xasan.

Hadalkaan kasoo yeeray Afhayeenka Booliska Soomaaliya ayaa kusoo beegmaya 48 saac kadib markii Safaaradda Maraykanka ay shaacisay xog ku saabsan halis amni oo ku aaddan in weeraro ka dhici karaan dhowr goobood oo ku yaala Muqdisho oo ay ka mid yihiin garoonka diyaaradaha ee Aadan Cadde iyo Dekadda weyn ee magaalada Muqdisho.

Ciidanka dowladda iyo kuwa Jubbaland oo xubno badan AS uga dilay Jubbada Hoose

0

Khamiis, April, 11, 2024 (HMC) – Ciidamada dowladda Fedaraalka Soomaaliya oo kaashanaya kuwa maamulka Jubbaland ayaa fashiliyay weerar kooxda AS ka geysan rabtay deegaanka Baarsanguuni ee gobolka Jubbada Hoose.

War qoraal ah oo kasoo baxay dowladda Fedaraalka ayaa lagu sheegay in ciidamada ay ka hortageen weerarka ay dooneysay kooxdu iney ka fuliso Baarsanguuni, islamarkaana haatan ay ciidanku wadaan howlgalo lagu dilay xubno ka tirsanaa kooxda AS.

“Ciidamada Qaranka waxaa u suurta-gashay inay ka hor tagaan weerarkii Khaawarijta oo xogtiisa la sii hayey, waxaana socda weli socda howlgal looga dilay dhagarqabayaal badan, kuwaas oo meydadkooda ay goobta daadsan yihiin” ayaa lagu yiri qoraalka kasoo baxay dowladda.

Ciidamada dowladda Fedaraalka Soomaaliya ayaa kordhiyay maalmahii lasoo dhaafay howlgalada ka dhanka ah kooxda AS ee dagaalka kula jirta dowladda Soomaaliya, waxaana xusid mudan in Jubbaland ay ka mid tahay meelaha ay wali ku xoogan yihiin kooxda.

Puntland: Haddii Soomaaliya ay kala tagto waxaa masuuliyaddeeda qaadaya madaxweyne Xasan Sheikh

0

Khamiis, April, 11, 2024 (HOL) – Madaxweyne ku-xigeenka ahna ku-simaha Madaxweynaha Puntland Ilyaas Cismaan Lugatoor ayaa sheegay, in wax ka bedelka dastuurka ay horseedi doonto kala taga midnimada Soomaaliya.

Madaxweyne Ilyaas Lugatoor ayaa sheegay, haddii Soomaalidu ay kala qaybsanto in madaxweyne Xasan Sheekh uu keligiis mas’uuliyadeeda qaadayo.

Hadalka madaxweyne ku xigeenka Puntland ayaa yimid, xilli Puntland dhawaan ay shaacisay inay u dhaqmayso sida dowlad madax bannaan, iyagoo kalsoonadii kala noqday dowladda federaalka.

Maalmo kadibna maamulka Puntland ayaa bilaabay inuu wafdi u diro Ethiopia, si ay ulasoo yeeshaan wada xaajoodyo ku saabsan in Ethiopia ay iskaashi dhow la yeelato maamul goboleedka Puntland.

Sidoo kale, Puntland ayaa ka hortimid go’aan kasoo baxay dowladda federaalka Soomaaliya, kaasoo ku saabsanaa in la xiro qubsuliyadda ay dowladda Ethiopia ku leedahay magaalada Garowe.

Geesta kale, madaxweyne Xasan Sheikh ayaa sheegay tabasho kaste oo la qabo in aysan cudur daar u noqon karo in shisheeye loo raadsado kaalmo. Wuxuuna sheegay in dowladda Soomaaliya ay ka go’an tahay in ay ku dhaqanto wax ka beddelka lagu sameeyay dastuurka dalka.

Waa tuma gabadha Soomaaliyeed ee hadal-haynta badan ka dhalisay Sweden?

0

Khamiis 11, April ,2024 {HMC} Bilan Cusmaan oo ku nool dalka Sweden ayaa maalmihii lasoo dhaafay hadalhayn ka dhalisay guud ahaan baraha bulshada gaar ahaanna dalkaas, ka dib hadal uu sheegay nin isaguna dalkaas kasoo jeeda.

Gabadhan oo wariye ah, asalkeeduna Soomaali yahay, ayaa ka ol’oleysa arrimaha islaam nacaybka iyo kooxaha midigta fog ee dalkaas iyada oo qortay maqaallo badan oo ay kaga hadlayso arrimahaas.

Nin sida la sheegay isaguna wariye ah dalkaasna u dhashay ayey is barteen kaas oo Bilan qudheedu sheegtay in ay laba sano xiriir la lahayd, balse wuxuu sheegay in uu soo bandhigi doono caddeymo muujinaya “waxa dhabta ah ee Islaamku yahay”, sida ku xusan qoraal uu soo dhigay barta internet-ka.

Arrintan ayaa hadal hayn weyn ka dhalisay baraha bulshada Soomaalida ee qurba joogta.

Eadaymaha uu usoo jeediyay Bilan ninkan oo lagu magacaabo Christian Peterson ayaa ka mid ah in ay bahisay xogta ilwareed loo baahnaa in la qariyo.

“Duubis sir ah waxay ugu yaraan Bilan Cusmaan muujisay xogta ilwareedka Expo ee dhaqdhaqaaqa taageersan Sweden”, tan oo ah ayuu yiri “dembi lagu mutaysan karo xabsi”.

Hadalka ninka ka dib, Bilan ayaa barteeda Twitter soo dhigtay qoraal taxane ah oo ay isku difaacayso kagana jawaabayso waxa uu sheegay ninkaasi.

“Qaarkiin waad arakteen baan u maleynayaa in ay socoto dhaleeceyn aan raad lahayn oo aniga igu saabsan oo ka socoto baraha bulshada. Waxaa dhaleeceyntaas iyo eedeyntaas xun u ololeynaya mid cunsuriyiinta midigta xagjirka ah ka tirsan, waa isla ninkii abaabulay in la gubo Qur’aanka Kariimka laba sano ka hor, waxaan xiriir la lahaa labo sano, taas oo aan ahayn sir oo ay ogaayeen inta badan dadka aan isnaqaanay, saaxiibaday iyo qoyskayga iyo weliba dadkii aan wada shaqeyneyney dhamaantood way ogaayeen xiriirkaas” ayey ku bilowday qoraalkeeda.

Si kastaba ha ahaatee Bilan waxay sheegtay nooca xiriirka ee ay la lahayd ninkan in uu ahaa mid saxafinimo ee uusan ahayn mid jacayl.

Waxay sheegtay in ay baaritaan ku samaynaysay kooxaha midigta fog ee ninkani ka tirsan yahay sidaas darteedna uu ka mid ahaa dad ay xiriir la samaysay isla markaana ay “xoogaa naxariis ah” u muujisay si ay u dhex gasho.

Waa tuma Bilan Cusmaan?

Bilan waxay magaalada Goteborg ee dalka Sweden ugu dhalatay waalidiin ka yimid Soomaaliya. Waxay ahayd bare sare oo maaddada kimistariga dhigi jirtay iyo dhaqdhaqaaqe, waxayna ku soo barbaartay magaalada Partille.

Awoowgeed oo dhalay aabbaheed, oo lagu magacaabo Nuur Cusmaan, wuxuu ahaa gabyaa. Waxay saxaafadda ka baratay dugsiga saree e Bona Folk.

Bilan waxa ay wax ku qori jirtay sannadihii 2018 iyo 2019 wargeysyada Svenska Dagbladet iyo Expressen. Waxay sidoo kale maqllo ra’yi ah u qortay daabacado kale oo Iswidhish ah, oo ay ku jirto majaladda Opulens.

Muddo siddeed sano ah oo ka bilaabmaysa 2013, shaqadeeda aasaasiga ahi waxay ahayd bare socdaal oo ah aasaaska bandhigga ka hortagga cunsuriyadda. Kadib waxa ay ku biirtay ururka Ibn Rushd Study Association.

Intii ay ku jirtay saxaafadda waxay maqaallo badan ka qortay cunsuriyadda iyo islaam-nacaybka, waxaana ka mid ah maqaal ay ciwaan uga dhigta ‘Hadda waxay si lama filaan ah u noqotay in laga hadlo Islaam-nacaybka”.

Sannadkii 2013, Bilan waxa ay ka mid ahayd shan saxiixeyaal warqad furan oo lagu daabacay wargeyska Aftonbladet oo ku boorinaysay haweenka Muslimiinta ah ee Sweden in ay xijaabtaan kadib haweeney uur leh oo uu nin ka soo horjeeday xijaabka Stockholm ku weeraray. Waxay markaas sheegtay in kooxdu ay doonayso in xijaabku caadi ka noqdo Sweden.

Iyada oo ka jawaabaysa dilkii George Floyd iyo dhaqdhaqaaqa Black Lives Matter ee Maraykanka, Bilan Cusmaan waxay sheegtay in ay rabtay “in ay bilowdo wadahadal ku saabsan caddaannimada” gudaha Sweden.

Waxay ka hadashaa xagjirnimada garabka midig waxaana lagu eedeeyay xagjirnimada garabka bidix; horraantii 2024 qoraal Facebook ah oo ay ku muujisay xanaaqa dadka cadaanka ah ayaa horseeday dhaleeceyn.

Sannadkii 2014 Bilan Cusmaan waxa ay ahayd qofka helay abaalmarinta sannadlaha ah ee ELSA ee Guddiga Iswiidhishka ee ka hortagga nacaybka, kaas oo la siiyo “shakhsiyaadka ama kooxaha, kuwaas oo u isticmaalaya warbaahinta bulshada ama siyaabo kale, ka hortagga nacaybka”.

Sannadkii 2020 waxay ahayd mid ka mid ah afar musharax oo u sharaxanaa abaal marinta “Xiddigta soo kacaysa” ee Ururka Daabacadaha Joornaalka Iswidhan.

Si kastaba ha ahatee mowduucyada ay Bilan ka hadasho ayaa asal ahaan ah kuwa ay muran ku xeeran yihiin iyada oo waayadii u dambeeyay ay sare usii kacayeen kooxaha midigta fog ee qaar ka mid ah dalalka Yurub oo ay Sweden ku jirto.

Isha: BBC

{DAAWO SAWIRADA} Madaxweynaha Soomaaliya Oo la Kulmay Madaxweynaha Kenya

0

Khamiis 11, April ,2024 {HMC} Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo oo safar shaqo oo hal maalin ah ku jooga dalka Kenya ayaa kulan miro-dhal ah la qaatay Madaxweynaha dalka Kenya Mudane William Ruto

Labada Madaxweyne ayaa ka wada hadlay xiriirka soo jireenka ah ee ka dhexeeya Labada dal, amniga xuduudaha Soomaaliya iyo Kenya, dagaalka ka dhanka ah argagixisada, dariswanaagga iyo xasilloonida Gobolka.

Madaxweynaha dowladda Kenya Mudane William Ruto ayaa muujiyey sida dalkiisu u garab taagan yihiin dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed dagaalka ka dhanka ah argagixisada, waxaana uu tilmaamay muhiimadda ay leedahay In la sameeyo qorshe wada jir ah oo lagu ciribtirayo argagaxisa gobolka.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa uga mahadceliyey dowladda iyo shacabka Kenya soo dhaweynta diirran, isagoo xusay iskaashiga taarikhiga ah ee Soomaaliya iyo Kenya oo maanta ay tahay in la xoojiyo maadaama Labada dalba ay ka go’an tahay in la dabar-gooyo argagixisada Alshabaab oo caqabad weyn ku ah horumarka iyo nolosha shucuubta gobolka.

 

{DAAWO MUUQAALKA} Gudoomiye Jawaahir Baarqab “Caruurta agoonta Booliska waa hogaamiyaasha berito”.

0

Khamiis 11, April ,2024 {HMC} Gudoomiye Jawaahir Baarqab “Caruurta agoonta Booliska waa hogaamiyaasha berito”.

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

{DAAWO MUUQAALKA} Wasiirka Haweenka Hirshabelle Raxmo ” Waxaan Aad ugu faraxsanahay inaan laciido Agoonta ciidamada Booliska.

0

Khamiis 11, April ,2024 {HMC} Wasiirka Haweenka Hirshabelle Raxmo ” Waxaan Aad ugu faraxsanahay inaan laciido Agoonta ciidamada Booliska.

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

{DAAWO MUUQAALKA} Wasiir Fartaag “Qaabka maanta loo daryeelo agoonta wexeey niyad wanaag u tahay ciidamada kale”.

0

Khamiis 11, April ,2024 {HMC} Wasiir Fartaag “Qaabka maanta loo daryeelo agoonta wexeey niyad wanaag u tahay ciidamada kale”.

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

{DAAWO MUUQAALKA} Taliye Sulub “Maanta waxaan ku dhownahay in aan ku filnaano maareynta Agoonta Booliska”.

0

Khamiis 11, April ,2024 {HMC}  Taliye Sulub “Maanta waxaan ku dhownahay in aan ku filnaano maareynta Agoonta Booliska”.

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

{DAAWO MUUQAALKA} In ka badan 20 ka tirsanaa AS oo lagu dilay Dagaalkii baarsanguuri iyo rag kalle oo Maxaa biis ah oo lasoo bandhigay.

0

Khamiis 11, April ,2024 {HMC} In ka badan 20 ka tirsanaa AS oo lagu dilay Dagaalkii baarsanguuri iyo rag kalle oo Maxaa biis ah oo lasoo bandhigay.

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA