Home Blog Page 2597

{DAAWO MUUQAALKA} Xalada Cakiran ee Baladweyne oo war laga soo saaray iyo Dadka Hubka ku dhax wato oo Dignin loo Diray

0

Talaado-9-April-2024 {HMC} Xalada Cakiran ee Baladweyne oo war laga soo saaray iyo Dadka Hubka ku dhax wato oo Dignin loo Diray

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

{DAAWO MUUQAALKA} Agaasimaha cusub ee NISA oo xilka lagu wareejiyay iyo MW Xasan oo ka qeyb galay

0

Talaado-9-April-2024 {HMC} Agaasimaha cusub ee NISA oo xilka lagu wareejiyay iyo MW Xasan oo ka qeyb galay

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

Wararkii ugu dambeeyey ee howlgallada Muqdisho iyo rag lagu Hubaysan oo lagu soo qabtay.

Talaado-9-April-2024 {HMC} Faah-faahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya howlgal ay maanta ciidamada ammaanka ee dowladda Soomaaliya ka sameeyeen xaafado ka tirsan magaalada caasimada ah ee Muqdisho, gaar ahaan degmada Kaaraan ee gobolka Banaadir.

Howlgalkan oo ay si wadajir ah u sameeyeen ciidamada Booliska, kuwa Xasilinta iyo Nabad Sugidda ayaa waxaa hoggaaminayay guddoomiye Abshir Kaaraan iyo saraakiisha amniga.

Ciidamada ayaa gudaha u galayay guryaha ku yaalla xaafadaha Faanoole, Wajeer ito Buulo Maxaay oo ka wada tirsan degmada Kaaraan, halkaas oo lagu soo qabtay dad badan.

Inta uu socday howlgalka ciidamada ayaa gacanta kusoo dhigay rag hubeysan oo qoryo ku dhex watay degmada, kuwaas oo ku labisnaa dhar shicib ah, waxaana lagu xiray saldhigga.

Sidoo kale ciidamada ayaa soo xiray saddex nin oo la socday Mooto Bajaaj, isla markaana waday xashiis, gaar ahaan Calaq iyo Xashiis, sida ay sheegeen laamaha amnigu.

Guddoomiyaha degmada Kaaraan oo Wariyeyaasha la hadlay ayaa sheegay in ujeedka howlgalkan uu ahaa mid lagu xaqiijiyay amniga, ayna wadi doonaan maalmaha soo socda.

Sidoo kale wuxuu farriin u diray dadka shacabka ah oo uu ugu baaqay inay kala shaqeeyaan amniga guud, si looga hortego wax kasta oo halis ku ah nabad-gelyada.

Howlgalkan ayaa qayb ka noqonaya dadaallada ay haatan gudaha caasimada ka wadaan ciidamada ammaanka oo laba jibaaray sugidda amniga degmooyinka gobolka Banaadir.

Mahad Salaad shaaciyey 10 qodob oo uu kusoo kordhiyay NISA markii uu xilka qabtay kadib,

Talaado-9-April-2024 {HMC} Taliyihii hore Hay’adda Nabad-sugidda iyo Sirdoonka Qaranka ee NISA Mahad Maxamed Salaad oo maanta khudbad ka jeediyay munaasabad uu xilka ugu wareejiyay taliyaha lasoo magacaabay Cabdullahi Maxamed Cali (Sanbaloolshe) ayaa ka hadlay arrimo xasaasi ah oo ku aadan mudo xileedkiisii NISA ee labada sano ahaa.

Mahad Salaad oo xilkan soo hayay tan iyo 26-kii May ee sanadkii 2022-kii, ayaa ku faanay inuu wax badan ka qabtay Hay’adda NISA, uuna ku guuleystay inuu sharci u sameeyo. hay’addan oo kami ah kuwa ugu muhiimsan ee dalka.

Isaga oo ka hadlayay waxa ay uga dhigan tahay xil wareejintiisa ayaa waxa uu sheegay inuu ku faraxsan yahay, wuxuuna tilmaamay inuu Sanabloolshe ku wareejinayo NISA oo dhammeystiran.

“Waxaan qirayaa in Sanbaloolshe uu iga nasiib badan yahay maadama aanan helin anigu xilwareejin, sharci iyo kooxo shaqo oo la yaqaano” ayuu yiri Taliye Mahad Salaad.

Sidoo kale waxa uu sii raaciyay “Kusoo dhawaaw Mudane Nisa sharci leh, isla markaana ka maran ku takarifal awoodeed iyo dano siyaasadeed”.

Intaas kadib Mahad Salaad ayaa soo bandhigay 10 qodob oo uu ku soo koobay wax-qabadkiisa, muddadii uu taliyaha ka ahaa Hay’adda Nabad-sugidda, kuwaas kala ah:-

Qodobkaad wuxuu ku sheegay 1-Inuu ku guuleystay inay shacri yeelato hay’adda NISA, 2-Inuu dib u habeyn ku sameeyay dhismaha hay’adda 3-xoojinta amniga iyo xogaha sirdoon ee dalka 4-Ballaarinta ciidamada NISA kuwa muuqda iyo kuwa qarsoon 5-Kordhinta howlgallada ka dhanka ah kooxda AS 6-Sameynta xafiiska Garmaqalka dadweynaha 7- Joojinta lacagaha badda ee AS 8-Horumarinta Tiknolojiyadda 8-Dhismayaasha xarumaha hay’adda 9-Wada shaqeynta hay’adda iyo hay’ada kale ee dowladda 10- La macaamilka hay’adaha sirdoonada ee dariska iyo kuwa caalamka.

Isbeddelka lagu sameeyay hoggaanka sare ee hay’adda NISA ayaa kusoo aadaya, xilli xasaasi ah oo ay dalka ka taagan tahay xiisad siyaasadeed oo ka dhalatay wax ka beddelka dastuurka KMG ah iyo mid kale oo ka dhalatay heshiiska badda ee ay wada gaareen Somaliand & Itoobiya.

{DAAWO SAWIRADA} Madaxweynaha JFS oo ka qeyb galay munaasabada xil wareejinta NISA

Talaado-9-April-2024 {HMC} Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka qeyb-galay munaasabad ay xilka kula kala wareegayeen Agaasimaha Hay’adda Nabad-sugidda iyo Sirdoonka Qaranka ee dhawaan la magacaabay Mudane Cabdullaahi Maxamed Cali {Shanbaloolshe} iyo Agaasimihii Hore, Mudane Mahad Maxamed Salaad.

Madaxweynaha ayaa uga mahadceliyey Taliyihii Hore ee Hay’adda Mudane Mahad Salaad dadaalka uu ku bixiyey horumarinta shaqada Hay’adda, isagoo u rajeeyey Taliyaha cusub in uu ka soo dhalaalo waajibaadka adag ee horyaalla.

Qaranka Soomaaliyeed ayaad u shaqeysaan ee uma shaqeysaan Agaasime tagay iyo mid yimid, waa in aad kalsooni galisaan shacabka oo aad soo dhoweysataan. Shaqada noo taala waa dagaalka Khawaarijta oo ay tahay in aan dhammaanteen wadajir ugu istaagno”.

Sidoo kale, Madaxweynaha ayaa ka hadlay muhiimadda Hay’adda Nabad-sugidda iyo Sirdoonka Qaranku ay u leedahay qorshaha xoreynta dalka, waxa uuna sheegay in ay horseed u ahayd deegaannada laga xoreeyey gacanta argagixisada.

Dhanka kale, Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa xarigga ka jaray dhismayaasha qaybta Sirdoonka iyo Akadeemiyadda Jilicoow ee Hay’adda Nabad sugidda iyo Sirdoonka Qaranka oo qaab casri ah loo dhisay.

Turkey oo xayiraado ganacsi ku soo rogtay Israel

Talaado-9-April-2024 {HMC} Turkey ayaa sheegtay inay xayiraado ganacsi ku soo rogi doonto Israel laga billaabo Talaadada maanta ah, sababo la xiriira dagaalka Gaza.

Xayiraadahaas ayaa waxaa ku jira badeecooyin kala duwan oo dalkaas uu u dhoofiyo Israel, oo ay ka mid yihiin shamiintada, birta iyo qalabka dhismaha.

Tallaabooyinkan cusub ayaa imanaya maalin kadib markii Turkiga uu sheegay in Israel ay xannibtay isku day ay ku doonaysay inay gargaar ugu daadiso Gaza.

“Go’aankan waxa uu sii jiri doonaa illaa ay Israel ku dhawaaqdo xabbad-joojin degdeg ah oo ay ogolaato in gargaar bini’aadannimo oo ku filan oo aan kala go’ lahayn la geeyo Gaza,” ayay wasaaradda ganacsiga ku sheegtay qoraal lagu daabacay baraha bulshada.

Qoraalka ayaa waxaa ku lifaaqnaa liiska 54 badeeco oo dhoofintooda la xanibay.

Wasiirka Arrimaha Dibedda Turkey Hakan Fidan ayaa Isniintii wacad ku maray aargudasho ka dhan ah Israel kadib markii ay ka xanibtay ciidamada cirka Tukrey inay gargaar dusha sare uga soo ridaan Gaza.

Tallaabooyinka xayiraadaha ayaa waxaa ansixiyey madaxweyne Recep Tayyip Erdogan, sida uu sheegay Fidan.

“Waan sii wadi doonnaa taageeradeena ilaa dhiigga ku daadanaya Gaza uu joogsado, walaalaheen Falastiinna ay gaaraan dowlad xor ah oo Falastiin ah oo caasimaddeeda ay tahay Bariga Quddus,” ayuu Erdogan ku yiri farriin uu Talaadadii diray oo la xiriirta munaasabadda Ciidul-fidriga.

Dhinaca kale, Israel ayaa wacad ku martay inay qaadi doonto tallaabooyin ka dhan ah Israel, ayada oo ku eedeysay “inay si hal dhinac ah u jebisay heshiisyada ganacsi ee ay la gashay Israel.”

Wasiirka Arrimaha Dibedda Israel, Israel Katz ayaa si xooggan ugu cambaareeyey madaxweyne Erdogan go’aankan.

“Erdogan waxa uu u huray danta dhaqaale ee dadka Turkiga Xamas darteed,” ayuu Katz ku yiri qoraal uu soo dhigay X.

“Israel iskuma dhiibi doonto rabshado iyo baad…waxayna ka qaadi doontaa Turkiga tallaabooyin la mid ah kuwa ay qaaday, oo wax u dhimaya dhaqaalaha Turkiga.”

Israel iyo Turkey oo mar xulufo ahaa ayaa lahaa xiriir aan fadhin 15-kii sano ee lasoo dhaafay.

Labada dal ayaa si buuxda dib ugu soo celiyey xiriirkooda diblomaasiyadeed 202-kii, hase yeeshee wixii ka dambeeyey markii uu qarxay dagaalka Gaza October 2023, xiriirka ayaa aad u xumaaday.

Muuse Biixi oo cafis u fidiyay in ka badan 500- Maxaabiis ah

Talaado-9-April-2024 {HMC} Madaxweynaha Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi waxa uu munaasibada Ciidul Fidrida awgeed wareegto Madaxweyne uu Cafis Guud ugu fidiyey Maxaabiista dembiyada fudud ku xukuman ee xabsiyada ku xidhan.

Markaan Arkay: Qodobka 90aad, Farqaddiisa 5aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland;

Markaan Tix-galiyey: Warbixinta Taliska Guud ee Ciidanka Asluubta ee summaddiisu tahay TCA/G-1/125/2024, kuna taariikhaysan 03/04/2024;

Markaan Arkay: Soo-jeedinta Xafiiska Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka ee summaddiisu tahay XIG/JSL/159/2024, kuna taariikhaysan 02/04/2024;

In laga bilaabo taariikhda maanta aan Cafis u fidiyo, munaasibadda ciidul fidrida awgeed maxaabiista dembiyada fudud ku xukuman ee xabsiyada dalka ku xidhan, oo tiradoodu dhan tahay 548 {shan Boqol iyo Sideed iyo Afartan} maxbuus. Cafiskani saamayn kuma laha xuquuqda madaniga ah iyo raadka ciqaabeed ee ka dhalanaya dembiyada ay ku xukunnaayeen. Waxa cafiskan fulinaya Xafiiska Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka, iyada oo la raacayo liiska Maxaabiista.

{DAAWO MUUQAALKA} Soo kabashada caasimadda SSC Khaatumo ee Laascaanood iyo isbadalka laga daremoyo Dag moyinka qar

0

Talaado-9-April-2024 {HMC} Soo kabashada caasimadda SSC Khaatumo ee Laascaanood iyo isbadalka laga daremoyo Dag moyinka qar

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

{DAAWO MUUQAALKA} Warka Duhurnimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn 09/4/2024

0

Talaado-9-April-2024 {HMC} Warka Duhurnimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn 09/4/2024

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

{DAAWO MUUQAALKA} Shacabka Gobolka Mudug oo soo dhaweeyey Magacaabista wasiirka Cusub ee Arimaha Dibada Soomaliya

0

Talaado-9-April-2024 {HMC} Shacabka Gobolka Mudug oo soo dhaweeyey Magacaabista wasiirka Cusub ee Arimaha Dibada Soomaliya

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA