Home Blog Page 2598

afaar qof oo lagu dilay weerar ka dhacay koonfurta Sudan

Talaado-9-April-2024 {HMC} Ugu yaraan saddex qof ayaa ku dhintay shan kalena waa ay ku dhaawacmeen kaddib markii kolonyo ay la socdeen ay weerar gaadmo ah ku qaadeen ciidamada Koonfurta Suudaan, sida ay sheegeen mas’uuliyiinta dalkaas.

Nyinkwany Aguer Bol, oo ah sii hayaha xilka wasiirka warfaafinta ee aagga gaarka ah ee Abyei, ayaa ku tilmaamay weerarka, oo Axadii ka dhacay Agok, “isku day dil” oo lala beegsaday saraakiil muhiim ah oo ka tirsan xukuumadda Abyei.

Waxaa kolonyada la socday Wasiirka Dowladda Hoose iyo Hay’adaha Sharci-fulinta, iyo Guddoomiyaha Gobolka Rum-Ameer.

{DAAWO MUUQAALKA} Ciidanka Booliska soomaliland oo Howlgalo ka Sameeyey Magaalada Ceerigaabo

0

Talaado-9-April-2024 {HMC} Ciidanka Booliska soomaliland oo Howlgalo ka Sameeyey Magaalada Ceerigaabo

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

 

{DAAWO MUUQAALKA} Dowladda Soomaaliya oo codsatay in loo soo diro ciidamo cusub oo caalami ah

0

Talaado-9-April-2024 {HMC} Dowladda Soomaaliya oo codsatay in loo soo diro ciidamo cusub oo caalami ah

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

 

{DAAWO MUUQAALKA} Shacabka Gobolka Mudug oo soo dhaweeyey Magacaabista wasiirka Cusub ee Arimaha Dibada Soomaliya

0

Talaado-9-April-2024 {HMC} Shacabka Gobolka Mudug oo soo dhaweeyey Magacaabista wasiirka Cusub ee Arimaha Dibada Soomaliya

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

 

{DAAWO MUUQAALKA} Shaqada Ciidanka waa wax adag,sargaal kasta oo dadaalana waa la dalacsiinaa”Taliye Aadan Jeele.

0

Talaado-9-April-2024 {HMC} Shaqada Ciidanka waa wax adag,sargaal kasta oo dadaalana waa la dalacsiinaa”Taliye Aadan Jeele.

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

 

{DHAGEYSO} Warka Duhurnimo ee Radio Hiiraanweyn .9 .4.2024

Talaado-9-April-2024 {HMC}  Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Warka Duhurnimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn

Warka waxaa soo jeedinayo: Shugri barayare iyo Yasiin Ali

farsamadii; Kaafi osmaan makaraan

HOOS KA DHAGEYSO WARKA DUHURNIMO

 

{DAAWO SAWIRADA} Odoyaasha dhaqanka Gobolka Hiiraan oo Shir ugu socda Baladweyne.

0

Talaado-9-April-2024 {HMC} Odoyaasha Dhaqanka Gobolka Hiiraan ayaa Shir Deg deg ah waxaa ugu socdaa Magaalada Baladweyne, Shirkan waxaa looga hadli haaya xaalada Gobolka iyo Culeeysyada xiligan ka jiro Magaalada side xal loogu heli lahaa.

Shirkan waxaa manta intiisa badan looga hadli Haaya side wax looga qaban lahaa, Burcad Hubeeysan oo waqtiyada Habeenkii ah dadka Xaafadaha Magaalada dhac u geeysataa taasi oo dadka deegaanka ay walaac ka muujiyeen.

Odoyaasha ayaa la filayaa in go’aano Culus ay soo saaran, waxaana Mudooyinkii dambo uu shir uga socday Magaalada Baladweyne.

{DAAWO MUUQAALKA} Duqeyn ka dhacday Baraagta Gurguurte oo lagu dilay ku dhawaad 50 dagaalame oo tirsan AS

0

Talaado-9-April-2024 {HMC} Duqeyn ka dhacday Baraagta Gurguurte oo lagu dilay ku dhawaad 50 dagaalame oo tirsan AS

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

{DAAWO MUUQAALKA} WAR DEG DEG AH:- Dowlada Kenya oo Gurmad u sameeyneyso Dad uu qaaday daad

0

Talaado-9-April-2024 {HMC} WAR DEG DEG AH:- Dowlada Kenya oo Gurmad u sameeyneyso Dad uu qaaday daad

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

Kaddib digniin Amni oo soo baxday Amaaanka Xarumaha Muhiimka ah oo Saaka la adkeeyay

Talaado-9-April-2024 {HMC} Ciidamada ammaanka dowladda Soomaaliya ayaa saakay si weyn u adkeeyay ammaanka qeybo badan oo muhiim ah oo katirsan magaalada Muqdisho, kaddib markii ay soo baxeen digniino la xariira weeraro argagaxiso oo dhici kara.

Qoraal shalay kasoo baxay safaaradda dowladda Mareykanka ku leedahay magaalada Nairobi ee caasimadda dalka Kenya ayaa lagu shaaciyay in ay jiraan qataro amni oo ka jira qeybo kamid ah magaalada Muqdisho.

Safaaradda Mareynkanka ayaana sheegtay in ay heshay xoggo amni oo ku saabsan halis dhinaca ammaanka ah oo ku wajahan garoonka diyaaradaha Aadan Cadde iyo goobo kale oo kuyaalla magaalada Muqdisho.

Ciidamo xoojin ah ayaa la dhigay garoonka diyaaradaha Aaddan Cadde ee magaalada Muqdisho, waxaana si gaar ah saakay loo baarayaa gaadiidka garoonka galaya iyo ciidamada la socda, iyadoona baarista sidii hore ay ka duwan tahay.

Dowladda ayaa sidoo kale adkeesay ammaanka goobo kale ay suurto gal tahay in la weeraro, waxaana qeybo badan oo magaalada ah lagu daadiyay sirdoon dharcad ah kuwaa oo dhaq dhaqaaqa dadka iyo gaadiidka si hoose ula soconaya.

Ammaanka magaalada Muqdisho ayaana muddooyinkii lasoo dhaafay soo hagaagayay, inkastoo mararka qaar weeraro dhacaan, waxaana xalay magaalada qeybo kamid ah laga maqlayay madaafiic la sheegay in kooxda AS kusoo tuureen.