Home Blog Page 2599

Kaddib digniin Amni oo soo baxday Amaaanka Xarumaha Muhiimka ah oo Saaka la adkeeyay

Talaado-9-April-2024 {HMC} Ciidamada ammaanka dowladda Soomaaliya ayaa saakay si weyn u adkeeyay ammaanka qeybo badan oo muhiim ah oo katirsan magaalada Muqdisho, kaddib markii ay soo baxeen digniino la xariira weeraro argagaxiso oo dhici kara.

Qoraal shalay kasoo baxay safaaradda dowladda Mareykanka ku leedahay magaalada Nairobi ee caasimadda dalka Kenya ayaa lagu shaaciyay in ay jiraan qataro amni oo ka jira qeybo kamid ah magaalada Muqdisho.

Safaaradda Mareynkanka ayaana sheegtay in ay heshay xoggo amni oo ku saabsan halis dhinaca ammaanka ah oo ku wajahan garoonka diyaaradaha Aadan Cadde iyo goobo kale oo kuyaalla magaalada Muqdisho.

Ciidamo xoojin ah ayaa la dhigay garoonka diyaaradaha Aaddan Cadde ee magaalada Muqdisho, waxaana si gaar ah saakay loo baarayaa gaadiidka garoonka galaya iyo ciidamada la socda, iyadoona baarista sidii hore ay ka duwan tahay.

Dowladda ayaa sidoo kale adkeesay ammaanka goobo kale ay suurto gal tahay in la weeraro, waxaana qeybo badan oo magaalada ah lagu daadiyay sirdoon dharcad ah kuwaa oo dhaq dhaqaaqa dadka iyo gaadiidka si hoose ula soconaya.

Ammaanka magaalada Muqdisho ayaana muddooyinkii lasoo dhaafay soo hagaagayay, inkastoo mararka qaar weeraro dhacaan, waxaana xalay magaalada qeybo kamid ah laga maqlayay madaafiic la sheegay in kooxda AS kusoo tuureen.

Muxuu Daarnaa Socdaalkii xalay Taliyaha Ciidanka Booliska Sulub Axmed Firin

Talaado-9-April-2024 {HMC} Ciidamada Booliska Soomaaliyeed ayaa laba jibaaraya howl-gallada amni ee magaalada caasimadda ah ee Muqdisho.

Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaalieed Sarreeyo Guuto Sulub Axmed Firin ayaa xalay cutubyo ka tirsan ciidanka Booliska kala qeyb galay afur wadareed, kaasi oo looga hadlay ammaanka caasimadda.

Ujeedka afur wadareedka ayaa diirada lagu saaray dhiirri-gelinta ciidanka iyo in la laba jibbaaro howlaha shaqo ee horyaalla ciidanka, maaddaama ay nagu soo food leedahay maalmaha farxadda Ciida.

Taliye Firin oo afurka kadib halkaasi kula hadlay ciidanka ayaa faray in la dardar-geliyo howlaha shaqo ee horyaalla iyo sidii sare loogu qaadi lahaa arrimaha amniga caasimadda iyo nawaaxigeeda.

Taliska Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ayaa muddooyinkii dambe waday dadaallo lagu xoojinayo ammaanka guud ee dalka gaar ahaan caasimadda oo muddooyinkii dambe laga dareemayay degganaan.

Sidoo kale, Taliyaha Booliska ayaa xalay u kuur-galay sida uu u socdo howl-galka yareynta saxmadda ee Ciidanka Taraafikada, isaggoo boggaadiyay howsha adag ee Taraafikada ay ka qabteen waddooyinka magaalada Muqdisho.

Si kastaba, Magaalada Muqdisho oo bilihii dambe ka reysatay falalkii amni darro ee tiro beelka ahaa ee kooxda AS ayaa waxay xilligaan ciidanka dadaal badan ku bixinayaan sidii loo sii laba jibaari lahaa howl-gallada amni ee caasimada, si loo xaqiijiyo amniga Muqdisho iyo nawaaxigeeda.

{DAAWO MUUQAALKA} M/Xasan sheekh iyo Axmed Madoobe maku kala tagi doonaan Magacaabista wasiirka Amniga Soomaliya.

0

Talaado-9-April-2024 {HMC} M/Xasan sheekh iyo Axmed Madoobe maku kala tagi doonaan Magacaabista wasiirka Amniga Soomaliya.

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

{DAAWO MUUQAALKA} Muxuu yahay warka walaaca ku abuuray qaar kamid ah xildhibaanada gobolka Soomaalida ee Kenya?

0

Talaado-9-April-2024 {HMC} Muxuu yahay warka walaaca ku abuuray qaar kamid ah xildhibaanada gobolka Soomaalida ee Kenya?

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

{DAAWO MUUQAALKA} Camera man kii Rabay in uu is Qarxiyo.

0

Talaado-9-April-2024 {HMC} Camera man kii Rabay in uu is Qarxiyo.

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

{DHAGEYSO} Warka Subaxnimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn 09-04-2024

Talaado-9-April-2024 {HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Warka Subaxnimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn

Warka waxaa soo jeedinayo:Mustaf Ali Addow

farsamadii;Mohamed Baryare Haamud

HOOS KA DHAGEYSO WARKA SUBAXNIMO

{DAAWO MUUQAALKA} Deeq Lacageed oo La gaarsiiyay Caruurta Macalin Ilkacase ooi ay dhawaan dileen AS

0

Talaado-9-April-2024 {HMC} Deeq Lacageed oo La gaarsiiyay Caruurta Macalin Ilkacase ooi ay dhawaan dileen AS

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

{DAAWO MUUQAALKA} Taliye Cusub oo Ciidamada Booliska ah ayaa Loo magacaabay Dagmada Matabaan

0

Talaado-9-April-2024 {HMC} Taliye Cusub oo Ciidamada Booliska ah ayaa Loo magacaabay Dagmada Matabaan

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

{DAAWO MUUQAALKA} Muxuu ku so Arkay Taliyaha Booliska Soomaaliya Isgooysyada Muqdisho,si lama filaan ah ayuu ku tagay

0

Talaado-9-April-2024 {HMC} Muxuu ku so Arkay Taliyaha Booliska Soomaaliya Isgooysyada Muqdisho,si lama filaan ah ayuu ku tagay

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

{DAAWO MUUQAALKA} Ugaas Xasan Ugaas Maxamed ”Garta Ceyr magaalo kuma Fiicna ee Geedaha ayeey ku fiican Tahay”

0

Talaado-9-April-2024 {HMC} Ugaas Xasan Ugaas Maxamed ”Garta Ceyr magaalo kuma Fiicna ee Geedaha ayeey ku fiican Tahay”

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA