Talaado-9-April-2024 {HMC} Maxeey tahay wax yaabaha aan la Ogeyn ee Agaasime Sanbaloolshe uu ku so Arkay Xarunta Nabad sugida?.
{DAAWO MUUQAALKA} Amaro Cusub oo la xiriira maalmaha Ciidda oo Lagu so Rogay Shacabka Muqdisho
Talaado-9-April-2024 {HMC} Amaro Cusub oo la xiriira maalmaha Ciidda oo Lagu so Rogay Shacabka Muqdisho
HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA
{DAAWO MUUQAALKA} Iska hor imaad Sababay dhimasho iyo dhaawac oo ka dhacay Baladweyne.
Talaado-9-April-2024 {HMC} Iska hor imaad Sababay dhimasho iyo dhaawac oo ka dhacay Baladweyne.
HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA
Waa goorma ciidu sideese loo go’aamiyaa?
Talaado-9-April-2024 {HMC} Dhamaadka bisha barakeysan ee Ramadaan ayaa waxaa la xusaa ciid diimeed muhiim ah oo loo yaqaano Ciidul Fidriga, iyadoo qoysaska ay isugu yimaadaan iyagoo xiran dharkooda kuwa ugu wanaagsan si ay u ciidaan. Laakiin dhacdadan oo ah mid caalami ah garashada goortay ay dhacayso waa mid aad u cajiib ah – sida uu sharaxay Ahmen Khawaja.
Awoodda dayaxa
Marka dhammaadka bisha barakaysan ee Ramadaan soo dhawaato, 1.9 bilyan oo Muslimiinta caalamka ah ayaan rejaynaya in ay helaan cir qaawan oo bilaa daruur ah si’ay u arkaan dhalashada bisha dabaaldagga ciidduna u bilowdo. Sidii bishii Ramaadan dabaaldeggani waxuu bilowdaa dhalashada bil kale.
Islaamku wuxuu raaca jadwalka dayaxa, oo ku salaysan wejiyada Dayaxa. Sannad kasta, bil kasta oo kalandarka dayaxa waxay dhacdaa qiyaastii 11 maalmood ka hor markii ay dhacday sannadkii hore.
Kalandarka dayax-gacmeedka oo la raaco ayaa aad muhiim ugu ah Muslimiinta waxayna saameyn weyn ku leedahay sida ay dadku u arkaan Ramadaanka.
Muslimiintu waxay soomaan bisha Ramadaan, iyaga oo ka fogaanaya cuntada iyo cabitaanka subaxda ilaa qorrax dhaca. Haddii bilaha Islaamku ay ku salaysnaan lahaayeen kalandarka qoraxda oo xilliyada qaar ay ku beegan yihiin, markaas dadka ku nool meelo ka mid ah adduunka waxa ay heli lahaayeen Ramadaan xilliga xagaaga, oo iftiin badan oo dharaar ah, halka qaybaha kalena ay ahaan lahayd jiilaal iyada oo ka gaaban maalmo.
Iyadoo la raacayo kalandarka dayaxa, qof kasta oo Muslim ah wuxuu la kulmaa soonka xilliyo kala duwan (sidoo kale wuxuu leeyahay waqti ka dheer ama ka gaaban maalin kasta oo soonka) muddo dhan 33 sano oo noloshooda ah.
Jahawareer
Ciidul Fidriga ayaa ku beegan maalinta koowaad ee bisha tobnaad ee Shawaal, laakiin Islaamka dhexdiisa waxaa ka taagan dood ku saabsan goorta ay taasi dhab tahay.
Halka qaarna ay raacaan jadwalka dayaxa ee la dejiyay qaarna ay isticmaalaan indho-indheynta xiddigiska si ay ugu dhawaaqaan bisha curashadeeda, inta badan muslimiintu waxay calaamadeeyaan bil cusub kaliya ka dib markii bil dhalatay oo cusub dhab ahaan loogu arko cirka.
Tan waxaa sida caadiga ah sameeya mas’uuliyiin ka tirsan mas’uuliyiinta Islaamka, halkii ay ka ahaan lahaayeen shakhsiyaadka eegaya cirka.
Goorma ayay ciidu dhacaysaa sanadkaan?
Kuwa ku go’aamiya Ciidda marka la arko dayaxa, waxaa la filayaa inay bilaabato midkood Talaadada 9-ka Abriil ama Arbacada 10-ka Abriil, iyadoo ku xiran hadba meesha aad ka joogto adduunka.
Muslimiintu waxay weli u baahan doonaan inay sugaan ilaa habeenka Ciidda ka hor si ay arrintan u xaqiijiyaan maadaama bilaha dayaxa ay noqon karaan 29 ama 30 maalmood, taasoo ku xidhan marka bisha ugu horreysa ee dayaxa si dhab ah looga arki karo cirka habeenkii.
Dadka bisha baadigoobaya ee maxaliga ah ayaa bilaabi doona in ay sawiraan cirka ka dib qorrax dhaca, iyaga oo raadinaya bisha 29-aad ee bisha meel kasta oo ay ka joogaan adduunka.
Haddii ay arkaan dayax cusub, maalinta xigta waxaa dhici doona dabaaldegga ciida. Haddii kale, waxaa dhici doonta hal maalin oo kale oo soom ah, si loo dhammeeyo bil 30 maalmood ah.
Sida laga soo xigtay Xafiiska Boqortooyada Ingiriiska ee HM Nautical Almanac, bisha cusubi waa in ay ‘si fudud u muuqataa’ laga bilaabo Talaadada 9-ka Abriil, taasoo la macno ah maalinta koowaad ee Ciidda inay noqon doonto maalinta ku xigta, Arbacada 10ka Abriil.
Taariikhaha ciida waligood isku mid maaha adduunka, inkastoo hal ama laba maalmood gudahooda ay kala noqdaan.
Tusaale ahaan, mas’uuliyiinta Sucuudiga – oo ah ummad Sunni u badan oo ahayd meeshii uu ka dhashay Islaamka – waxay ku dhawaaqaan bilawga iyo dhammaadka Ramadaanta iyadoo ku xiran markhaatifurka xubnaha dadweynaha ee indhahooda raadiya bisha. Muslimiinta waddamo kale oo badan ayaa markaa ku dayan.
Laakiin Iran, oo ay ku badan yihiin Muslimiinta Shiicada ah, waxay u hoggaansamaan ku dhawaaqista dawladda oo ku xidhan in la eego bisha dhalashadeeda arko.
Ciraaq oo ay ku badan yihiin Muslimiinta Shiicada ah iyo Sunniga laga tirada badan yahay, ayaa adeegsata labada oo isku dhaf ah – Shiicada oo daba socota ku dhawaaqista wadaadka saameynta leh ee Ayatollah Ali al-Sistani, halka Sunniga tirada yar ay raacaan culimadooda.
Dhanka kale, Turkiga – oo ah waddan cilmaani ah – wuxuu adeegsadaa xisaabinta xiddigaha si uu u go’aamiyo bilawga iyo dhammaadka Ramadaanka.
Yurub dhexdeeda, Muslimiinta badankoodu waxay sugaan ogaysiisyada hoggaamiyeyaasha bulshooyinkooda – in kasta oo tani ay ku xidhan tahay aragtida bisha ee dalalka kale ee Muslimka ah.
Maxaa yaalla madxafka Nabiga ee uu booqday madaxweyne Xasan Sheekh?
Talaado-9-April-2024 {HMC} Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa waxa uu dhawaan booqasho ku tagay Bandhigga Caalamiga ah iyo sidoo kale Madxafka Taariikhda Nabiga ee ku yaalla Sacuudi carabiya.
Sidoo kale waxa uu booqasho ku tagay xarun lagu soo bandhigo ilbaxnimada Islaamka oo ku taalla magaalada Madiina.
Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa waxa uu baryahaanba booqasho ku joogay dalka Sacuudi Carabiya, halkaas oo uu kulamo kula qaadanayay madaxda dalka Sacuudiga.
Sidoo kale waxa uu cibaado u tagay, xaramka barakeysan iyo masaajidka rasuulka oo ku oogay saladda, isaga iyo wafdi uu hugaaminayay.
Madaxweynaha ayaa waxaa la tusiyay waxyaabo la kaydiyay oo ka turjumaya noloshii nabiga, iyo sidoo kale farashaxano laga sameeyay magaalooyinka Makka iyo Madiina, iyo sidoo kale wadadii ay isticmaaleen saxaabadii u hijrootay magaalada Madiina. Khariidado ay ku qoran yihiin sawirada magaalada oo loogu talo galay waxbarasho ahaan ayaa halkaas sidoo kale lagu tusay.
Markii uu dhamaystay booqashada ayaa waxa uu madaxweyne Xasan Sheekh amaanay mashruucaan oo uu ku tilmamaay mid faa’iido u leh qaramada Islaamka oo dhan.

Muxuu yahay madxafkaan?
Madxafkaan ayaa waxaa xariga laga jaray sanadkii 2021 kii, xilligaas oo ay hawshiisa gacanta ku hayeen Ururka Korjogtada Dunida Muslimka, Sidaas ayaa waxaa lagu sheegay war ka soo baxay Wakaaladda wararka Sacuudiga ee SPA.
Madaxafkaan ayaa waxa uu ku yaalla meel aan sidaas uga fogayn masaajidka rasuulka eek u yaalla magaalada Madina. Madxafkaan ayaa waxa uu furan yahay afar iyo labaatan saac ee maalinkii waxaana loogu talagalay oo kaliya in lagu kaydiyo taariikhda Islaamka iyo sidoo kale middii nabi Maxamed NNKH.
Madxafku waxa uu leeyahay qayb lagu soo bandhigo waxyaalo la daabacay oo ay ku qoran yihiin ilaa iyo 25,000 oo dhacdo oo la xariira waxyaalihii mucjisooyinka ahaa ee lagu arkay nabiga intii uu noolaa.
Bandhiggyada madxafka lagu sameeyo ayaa waxaa ka soo muuqda daraasiin farshaxan iyo bandhigyo lagu sameeyo shaashado waawayn. Waxa ay leeyihiin tiyaatar nuucisu yahay 4DX kaas oo isna lagu soo bandhigo filimaan taxane ah oo ku saabsan nolosha nabiga.
Mid ka mid ah teendhooyinka ayaa waxay tahay mid loogu talagalay kaliya in lagu soo bandhigo taariikhda haweenka Islaamka iyo in ay muujiso muhiimadda doorka haweenka ay u leedahay in la faafiyo fariinta runta iyo wanaaga ah iyo sidoo kale doorkii aadka muhiimka u ahaa ee haweenku ay ka qaateen noloshii nabiga intii uu waday dacwadda.
Tiknoolajiyadda fogaan aragga ah, muuqaalo iyo sidoo kale naqshada dhismayaasha ee kumeelgaarka ah ee loo adeegsado farshaxanka ayaa waxay inta badan qeexayaan noloshii nabiga, iyaga oo ka kooban kuwa faahfaahinaya agabka guiga ee nabigu isticmaali jiray, maryihiisii, kabahiisii iyo xitaa shanladiisii.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo baryahaan ku sugnaa Sacuudiga ayaa waxa uu kulan la qaatay boqor Salmaanka dalka Sacuudiga, isaga oo kala hadlay arimo ay ka mid yihiin xriirka labada dal iyo kobaca dhaqaalaha.
War ay soo saartay dawladda Sacuudiga ayaa waxaa lagu sheegay in dawladda Sacuudigu ay ugu hambalyayneyso dawladda Soomaaliya, go’aankii farxadda lahaa ee cunaqabateynta hubka looga qaaday Soomaaliya, kaas oo ay gaareen golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay.
Labada dhinacba wax faahfaahin kama bixin waxay ay sida rasmiga ah isula lafa gureen ee la xiriira dhaqaalaha iyo xoojinta xiriirkooda, balse dawladda Sacuudiga ayaa inta la xasuusan yahay waxay horay heshiis dhinaca ammaanka ah ula saxiixatay dawkadda Soomaaliya.
Soomaaliya oo codsi ciidamo caalami ah u dirtay Midowga Afrika
Talaado-9-April-2024 {HMC} Dowladda Soomaaliya ayaa Midowga Afrika u gudbisay codsi ay ku dalbaneyso ciidamo caalamiga ah, kuwaas oo muhiim ay tahay in la helo wixii ka dambeeya bisha December ee sannadkan.
Codsigaan ayaa la xiriira ciidamo caalami ah oo howlgalka kala wareega ciidamada ATMIS oo qorshuhu yahay in howlgalkooda lasoo geba-gebeeyo bisha December ee sanadkaan 2024-ka.
Ciidamada ATMIS ayaa dhamaadka sanadkaan dalka ka baxaya, waxayna dowladda Soomaaliya cadeysay in weli ay u sii baahan tahay ciidamo caalami ah.
Dowladda ayaa Midowga Afrika ka codsatay inay la wareegto howlgal caalami ah, si loo helo ciidamo bedela ATMIS, howlgalkaas ayaa bilaabanaya 1-da bisha Janaayo ee sanadka 2025-ka.
Ciidamadaas ayaa la qorsheynayaa inay dalka ka sii howlgalaan muddo hal sano ah, sida ay horay u shaaciyeen masuuliyiin ka tirsan dowladda Soomaaliya.
Golaha amniga iyo nabadda ee Midowga Afrika ayaa soo saaray qoraal ay ku sheegeen in kulamo ay yeesheen 26-kii bishii Maarso iyo 3-dii bishaan Abriil ay dowladda Soomaaliya xog ka siiyeen halka uu marayo qorshaha howlgalka cusub ee Soomaaliya markii uu dhamaado sanadkaan 2024-ka.
Qaraar uu ansixiyey golaha ammaanka ee Qaramada Mudoobey ayaa horay loogu ogolaaday qorshahaan, waxaana hoosta laga xariiqay in la ilaashado guulaha laga gaaray dagaalka kooxda AS.
Golaha ammaanka ee QM iyo Midowga Afrika ayaa balan qaaday inay ka go’an tahay taageerada ay siinayaan dowladda federaalka Soomaaliya, sida dhismaha ciidamada xoogga Soomaaliya, si loo helo ciidamo awood u yeesha inay amniga dalka kala wareegaan Midowga Afrika.
Waa howlgalkii 3-aad oo caalami ah oo la qorsheynayo inuu ka howlgalo Soomaaliya, howlgalka xiligan shaqeynaya ee ATMIS ayaa xilka kala wareegay howlgalkii AMISOM bishii Maarso ee sanadkii 2022-kii.
Howlgalka AMISOM ayaa soo bilowday bishii Maarso ee sanadkii 2007-dii, dalalka Jabuuti, Kenya, Itoobiya, Burundi iyo Uganda ayaa qeyb ka ah howlgalka hadda socda ee ATMIS.
Duqeyn ka dhacday Baraagta Gurguurte oo lagu dilay ku dhawaad 50 dagaalame oo tirsan AS
Talaado-9-April-2024 {HMC} Ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed oo gacan ka helaya saaxiibada beesha caalamka ayaa weerar dhanka cirka ah ku dilay kuw dhawaad 50 ka tirsan AS sida ay sheegtay warbaahinta DF
Weerarka ka dhacay deegaan ku dhow Xarardheere oo lagu magacaabo Baraagta Gurguurte ayaa waxaa ka mid ah xubnaha lagu dilay sarkaal sare oo lagu magacaabo Axmed Jiis oo lagu eedeeyey inuu qorsheynayay falal argagixiso ah.
“Ciidanka Xoogga Dalka ayaa ku daba jira haraadiga kooxda Khawaarijta ee ku cararay duurka, iyadoo shacabka deegaanka uga mahadceliyey sida ay oganatahay soo afjiradda Khawaarijta waqtigooda dhamaaday ee Khawaarijta ah” ayaa lagu yiri warka ay baahisay DF.
AS kama hadlin weerarkan, loogamana baran iney ka hadlaan arrimaha noocan ah, hase ahaatee waxaa weerarkan uu ku soo aadayaa xili ciidamada xoogga dalka oo taageero ka helaya dadka hubeysan ee degaanka iyo ciidamada Mareykanka ay mudooyinkan howlgalo ka wadeen gobolada dhexe.
Qorax Madoobaadkii ugu xumaa mudo 375 sano ah oo laga arkay Latin America
Talaado-9-April ,2024 {HMC} Qorax madoobaad saacado kooban socday ayaa ka dhacay dalalka Waqooyiga Ameerika, gaar ahaan Mexico, Mareykan iyo Canada.
Goobtii ugu horreysay oo laga arkay waxay noqotay magaalada xeebta leh Mazatlan ee dalka Mexico oo guud ahaan mugdi habeen oo kale ah gashay muddo 4 daqiiqo ah, xilli ay saacado maraysay 11 barqonimo iyo siddeed daqiiqo, tan oo la sheegay inay ka dhalatay markii dayaxu uu isku aadiyey qoraxda.
Xaaladan ayaa la sheegay in sidoo kale laga arkay Mareykanka gaar ahaan gobollada Texas illaa Maine galabnimadii maanta.
Mareykanka ,Canada iyo Mexico ayaa la sheegay in 81.9 % qoraxdu way qarsoontay 1:45 duhurnimo ilaa 4:21 galabnimo ee maanta xiliga maxaliga ah
Marka xigta ee la qiyaasayo in qorax madoobaad kan la m mid ah uu ka dhaco dunida waxay nqoon doontaa sanadka 2045.
Qorrax madoobaadkan ayaa lagu tilmaamay kii ugu saameynta badnaa muddo 375 sano ah
Magaalooyinka qaar ee Maareykanka. Canada iyo Mexico ayaa wada mugdi noqday malaayiin qof ayaana iskugu soo baxay jidadka iyagoo gashan ookiyaaleyaal loogu talo galay in lagu fiiriyo qorax madoobaadka si ay u daawadaan.
Israa’iil oo dishay sarkaal ka tirsan Xisbullah
Talaado-9-April ,2024 {HMC} Ciidamada Israa’iil ayaa sheegay Isniintii inay fuliyeen duqayn dhinaca cirka ah oo ka dhacday Koonfurta Lubnaan, waxayna intaas ku dareen, inay dileen sarkaal sare oo ka tirsan ururka Xisbullah.
Israa’iil ayaa ku eedaysay sarkaalka ay dileen oo ay ku magcaabeen Cali Axmed Xassin, inuu ka tirsanaa ciidamada lagu magcaabo Radwan, isaga oo weeraro kala duwan ka fuliyey woqooyiga Israa’iil.
Ururka Xisbullah ayaa shaaciyey dhimashada mid ka mida saraakiishooda oo isla magacan wata, hase ahaatee faahfaahin intaas ka badan may bixinin.
Ciidamada Israa’iil ayaa sidoo kale weerar ku dilay laba qof oo kale.
Weerarada dhinaca xuduuda ee u dhexeeya Ciidamada Israa’iil iyo Xisbullah ayaa soo noqnoqonayey tan iyo lixdii bilood ee ugu dambeeyey ee uu socday dagaalka Qaza.
Boat accident off Mozambique leaves 100 dead
Tuesday 9, April ,2024 {HMC} At least 100 people died when an overloaded boat capsized and sank off the coast of Mozambique late Sunday, state-run Radio Mozambique reported, citing local officials.
Radio Mozambique on Monday quoted Silveiro Nauaito, administrator of Mozambique’s northern province of Nampula, as saying those aboard the boat, largely women and children, were traveling from the northern Lunga district to a small island off the coast known as Mozambique Island.
He said the 130 passengers were allegedly fleeing because of disinformation about a cholera outbreak and were headed to the island in search of health care.
Nauaito said rescue teams had found 12 survivors and were searching for more, but poor weather at sea was making the operation more difficult. He said 91 bodies were found on Sunday and six others early on Monday. About 40 bodies have been taken to either the island or the mainland, and burials of the victims have begun, he said.
Since January, Mozambique has been battling to contain a deadly cholera outbreak in its northern regions, a health crisis that has also affected neighboring countries such as Malawi and Zambia.
The secretary of state in Nampula province, Jaime Neto, told VOA in a telephone interview that the boat could have been hit by a giant wave but it was also overcrowded and not suitable for carrying passengers.
He also attributed the overcrowding of the boat to misinformation about the cholera outbreak. The vessel “was not prepared to take passengers. It ended up sinking and creating this situation that the province regrets.”
Boat travel is a major means of transport in Mozambique, which has a dilapidated road network. Accidents are common on the country’s rivers, lakes and Indian Ocean coast, with most due to poor maintenance of the vessels or overcrowding.
SOURCE VOA



