Home Blog Page 2620

{DHAGEYSO} Warka Subaxnimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn 05-04-2024

Jimco-5- April 2024-{HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Warka Subaxnimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn

Warka waxaa soo jeedinayo:Cabdiraxmaan Macalin Muuse

farsamadii;Abdiqani Osoble

HOOS KA DHAGEYSO WARKA SUBAXNIMO

 

Madaxweynaha Mareykanka Joe Biden oo ka dalbaday Israa’iil ilaalinta rayidka, iyo inay kala xaajoodaan Xamaas heshiis xabbad-joojineed

Jimco 5, April ,2024 {HMC} Madaxweynaha Mareykanka Joe Biden ayaa u sheegay Ra’iisul Wasaaraha Israel Benjamin Netanyahu Khamiistii in sii wadidda taageerada Mareykanka ee dagaalka Israel ay kula jirto Xamaas inay go’aamin doonto sida Israel ay u qaadato tallaabooyin cusub oo lagu ilaalinayo dadka rayidka ah ee Falastiiniyiinta ee ku nool marinka Gaza iyo shaqaalaha bini’aadantinimada ee isku dayaya inay cunto u keenaan.

Maalmo ka dib markii ciidamada Israa’iil ay qaadeen duqeymo cirka ah oo ay ku dhinteen todoba shaqaale ah oo ka hawlgelayey hay’adaha samafalka ee caalamiga ah, ayaa Aqalka Cad wuxuu sheegay in wadahadal dhinaca khadka telefoonka ah oo dhexmaray Biden iyo ra’iisal wasaaraha Israa’iil, inuu u bayaamiyey, “inaan la aqbali karin, duqaymaha loo geysanayo shaqaalaha hay’adaha samafalka iyo weliba xaaladda bini’aadanimo ee deegaanka ka jirta”

Aqalka Cad ayaa intaas ku daray in Biden uu ka dalbaday Israa’iil inay la yimaaddaan tallaabooyin cusub oo lagu ilaalinayo dadka rayidka ah iyo “Xabbad joojin degdeg ah” si loo soo afjaro colaadda socota muddada lixda bilood ah.

Waxa uu si cad u sheegay in siyaasadda Maraykanka ee ku aaddan xaaladda Gaza lagu go’aamin doono qiimayntayada la xidhiidha tallaabooyinka degdegga ah ee ay Israa’iil qaado.

Isagoo ku sugan Brussels, ayaa xoghayaha arrimaha dibadda ee Maraykanka Antony Blinken waxa uu u sheegay weriyayaasha, “Haddii aanaan arkin isbeddellada aan u baahannahay in la sameeyo, waxaa jiri doona isbeddello lagu sameeyo siyaasaddayada.”

Mar wax laga waydiiyay afhayeenka golaha amniga Qaranka John Kirby oo shir jaraa’id ku qabtay Aqalka Cad, in Maraykanku uu joojinayo kaalmada milatari ee uu siiyo Israa’iil, ayuu yidhi, “Ma doonayo in aan saadaaliyo go’aamo aan weli la gaarin, laakiin waxaa jira waxyaabo u baahan in la sameeyo. Dad badan ayaa la laayey.”

Ma jirin wax hadal ah oo ka soo baxay dawladda Israa’iil oo ku saabsan dalabaadka Mareykanka.

Muxuu ka yiri Madaxweyne Macron Xasuuqii Rwanda?

Jimco 5, April ,2024 {HMC} Madaxweynaha dalka Faransiiska Emmanuel Macron ayaa aaminsan in Faransiiska iyo xulafadiisa reer galbeedka iyo dalalka Afrika in “ay joojin kari lahaayeen” xasuuqii Rwanda ee dhacay sannadkii 1994-kii, balse aanay xilligaasi jirin doonis ku aaddan in la joojiyo xasuuqa lagu laayey illaa 800,000 oo qof oo u badan qowmiyadda tuutsiga, sida ay baahisay madaxtooyada dalkaasi Khamiistii.

Sarkaal u hadlay madaxtooyada Faransiiska oo ka gaabsaday in magaciisa la shaaciyo ayaa sheegay in muuqaal la baahin doono maalinta Axadda oo lagu beegayo 30 guurada ka soo wareegtay markii uu xasuuqaasi dhacay, in Macron, uu kaga hadlay “in markii uu bilaabmay xasuuqa ka dhanka ah Tuutsigu, in beesha caalamku ay lahayd habab ay ku ogaan karaysay ama ay wax kaga qaban karaysay xasuuqaasi”

Madaxweynaha Faransiiska ayaa aaminsan yahay in beesha caalamku ay xilligaas waayo aragnimo dheer oo taariikhi ah u lahayd xasuuqyadii caalamka hore uga soo dhacay.

Macron ayaa ku sheegaya muuqaalka la baahin doono “in Faransiiska oo tallaabo qaadi karayey iyo weliba saaxiibadiisa reer galbeedka iyo kuwa Afrika, inaanay sidaasi samaynin” sida uu sheegay sarkaalka u hadlay madaxtooyada Faransiiska ee ka gaabsaday in magaciisa la sheego.

Madaxweyne Macron ayaan ka qaybgeli doonin xafladda ballaadhan ee Axadda ka dhici doonta magaalada Kigali ee lagu xusi doono 30 guurada ka soo wareegtay markii xasuuqaasi dhacay, waxaa taas bedelkeeda Faransiiska meteli doonta wasiirka arrimaha debedda.

Macron ayaa sannadkii 2021, xilli uu safar ku tegey Rwanda, wuxuu qiray doorkii Faransiiska ee xasuuqaasi.

Laba qof oo midkood Turki yahay oo lagu dilay qarax ka dhacay duleedka Muqdisho.

Jimco 5, April ,2024 {HMC} Laba qof oo uu ku jiro muwaadin u dhashay dalka Turkiga ayaa lagu dilay qarax subaxnimadii Khamiista ka dhacay duleedka magaalada Muqdisho. Qofka labaad ee ku dhintay weerarka ayaa ahaa Soomaali.

Weerarkan ayaa dhacay xilli gaadiid ay la socdeen shaqaale iyo ilaalo amni oo ka tirsan hay’ad samafal oo laga leeyahay dalka Turkiga oo lagu magacaabo Verenel Association ay ku sii socdeen xeryo ay ku sugan yihiin dadka barakacayaasha ah ee ku sugan duyleedka Muqdishu.

Qaraxa ayaa ka dhacay halka lagu magacaabo Tabbeelaha, waxaana dadka baraacayaasha ah ee ku nool xeryo u dhow degaanka Garasbaalay ay u wadeen fitro loogu talogalay dadka baahan xilliga bisha Ramadaan, sida ay sheegeen booliiska iyo ilo wareed la socda shaqada hay’adda oo codsaday inaan magacooda la sheegin maadaama aan loo oggolayn inay la hadlaan saxaafadda.

Baabuurta ay la socdeen ayaa ka baxay laamida, waxaana ku qarxay miino la dhigay waddada dhinaceeda oo loo malaynayo in la hagayey.

Hay’adda Verenel Association ayaa qoraal ay soo dhigtay barta X oo horey loo oran jiray Twitter ku sheegtay in sarkaalka la dilay uu ahaa wakiilkoodii Soomaaliya Abdurrahim Yörük.

Afhayeenka Booliska Soomaaliya Cabdifitaax Aadan ayaa cambaareeyey weerarkaas, waxaana uu sheegay in dadka la bartilmaameedsaday ay ahayeen kuwo usoo gurmay dadka baahan ee Soomaaliya.

Hay’adaha samafalka ee dalka Turkiga ayaa si weyn usoo galay Soomaaliya wixii ka dambeeyey bishii Ogosto ee sannadkii 2011-ka markaas oo Muqdishu uu soo booqday Recep Tayyip Erdogan oo xilligaasi Turkiga ka ahaa Ra’iisul Wasaare, iyadoo booqashadaas iyo gargaarkii Turkiga ee daba socday ay gacan weyn ka gaysatay joojinta macluushii waddanka ku dhufatay.

Maamulka Puntland oo ka jawaabtay go’aanka DFS ee lagu xirayo qunsuliyada Itoobiya ee Garowe

Jimco 5, April ,2024 {HMC} Maamulka Puntland ayaa si cad uga soo horjeestay go’aankii maanta ka soo baxay dowlada Somalia ee lagu eryey danjirihii Itoobiy u joogay Muqdisho, lagu amray iney xirto qunsuliyadaha ay ku leedahay magaalooyinka Garowe iyo Hargeysa ee Maamulada Puntland iyo Somaliland

Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya ayaa Safiirka Itoobiya u joogay Muqdisho ku war-gelisay inuu dalka uga baxo muddo 72 saac gudahood ah, halka safiirka Soomaaliya u fadhiya Addis Ababa la faray inuu dib ugu soo laabto dalka,

Sidoo kale qunsuliyadaha Itoobiya ee Hargeysa iyo Garoowe la amray in lagu xiro muddo 7 maalmood gudahood ah, qaraarkaan ayaa maanta lagu gaaray shirkii Khamiis-laha ahaa ee golaha wasiirrada XFS.

Wasiirka warfaafinta Puntland Maxamuud Caydiid Dirir ayaa sheegay iney dowlada federaalka aysan awood u laheyn iney xirto qunsuliyadaha Itoobiya ee ka furan Garowe iyo Hargeysa.

Dirir ayaa intaas ku daray in dastuurkii isku hayey Somalia uu meesha ka saaray Madaxweyne Xassan Shiikh, uuna qortay dastuurka uu isagu sameystay sidaas awgeed Puntland aysan waxba ka khuseynin go’aanada ka soo baxa dowlada dhexe.

“Itoobiya iyo Soomaaliya khilaaf kama dhexeeyo ee waxaa khilaafku ka dhexeeyo waa Xassan shiikh iyo Itoobiya anagu nama khuseeyo” ayuu yiri Wasiirka warfaafinta Puntland Maxamuud Caydiid Dirir.

Cameroon and Chad government troops free scores of hostages

Friday 5,April 2024 {HMC} Troops from Chad and Cameroon have freed scores of civilians who were kidnapped for ransom or to fight with jihadist groups on both sides of the two central African states’ border.

Military officials from both countries say the number of civilian kidnappings has increased along the border, with several hundred people still in captivity.

Cameroon’s military said Tuesday it received five civilians — a 54-year-old man and four people between 17 and 24 years old — from Chadian government troops.

The five men, who were escorted to the office of the governor of Cameroon’s Far North region on Wednesday, were abducted this year from villages around Kousseri and Logone Birni, towns on the border with Chad, Cameroon government officials said.

Victor Boukar, one of the former hostages, said heavily armed men chained their legs every night and tied their hands with ropes during the day. He said they were tortured regularly and were given only one meal per day during their 70 days in captivity.

Boukar said captors regularly forced 35 captives, including seven women, to move to different localities on both sides of the Cameroon-Chad border to avoid government troops trying to rescue them.

Hostages whose families paid a ransom were abandoned in the bush, he said, adding that armed men have representatives who collect the ransom money in border towns and villages.

Last week, Chad said its troops launched attacks on border villages in Mayo Kebbi East and Mayo Kebbi West provinces where several hundred people were held hostage by armed gangs and jihadists. It said soldiers freed scores of civilians. Cameroonian nationals were returned to their home country, while Chadians were reunited with their families after receiving medical care.

Midjiyawa Bakari, governor of the Far North region, said Chad and Cameroon are reuniting to fight rebels and bring peace along their porous, 1,100-plus kilometer (680-mile) land border.

He said Cameroonian border troops will arrest or kill armed men and jihadists hiding in local towns and villages, and Cameroon is allowing Chadian troops to cross the border in hot pursuit of Boko Haram militants and armed gangs.

General Ahmat Kogri, a military adviser to Chad’s transitional president Mahamat Idriss Deby, told Chad’s state TV on Wednesday that Boko Haram militants have renewed attacks and abductions to acquire supplies, after their fire power was drastically reduced in battles with the Multinational Joint Task Force.

Kogri said forces fighting to restore peace have taken note that Boko Haram and its splinter jihadist groups are again attacking people and seizing goods. He said civilians should report all strangers in border towns and villages to government troops.

Boko Haram attacks began in Nigeria’s Borno state in 2009 and spread to Cameroon, Chad and Niger.

The United Nations says the Islamist insurgency has left more than 37,000 people dead, mainly in Nigeria, and displaced more than 3 million.

SOURCE VOA

{DAAWO MUQAALKA} Taliyaha Boliska Dagmada Hiliwaa oo Dil iyo dhac u geystay Ganacsade Reer Muqdisho ah ayaa la so taagay Maxkamada Ciidamada.

Jimco 5, April ,2024 {HMC} Taliyaha Booliska Dagmada Hiliwaa oo Dil iyo dhac u geystay Ganacsade Reer Muqdisho ah ayaa maanta la so taagay Maxkamada Ciidamada.

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA 

Maxaa ka taqaanaa Taariikha Agaasimaha Cusub ee Hay’adda NISA ?

Thursday 5, April ,2024 {HMC} Cabdullaahi Maxamed Cali Sanbaloolshe waa xildhibaanka kursiga tirsigiisu yahay HOP#058. Haddaba maxaan ka garaneynaa ama ugu waaweyn ee lagu xusuustaa ninkan oo horay u soo noqday agaasimaha hay’adda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka ee Soomaaliya, isagoo hadda markii saddexaad loo magacaabay?

Cabdullaahi Maxamed Cali, oo loo garan og yahay naaneystiisa “Sanbaloolshe” wuxuu 1968kii ku dhashay degmada Buulaburde ee gobolka Hiiraan.

Horay waxa uu u soo noqday wasiirka Amniga Qaranka ee dowladdii ku meel gaarka ahayd, xilligaas oo dhibaatooyin badan oo dhanka amniga ah ay waddanka ka taagnaayeen.

Waxaa kale oo uu Sanbaloolshe mar soo ahaa Danjirihii Soomaaliya u fadhiyay UK.

9-kii bishii July ee sanadkii 2014-kii ayaa markii ugu horreysay loo magacaabay agaasimaha Hay’adda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka, waxaana magacaabay madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud muddo xileedkiisii hore.

Muddo kooban ayuu sidoo kale xilkaas hayey xilligii xukuumaddii Xasan Cali Kheyre.

Markii saddexaad ayaa maanta loo magacaabay hay’adda NISA, oo ka mid ah laamaha ugu awoodda badan hay’adaha dowladda Soomaaliya.

Haddaba maxaa lagu xusuustaa Sanbaloolshe muddooyinkii uu ka soo shaqeeyay NISA?

Awood baaxad leh oo ku dhex yeeshay dowladdii Madaxweyne Xasan Sheekh ee muddo xileedkii hore, inta uu xilka taliyaha NISA hayay waxaa weerar lagu qaaday fariisimo ay lahaayeen ciidamo taabacsan Axmed Daaci oo ahaa guddoomiye degmo iyo Cabdiwali Qanyare oo ahaa xildhibaan, waxaana ka dhashay rabshado khasaare sababay.

Hase yeeshee, dhowr bilood ka dib, Golaha Wasiirrada ayaa xilka Agaasimaha NISA ka qaaday Sanbaloolshe, waxaana lagu baddalay Cabdiraxmaan Maxamuud Tuuryare.

 

Qaraxii isgoyska Soobe

Magaalada Muqdisho gaar ahaan isgoyska mashquulka badan ee Soobe, 14-kii Oktoobar sanadkii 2017-kii waxaa ka dhacay qarax ay ku hoobteen boqollaal qof dad aad u bandanna ay ku waxyeelloobeen.

Saameynta qaraxa waxa ay waddanka kajirtay muddo badan.

Xilligaasi waxaa taliyaha hay’adda nabad sugidda ahaa Cabdullaahi Maxamed Cali Sanbaloolshe, iyadoo muddo yar kadib xilka laga qaaday.

Markii bishii April madaxweyne Farmaajo uu u magacaabay Sanbaloolshe in uu noqdo taliyaha NISA ayaa sida uu sharciga qabo waxa laga codsaday in uu iska dhigo xilka dhildhibaannimada, taas oo uu sameeyay xilli dambe oo ku dhow marka xilka NISA laga qaadi doono.

Waxaase dhacay qaraxii Soobe ee saameynta dhaliyay, iyadoo isla bishaas Oktoobarna shaqada laga eryey Sanbaloolshe.

Dhaliishii sirdoonka reer galbeedka

Cabdullaahi Maxamed Cali Sanbaloolshe, taliyaha Hay’adda Sirdoonka Soomaaliyeed ayaa qoray qormo dheer oo uu kaga faallooday xaaladda ciidamada sirdoonka ee dalka arrimo la xiriira sirdoonka reer galbeedka.

Qormada ayaa lagu daabacay wargeyska New York Times ee dalka Mareykanka ka soo baxa.

Waxa uu ka warbixiyay xaaladda ay ku shaqeeyaan ciidamada Soomaaliya, siiba kuwa sirdoonka iyo denbi baarista, wuxuuna caddeeyay in ka sokow iyagoo aan qaadan mushaar aanay heysan qalabkii ay wax ku baari lahaayeen.

Taliyaha NISA ayaa qormadiisa ku sheegay awoodda sirdoonka Soomaaliya sida ay u kooban tahay iyo inaysan heysan qalabkii u saamixi lahaa inay baaritaan sax ah ku sameeyeen qaraxyada dhaca iyo dabagal, wuxuuna eedeyn u jeediyay Khubradda qaraxyada dalalka reer Galbeedka oo uu sheegay inay baaritaanka iskood ugu sameeyeen qaraxyada Muqdisho iyagoo aan wax warbixin ah la wadaagin dowladda Soomaaliyana.

Salbaloolshe, waxa uu sidoo kale qormada ku sheegay xiriir uu la sameeyay hay’adda Dembi baarista Mareykanka ee FBI-da oo uu ka codsaday inay ka taageeraan ka hortagga qaraxyada Baabuurta miineysan balse aan wax jawaab ah loo soo celin.

Hadda, Golaha Wasiirrada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa ansixiyey magacaabista Agaasimaha cusub oo ay yeelatay Hay’adda Nabadsugidda iyo Sirdoonka Qaran ee NISA.

Xigasho BBC

Somalia expels Ethiopian ambassador, orders closure of two consulates

Thursday 4,April 2024 {HMC} Somalia said it expelled Ethiopia’s ambassador in Mogadishu and ordered the closure of two consulates — one each in the semi-autonomous Puntland region and the breakaway Somaliland region — in a dispute over a port deal.

“The plain interference of Ethiopia’s government in the internal affairs of Somalia is a violation of the independence and sovereignty of Somalia,” said the office of Somalia’s prime minister in a statement Thursday.

The decision followed a cabinet meeting chaired by Prime Minister Hamza Barre in Mogadishu.

A separate statement by Somalia’s foreign ministry said it had ordered Ethiopian Ambassador Muktar Mohamed Ware to leave the country within 72 hours, effective Thursday.

In an interview with VOA Somali, Somalia’s information minister, Daud Aweis Jama, said the decision came as Ethiopia continued to interfere in Somalia’s internal affairs.

“Nowadays Ethiopia has been repeatedly violating Somalia’s national, territorial independence. Therefore, the government has taken this decision to close two Ethiopian consulates and send [the] Ethiopian ambassador in Mogadishu and their diplomatic staff back to their country,” said Aweis.

Tension has been simmering

Tensions have been growing between Ethiopia and Somalia since January, when Ethiopian Prime Minister Abiy Ahmed signed “a memorandum of understanding” with Somaliland President Muse Bihi Abdi, who had been visiting Addis Ababa.

Both Ethiopia and Somaliland authorities described it as a “historic” initial agreement that would give Somaliland a path to recognition and allow landlocked Ethiopia to have access to the Red Sea.

Ethiopia said it wanted to set up a naval base there and offered possible recognition of Somaliland in exchange.

Somaliland has operated independently from Somalia since 1991 but is not recognized by any other country as a sovereign state.

The Somali government strongly rejected the memorandum of understanding and recalled its ambassador in Ethiopia in protest.

A month later, in February, Somalia’s President Hassan Sheikh Mohamud called the deal illegal and said that his country would “defend itself” if Ethiopia goes ahead with it.

Mohamud also said at the time, he did not plan to kick Ethiopian diplomats out of the country.

FILE – Somalia President Hassan Sheikh Mohamud addresses members of parliament in Mogadishu, Somalia, Feb 21, 2024.

Today’s government decision, however, came a day after the semi-autonomous state of Puntland, which is also a federal member state, announced it had signed a new cooperation agreement with Addis Ababa.

Puntland, whose relationship with Mogadishu has been marred by political disputes, said days ago that it had withdrawn from the country’s federal system and that it would govern itself independently, following a dispute over constitutional changes approved by Somalia’s bicameral parliament.

“Somalia’s federal government is responsible for the country’s foreign affairs and we consider any agreement a country signs with a different side or a region a clear violation against Somali sovereignty,” said Aweis.

In response to today’s government decision, Puntland Information Minister Mohamud Aidid Dirir accused Mogadishu of trying to assert its control on “a territory it does not govern.”

“Mogadishu has failed to eradicate terrorist groups and spread governance across the country and now it is trying to impose its decisions on a peaceful region that does not run with its orders. It cannot close a consulate in Puntland,” Aidid told VOA.

In an interview with VOA Somali, Somaliland Deputy Foreign Minister Rhoda Jama Elmi described Mogadishu’s decision as “a mere dream.”

The “Mogadishu government had nothing to do with opening of the Ethiopian consulate in Somaliland and its decision has nothing to do with us. It has no impact on Somaliland,” she said.

According to Reuters, Ethiopia’s foreign ministry spokesperson, Nebiyu Tedla, said it did not have information on the Somali government decisions.

Meanwhile, the Somali Cabinet of Ministers approved the appointment of Abdullahi Mohamed Ali Sanbaloolshe as the new director of the National Security and Intelligence Agency of Somalia (NISA), during the council’s weekly meeting in Mogadishu on Thursday.

The newly appointed director has previously held the position of NISA’s director twice and has served in other roles, including minister and ambassador. Currently, he is a member of the lower house.

According to the country’s constitution, the prominent member of parliament, a close ally of President Mohamud, will automatically lose his parliamentary seat.

The new director will replace Mahad Mohamed Salad, who vacated the position, citing personal and future political plans. Government sources who asked for anonymity said Salad intends to run for the leader of Galmudug regional state in an election this year.

SOURCE VOA 

IMF ends Ethiopia visit, deal not yet secured

Thursday 4,April 2024 {HMC}  The International Monetary Fund concluded its visit to Ethiopia to discuss a request for IMF support on Tuesday without reaching an agreement, leaving the East African nation short of a commitment it made with its official international creditors.

“The team made substantial progress towards establishing how the IMF could support the authorities’ economic program,” and discussions will continue later this month in Washington, the IMF said.

But the Paris Club of developed creditor nations, which does not include China, said last year that an agreement to suspend Ethiopia’s debt payments through 2025 could be voided if the country did not secure an IMF loan by March 31.
It was not clear whether Paris Club members would enforce that deadline. Ethiopia reached a separate debt-service suspension deal with China earlier in 2023.

Ethiopia has been without an IMF program since its last lending arrangement with the fund expired in late 2022.

In December, Ethiopia became the third African nation to default in as many years after it failed to make a coupon payment on its $1 billion Eurobond.

Ethiopia’s economy is reeling from high inflation, a shortage of hard currency and growing external debt repayments, after the federal government and a rebellious regional government signed a deal in late 2022 to end two years of armed conflict.

The country’s external debt totaled $28.2 billion at the end of March, according to government data, including a $1 billion international bond maturing in December 2024 .

Between 2006 and 2022, Chinese lenders had committed to extending more than $14 billion in loans to the country, according to Boston University.

Reporting by Jahnavi Nidumolu in Bengaluru; Writing by Duncan Miriri; Editing by Hugh Lawson and Bill Berkrot