Home Blog Page 2653

Kulanka Golaha Wasiirada Jubbaland oo looga hadlay arrimaha Amniga Maamulkaas.

Khamiis-28-March-2024 {HMC} Madaxweyne ku xigeenka 1-aad ahna ku simaha Madaxweynaha Dowladda Jubaland Mudane Maxamuud Sayid Adan ayaa maanta shir-gudoomiyey kulanka Golaha Wasiirada oo lagaga hadlay qodobo kala duwan oo ay kamid yihiin arrimaha Siyaasadda iyo Amniga ee deegaanada Jubaland.

 

Wasiirka kuxigeenka Wasaaradda Amniga Gudaha Jubaland ayaa ka warbixiyey xaaladda Amni iyo sida Ciidamada ay qayb lixaad leh oga qaateen sugida Amniga xili lagu guda jiro bisha barakeysan ee Ramadaan, howlgaladii ugu dambeeyey ee ay sameeyeen ciidamada Jubaland gaar ahaan Ciidamada ku sugan Deegaanka Barsanguuni iyo degmooyiinka Afmadow iyo Dhoobley isagoo ka warbxiyay guud ahaan Degmooyinka gobolka Gedo.

 

Intii uu shirku socday golaha Wasiirada Dowladda Jubaland ayaa ansixiyey xeerka Booliska oo ay soo gudbisay Wasaaradda Amniga Gudaha.

 

Wasaaradda Haweenka, Arrimaha Qoys iyo Xuquuqul Insaanka Dowladda Jubaland ayaa golaha u soo jeedisay in la meelmariyo xeerkii Gudniinka Fircooniga ee ay soo gudbiyeen bishii February 2024, sidoo kale wasaarada ayaa soo jeedisay xukunada baal marsan Arrimaha Xuquuqul Insaanka Aadanaha ee Maxkamada.

 

Putin oo ku hanjabay inuu soo ridi doono diyaaradaha F-16 ee Reer Galbeedka

Khamiis-28-March-2024 {HMC}  MOSCOW — Madaxweyne Vladimir Putin ayaa sheegay in Russia aysan qorsheyneyn inay weerarto dal ka mid ah NATO, ama Poland, amd dalalka Baltic ama Jamhuuriyadda Czech, balse haddii Reer Galbeedka ay Ukraine siiyaan diyaaradaha F-16, ay ciidamada Ruushka soo ridi doonaan.

Duullaankii Ruushka ee Ukraine ee bishii Febraayo 2022 ayaa kiciyay xasaraddii ugu xumeyd ee xiriirka Ruushka iyo Reer Galbeedka tan xasaraddii gantaalaha Cuba ee 1962-kii.

Isagoo la hadlayay duuliyayaasha ciidamada cirka ee Ruushka, Putin waxa uu sheegay in isbahaysiga milatari ee Maraykanka uu hogaaminayo ay usoo ballaaranayeen dhanka bari ee Ruushka tan iyo dhicistii Midowgii Sofiyeeti ee 1991-kii balse Moscow aanay qorshaynayn in ay weerarto dal ka tirsan NATO.

“Ma lihin ujeeddooyin gardarro ah oo ku wajahan dalalkan,” ayuu yiri Putin, sida ku cad qoraal Kremlin uu baahiyey Khamiista maanta ah.

“Fikradda ah inaan weerari doonno qaar ka mid ah dalal kale – Poland, Dalalka Baltic, iyo Czech ee laga baqayo – waa wax aan macno lahayn. Waa uun nacasnimo.”

Kremlin-ka, oo Mareykanka ku eedeeya in uu la dagaallamayo Ruushka, isagoo ku taageeraya Ukraine lacag, hub iyo sirdoon, ayaa sheegay in xiriirka Washington uu marayo halkii ugu xumeyd.

Mar wax laga weydiiyay diyaaradaha dagaalka F-16 ee reer galbeedku ay balan qaadeen in ay u diri doonaan Ukraine, Putin waxa uu sheegay in diyaaradaha noocaan ah aysan waxba ka bedeli doonin xaaladda Ukraine.

“Haddii ay siiyaan F-16, arrintan oo ay ka hadlayaan, oo ay u muuqdaan inay tababarayaan duuliyeyaasha, tani ma beddeli doonto xaaladda furimaha dagaalka,” ayuu yiri Putin.

“Waxaan u burburin doonnaa diyaaradahan sida aan maanta u burburinay taankiyada, baabuurta gaashaaman iyo qalab kale oo ay ku jiraan gantaallo badan.”

Putin ayaa sheegay in F-16 ay sidoo kale xambaari karaan hubka Nukliyeerka.

“Dabcan, haddii lagu isticmaali doono garoommada diyaaradaha ee dalal saddexaad, waxay noo noqon doonaan bartilmaameedyo sharci ah, meel kasta oo ay ku yaalliin,” ayuu yiri Putin.

Hadalka Putin ayaa daba socday hadal uu goor hore oo maanta ah jeediyay wasiirka arrimaha dibadda ee Ukraine Dmytro Kuleba oo ahaa in diyaaradaha F-16 ay soo gaari doonaan Ukraine bilaha soo socda.

Ukraine, oo hadda in ka badan laba sano ku jirta dagaal buuxa oo ka dhan ah Ruushka, ayaa raadinaysay F-16 muddo bilo ah.

Belgium, Denmark, Norway iyo Netherlands ayaa ka mid ah dalalka ballan-qaaday inay ku deeqi doonaan F-16. Sidoo kale dalal badan ayaa ballan-qaaday inay ka caawin doonaan Ukraine inay u tababaraan duuliyayaashooda.

{DHAGEYSO} Warka Habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn 27-03-2024

Khamiis-28-March-2024 {HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Wark Habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn.

Warka waxaa soo jeedinayo :Abdiqani osoble

Farsamadii : Abdiraxmn macalin muuse

HOOS KA DHAGEYSO WARKA HABEENIMO

{DAAWO MUQAALKA} Wararkii Ugu Dambeeyay Caalamka iyo Soomaaliya 28 3 2024

0

Thursday -28-March-2024 {HMC} Wararkii Ugu Dambeeyay Caalamka iyo Soomaaliya 28 3 2024

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

{DAAWO MUQAALKA} Dhagax jibis 1-0 dhuurta Tartanka Ramadan Cup garoonka Xaawo-Taako Baladwayne.

0

Thursday -28-March-2024 {HMC} Dhagax jibis 1-0 dhuurta Tartanka Ramadan Cup garoonka Xaawo-Taako Baladwayne.

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

{DAAWO MUQAALKA} Magaalada Caabud waaq oo lagu Qisaasay Axmed Cabdi Cismaan oo Horay Dil u Geeystay.

0

Thursday -28-March-2024 {HMC} Magaalada Caabud waaq oo lagu Qisaasay Axmed Cabdi Cismaan oo Horay Dil u Geeystay.

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

{DAAWO MUQAALKA} Daad ku dhuftay Dalka Jabuuti iyo xaalad quus ah oo ka taagan

0

Thursday -28-March-2024 {HMC}  Daad ku dhuftay Dalka Jabuuti iyo xaalad quus ah oo ka taagan

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

{DAAWO MUQAALKA} Xuska Shuhadadii Ahlusunna uga geeriyootay dagaalladii AS oo lagu qabtay Guriceel

0

Thursday -28-March-2024 {HMC} Xuska Shuhadadii Ahlusunna uga geeriyootay dagaalladii AS oo lagu qabtay Guriceel

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

{DAAWO MUQAALKA} Odayaasha dhaqanka KGS oo baaq nabadeed ka soo saaray dagaal beeleed ka dhacay Diinsoor

0

Thursday -28-March-2024 {HMC} Odayaasha dhaqanka KGS oo baaq nabadeed ka soo saaray dagaal beeleed ka dhacay Diinsoor

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

{DAAWO MUQAALKA} Xil Cali Xaaji habka gudniinka Maxadweyne mabadeli karo Dastuur mabadeli karo umadina mabadeli kart

0

Thursday -28-March-2024 {HMC} Xil Cali Xaaji habka gudniinka Maxadweyne mabadeli karo Dastuur mabadeli karo umadina mabadeli kart

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA