Jimco-29-March-2024 {HMC} Shil ay ku dhinteen ku dhawaad Kontan qof oo ka dhacay Buundadaan.
HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA
Jimco-29-March-2024 {HMC} Shil ay ku dhinteen ku dhawaad Kontan qof oo ka dhacay Buundadaan.
Warka waxaa soo jeedinayo:Cabdiraxmaan Macalin Muuse
farsamadii;Abdiqani Osoble
Jimco-29-March-2024 {HMC} Mustaf Maxamed oo loo yaqaan Nakuja ayaa qoraal uu soo dhigay bartiisa Facebook ku shaaciyay inuu isaga fariistay xulka qaranka Soomaaliya Talaadadii, go’aankaas oo dad badan ku noqday mid lama filaan ah.
Mustaf Nakuja waxa uu xulka qaranka goolhaye u soo ahaa in ka badan toban sano, isaga oo sanadkii 2013-kii ku soo biiray, waxa uu waayihii dambe soo noqday goolhayaha koowaad ee xulka qaranka.
Waxa uu ku dhawaaqay arrintaas ka dib markii ay xulka qaranka ee Ocean Stars barbardhac 2-2 ah la gashay eSwatini lugtii labaad ee isreeb reebka AFCON 2025 oo lagu ciyaaray garoonka Mbombela ee dalka Koonfur Afrika.
Qoraal kooban oo uu kusoo qoray bartiisa Facebook ayuu ku yiri, “Waxaan ciyaarayay kubadda cagta muddo dheer, waxaanan cadeynayaa in ka soo muuqashadeydii xulka qaranka ay dhamaatay.”
Mustaf Nakuja oo sidoo kale ka dheela heerka labaad ee Sweden gaar ahaanna kooxda IFK Berga ayaa ka warramay waxa ku qasbay ka fariisashadiisa deg degga ah ee xulka qaranka.
“Xulka qaranka waxa aan u soo ciyaarayay muddo dheer, go’aankan waa macquul in uu bulshada Soomaaliyeed kedis ku noqday laakiin xaggeyga ma ahan mid deg deg aan ku qaatay oo waa mid aan muddo ka soo shaqeynayay, waana ku faraxsanahay in ciyaarteydii ugu dambeysay ay ku soo dhammaatay bar-barro wallow aan guulsha ka sii jeclaa,” ayuu sheegay .
Hase yeeshee Mustaf ayaa la arkayay iyadoo lagu dhaleeceynayo kubbad uu si qalad ah ugu gacan geliyay ciyaaryahan ka tirsan xulka eSwatini taas oo gool loogu beddelay.
Inkastoo Soomaaliya ay ciyaarta ka soo kabsatay kuna dhamaatay barbarro 2-2 ah ka dib markii ay laba gool oo soo daahay dhalisay, haddana waxaa jiray dareen guud oo ay qabeen taageerayaasha kubbadda cagta Soomaaliya oo sheegay in qaladkii uu Mustaf sameeyay ay guusha ku raacday kooxda.
Mustaf oo arrintaasi ka hadlay ayaa yiri, “Majirto caqabad iyo dhaleeceyn ama niyad jab igu qasbay in aan ciyaaraha qaranka isaga fariisto, waxa aan jecleystay in aan u gudbo qaybaha kale ee nolosheyda sida, waxbarasho iyo guur, sidoo kale waxa aan jecleystay in aan fursad siiyo ciyaartoyda kale ee ila midka ah, waan jeclahay xulkeyga qaranka taageero ayaan u ahay waana u ahaan doonaa.
Waxa uu ka hadlay kaliya in joojintiisa ay ku egtahay si guud ciyaaraha kubadda cagta iyo in kaliya uu joojiyay u safashada qaranka.
“Waxa aan hadda ka ciyaarayaa koox ka dhisan dalka Sweden, waxa aan kula jiraa heshiis hal sano ah, waxa aan isku dayi doonaa in aan burburiyo heshiiskaas haddii ay macquul ii noqoto, anigu kaliya kama fariisan kulamada qaranka ee waxa aan doonayaa in aan soo gabo gabeeyo waayahayga kubadda cagta”, ayuu yiri Mustaf Nakuja.
Mustaf ayaa u soo guuray Sweden 2020-kii kadib markii uu Nybro IF kaga soo biiray kooxda Heegan horyaalka dalka ee Somali Premier League. Hal sano ayuu ku qaatay Nybro IF ka hor inta uusan u wareegin Osakrshamns AIK 2021-kii. Kadib wuxuu ka tagay Osakrshamns AIK 2023 si uu ugu biiro naadigiisa hadda, IFK Berg
Mustaf ka hor inta uusan u ciyaarin Heegan waxa uu xirfadiisa ciyaareed ka soo bilaabay kooxda Midnimo,kadib waxa uu u wareegay Jeenyo oo uu saddex xilli ciyaareed ku qaatay ka hor inta uusan u wareegin Heegan.
Waxa uu taageerayaasha iyo bahda xiiseysa kubadda cagta ugu baaqay in ay ahmiyad siiyaan, kana soo muuqdaan ciyaaraha, haddii ay ahaan lahayd heer qaran ama horyaalka dalka.
“Dhawaan waxaa dalka ka dhacay ciyaarihii maamul goboleedyada, waxa ay lahaayeen xiiso iyo xamaasad, waxaana u yeelay taageerayaasha, sidaas oo kale waxaan ugu baaqi lahaa in ay taageero weyn u muujiyaan xulka qaranka iyo ciyaaraha kale ee kulamada horyaalka”, ayuu sii raaciyay.
“Waxaan u mahadcelinayaa xiriirka Soomaaliyeed ee kubada cagta iyo dhammaan xubnihii aan la soo shaqeeyay sanadihii aan kooxda ka tirsanaa,” ayuu Mustaf ku soo gunaanaday hadalkiisa.
Dhinaca kale waxa uu baaq u diray dowladda iyo xiriirka kubadda cagta isaga oo ugu baaqay in ay tayeeyaan ciyaaraha iyo ciyaartoyda iyo sidoo kale isboortiga Soomaaliyeed.
Jimco-29-March-2024 {HMC} Booqasho aan caadi ahayn, markab dagaal oo ay leeyihiin ciidamada badda ee Ruushka ayaa gaaray dekedda weyn ee badda cas ee Massawa ee dalka Eritrea, iyadoo ay gobolka ka taagan tahay xiisad ka dhalatay maleeshiyada Xuutiyiinta ee ay taageerto Iiraan.
Markii uu markabka dagaalka ee Shaposhinkov khamiistii yimid Massawa, madaxda ciidamada Eritrea iyo saraakiisha ayaa qaabilay. Sidoo kale waxaa goobjoog ka ahaa safiirka Ruushka ee Eritrea.
Sida laga soo xigtay Wasiirka Warfaafinta ee Eritrea, markabkan ayaa ka mid ah maraakiibta Ruushka ee mara badweynta Pacific-ga
“Wuxuu ku sugnaan doonaa dekeddaas muddo shan maalmood ah si loogu dabaaldego 30 sano oo xiriir diblomaasiyadeed oo u dhexeeya Ruushka iyo Eritrea” Wasiir Yemane Gebremeskel ayaa ku qoray boggiisa X (Twitter-kii hore).
Ciidamo ka tirsan kuwa badda ee Mareykanka ayaa la geeyay badda cas iyo gacanka cadmeed si ay u ilaaliyaan maraakiibta ganacsiga iyo kuwa militariga ee ku socdaalaya dariiqa ganacsi ee muhiimka u ah weerarada Xuutiyiinta.
Eritereeya ayaa indhaheeda ku arkaysay joogitaanka ciidamada reer galbeedka ee gobolka si xamaasad leh. Dalka ku yaalla Geeska Afrika ayaa dhawaan xiriir dhow la yeeshay Moscow.
Xuuthiyiinta oo maamula waqooyiga Yemen ayaa weeraro ku qaada maraakiibta mara badda cas, iyagoo ka jawaabaya dagaalka Qasa. Dagaalyahanadu waa qayb ka mid ah ‘ dhidibka iska caabinta’ ee ka dhanka ah Israa’iil.
Jimco-29-March-2024 {HMC} Shirkadda diyaaradaha ee Emirates Airlines ayaa been abuur ku tilmaantay in mid ka mid ah diyaaradooda ay shil ku sigatay iney hawada Soomaaliya shil ku gasho
Hay’adda Duulista iyo Madaarrada Somaliland ayaa laba maalin ka hor sheegtay in qalad ay galeen hagayaasha diyaaradaha ee garoonka Muqdisho ay sababi gaartay in ay isku dhacaan laba diyaaradood, oo ay leeyihiin Emirates Airlines iyo Ethiopian Airlines.
Afhayeen u hadlay Emirates Airlines oo la hadlay wargeyska Gulfnews ee ka soo baxa dalka Imaaraadka Carabta ayaa sheegay in aysan waxba ka jirin warka la xiriira sigashada isku dhaca labada diyaaradood.
Wuxuu tilmaamay in diyaaradaha Emirates Airlines ay leeyihiin nidaam ka ilaalinaya inay galaan khadka ay ku jiraan diyaaradaha kale, sida u ku warramay.
Saraakiisha Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliya ee SCAA ayaa dhankooda laga soo xigtay in aysan jirin wax qaladaad dhankooda ah oo sababi gaaray isku dhaca diyaaradaha, iyagoo intaa ku daray in labada diyaaradood ee la sheegay in ay isku dhici gaareen aysan isku jiho u socon, iyagoo warka ka soo baxay Somaliland ku sifeeyey dacaayad raqiis ah.
Jimco-29-March-2024 {HMC} Maxkamadda ugu sarraysa Qaramada Midoobay ayaa Khamiistii ku amartay Israa’iil inay furto qaybo badan oo ka mida xuduudda laga galo Qaza, si loo ogolaado inay halkaas ka gudbaan gargaar dheeri ah oo la gaadhsiiyo dadka baahan ee Falastiiniyiinta ah.
Amarkan oo ay soo saartay maxkamadda caddaaladda dunida ee Qaramada Midoob ay ee fadhigeedu yahay Hague, ayaa fartay Israa’iil “inay qaaddo dhammaan tallaabooyinka lama huraanka ah, iyaga oo aan dib u dhigaynin, si ay u hubiyaan, ” in gargaarka degdegga ah si dhakhso ah gudaha loo gaadhsiiyo, gaar ahaan, waxyaabaha daruuriyaadka ah ee ay ku jiraan, cuntada, biyaha, shidaalka iyo daawooyinku.
Maxkamadda ayaa ku amartay Israa’iil inay si degdeg ah u hubiso “inaanay ciidamadooda milaterigu aanay ku kicin falal xadgudub ku ah xuquuqda dadka Falastiiniyiinta ah ee ku nool marinka Qaza, maadaama oo ay ka mid yihiin dadka uu ilaalinayo Axdiga ka hortagga iyo ciqaabidda dembiyada la xidhiidha xasuuqa ee caalamiga ah.
Maxkamadda ayaa sidoo kale u sheegtay Israa’iil, inay maxkamadda warbixin ku soo celiso, muddo bil gudaheeda, gaar ahaan habka ay u hirgelinayso amarkan.
Israa’iil ilaa haatan wax falcelina oo degdeg ah kama bixinin amarka ka soo baxay maxkamadda caddaaladda dunida, hase ahaatee waxay si adag u beenisay inay geysatay wax xasuuq ah, muddada lixda bilooda ee ay dagaalka ka waddo marinka Qaza. Israa’iil ayaa maxkamadda ku boorisay inaanay soo saarin amaro cusub.