Home Blog Page 2651

Dowlada Soomaaliya oo Ka Hadshay wax ka beddelka dastuurka.

Jimco-29-March-2024 {HMC} – Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay in wax wada-tashi ah uusan ka maqneyn wax ka beddelka dastuurka Soomaaliya, oo haatan maraya meel xasaasi ah.

 

Wasiirka Dastuurka iyo Caddaaladda Xukuumadda Soomaaliya Xasan Macallin Maxamuud oo arrintaan ka hadlay ayaa sidoo kale waxa uu tilmaamay in howsha wax ka beddelka dastuurka ay soo idlaatay, ayna u harsan tahay oo keliya in baarlamaanka uu meel-mariyo.

 

“Waa dhamaatay doodda dib u eegista wax ka beddelka dastuurka, waxaana haatan loo gudbay in baarlamaanka uu meel-mariyo dib u eegista lagu sameeyay dastuurka,” ayuu yiri wasiirka dastuurka iyo cadaaladda Soomaaliya.

 

Sidoo kale waxa uu ku tilmaamay arrintaan “tallaabo taariikhi ah oo aan Soomaaliya horey uga dhicin,” isagoo hoos u dhigay diidmada Puntland ee dastuurka, oo uu sheegay inau horey qeyb uha aheyd wada-tashiyaddii dib u eegista dastuurka.

 

Sidoo kale waxa uu ku dooday in aysan macquul noqon karin in geeddi socodka ummadda Soomaaliyeed uu la hayste u noqdo diidmada maamulka Puntland.

 

“Haddii xubin xubnaha kamid ah ay go’aansato inay ka maqnaato inay doorkeeda qaadato, xubintaasi Soomaalida inteeda kale iyo geeddi socodkiiyoo dhan ma iyaduu Hostage (la-hayste) u noqonayaa? Aniga meel ay macquul ka tahay u malayn maayo,” ayuu yiri wasiirka.

 

Waxa uu intaas kusii daray “Puntland waxay matalaad ku leedahay labada aqal ee baarlamaanka, kuwaasna ay yihiin kuwa ku ma talaya doodda dastuurka ee haatan go’aan gaaristeeda uu taagan yahay.”

 

Ugu dambeyntiina waxa uu maamulka Puntland oo meel adag iska taagay wax ka beddelka dastuurka ku eedeeyay “in si iskeed ah u diiday ka qeyb noqoshada geeddi socodka dib u eegista dastuurka oo markii hore ay qeyb ka aheyd.

 

“Dowladda marar badan ayay Putin ugu yeertay shirka golaha wadatashiga qaran,” ayuu yiri wasiirka dastuurka iyo cadaaladda Soomaaliya Xasan Macallin Maxamuud.

Milateriga Israel oo Wali Sii Wada Xadgudubyada uu Ka Geeysanayo Isbitaalka Al-Shifa.

Jimco-29-March-2024 {HMC} Duqeymo ay bilaabeen militariga Israa’iil ayaa lagu dilay shaqaale caafimaad, bukaanno iyo dad gabaad ka dhiganayay Isbitaalka go’doonsan ee Al-Shifa, ee waqooyiga Gaza, sida ay sheegeen saraakiisha caafimaadka Falastiin.

 

Duqeynta Israa’iil ayaa sidoo kale waxyeeleysay dhismaha qalliinka ee Al-Shifa, sida ay sheegtay wasaaradda caafimaadka ee Gaza.

 

Dadka deegaanka ayaa CNN u sheegay Khamiistii in dab xooggan uu ka kacay agagaarka isbitaalka. Mid ka mid ah qoysaska ayaa sheegay in agagaarka Al-Shifa, boqolaal meyd ah ay daadsan yihiin.

 

“Waxa jira inta u dhaxaysa 150 ilaa 200 oo shahiido ah oo ku sugan waddada. Waxaan ugu baaqaynaa dalalka Carabta inay hurdada ka kacaan oo ay is weydiiyaan ilaa intee ayuu sii socon doonaa dhiiggan daadanaya? ayuu yiri mid ka mid ah qoyska, Samiir Al-Ajour.

Qof kale oo ay qaraabo yihiin oo lagu magacaabo Fahmi Al-Ajour ayaa sheegay in gabadhiisa iyo wiil yar oo uu dhalay la dilay. “Waa wiilka keliya ee aan haysto,” ayuu yiri.

 

Duqeymo ay Israa’iil ka geysatay magaalada Xalab ee dalka Suuriya waxaa ka dhashay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac, sida ay sheegtay warbaahinta dowladda

 

Duqeymo is xig xiga oo ay Israa’iil la beegsatay goobo ku dhow magaalada Xalab ee dalka Suuriya ayaa sababay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac oo soo gaaray dad rayid ah iyo askar, sida ay sheegtay wakaaladda wararka ee Suuriya ee SANA.

 

Sida laga soo xigtay ilo militari oo ay soo xigatay SANA, diyaaradaha dagaalka Israel ayaa bilaabay weerar abaaro 1:45 gelinkii dambe ee xalay wakhtiga maxaliga ah, iyagoo ka soo qaaday jihada Athriya, ee koonfur bari ee Xalab.

 

Israa’iil si cad ugamay hadlin weerarkan hase ahaatee waxay sanado badan duqeymo cirka ah ka wadda Suuriya si ay u beegsato kooxaha ay Iran ay taageerto.

 

Dhinaca kale, Ururka Xisbullah ayaa iyana sheegay in duqaymo cirka oo ay Israa’iil fulisay ay ku dileen lix xubnood oo ka tirsan kooxdaas

 

Ururka Xisbullah ee dalka Lubnaan ayaa ku dhawaaqay dhimashada lix ka mid ah xubnahooda.

 

Dhanka Telegram-ka, kooxdu waxay ku shaacisay magacyada xubnaha la dilay oo kala ah Ahmed Jawad Shehimi, Mustafa Ahmed Makki, Ibrahim al-Zeen, Ali Muhammad al-Haf, Mustafa Ali Nasif iyo Ali Abdel Hassan Naciim.

 

Heyadda QM u qaabilsan gargaarka Falastiin ee UNRWA waxay sheegtay in shaqada Gaza ay ka heyso sii yaraanayso sababo la xiriira diidmada Israel ee ah inay la shaqeyso hay’adda

 

Tan iyo markii ay Israa’iil ku dhawaaqday todobaadkii hore inay joojinayso dhammaan wada shaqayntii ay la lahayd hay’adda UNRWA, shan codsi oo ah inay galaan waqooyiga Qaza waa la diiday. Intaa waxaa dheer, baabuurta xamuulka ah ee hay’adda ayaa weli taagan El Arish oo ku taal dhinaca Masar ee xadka, iyagoo sugaya inay galaan Gaza.

 

Alrifai ayaa intaa ku daray in celcelis ahaan 155 baabuur ay galaan Gaza maalin kasta balse tiradan ayaa ah mid aad uga fog 500 oo baabuur oo ay QM ku qiyaastay in ay yihiin kuwa ugu yar ee loo baahan yahay marka loo eego duruufaha ka jira Gaza.

 

“Isku day kasta oo cunto lagu geliyo Gaza waa la soo dhaweynayaa, laakiin habka ugu fudud, ugu dhaqsaha badan uguna jaban waa in la isticmaalo meelo dhulka ah,” ayuu yiri afhayeenku.

{DAAWO MUQAALKA} Salmaan Shiine “Hooyadey dayac ayay u dhimatay, jirkeeda ayaa mid mid u go’ay”

0

Jimco-29-March-2024 {HMC} Salmaan Shiine “Hooyadey dayac ayay u dhimatay, jirkeeda ayaa mid mid u go’ay”

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

{DAAWO MUQAALKA} Wararka ugu Waa Weyn Soomaaliya iyo Caalamka 29-03-2024

0

Jimco-29-March-2024 {HMC} Wararka ugu Waa Weyn Soomaaliya iyo Caalamka 29-03-2024

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

Muxuu yahay nidaamka cusub ee lagu soo dooranayo madaxweynaha Soomaaliya ee baarlamaanka la horgeeyay?

Jimco-29-March-2024 {HMC}  Dastuurka cusub ee ay madaxtooyada iyo xukuumadda Soomaaliya soo bandhigeen waxay ku doonayaan inay nidaamka dalka uga raraan nidaamka baarlamaaniga ah iyadoo loo guurayo habka madaxtooyada. Haddaba, qormadayda 5aad, waxaan uga jawaabayaa su’aalahan: Waa maxay ujeeddada geeddigan loo galayo? Maxaa ka dhalan kara? Ma jiraa hab kale oo la isku waafaji karo aragtiyaha kala duwan ee ka jira fagaaraha siyaasadda?

Ujeeddada Loogu Guurayo Nidaamka Madaxtooyada

Bishii May ee sanadkii 2023 ayaa subax lagu waabariistay heshiis ay gaareen madaxda Golaha Wada-Tashiga Qaranka oo aysan ku jirin Puntland. Heshiiskaas waxaa lagu sheegay in loo guurayo nidaamka madaxtooyada.

Waxaa jira saddex sababood oo loo qaateen ah oo keenaya in nidaamka baarlamaaniga ah ee hadda jira in dib loo qiimeeyo.

1. Inta badan waxaa iska-horyimaad madaxwenaha iyo Ra’iisul-Wasaaraha. Dalku wuxuu yeeshay lix madaxweyne iyo 15 ra’iisul-wasaare tan iyo markii Carta lagu dhisay jamhuuriyadda saddexaad sanadkii 2000. Madaxweyne baarlamaan doortay iyo Ra’iisul-Wasaare uu Madaxweyne magacaabay oo uu baarlamaan kalsooni siiyey ayaa mar walba qoorta isla-gala. Sidaa darteed, nidaamkani ma sii jiri karo. Waa sabab macquul ah.

2. Isma-keenayaan habka madaxweynaha lagu soo doorto iyo awoodaha uu leeyahay ee fulineed. Madaxweynaha waxaa soo doorta xubnaha baarlamaanka oo tiro ahaan ah 330 xubnood. Xubnahani ma aysan ku imaan doorasho dadweyne sida baarlamaannadii Soomaaliyeed ee 1960-69. Waxay ku yimaadaan hab jacbur ah. Waxayna ku doortaan hab iibsi iyo musuq-maasuq ah madaxweyne leh awood fulineed oo buuxda.

Marka waxaa muddo dheer jirtay soo-jeedinno ku doodaya ha la baddalo habkan oo ha loo guuro nidaamyada jira midkood. Waxaa loo guuri karaa nidaamka baarlamaaniga oo uu ra’iisul-wasaare ku yimaad codka dadweynaha oo madax ka ah xisbiga guuleysta uu hoggaaminayo hey’adda fulinta. Waa nidaam la yaqaan oo dalal badan oo ay ka mid yihiin Boqortooyada Ingiriiska iyo Canada adeegsadaan. Waxaa kale oo loo guuri karaa nidaamka madaxtooyada oo ah kan ay hadda dowladdu soo jeedisay. Habab kale oo isku-karis ahna waa la sameyn karaa.

3. Danta weyn ee ku riixaysa madaxda dowladda dastuurkan cusub waa wax-ka-baddalka nidaamka lagu soo dooranayo madaxweynaha. Weli ma dhicin madaxweyne markaas xukunka jooga oo teendhada lagu dooranayo madaxweynaha guul kala dheelmaday. Waxaa abuurmay dhaqan-siyaasadeed oo baarlamaan kasta oo cusub oo la soo xulo madaxweynaha markaas xukunka jooga waa ay ridaan oo waxay doortaan mid cusub. Weliba, marka laga reebo Madaxweyne Xassan Sheekh, ma jiro madaxweyne dib loo doortay. Isaguna wuxuu bannaanka joogay oo uu xukunka ka maqnaa hal xilli oo uu madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo xukumayey dalka.

Haddaba, Madaxweyne Xassan Sheekh iyo taageerayaashiisu waxay ku doodayaan inaan teendhadii lagu noqon oo waxay leeyihiin ha loo guuro nidaam madaxtooyo oo uu dadku soo doorto. Waxay is-tuseen inay taasi uga fursad roon tahay inay ku tartamaan nidaamkii madaxweynaha lagu dooranayey ilaa 1960-kii oo uu Madaxweyne Xassan Sheekhna ku yimid. Tan ayaa ah xuddunta ama lafdhabarta hawsha socota ee dastuurka oo dhan loo baddalayo.

Dabcan, hannaanka madaxtooyada in la qaato dhib ma ahan. Waxaase muuqda in dowladdu nidaamyada xisbiyada, doorashooyinka iyo madaxtooyada iskugu sooheyso sida ay iyaga dantu ugu jirto. Waxaana muuqata inay samaysanayaan nidaam iyaga u daneynaya sidii ay xukunka ugu soo noqon lahaayeen. Waa xisaab ku dhisan waxaa codeynaya dadka magaalooyinka waaweyn jooga. Taas ayeyna u arkeen inay ugu badiso. Waa arrin la fahmi karo.

Waddada loo maray waa qardajeex. Iyadoo sababaha aan soo sheegay ka duuleysa ayay dowladdu soo jeedisay in la guuro. Waxay goosatay inay samayso dastuur cusub oo dantaas iyo kuwa kale oo badan oo ay ka mid yihiin xisbiyada iyo nidaamka doorashada ay ku jiraan. Dhanka kale, lama soo bandhigin cilmi-baaris lagu sahmiyey nidaamkani inuu ka roon yahay kuwa kale. Lama sharxin sababaha aan nidaamyada kale loo eegin.

 

Maxaa ka Dhalan Kara?

Dabcan sababaha aan ku sharxay kor ee lamahuraan ka dhigaya in dib loo qiimeeyo badidoodu waa macquul. Waana talo fiican haddii lagu heshiiyo habka loo guurayo iyo halka la abbaarayo. Taasise ma dhicin. Haddaba, haddii habkan qarda-jeexa ah ah lagu hirgeliyo nidaam madaxtooyo waxaa ka dhalan kara afar arrimood.

Kow, burburka dalka waxaa xuddun u ah xukun lagu diriray. Askartii qabsatay dalka 1969 kii waa ay diiday inay xukunka shacabka ku celiso. Dadkii xukunka danaynayey waxay la galeen nidaamkii militariga dagaal hubeysan. Waana lagu burburay. Iyadoo taas la xusuusan yahay ayaa dowlad-dhiska Soomaalida waxaa lagu saleeyey aragti dib-u-heshiineed iyo isku-jiid-jiid kooxaha isku haya xukunka dalka. Nidaamka madaxtooyada iyo habka loo marayo dastuur-sameyntuba waxay ku dhissan yihiin habka is-maquuninta iyo isku-itaal-sheegashada.

Labo, maaddaama uu dalku weli nugul yahay, waxaa ka dhalan kara in siyaasiyiinta iyo beeluhuba ku kala qeybsamaan. Taasi waxay sii fogeyneysaa rajada laga qabo in dowladnimadu hana-qaado. Waana muuqataa oo siyaasiyiin dan ka leh xukunka ayaa si weyn uga horyimid nidaamka. Madaxweyneyaal hore, Shariif Sheekh Ahmed iyo Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa si cad u sheegay inay ka soo horjeedaan habka ay dowladdu wax u waddo. Ra’iisul-Wasaare hore Xassan Cali Kheyre iyo Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur iyo siyaasiyiin kale oo farabadan ayaa iyaguna ka hor yimid. Saciid Cabdullaahi Deni oo ah madaxweynaha Puntland ayaa warqad diginin ah soo saaray. Waxaana dhici karta inay gobollada qaar ama beelaha qaar ay qabaan tabashooyin u gooni ah. Marka lagu daro Madaxweyne Xassan Sheekh waa intii 2022 ku tartantay xukunka.

Saddex, waayadan dambe, Soomaalida ayaa doodi jiray oo dabadeedna xal jacbur gaari jiray. Haddii ay madaxda dowladdu xakamayn waayaan khilaafka, waxaa dhici karta in faragelin ka timaad beesha lixaad ay timaado. Waana tan uu Madaxweyne Farmaajo ka digayey. Tusaale dhowna waxaaba u ah doorkii ay beesha caalamku ka qaadatay khilaafkii siyaasadeed ee dhacay xilligii Madaxweyne Farmaajo.

Ugu dambeyn, waxaa ka imaan kara in waqti badan oo loo baahna uu ku lumo oo ay dowladdu ka mashquusho hawlaha kale ee waaweyn ee ay masuulka ka tahay. Runtiina, waaba ay dhacday. Dhanka kale, waxaa iyaduna iman karta in nidaam kasta oo yimaad uu isku dayo inuu sameysto xeerar uu xukunka ku sii baahsan karo.

 

Maxaa Xal ah?

Jawaabtu waa laba heer. Tan hore, waa yaa ka heshiinaya, sideese looga heshiinayaa habka loogu tartamayo siyaasadda iyo nidaamka dalka lagu maamulayo? Madaxda dowladdu waxay rabaan inay iyagu kaligood dejiyaan xeerarka hagaya tartanka, ayna ciyaaraan iyagoo koox ah, dabadeedna ay garsooraan iyagoo adeegsanaya guddiyada maamulayo tartanka. Taas sax ma aha.

Sideedaba siyaasadi waxay ka dhexeysaa qolada markaas xukunka joogta oo rabta inay sii joogaan iyo mucaarad doonaya inay ka qaataan. Sanadkii 2022, waxaa doorashadii Soomaalidu dhextiil lixdii kooxood ee ay hoggaaminayeen lixdii musharrax ee helay codadkii ugu badnaa. Siyaasadda maanta joogtana waxaa muuqda inay weli is-hortaagan yihiin lixdii kooxood iyo lixdii siyaasi ee hoggaaminaysay.

Dabcan, waxaa jiri kara kuwa kale oo danaynaya inay soo baxaan. Haddase waxaa u cod-dheer lixdaas kooxood. Tan kale, waxaa door leh madaxda maamul-goboleedyada iyo xildhibaannada labada gole. Madaxweyne Xassan Sheekh waa inuu kooxaha ay siyaasadda isku hayaan uu kala heshiiyo xeerar taran oo loo siman yahay. “Waa siyaasiyiin shaqa la’aan ah” ma soconeyso, doorkii horena Madaxweyne Farmaajo uma shaqeyn.

Dhanka nidaamka ku habboon Soomaaliya xilligan la joogo waxaan u arkaa inuu yahay nidaamka baarlamaaniga ah ee leh muuqaalka madaxtooyada. Waxaa isticmaala nidaamkan dalka Koonfur Afrika. Waxaa tartamaya xisbiyo abaabulan oo leh anshaxa xisbiyada. Hoggaamiyaha xisbiga ku guuleysta doorashada ayaa noqonaya madaxweyne, waxaana codka kama-dambeysta siinaya baarlamaanka. Dabcan, xubnaha xisbigu ma ka leexan karaan rabitaanka xisbiga oo kuraasta xisbiga ayaa iska leh ee xildhibaanku ma laha. Weliba waa lagu salayn karaa dhaqan-siyaasadeedka Soomaalida. Waase in la iska warsado.

Haddii ay madaxweyne Xassan Sheekh iyo madaxda mucaaradku xaldoon yihiin waa ay sahlan tahay in xal la helo.

Afyare Cabdi Cilmi waa macallin cilmi-baare ah oo ka tirsan Jaamacadda City ee Muqdisho. Wuxuu ku taqasusay cilmiga siyaasadda, wuxuuna PhD ka qaatay Jaamacadda Alberta, Canada. Wixii aragti ah waxaa gaar u leh qoraaga, mana ka turjumeyso aragtida BBC.

{DHAGEYSO}Warka Duhurnimo ee Radio Hiiraanweyn{ 29 03 2024}

Jimco -29-March-2024 {HMC}  Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Warka Duhurnimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn

Warka waxaa soo jeedinayo:Cabdiraxmaan Macalin Muuse

farsamadii;Abdiqani Osoble

HOOS KA DHAGEYSO WARKA DUHURNIMO

{DAAWO MUQAALKA} Xaaladda Jabuuti oo quus taagan iyo war cusub oo kasoo kordhay daadadka.

0

Jimco-29-March-2024 {HMC} Xaaladda Jabuuti oo quus taagan iyo war cusub oo kasoo kordhay daadadka.

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

{DAAWO MUQAALKA} Raxmo Jiirow” Waxaan guul ku gaari karnaa in Dadka AS Yaqaan Talada loo Dhiibo”

0

Jimco-29-March-2024 {HMC} Raxmo Jiirow” Waxaan guul ku gaari karnaa in Dadka AS Yaqaan Talada loo Dhiibo”

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

 

{DAAWO MUQAALKA} Xal lagu dheereynayo dadka ay gaabnida ciishay oo la helay

0

Jimco-29-March-2024 {HMC} Xal lagu dheereynayo dadka ay gaabnida ciishay oo la helay

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

Sudan: Magaalooyin iyo goobo kale oo si ula kac ah loo gubay sababo dagaal darteed

Jimco-29-March-2024 {HMC}  Koox u dooda xuquuqda aadanaha oo falanqeysa baraha bulshada iyo sawirada dayax gacmeedka ayaa sheegay in in ka badan boqol tuulo oo ku yaala galbeedka Sudan la gubay tan iyo markii uu bilowday dagaalka sokeeye, ee dalkaas ka socday tan iyo sannadkii hore.

Cilmi-baadhayaal ka tirsan xarunta u adkeysiga macluumaadka ayaa sheegay in dabka loo isticmaalay sidii hub dagaal. si ula kac ah guryaha iyo dadkaba loo gubay.

Sidaa darteed, kumannaan qof ayaa laga saaray guryahoodii. Inta badan tuulooyinkaas iyo goobaahaas la gulau ayaa ku yaal gobolka Daarfuur.

Kooxdan ayaa sheegtay in hal magaalo oo lagu magacaabo Misterei si qorshaysan loo gubay, waddo illaa ka waddana dabka la is gaadhsiiyey. Falalkan ayaa badanka lagu eedeeyey malleeshiyaad Carab ah, iyo kooxda sida milleteriga u tababaran ee RSF, inkasta oo ay iska fogeeyeen hawshaas.