Thursday -28-March-2024 {HMC} Ninkii dilay Wariye Bulxan oo goordhow dil toogasho lagu fuliyay.
{DAAWO MUQAALKA} WAR DEG DEG AH Dil toogasho ah oo lagu fuliyay ninkii dilay AUN Samafale Wariye Abdikariin Bulxan
Thursday -28-March-2024 {HMC} WAR DEG DEG AH Dil toogasho ah oo lagu fuliyay ninkii dilay AUN Samafale Wariye Abdikariin Bulxan
HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA
{DAAWO MUQAALKA} Xil Aamina Jaamac Omar ” Aniga oo xanuunsan ayaan u imaaday inaan wax ka ansixiyo Dastuurka”
Thursday -28-March-2024 {HMC} Aamina Jaamac Omar ” Aniga oo xanuunsan ayaan u imaaday inaan wax ka ansixiyo Dastuurka”
HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA
{DAAWO MUQAALKA} Xildhibaan faaduno ” Hala keeno Darawalkii Farmaajo Haddii kale …….”
Thursday -28-March-2024 {HMC} Xildhibaan faaduno ” Hala keeno Darawalkii Farmaajo Haddii kale …….”
HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA
D. Caabudwaaq Labo Qof Ayaa Xukn Dil ah Lagu Fuliyay kidib Markii Lagu Helay Dil Aay Horay u Geesteen.
Thursday -28-March-2024 {HMC} Waxaa maanta xukun dil ah degmada Caabudwaaq ee gobolka Galgaduud lagula fuliyay labo nin oo lagu helay in dilal bareer ahaa u geesteen labo qof oo shacab ahaa , kuwaa oo maalmo kahor maxkamadda gobolka Galgaduud xukunno dil ah ku riday.
Fagaare kuyaalla bannaanka degmada Caabudwaaq ayaa lagu toogtay Cabdixakiin Axmed Cigaal oo maalmo kahor dil bareer ah ugu geestay Caabudwaaq Wariye Samafale Cabdikariin Axmed Bulxan.
Waxaa sidoo kale xukun dil ah isna lagu fuliyay maanta Axmed Cabdi Cismaan oo isna lagu helay sidoo kale qirtay in dil bareer ah degmada Caabudwaaq ugu geestay marxuum Bashiir Hurre.
Fagaaraha toogashada ka dhaceysay waxaa ku sugnaa masuuliyiin iyo saraakiil katirsan maamulka degmada Caabudwaaq, maxkamadda gobolka Galgaduud, ehelada ragga la tooganayay iyo ehelada marxuumiinta iyo dadweyne kale.
Shacabka ku dhaqan degmada Caabudwaaq ayaana soo dhaweeyay in xukun dil ah lagu fuliyo of kasta oo dil bareer ah geesta, waxa ayna xuseen in xukunnadan meesha ka saari doonaan dilalka sida micno darrada ah u dhici jiray.

{DAAWO MUQAALKA} Gudiga Dib u eegista Dastuurka oo Baarlamaanka u Gudbiyey Nuqulka kama Dambeeysta ah.
Thursday -28-March-2024 {HMC} Gudiga Dib u eegista Dastuurka oo Baarlamaanka u Gudbiyey Nuqulka kama Dambeeysta ah.
HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA
Maxaa Ka Jiro in Xasan Sheekh iyo Abiy Axmed aay ku kulmayaan dalka Jabuuti?
Thursday -28-March-2024 {HMC} Dowladda Jabuuti ayaa war cusub oo xasaasi ah kasoo saartay xiisadda diblumaasiyadeed ee u dhexeysa dalalka Soomaaliya iyo Itoobiya ee ka dhalatay heshiiska badda ee ay wada gaareen Abiy Axmed iyo madaxweynaha Somaliland.
Wasiirka arrimaha dibadda Jabuuti Maxamuud Cali Yuusuf oo wareysi siiyay warbaahinta ayaa shaaca ka qaaday in kulan u dhexeeyo Xasan Sheekh iyo Abiy uu martigelinayo dalkiisa, balse ma shaacin goorta uu dhacayo.
Maxamuud Cali Yuusuf ayaa xaqiijiyay in kulankan uu daba socdo kulan kale oo ay horay ugu yeesheen dalka Kenya, sida uu hadalka u dhigay.
Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray kulanka ka dhaca Jabuuti diiradda lagu saari doono xalinta khilaafka xoogan ee u dhexeeyo labada dal, ayna qayb ka tahay dadaalkaas Kenya.
Wasiirka Arrimaha Dibadda Jabuuti oo hadakiisa sii wata ayaa xusay in gobolka ay ka jiraan dhibaatooyin kale, isla markaana aan loo baahneyn in xaaladda looga sii daro.
“Gobolka wuxuu lahaa dhibaatooyin badan, dooni mayno dagaal cusub oo ka dhaca gobolka” ayuu yiri wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya.
Dhinaca kale waxaa wasiirku mar kale uu ku celiyay mowqifka dowladda Jabuuti ee ixtiraamka madax bannaanida Soomaaliya.
Si kastaba, illaa iyo hadda ma jiro wax hadal ah oo kasoo baxay dowladda Soomaaliya oo ku aadan kulankaas, balse horay madaxweyne Xasan ayaa u sheegay inuu wadahadal la geli doonin ra’iisul wasaaraha Itoobiya illaa uu ka laabto heshiiska badda ee Somaliland.
Xil Labada Gole oo Maanta Soo Gabagabeeyay KA Doodista Dastuurka KMG
Thursday -28-March-2024 {HMC} Xildhibaanada golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa maanta soo gabagabeeyay ka doodistii wax ka bedelka Dastuurka KMG , waxaana la filayaa in Sabtida xildhibaanada u codeeyaan wax ka bedelka Dastuurka lagu sameeyay.
Cutubka 4-aad ee Dastuurka KMG oo muran xooggan ka taagnaa qodobada qaar ayaa isbadal lagu sameeyay, waxaana la kordhiyay tirada xisbiyada Qaran oo markii hore ahaa labo , balse hadda laga dhigay ilaa saddex xisbi.
Waxaa sidoo kale cutubkan lagu caddeeyay in Madaxweynaha uu ku imaan doono doorasho dadweyne, waxa uuna Madaxweynaha la doorto awood u yeelan doonaa in uu magacaabo Ra’isul Wasaraaha sidoo kale uu xilka ka qaadi karo.
Cutubka 4-aad ee Dastuurka ayaa sidoo kale lagu caddeeyay in muddada xil heynta Madaxweynaha la doorto ee Soomaaliya ay noqon doono shan sanno, halka markii hore ay aheyd afar sanno.
Madaxtooyada Soomaaliya ayaa si weyn ugu ololeeneysa wax ka bedelka Dastuurka KMG , waxaana arrintan iyana kasoo horjeeda qaar kamid ah siyaasiyiinta Soomaaliyeed ay hormuud u yihiin madaxdii hore ee dalka iyo mMadaxweynaha Puntland.
Halkan ka Akhriso Cutubka 4-aad iyo qodobada ku xusan

{DHAGEYSO}Warka Duhurnimo ee Radio Hiiraanweyn{ 28 03 2024}
Thursday -28-March-2024 {HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Warka Duhurnimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn
Warka waxaa soo jeedinayo:Yaasiin Cali Axmed
farsamadii;Abdiqani Osoble
HOOS KA DHAGEYSO WARKA DUHURNIMO
{DAAWO MUQAALKA} Duqa Magaalada Baladweyne” Garoonka Diyaradaha waa in Siyaasada laga Madax-baaneeya,”
Thursday -28-March-2024 {HMC} Duqa Magaalada Baladweyne” Garoonka Diyaradaha waa in Siyaasada laga Madax-baaneeya,”



