Home Blog Page 2656

{DAAWO MUQAALKA} Wiil Soomaali ah oo duuliye ka ah dayaarada ugu waaweyn Afrika

0

Thursday -28-March-2024 {HMC} Wiil Soomaali ah oo duuliye ka ah dayaarada ugu waaweyn Afrika

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

{DAAWO MUQAALKA} Ciidamada Dowlada oo Maanta Howlgalo Culus ka wado Deegaanada Jubaland.

0

{DAAWO MUQAALKA} Ciidamada Dowlada oo Maanta Howlgalo Culus ka wado Deegaanada Jubaland.

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

{DAAWO MUQAALKA} Shiikh Mahad” Maxaa ka Xaaran ah qofka Sooman Maalintii.

0

Thursday -28-March-2024 {HMC} Shiikh Mahad” Maxaa ka Xaaran ah qofka Sooman Maalintii.

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

Shir Looga Hadlayo Amaanka oo Baladweyne Lagu qabtay.

Thursday -28-March-2024 {HMC} Guddoomiyaha cusub ee Gobolka Hiiraan Muuse Salaad Wehliye ayaa shir guddoomiyay shirka amniga gobolka Hiiraan kaasi oo Manta Lagu qabtay Magaalada Baladweyne. Shirkan waxaa ka qeeyb galay Taliyaasha Ciidamada Booliska, Nabad-sugida iyo kuwa Xooga Dalka Soomaaliya.

Taliyaha Guutada 5aad ee Ciidamada Xooga Dalka Korneel Maxamuud Xasan Ibraahin {Baakay} Taliyaha qeeybta Ciidamada Booliska Gobolka Hiiraan Korneel Isaaq Cali Cabdi, Taliyaha Ciidamada Nabad-sugida Magaalada Baladweyne Dhame Aweeys Maxamed Cali iyo Taliyaha Saldhiga Booliska Baladweyne Dhame Cabdullaahi Maxamed ayaa Shirka Goob jog ka ahaa iyo Masuuliyiin kale.

Guddoomiyaha cusub ee gobolka Hiiraan Muuse Salaad Wehliye Ayaa ugu baaqay Saraakiisha Ciidamada ay ay kordhiyaan Amaanka Magaalada Baladweyne, waxaana uu sheegay in dhawaan la bilaabi doono howlgal ka dhan Ah kooxda As.

{DAAWO MUQAALKA} Caro ka dhalatay sigsaan lagu qoray magaca ilaahay oo lagu iibiyay dal Islaam ah

0

Thursday -28-March-2024 {HMC} Caro ka dhalatay sigsaan lagu qoray magaca ilaahay oo lagu iibiyay dal Islaam ah

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

{DAAWO MUQAALKA} Uganda oo shaqaalaha dowladda ku amartay inay jimicsi sameeyaan.

0

Thursday -28-March-2024 {HMC} Uganda oo shaqaalaha dowladda ku amartay inay jimicsi sameeyaan.

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

{DAAWO MUQAALKA} Dowlada Jabuuti oo Billaabeeysa dhex dhaxaadinta Soomaaliya iyo Itoobiya.

0

Thursday -28-March-2024 {HMC} Dowlada Jabuuti oo Billaabeeysa dhex dhaxaadinta Soomaaliya iyo Itoobiya.

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

bankigii ugu horreeyay ee ribo la’aan ah oo laga furay Uganda

Thursday -28-March-2024 {HMC} Madaxweynaha Uganda, Yoweri Museveni, ayaa si rasmi ah xarigga uga jaray bankigii ugu horreeyay abid oo ribo la’aan ah oo dalkaasi laga furo.

Salaam Bank Limited, oo laga leeyahay dalka Jabuuti, waa kii ugu horreeyay ee adeeg banki oo Islaami ah ka bixinaya dalkaas.

Mr Museveni ayaa sheegay in bankigan uu gacan ka geysanayo horumarka dalka uuna soo jiidan doono maalgashadayaal Muslimiin ah.

Bishii September sanadkii hore, Salaam bank ayaa la siiyay shatigii ugu horreeyay kaddib markii baarlamaanka Uganda uu meel mariyay sharciga oggolaanaya adeegyada banki ee Islaamiga ah.

Maxeey Ka Kadhaheen Ururada aan dowliga ee Marooko Xukunka Mawaadiniin U dhashay Marooko ee Puntland Xukuntay

Thursday -28-March-2024 {HMC} Ururada aan dowliga ahayn ee ka jira dalka Marooko ayaa ugu baaqay dowladooda inay soo faragaliso oo ay ka hortagto xukun dil ah oo lagu riday lix qof oo u dhashay dalka Morocco.

War qoraal ah oo ay si wadajir ah u soo saareen waxay ku sheegeen inay ka war heleen xukun ay maxkamada ciidamada qalabka sida ee Puntland ay soo saartay 2-dii bishan March, kaasoo lix qof oo u dhashay dalka Marooko ku xukuntay dil toogasho ah oo lagu eedeeyay inay ka tirsan yihiin kooxda Daacish.

Waxay intaas ku dareen in qaar ka mid ah eedaysanayaasha ay sheegeen inay u yimaadeen inay shaqo raadiyaan, isla markaana aanay garanayn ujeeddada ay dadkaas Daacish u qorteen.

Qareenkooda ayaa xaqiijiyay inay doonayaan inay dib ugu laabtaan Morocco, wuxuuna sheegay inay marin habaabiyeen kooxda xagjirka ah ee Daacish.

Ururada Moroccan, oo ay ku jiraan Isbahaysiga Morocco ee ka soo horjeeda ciqaabta dilka (CMCPM), Ururka Caddaaladda ee Maxkamada Caddaaladda iyo Shabakadda Qareenada ee ka soo horjeeda Ciqaabta Dilka, ayaa cambaareeyay xukunka dilka ah ee lagu soo rogay Moroccans, iyagoo sheegay inay ka soo horjeedaan xukunka ay Puntland ku ridday muwaadiniinta u dhashay Morocco.

Waxay ugu baaqeen mas’uuliyiinta Morocco inay qaadaan tillaabooyin degdeg ah oo lagu badbaadinayo nolosha muwaadiniintooda, dibna loogu celinayo dalkooda.

Shaqaalaha markabka MV Abdullahi oo qarka u saaran in uu raashinka ka go’.o

Thursday -28-March-2024 {HMC}  Koox burcad-badeed Soomaali ah ayaa dhawaan afduub u geesatay markabka MV Abdullahi oo laga leeyahay dalka Bangaladesh, markabkan ayaana la afduubtay xilli uu ka shiraacday dekad kutaalla dalka Muzambique kuna sii jeeday dalka Imaaraadka.

Bur-cad badeeda Soomaalida ee afduunka u geesatay markabka iyo shaqaalaha saaran ayaa ka dalbaday malkiilayasaha iska leh markabkaasi in ay bixiyaan lacag madax-furasho ah si loo sii daayo markabka iyo dadka la socda.

Shaqaalaha markabka saaran ayaa hadda waxaa kasii dhamaanaya raashinka iyo saadkii kale ee cuni lahaayeen, waxaana la sheegay in hadda qarka u saaran yihiin shaqaalaha markabka in raashinka ka go’.

Markabka shaqaalaha la socda ayaa la sheegay in raashinka ay sahay ahaanta u wateen uu ku filnaa muddo 25-cisho ah, hasa ahaatee waxaa la sheegay in hadda raashinkaasi ay la isticmaalayaan kooxda burcada ah ee afduubka u heesata iyaga iyo markii ay la socdeen.

Ehelada bad-maaxiyiinta iyo shaqaalaha kale ee la socda markabka MV Abdullaahi ayaa ka walaacsan xaalada ay ku sugan yihiin dadkan gacanta ugu jira burcad-badeeda Soomaalida, waxa ayna dalbadeen in laga shaqeeyo xal kasta oo lagu badbaadin karo.