Home Blog Page 2657

{DAAWO MUQAALKA} Waa Kuma Wiilka ku Guuleystay abaal-marin lacageed oo gaareysa 20,000 oo doollarka Mareykanka ah.

Thursday -28-March-2024 {HMC} Waa Kuma Wiilka ku Guuleystay abaal-marin lacageed oo gaareysa 20,000 oo doollarka Mareykanka ah.

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

{DAAWO MUQAALKA} Kulan lagu Xusayey Dadkii ku dhintay Dagaalada As ee Galmudug oo dhuusamareeb lagu qabtay.

Thursday -28-March-2024 {HMC} Kulan lagu Xusayey Dadkii ku dhintay Dagaalada As ee Galmudug oo dhuusamareeb lagu qabtay.

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

{DAAWO MUQAALKA} Ardayda Degmada jalalaqsi oo ka hadlay Macailinkii AS ay Dileen

Thursday -28-March-2024 {HMC}  Ardayda Degmada jalalaqsi oo ka hadlay Macailinkii AS ay Dileen

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

{DAAWO MUQAALKA} Muqdisho oo ay ka Billaabatay Wacyi Galinta Ciidanka Booliska

Thursday -28-March-2024 {HMC} Muqdisho oo ay ka Billaabatay Wacyi Galinta Ciidanka Booliska

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

{DHAGEYSO} Warka Subaxnimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn 28-03-2024

Thursday -28-March-2024 {HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Warka Subaxnimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn

Warka waxaa soo jeedinayo:Mustaf cali Cadoow

farsamadii;Abdiqani Osoble

HOOS KA DHAGEYSO WARKA SUBAXNIMO

Maxaa Ka Jiro in Soomaaliya iyo Iran aay dib usoo celinayaan xiriirkooda?

Thursday -28-March-2024 {HMC} Dowladda Soomaaliya ayaa lagu soo warramayaa in ay diyaar u tahay xiriir diblomaasiyadeed oo ay mar kale la yeelato Jamhuuriyadda islaamiga ah ee Iran.

Labada dowladood ayaa sidoo kale lagu wadaa in ay bilaabaan diyaarinta heshiisyo iskaashi oo dhexmara, sida ay wakaaladda wararka Iran ee IRNA ka soo xigatay safiirka Iran u fadhiya Nairobi Ali Gholampour, oo sidoo kale qaabilsan arrimaha Soomaaliya.

Arrintan ayaa imaneysa ayada oo dhowr maalin kahor xabsi ku yaalla Muqdisho laga sii daayay 33 kalluumeysato iyo badmaaxayaal u dhashay Iran, kuwaaso loo xiray inay si sharci darro ah uga kalluumaysanayeen xeebaha Soomaaliya sannadkii hore.

Soomaaliya ayaa xiriirka u jartay Iran bishii Janaayo sannadkii 2016, ayada oo cayrisay diblomaasiyiin reer Iran ah, islamarkaana xirtay hay’adda Iman Khomeini Foundation oo ka howl-galaysay Muqdisho.

Dowladda Federaalka ayaa tallaabadaas sabab uga dhigtay “farogelinta joogtada ah ee Iran ay ku hayso” arrimaha gudaha ee Soomaaliya.

Isla maalinkii ay Soomaaliya xiriirka u jartay Iran, waxay lacag $50 milyan oo dollar oo deeq ah ay ka heshay Boqortooyada Sacuudi Carabiya.

Si kastab,a Dowladda Soomaaliya ayaa beenisay inuu xiriir ka dhaxeeyo go’aanka ay xiriirka ugu jartay Iran iyo taageerada dhaqaale ee Sacuudiga, iyadoo wasaaradda arrimaha dibadda Sacuudiga ay diiday inay ka hadasho.

Bishii Maarso, 2023, Iran iyo Sacuudi Carabiya ayaa ku heshiiyey in dib loo soo celiyo xiriirkii go’ay 2016-kii, islamarkaana dib loo furo safaaradaha labada dal.

Sacuudi Carabiya ayaa xiriirka u jartay Iran 2016-kii kadib markii safaaraddeeda Tehran ay ku xoommeen shacab intii uu socday muran u dhaxeeyey labada dal oo ka dhashay markii Riyadh ay xukun dil ku fulisay wadada shiico ah.

sarkaal sare oo Loo Xiray Xog La xiriita HIV,AIDS

Thursday -28-March-2024 {HMC} Magaalada Hargaysa waxaa lagu xiray sarkaal sare oo ka tirsan booliska Somaliland.

Gaashaanle dhexe Cabdisalaan Caydiid Cumar {Diinqale} looma xirin fal uu gaystay ama inuu ka soo hor jeedo ama wax u dhimay qaddiyadda gooni isu taagga Somaliland oo ah dambiga ugu badan ee lagu eedeeyo dadka ku xiran xabsiyada.

Cabdisalaan wuxuu dhawaan ka hadlay arrin ay Somaliland sheegtay inuu been yahay, laakinse uu isagu si aan qarsoodi lahayn uga sheekeeyey, kaasoo u muuqda in madaxdu ay dhibsadeen, kuna tilmaameen mid aan sal iyo raad lahayn.

Todobaadkan ayaa waxaa baraha bulshada aad u dhex wareegayey muuqaal fiidiyow ah oo muujinaya sarkaalka oo ka sheekeynaya arrin uu sheegay in ay “qabsatay dhallinyaro ku shaqaysata tagaasida yaryar ee loo yaqaanno dukhaanka”.

Sida uu sheegay G.dhexe cabdisalaan, “nin dhallinyaradaas ka mid ah ayaa xaaskiisa geeyey isbitaal, waxaana loo sheegay inay u baahan tahay in dhiig lagu shubo”.

Wuxuu intaa ku daray “ninkaas wuxuu u yeertay dhallinyaro ay asxaab yihiin oo tagaasi ku shaqaysta si ay dhiig ugu shubaan, markii dhiiggooda la baarayna waxaa laga helay cudurka HIV,AIDS” ayuu yiri Cabdisalaan Caydiid Cumar oo xilliga uu hadalkaas jeedinayey la sheegay in uu la hadlayey dadweyne masjid gudihiis ku dhagaysanayey.

Hadalkiisa ayuu sii watay, cidna kama aysan shakinin maadaama uu yahay sarkaal sare oo ka hawlgala xarunta dhexe ee ciidanka Booliska ee Somaliland, horena taliye uga soo noqday dhowr saldhig oo uu ka mid yahay saldhigga Koodbuur ee Hargaysa.

“Dhakhaatiirta ayaa weydiisay dhallinyaradaas tagaasida kaxaysa sida ay ku dhacday in dhamaantood laga helo cudurka HIV,AIDS, waxayna sheegeen inay ka qaadeen dumar ajaanib ah” ayuu yiri.

Shalay ayaa sarkaalkaas la sheegay in la xiray sida aay Warbaahinta  u xaqiijiyeen ilo xog ogaal rasmi ah oo ciidanka booliska ka tirsan.

Sarkaalkaas ayaa hadda ku xiran taliska guud ee ciidanka booliska, dacwadiisana weli looma gudbin maxkamad.

Somaliland hore ugama dhicin in sarkaal sare loo xiro hadal been abuur ah, mana jirto ilaa hadda inta ay Warbaahint ka warqabto ilo kale oo ka madax banaan sarkaalka oo warkaas laga soo xigtay.

Cabdisalaan Caydiid Cumar wuxuu ka tirsanaan jiray jabhaddii SNM ee dagaalka hubaysan la gashay dawladdii kacaanka ee Soomaaliya ee uu madaxda ka ahaa jeneraal Maxamed Siyaad Barre.

Tan iyo wixii ka dambeeyey burburkii dawladda Soomaaliya iyo gooni isu taaggii Somaliland ee 1991, Cabdisalaan Diinqale wuxuu ka shaqaynayey arrimaha amniga.

Xilliyadii dambe wuxuu xubin ka ahaa jamaacada tabliiqa, wuxuuna hadalka markii uu sheegayay u jeedinayey dad u badan jamaacada Tabliiqa.

Dadka fiidiyowgaas baraha bulshada kala socday ayaa siyaabo kala duwan uga hadlay. Qaarkood waxay ahaayeen dad hadalka sarkaalkaas rumaystay, halka kuwa kalena ay shaki galinayeen sugnaanshaha xogtaas.

{DAAWO MUQAALKA} Awaamiir culus oo dul dhigay Gawaarida waaweyn ee xamuulka qaada Kadib shilkii maanta ka dhacay.

Thursday -28-March-2024 {HMC} Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) oo ka tacsiyeeyay shilkii ka dhacay Isgoyska Jubba, Asigoona Awaamiir culus dul dhigay Gawaarida waaweyn ee xamuulka qaada.

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA 

Somaliland aviation authority accuses Mogadishu controllers of near-collision

0

Wednesday -27-March-2024 {HMC} The Somaliland Aviation Authority has again levelled accusations against Mogadishu’s air traffic controllers after an alleged near-collision between Emirates Airways and Ethiopian Airlines on March 24, 2024. According to the Somaliland Civil Aviation and Airports Authority’s press release, the two aircraft “narrowly escaped a potential collision” due to “conflicting instructions issued by Mogadishu Control, directing both aircraft to converge at the same time and location.”

According to Somaliland authorities, intervention by controllers at Hargeisa airport prevented a disaster by instructing the Ethiopian Airlines flight to increase its altitude to 39,000 feet, averting a potential mid-air collision.

The Somaliland Civil Aviation Authority expressed serious criticism regarding the operational failures in Mogadishu, stating: “It is deeply concerning that air traffic controllers in Mogadishu (Mogadishu Controllers) are recurrently making errors of this magnitude, posing significant threats to the safety of international flights traversing the region’s airspace.”

Neither Emirates Airways nor Ethiopian Airlines have confirmed the near-accident.

This incident is part of a series of concerning events attributed to air traffic control in the region. A near-collision between Ethiopian Airlines and Qatar Airways was reported in late February, with the Somaliland Air Authority again citing mistakes by Mogadishu controllers as the cause.

Before the near-miss, several reports surfaced indicating troubling scenarios in the Mogadishu Flight Information Region (FIR), including unauthorized controllers giving contradictory instructions to nearly a dozen aircraft. Somalia’s Minister of Transport and Aviation, MP Fardowsa Osman Egal, warned of potential legal action if such actions persist, raising the possibility of redirecting international flights destined for Hargeisa through Mogadishu.

In contrast, the Somaliland Aviation Authority has repeatedly criticized Mogadishu’s air traffic control operations, stressing the threat these errors pose to global aviation safety.

Tensions between the self-proclaimed independent Republic of Somaliland and the Somali Federal Government have risen as a result of a New Year’sD Day maritime agreement between Ethiopia and Somaliland. The political dispute has exacerbated current aviation safety concerns, with both parties accusing the other of disrupting airspace operations and communication.

in kabadan 80 AS ah oo lagu dilay howlgallo ka dhacay Goboladda Mudug, Shabeellada Hoose iyo Bakool

0

Arbaco-27-March-2024 {HMC} Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in ka badan 80 Shabaab ah in lagu dilay howlgallo laga fuliyay Goballada Mudug, Shabeellaha Dhexe iyo Bakool.

Hawlgalka koowaad oo ay iska kaashadeen ciidanka dowladda iyo kuwa degaanka oo ka dhacay degaanka Bacaadka Faarax Aadan oo hoos yimaada degmada Xarardheere, ayay dowladdu sheegtay in lagu dilay 40 Horjoogeyaal iyo dagaalamayaal Shaabaab ah.

Dowladda Soomaaliya waxa ay sheegtay, Shabaabka lagu dilay halkaas inay ahaayeen kuwa isku aruursanayay oo doonayay in ay weeraraan magaalada Xarardheere, oo sanad iyo bar ka hor laga xoreeyay gacanta Alshabaab.

Hawlgalka labaad oo ka dhacay hawdka Fiiqaay oo 15km qiyaastii u jira deegaanka Daaru-Nicma ee gobolka Shabeellaha Dhexe, ayay dowladdu sheegtay in lagu dilay in ka badan 35 Shabaab ah, waxaana howlgalkaas iska kaashadeen ciidanka dowladda iyo Saaxiibada caalamka.

Hawlgalkan ayay dowladdu tilmaamtay in sidoo kale lagu burburiyay gaadiid dagaal iyo saanad ciidan oo ay lahaayeen Shabaabkii soo weeraray Daaru-Nicma.

Hawlgalka Seddaxaad Lix ka tirsan Shabaab ayaa lagu dilay halka seddax kalana lagu dhaawacay. Hawlgalkan ayaa lagu bartimaameedsaday fariisin Shabaabku ku lahaayeen deegaanno hoos taga degmada Waajid ee gobalka Bakool.