Home Blog Page 2658

Deegaanka Jiracle oo Laga Hirgilinaayo Ceel-biyo Macaan ama Ceel riig

Arbaco-27-March-2024 {HMC}  Deegaanka Jiracle oo Hoostaga Degmada Matabaan ee Gobolka Hiiraan ayaa Markii Ugu Horeeysay Laga qodayo Ceel-biyo Macaan oo ay baahi weyn u qabeen dadka iyo duunyada.

Dadka ku nool deegaankan ayaa ka Bixi doono Biyo la’aanta Deegaanka ku haysay Mudo Sanado ah.

Dadka deegaankanka jiracle ayaa horey u dhistay dugsi hoose dhaxe ah iyo Isbitaal weyn oo ay uga baxeen baahiyihii caafimaadka iyo Waxbarashada Deegaanka.

Hir gilinta ceelkan biyaha macaan ayaa ah fursad kale oo horumarineed u ah Deegaanka Deegaanka Jiracle ee Gobolka Hiiraan.

Maxaa iska beddelay Baasaboorka Dalka UK iyo safarka Midowga Yurub?

Arbaco-27-March-2024 {HMC}  Daddka u safraya xilliga fasaxa Midowga Yurub waxa qabanaya sharciga baasaboorka ee 10-sano.

Fasax tagayaasha ayaa looga digayaa in aysan ku dhicin “sharciga 10-ka sano ee baasaboorka” kaas oo burburin kara qorshayaasha safarka ee Midowga Yurub.

Dadka safarka ah ee UK waxa ay qaadan jireen ilaa sagaal bilood oo dheeri ay ka qaadan jireen baasaboorka hore, looguna dari jiray midka cusub, sidaas ayeeyna ku noqon jirtay baasboor 10 sano iyo sagaal bilood jira. Laakiin ka bixitaankii UK ee Midowga Yurub (Brexit), waddamada Midowga Yurub ma aqbali doonaan baasaboor la bixiyay 10 sano ka hor.

laa 32 milyan oo qof ayaa dalbaday baasaboorada noocaas ah ka hor sharciga cusub, balse lama oga inta qof ee uu saameeynayo sharcigan.

Mid ka mid ah dadka uu saameeyay ayaa ah Nathan Barnes oo loo diiday inuu raaco diyaarad ku socotay Faransiiska.

Mr Barnes, oo 31 jir ah kana mid ah shaqaalaha caafimaadka ee Norwich, ayaa ku sii jeeday magaalada Limoges isaga iyo gabar alkuntiisa ah si ay qoyskooda u soo booqdaan.

Lama garanayo inta qof ee uu arinkani saameeyay.

In kasta oo uu duullimaadka uu kasoo hubiyay khadka internetka, isla markaana uu maray halka lugu hubiyo ammaanka iyo baasaboorka, haddana waxa lagu joojiyay albaabka looga gudbo diyaaradda.

“Baasaboorkeyga waxaa la bixiyay in ka badan 10 sano ka hor,” ayuu yiri. “Dhib ayeey ku ahayd arinkan , kaliya waxay igu yiraahdeen ‘waan ka xunahay ma fuuli kartid diyaardda.”

Tan iyo markii UK ay ka baxday Midowga Yurub, dadka safarka ah ee u socda dhammaan dalalka ku jira Midowga Yurub oo ay ku jiraan Iceland, Norway, Lichtenstein iyo Switzerland, laakiin aanay ku jirin Ireland, waa inay haystaan ​​​​baasaboor la bixiyay muddo ka yar 10 sano, ka hor taariikhda bixitaankooda.

Shan qof oo ku dhimatay shil gaari oo ka dhacay Jarmalka

Arbaco-27-March-2024 {HMC}  Ugu yaraan shan qof ayaa ku dhimatay in ka badan 20 kalena way ku dhaawacmeen shil baabuur oo uu ku lug lahaa gaari bas ah meel u dhow magaalada Leipzig ee bariga Jarmalka.

Baska FlixBus wuxuu u leexday dhanka midig ee mashquulka badan ee A9 autobahn ka hor inta uusan dhinac u dhicin.

Baska ayaa kasoo ambabaxay magaalada Berlin isagoo ay waday labo darawal iyo 53 rakaab ah waxa uuna ku sii jeeday Nuremberg oo uu kagasii jeeday Zurich, sida ay xaqiijisay shirkaddu.

Saraakiisha gobolka Saxony ayaa sheegay in ay u tacsiyeeynayaan dhibbanayaasha.

FlixBus oo lagu aasaasay Munich 2011kii, waxay mamuushaa shabakad adeegga basaska ah oo meela fogfog oo Yurub, Ameerika iyo Aasiya ah.

Shirkadda ayaa sheegtay in shilku uu dhacay abaaro 10:00 (09:00 GMT) ee waddada A9, oo ah wadada waqooyi-koonfur ee Berlin ilaa Munich.

Baska adeegga 107 waxa uu laba saacadood u socday safarkiisa koonfurta wakhtiga shilku ka dhacayay isgoys u dhaw Leipzig/Halle Airport, ee waqooyi-galbeed ee magaalada.

{DAAWO MUUQAALKA} Gudigga Tartan Cilmiyeedka bisha Ramadaan ee Hiiraanweyn oo ku dhawaaqay Natiijadda kulankii maanta

{DAAWO MUUQAALKA} Wararkii ugu Dambeeyay ee Soomaaliya iyo Caalamka 27-03-2024

Shil Gaari oo Sababay Dhimasho iyo Dhaawac oo Ka Dhacay Magaalad Muqdisho.

Arbaco-27-March-2024 {HMC} Ugu yaraan 10 qof oo la socotay hal gaari ayaa ku dhex geeriyootay Muqdisho, kadib markii uu ka soo dul dhacay gaari siday Kunteenar raashin ka buuxo.

Shilkaan ayaa ka dhacay isgoyska Jubba ee magaalada Muqdisho, waxaana geeriyooday dhamaan dadkii saaraa gaariga hoos-maray.

Dadka geeriyooday waxay la socdeen gaari Home ah ama Caasi, waxaana ka soo dul dhacay gaari xamuul ah oo siday Kunteenar raashin ah.

Dadkii waa laga kici waayey gaariga ka soo dul dhacay, waxaana halkaas ku geeriyooday dhamaan dadkii saaraa gaariga Caasiga ah.

Weli waxaa socda gurmadka loo fidinayo dadka ku hoos jira gaariga xamuulka ah ee rogmaday, waxaana gaariga xamuulka ah laga dejinayaa raashinkii saaraa.

Dad goobjoogayaal ah oo sida uu shilkaani u dhacay uga Ka waramay  ayaa sheegay in gaariga Caasiga ah uu taagnaa goob ay dadku ka raacayeen, halka gaariga kale ee xamuulka siday uu socda.

Mar qura ayuu ciiray gaariga xamuulka ah, wuxuuna ka dul dhacay gaariga caasiga ah, waxaana laamiga ku dhegay gaarigii iyo dadkii saaraa, taas oo argagax ku noqotay dadkii goobta joogay.

Shilkaan ayaa dhacay intii loo kala cararayey afurka, wax yar ka hor salaadii maqrib, gaadiid wiish ah oo la dalbay ayaa goor dambe goobta tegay, waxaana la rumeysan yahay in dadka ku hoos jira gaariga ay wada geeriyoodeen.

{DAAWO MUUQAALKA} Shil sababay khasaaro aad u badan oo ka dhacay Magaaladda Muqdisho.

0

{DHAGEYSO} Warka Habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn 27-03-2024

Arbaco-26-March-2024 {HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Wark Habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn.

Warka waxaa soo jeedinayo :Abdiraxmn macalin muuse

Farsamadii : Mohamed Abdiqani osoble

HOOS KA DHAGEYSO WARKA HABEENIMO

{DAAWO SAWIRADA} Golaha Wasiirrada XFS oo an Sixiyay soo saarista Shidaalka iyo Gaaska,

Arbaco-27-March-2024 {HMC} Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo galabta yeeshay kulan deg-deg ah, ayaa ansixiyey Heshiis ku saabsan soo saarista Shidaalka iyo Gaaska, kaas oo ay wada galeen Soomaaliya iyo Turkiga.

Qodobada ugu muhiimsan heshiiska ayaa qoraya in Dowladda Turkiga ay naga caawiso dhanka wax soo saarka shidaalka, sahminta iyo daareysiintiisaba, si ay ummadda Soomaaliyeed uga faa’iideystaan kheyraadkooda dabiiciga ah.

Wasiirka Batroolka iyo Macdanta Mudane Cabdirisaaq Cumar Maxamed oo golaha horkeenay heshiiska, ayaa tilmaamay in uu heshiiskani Soomaaliya u horseedayo in ay ka faa’iideysato Kheyraadkeeda, korna u qaadayo dhaqaalaheeda iyo inaan ka maarano deeqadaha caalamiga ah, isaga oo xusay sida ay lagama maarmaan u tahay in Shidaalka dalka la soo saaro, maadaama ay haatan dunida ka gudbayso shidaal, una gudbayso isticmaalka Tamarta.

Kulanka oo uu guddoominayey Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa sidoo kale lagu meelmariyey Xeer nidaamiyaha Diiwaangelinta Dadweynaha iyo Aqoonsiga Qaranka iyo Wax ka beddelka Hindise Sharciyeedka ka hortagga lacag dhaqidda iyo maalgelinta Argagixisada.

{DAAWO SAWIRADA} Golaha Wasiirrada Soomaaliya oo an Sixiyay saarista Shidaalka iyo Gaaska,

0

Muqdisho, 27, Maarso 2024 {HMC} Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo galabta yeeshay kulan deg-deg ah, ayaa ansixiyey Heshiis ku saabsan soo saarista Shidaalka iyo Gaaska, kaas oo ay wada galeen Soomaaliya iyo Turkiga.

Qodobada ugu muhiimsan heshiiska ayaa qoraya in Dowladda Turkiga ay naga caawiso dhanka wax soo saarka shidaalka, sahminta iyo daareysiintiisaba, si ay ummadda Soomaaliyeed uga faa’iideystaan kheyraadkooda dabiiciga ah.

Wasiirka Batroolka iyo Macdanta Mudane Cabdirisaaq Cumar Maxamed oo golaha horkeenay heshiiska, ayaa tilmaamay in uu heshiiskani Soomaaliya u horseedayo in ay ka faa’iideysato Kheyraadkeeda, korna u qaadayo dhaqaalaheeda iyo inaan ka maarano deeqadaha caalamiga ah, isaga oo xusay sida ay lagama maarmaan u tahay in Shidaalka dalka la soo saaro, maadaama ay haatan dunida ka gudbayso shidaal, una gudbayso isticmaalka Tamarta.

Kulanka oo uu guddoominayey Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa sidoo kale lagu meelmariyey Wax ka beddelka Hindise Sharciyeedka ka hortagga lacag dhaqidda iyo maalgelinta Argagixisada iyo Xeer nidaamiyaha Diiwaangelinta Dadweynaha iyo Aqoonsiga Qaranka.

—DHAMMAAD—-