Home Blog Page 2660

{DAAWO MUUQAALKA} Wiilkeyga qalqalaay ayuu ahaa waxaa lagu dilay Siinaay Waxaana ku xiren goobta CCTV Camera.

0

Arbaco-27-March-2024 {HMC} Wiilkeyga qalqalaay ayuu ahaa waxaa lagu dilay Siinaay Waxaana ku xiren goobta CCTV Camera.

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

{DAAWO MUUQAALKA} Koox ma Soomayaal ah oo isugu jira Somali iyo Ajaanib oo Gacanta lagu soo dhigay

0

Arbaco-27-March-2024 {HMC}  Koox ma Soomayaal ah oo isugu jira Somali iyo Ajaanib oo Gacanta lagu soo dhigay

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

{DAAWO MUUQAALKA} Maxaad ka taqaanaa muslimiinta 800 oo mitir oo dhulka hoostiisa ah ku sooma.

0

Arbaco-27-March-2024 {HMC} Maxaad ka taqaanaa muslimiinta 800 oo mitir oo dhulka hoostiisa ah ku sooma.

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

Xamsa Cabdi Barre oo Xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka cusub ee Jamhuuriyadda

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa Xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka cusub ee Jamhuuriyadda Turkiga u fadhiya Soomaaliya Mudane Alper Aktaş oo ay ka wada hadleen xoojinta xiriirka walaaltinimo iyo Iskaashi ee ka dhaxeeya labada dalka.

Ra’iisul Wasaaraha oo Danjiraha cusub ugu hambalyeeyey masuuliyadda loo igmaday, ayaa sheegay in Turkigu uu yahay walaal dhab ah oo ay leedahay Soomaaliya, kaas oo xilliyo adag soo garab taagnaa dadka iyo dowladda Soomaaliyeed, kana taageera dhinacyo badan oo kaabaya horumarinta dowlad-dhiska Soomaaliya.

Dhankiisa, Danjire Alper Aktaş ayaa tilmaamay in uu sii xoojin doono xiriirka walaaltinimo ee ka dhaxeeya labada dalka, isaga oo uga mahadceliyey Dowladda iyo Shacabka Soomaaliyeed soo dhaweyntooda.

Dowladda Turkiga ayaa noqotay dowladdii ugu horreysa ee garab istaag loo riyaaqay u muujisay dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed, waxa ayna Turkiga gar gaar u fidiyeen dadka Soomaaliyeed, iyagoona mashaariic horumarineed ka fuliyay dalka.

Xizbullah oo gantaallo dhimasho leh ku weerartay Israel

Arbaco-27-March-2024 {HMC} Kooxda Xizbullah ee Lubnaan ee Iran ay taageerto ayaa gantaallo ku qarqisay waqooyiga Israel Arbacada maanta ah, kuwaasi oo qof rayid ah uu ku dhintay, kadib markii Israel ay weerar dhimasho leh ka fulisay Koonfurta Lubnaan.

Xizbullah oo ay xulufo yihiin kooxda Xamas, ayey gantaallo xuduudda isku weydaarsanayeen ciidamada Israel tan iyo markii uu billowda dagaalka Gaza kadib markii Xamas ay weerartay Israel 7-dii October.

Kooxaha samatabixinta ee Israel ayaa “meydka qof 25 jir ah ka helay, dhisme burburay oo ku yaalla magaalada Kiryat Shmona, sida uu sheegay adeegga gurmadka deg degga ah ee Magen David Adom.

Xizbullah ayaa sheegtay “inay daraasiin gantaallo ah” ku tuurtay magaalada Kiryat Shmona ayada oo kaga aargudaneysa wax ay ugu yeertay xasuuq ay cadowga sahnuuniyadda {Israel} ka fuliyeen xaafadda Habariyeh ee koonfurta Lubnaan.

Kooxda Jamaaca Islaamiya ee Lubnaan, oo xiriir dhow la leh kooxda Xamaas, ayaa sheegtay in “tiro dad ah lagu dilay weerarka ay Israel xalay ka fuliyeen Habariyeh.

Sarkaal ka tirsan Jamaaca Islaamiya, oo la hadlay AFP oo codsaday inaan la magacaabin, ayaa sheegay in toddobada qof ee ku dhintay weerarka ay ahaayeen “samatabixiyaal dhintay markii duqeynta ay ku dhacday xarun gurmadka deg degga ah.

Sarkaal kale oo ka tirsan Jamaaca Islaamiya, oo sidoo kale codsaday inaan la magacaabin, ayaa sheegay in tobaneeyo ka mid ah gurmadka deg degga ah ay ku sugnaayeen xarunta xilliga weerarka uu dhacay, isagoo intaa ku daray in meydadka laga soo saarayo burburka.

Milateriga Israel ayaa sheegay in bartilmaameedka weerarka uu ahaa “xarun milateri,” kuwa la dilayna ay ahaayeen “argagixisada” Jamaaca Islamiya.

Waxa ay sheegeen in “argagixiso” iyo xubno kale oo kooxda ka tirsan ay qorsheynayeen weeraro ka dhan ah Israel xilliga weerarka.

Gantaallada la isku weydaarsanayey xuduudda tan iyo bishii October ayaa Lubnaan ku dilay ugu yaraan 338 qof, oo badankood ahaa dagaalyahannada Xizbullah balse sidoo kale waxaa ku jira ugu yaraan 57 qof oo rayid ah, sida ay ku warrameyso xog ay ururisay wakaaladda wararka ee AFP.

Ugu yaraan 10 askari iyo 8 qof oo rayid ah ayaa iyagana lagu dilay dhanka Israel, sida ay sheegeen militariga Israel.

{DHAGEYSO} Warka Duhurnimo ee Radio Hiiraanweyn{ 27 .03 .2024}

0

Arbaco-27-March-2024 {HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Warka Duhurnimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn

Warka waxaa soo jeedinayo: Shukir Baryare & Yasiin Ali

farsamadii; C/Kaafi

HOOS KA DHAGEYSO WARKA DUHURNIMO

 

Gudoomiyaha cusub ee gobolka Hiiraan oo so gaaray Beledwweyne

Arbaco-27-March-2024 {HMC} Guddoomiyaha cusub ee maamulka gobolka Hiiraan Mudane Muuse Salaad Wehliye ayaa maanta gaaray magaalada Beledweyne ee xarunta gobolkaasi, kadib markii uu maalmo kahor xilkan u magacaabay madaxweyne Guudlaawe.

Muuse Salaad Wehliye oo ay galbinayaan ku dhowaad 20 gaadiidka dagaalka ayaa safar dhinaca dhulka ah ku galay magaaladaasi oo ay weli ka taagan xiisad xoogan.

Sidoo kale waxaa safarkiisa qayb ka ah xildhibaano iyo mas’uuliyiin kale oo tirsan HirShabelle, kuwaas oo lagu soo dhaweeyay marka ay tageen halkaasi.

Degmada Beledweyne ayaa waxaa dhawaan ka dhacay dagaal ay HirShabelle looga saaray magaaladan, kadib markii ay isku dhaceen ciidamada taabacsan maamulka la magac baxay ‘Hiiraan State’ oo kasoo horjeed maamulka uu hoggaamiyo madaxweyne Cali Guudlaawe.

Guddoomiyaha cusub ayaa la filayaa inuu dhowaan xilka kala wareego guddoomiyihii hore ee gobolka, Cabdullahi Sufurow oo xilkaas haayay tan iyo bishii Juun ee sanad kii hore 2023, markaas oo uu badalay Cali Jeyte Cismaan.

Sufurow ayaa muddaba la tacaalayay mucaaradad xoog leh oo kaga imaanaysay qaar kamid ah siyaasiyiinta gobolka, oo uu kamid yahay Cali Jeyte oo diiday in uu xilka ku wareejiyo markii la soo magacaabay.

Guddoomiyaha cusub oo ah nin dhalinyaro ah ayaa kamid golaha wasiirada HirShabelle, wuxuuna ahaa Wasiirka Wasaaradda Gaadiid Duulista iyo Hawada ee maamulkaasi.

Muuse Salaad ayaa waxaa hortaallo shaqo adag oo ay ugu horeyso wax ka qabashada reer Beledweyne oo diidan maamul goboleedka HirShabelle iyo wax ka qabashada amniga.

Hiiraan oo xudun u ah kacdoonka shacab ee ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab ayaa waxaa haatanla dagay khilaafaad ka dhashay dhanka maamulka oo u dhexeeyo madaxda HirShabelle iyo mas’uuliyiinta kasoo jeeda gobolkaas oo ay xildhibaano qayb ka yihiin

nin qirtay in uu dil bareer ah u geestay Maxamed Cabdi Xaashi oo Xukun Dil ah oo lagu riday

Arbaco-27-March-2024 {HMC}  Maxkamadda gobolka Galgaduud ayaa xukun dil ah ku riday gacankudhiigle Cabdi Maxamuud Xaashi oo dil bareer ah ugu geestay deegaan dhaca duleedka degmada Caabdudwaaq marxuum Maxamed Cabdi Xaashi.

Xeer ilaalinta maxkamadda gobolka Galgaduud ayaana ku eedeesay Cabdi Maxamuud Xaashi in si kas ah u dilay marxuumka , waxa ayna maxkamadda soo bandhigtay caddeymo muujinaya dilkaasi, marqaatiyaal iyo qoraygii dilka lagu geestay.

Maxkamadda horteeda ayaana lagu weediiyay ninka dilka geestay in uu galay dambiga lagu soo eedeeyay, waxa uuna ninkaasi qirtay in si bareer ah u dilay marxuum Maxamed Cabdi Xaashi, isaga oo codsaday in loo gacan galiyo ehelada marxuumka uu dilay.

Garsoore Axmed Salaad Kulane oo kamid ah garsoorayasaha maxkamadda gobolka Galgaduud ayaana ugu dambeyn ku xukumay dil toogasho ah Cabdi Maxamuud Xaashi oo ah qisaasta marxuumkii uu dilay ee Maxamed Cabdi Xaashi.

Maxkamadda gobolka Galgaduud ayaa sidoo kale shalay xukun dil ah ku riday gacankudhiigle Cabdixakiin Axmed Cigaal oo isna maxkamadda horteeda ka qirtay in dil bareer ah u geestay marxuum weriye samafale Cabdixaxiin Axmed Bulxan.

{DAAWO MUUQAALKA} Booliska somalialand oo soo qabtay rag ku eedeysan dilka marxuun Cabdiraxmaan Saalax Warsame

0

Arbaco-27-March-2024 {HMC} Booliska somalialand oo soo qabtay rag ku eedeysan dilka marxuun Cabdiraxmaan Saalax Warsame

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

 

{DAAWO MUUQAALKA} Taliyaha Ciidanka Boliiska Sulub Axmed Firin oo Kormeer shaqo ugu tagay

0

Arbaco-27-March-2024 {HMC} Taliyaha Ciidanka Boliiska Sulub Axmed Firin oo Kormeer shaqo ugu tagay

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA