Home Blog Page 2662

Maxaa loo hadal haayaa Abaalmarin uu Xasan Sheekh ku bixiyay Villa Soomaaliya

Arbaco-27-March-2024 {HMC} Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa munaasabad ku qabsoomtay Madaxtooyada Qaranka waxa uu afur ku maamuusay Tartameyaasha Quuraanka Kariimka ah, iyadoo ay goobjoog ahaayeen Wasiirka Diinta
iyo Awqaafta Xukuumadda, Guddiga Tartanka iyo Hay’adda Culimada Soomaaliyeed.

Madaxweynaha oo abaal-marin guddoonsiiyey 7-da tartame ee ugu sarreeya sannadka labaad ee Tartanka Quraanka Kariimka ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegay in halyeeyadan ka socda gobollada dalka oo idil ay ka turjumayaan dhaqanka Soomaaliyeed ee ku saleysan diinta Islaamka iyo wanaagga.

“Ubadkan sidaas u xifdiyey Quraanka Kariimka ah, waalidka kula dadaalay Kitaabka Alle iyo macallimiinta soo barbaariyey waxay caddeyn u tahay sida dadkeennu ay ugu dheggan yihiin diinteenna Islaamka.

Tani waa xujo adag oo hortaalla argagixisada banneystay dhiigga dadkeenna, iyagoo ku been abuuranaya diinteenna suubban. Imisa ayey xasuuqeen arday baranaysay Kitaabka Alle, macallimiin xifdisiinayey ubadkeenna Kitaabka Alle. Imisa dugsi Quraan ayey dumiyeen, imisa Masaajid ayey burburiyeen ama ku dhex laayeen ehlu Quraan”. ayu yiri madaxwayne xasan.

Abaal-marinnada Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ee Tartanka Quraanka Kariimka ah ayaa waxaa ku guuleystay;

1-Majiidu Raxmaan Maxamed Cabdullaahi, $20,000.
2-Yuusuf Xasan Cusmaan, $15,000.
3-Xuseen Xasan Nuur, $10,000.
4-Sadiiq Maxamed Cali, $7000.
5-Faadumo Jamaal Xaashi, $5000.
6-Maxamed Haaruun Maxamed, $3000.
7-Ikraan Cabdikariim Xasan, $2000

Balse, waxaa su’aal ay ka dhalatay in ardayda labada kaalin ugu hooseysa gashay aysan is lahayn lacagta la siiyey iyo cadadka qoraalka ku qoran boorka oo ah shan kun doolar balse la siiyay saddex kun iyo labo kun doolar ka Mareykanka.

Booliska Puntland oo lagala hadlay ka hortaaga xaalufinta deegaanka

Arbaco-27-March-2024 {HMC} Wasiirka Wasaaradda Deegaanka, Daaqa iyo Isbedelka Cimilada Mohamed Abdirahman Mohamad, Wasiir ku xigeenka Ayuub Cali Axmed (Ayub Sheikh iyo Agaasimaha guud shaafici Maxamuud Ismaaciil ayaa kulan la yeeshay
taliye ku xigeenka booliska Caydiid Axmed Nuur iyo saraakiil boolis.

Intii uu kulanku socday waxa looga hadlay arimo ay kamid yihiin, Xoojinta wadashaqaynta iyo isku xirnaanta Wasaaradda iyo Booliska.

Sidoo kale, Joojinta xaalufinta deegaanka sida dhuxusha, xaabada xad dhaafka ah iyo dabargoynta duurjoogta, In talaabo laga qaado dadka sida sharci darrada ah u xirmaysta dhulka ayaa looga doodey kulanka.

Ugu dambeyn waxaa laysla qaatay in si wadajir ah loo ilaaliyo deegaanka , wasaaradduna ku tababarto Booliska siyaasadaha iyo sharciyada ilaalinta deegaanka iyo duurjoogta iyo In Wasaaraddu gacan ka gaysato howlgalada ilaalinta deegaanka ee Boolisku
qabanayo lana sameeyo laan ka mid ah oo u xil saaran ilaalinta deegaanka iyo duurjoogta Puntland.

Wadahadaladii Israa’iil iyo Xamaas oo la isku mari la’yahay

Arbaco-27-March-2024 {HMC} Ra’iisal wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu ayaa Salaasadii sheegay inuu sii wadayo qorshihiisa uu ku doonayo inuu meesha kaga saaro Xamaas, isaga oo dhinaca kalena dhaleeceeyey qaraarkii ka soo baxay golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay ee ahaa, in la gaadho heshiis xabbad-joojin ah oo degdeg ah.

Netanyahu ayaa dalabaadka Xamaas ku tilmaamay inay yihiin kuwo dhalanteed ah, isaga oo sheegay inuu sii wadayo dagaalka illaa uu ka gaadhayo ujeedada ay u qaadeen, oo ay ka mid tahay in la sii daayo maxaabiista, in la burburiyo awoodda milateri ee xamaas iyo nidaamkooda dawliga ah, isla markaana ay tahay inay hubiyaan inaanay Gaza noqonin meel halis ku ah amniga Israa’iil.

Sarkaal sare oo u hadlay Xamaas ayaa isagu sheegay inay la wadaageen kooxaha dhexdhexaadinta wada, inaanay waxba iska bedelin dalabaadkoodii hore ee ahaa, in Israa’iil ay si buuxda uga baxdo marinka Qaza iyo in la isdhaafsado maxaabiista Israa’iil iyo kuwa Falastiinyiinta ee ay Israa’iil gacanta ku hayso.

Sarkaal sare oo u dhashay Israa’iil ayaa Salaasadii u sheegay wakaaladda wararka ee Reuters inay Qatar dib ugaga yeedheen xubnihii ku metelayey wadahadalada, ka dib markii la is mari waayey, gaar ahaan in Xamaas ay sii dayso maxaabiista ay hayso.

{DAAWO MUQAALKA} Maxakmada Ciidamada oo Xukuntay Nin Ugaas ahaa

Talaado -26-March-2024 {HMC} Maxakmada Ciidamada Qalabka Sida ee Maamulka Jubbaland ayaa maanta  Xukun ku riday Nin Ugaas ahaa Kooxda Al shabaab.

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA 

{DAAWO MUQAALKA} Macalimiinta Dagmada Jalalaqsi oo ka hadlay Macalinkii maanta ay dileen AS

Talaado -26-March-2024 {HMC}  Qaar kamid ah Macalimiinta Dagmada Jalalaqsi ee Gobolka Hiiraan ayaa  ka hadlay Macalinkii maanta ay dileen Kooxada Al shabaab

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA 

{DHAGEYSO} Warka Habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn 26-03-2024

Talaado -26-March-2024 {HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Wark Habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn.

Warka waxaa soo jeedinayo : Yaasiin Ali Ahmed

Farsamadii : Mohamed Baryare Haamud

HOOS KA DHAGEYSO WARKA HABEENIMO

{DAAWO MUQAALKA} Shirka Baarlamaanka Africa oo lasoo gabagabeeyey iyo Qodobo laga Soo saaray.

0

Talaado -26-March-2024 {HMC} Shirka Baarlamaanka Africa oo lasoo gabagabeeyey iyo Qodobo laga Soo saaray.

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

{DAAWO MUQAALKA} Wararkii ugu Dambeeyay ee Soomaaliya iyo Caalamka 26-03-2024

0

Talaado -26-March-2024 {HMC} Wararkii ugu Dambeeyay ee Soomaaliya iyo Caalamka 26-03-2024

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

{DAAWO MUQAALKA} R/W Xasan Cali kheyre oo eedeymo kala Duwan u jeediyey Madaxda Dowlada.

0

Talaado -26-March-2024 {HMC} R/W Xasan Cali kheyre oo eedeymo kala Duwan u jeediyey Madaxda Dowlada.

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

{DAAWO MUQAALKA} Iftin 5-4 dalxiiska Tartanka Ramadan Cup garoonka buula.xaableey Baladwayne.

0

Talaado -26-March-2024 {HMC} Iftin 5-4 dalxiiska Tartanka Ramadan Cup garoonka buula.xaableey Baladwayne.

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA