Axad , 30 Nov, 2025 {HMC} Wararka ugu waa Weeyn somaaliya iyo Caalamka 30-11-2025
HOOS KA DAAWO MUUQAALKA
Axad , 30 Nov, 2025 {HMC} Wararka ugu waa Weeyn somaaliya iyo Caalamka 30-11-2025
HOOS KA DAAWO MUUQAALKA
Axad , 30 Nov, 2025 {HMC} Muxuu yahay sharciga lagu soo Rogay Shirkadaha Xawaaladaha Soomaalida Mareeykanka.?
Axad , 30 Nov, 2025 {HMC} Nigeria oo shaacisay ciidda ka dambeysa afduubyada ka dhacaya wadankaasi
Axad , 30 Nov, 2025 {HMC} Ciidamada Xoogga Dalka ayaa howlgallo ka dhan ah ‘AS’ ka billaabay deegaanno katirsan Gobolka Shabeelaha Dhexe Dowlad-Goboleedka Hir-Shabeelle gaar ahaan Deegaanka Xawaadley, waxaa ka dhacay weerar duqayn ah oo lagu beegsaday ‘AS’ sida wararku sheegayaan.
Saraakiil katirsan ciidamada Xoogga Dalka ayaa sheegay in howlgalkooda uu kusii dhowaanay deegaanno dhowr ah oo ‘AS’ isaga baxeen kaddib markii culays xooggan ay saareen isla markaana duqaymo ku beegsadeen sida hadalka ay u dhigeen.
Ciidamo kooban oo kuwa deegaanka ah ayaa wehliya ciidanka Xoogga Dalka ee howlgallada ka dhanka ah ‘AS’ kawada Gobolka Shabeelaha Dhexe, Dowlad-Goboleedka Hir-Shabeelle ayaa sheegtay in ay ka go’an tahay in ay gacanta ku dhigto deegaannada gacantooda ka maqan.
La soco wixii kasoo kordha Hiiraanweyn kala soco.
Axad , 30 Nov, 2025 {HMC} Madaxwaynihii la afgembiyay ee dalka Guinea-Bissau Umaro Sissoko Embalo ayaa gaaray dalka ay jaarka yihiin ee Senegal, sida ay sheegtay wasaaradda arimaha dibadda ee dalkaasi.
Saraakiisha ayaa sheegay in madaxweynaha oo ay xabsiga u taxaabeen askartii afgambiga sameeyay todobaadkan la sii daayay.
Kooxaha afgambiga sameeyay ayaa madaxweynaha ku sii daayay wadahadal ay garwadeen ka ahaayeen ururka ECOWAS ee galbeedka Afrika.
Wada xaajoodka ayaa ujeedkiisu ahaa in la xaqiijiyo in madaxweynaha uu si nabad ah uga baxo dalkaas iyadoo ay sii kordhayso xiisadda ka taagan Guinea-Bissau.
War qoraal ah oo ay soo saartay wasaaradda arrimaha dibadda Senegal ayaa lagu sheegay in Embalo uu dalka ku yimid “nabad iyo badqab” isagoo raacay diyaarad millatari oo loo kireeyay fiidnimadii Khamiista.
#Milatariga dalka Guinea-Bissau ayaa u magacaabay jeneraal Horata Natham inuu hoggaamiyo dalkaasi muddo sanad ah oo uu hogaaminayay Shishikhar.
Axad , 30 Nov, 2025 {HMC} Roobab mahiigaan ah ayaa dhaliyay daadad iyo dhul go’ ka dhacay guud ahaan qeybo ka mid ah koonfurta Aasiya, waxaana ku dhintay ku dhawaad 600 oo qof.
Roobabka dabaylaha wata ee ay uga sii dareen dabaylaha kulaylaha ah ayaa sababay qaar ka mid ah daadadkii ugu darnaa ee gobolka soo mara muddo sanado ah, iyadoo malaayiin ay saameeyeen kuwaasoo ku nool Indonesia, Malaysia, Thailand iyo Sri Lanka.
Roobab xooggan ayaa Arbacadii ka billowday jasiiradda Sumatra ee dalka Indonesia. “Intii daadadka ay socdeen, wax walba waa ay tageen,” qof deggan Bireuen oo ka tirsan gobolka Aceh ee Sumatra ayaa u sheegay wakaaladda wararka ee Reuters. “Waxaan rabay inaan badbaadsado dharkayga, laakiin gurigayga ayaa soo dumay.”
Iyadoo wali la la’yahay boqollaal qof, ayaa laga yaabaa in dhimashadu ay korodho. Kumannaan qof ayaa weli go’doonsan, qaarkoodna waxay ku sugayaan meelaha sare ku sugayaan samatabixin.
Duufaan gaar ah oo dhif iyo naadir ah, laguna magacaabo Senyar, ayaa sababtay dhul go’ iyo daadad ku dhuftay Indonesia, iyadoo guryaha cagta marisay halka kumannaan dhismayaal ahna ay biyaha ka hoos mareen
Axad , 30 Nov, 2025 {HMC} Maxkamadda Racfaanka Gobolka Galgaduud ayaa maanta markale u fariisanaysa dhageysiga dacwadda racfaanka ee loo haysto rag lagu eedeeyay dilka naxdinta lahaa ee lagu dilay Hooyo iyo saddexdeeda gabdhood, kuwaas oo bishii hore lagu dilay deegaanka Qayib ee gobolkaas.
Eedeysanayaasha oo seddex ah, ayaa horey maxkamad darajo hoose ah ugu xukuntay midkiiba 5 sano iyo 3 sano oo xabsi ah, taasoo dhalisay caro iyo muran xooggan oo ka dhex abuurmay bulshada, maadaama dad badan ay u arkeen in xukunkaasi uu aad uga hooseeyo dembiga culus ee la galay.
Maxkamadda Racfaanka ayaa maanta sii wadaysa dhageysiga dooda iyo dib u eegis ku sameyneysa kiiska, si ay u qiimeyso habraacyadii iyo caddaymaha la horgeeyay maxkamaddii hore, iyadoo dhinacyada dacwadda la siiyay fursad ay ku soo bandhigaan dooda iyo racfaankooda.
Goobta dhageysiga ayaa waxaa si weyn loo adkeeyay ammaanka, waxaana ka qeybgalaya xubno ka tirsan maamulka gobolka, saraakiil ciidan, ehelada dhibanayaasha iyo qoysaska eedeysanayaasha.
Kiiskan ayaa noqday mid ay si dhow ula socdaan shacabka Soomaaliyeed, gaar ahaan bulshada ku dhaqan Galgaduud, maadaama uu ka mid yahay dhacdooyinkii ugu murugada badnaa ee sanadkan la diiwaangeliyo.
Garsoorayaasha Maxkamadda Racfaanka ayaa la filayaa in ay go’aanka kama dambaysta ah soo saaraan maalmaha soo socda, marka ay dhageystaan dhammaan dooda dhinacyada iyo caddeymaha cusub ee la horgeyn doono.
Axad , 30 Nov, 2025 {HMC} Ra’iisul Wasaaraha XJFS Mudane Xamsa Cabdi Barre oo caawa kulankii xiritaanka ee Madasha Caalamiga ah ee MEDays ee Boqortooyada Morooko ka jeediyay khudbad dhinacyo badan taabaneysa, ayaa Madaxdii kala duwaneyd ee kasoo qeybgashay shirka la wadaagay muhiimadda ay leedahay isku xirnaanta iyo iskaahsiga Dalalka dhaca Daanta Koonfureed ee Dunida (Global South).
Ra’iisul Wasaare Xamsa, ayaa sheegay in Soomaaliya qoreyso bog cusub oo taariikheed, dibna uso ceshatay magicii iyo mansabkii ay dunida kulahaan jirtay, wuxuuna sheegay in Soomaaliya maanta tahay meel xasilloonideeda amni iyo siyaasadeedba la’isku haleyn karo, dib-u-qaabeyn iyo dib-u-dhis wanaagsana uu ka socdo, diyaarna u tahay in ay kaalin weyn ka geysato degenaanshaha guud ee Gobolka iyo dunidaba.
Ra’iisul Wasaare Xamse oo sii hadlayay ayaa yiri “Halkan uma aanan iman anaga oo raadinayna samofal, ee waxaan nimid anaga doonayna iskaashi , diyaarna la ah in aan aragtiyo biirinno iyo wax-isweeydaarsi, islamarkaasna qeyb ka ah xalka”.
Wuxuuu mudane Xamsa Cabdi Barre hoosta ka xariiqay in Afrika aysan sii ahaan karin daawade arrimaha adduunka, balse ay tahay mid qeyb ka ah dajinta qorsheyaasha mustaqbalka.
Isu-imaatinka Madasha MEdays oo socday muddo 4 cisho ah ayaa soo gebogaboobay, iyada oo Soomaaliya sanadkan ku lahayd kaalin hormuud ah, halkaasna laga soo guntay xiriiro noocyo badan oo waxtar u leh danaha dhow iyo kuwa fog ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.
Sabti , 29 Nov 2025 {HMC} Hay’adda Joojinta Dembiyada Maaliyadeed ee Wasaaradda Maaliyadda (FinCEN) ayaa sheegtay in sanadihii la soo dhaafay ay kordheen lacagaha ay dirayaan shakhsiyaad sharci darro ku jooga gudaha Mareykanka, kuwaas oo lacago si aan sharci ahayn ku helay.
FinCEN waxay sheegtay in arrintan ay khatar weyn ku tahay amniga qaranka, waxayna ugu baaqday ganacsiyada maaliyadeed inay si buuxda u feejignaadaan marka ay arkaan dhaqdhaqaaqyo lacageed oo laga shakiyo.
Kaaliyaha Xoghayaha ee Argagaxisada iyo Sirdoonka Maaliyadda, John K. Hurley, ayaa sheegay in dowladda Maraykanka ay ka go’an tahay ilaalinta nidaamka maaliyadeed iyo ka hortagga lacagaha sharci-darrada ah.
Digniintan ayaa qayb ka ah amar oo diiradda saaraya ka hortagga dhaqdhaqaaqyada maaliyadeed ee khatarta ku ah amniga dalka Maraykanka. Dowladda Maraykanka waxay xustay in hay’adaha maaliyadeed sida Xawaaladaha in looga baahan yahay inay soo gudbiyaan warbixinnada dhaqdhaqaaqyada ay ka shakiyaan ee qabashada in ka badan 2,000 oo dollar, gaar ahaan haddii ay jiraan calaamado muujinaya in lacagahaasi ka yimaadaan il sharci-darro ah.
Talaabadan ayaa saameyn ballaaran ku yeelan doonta jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku nool Mareykanka, maaddaama boqolaal kun oo Soomaali ah ay ku tiirsan yihiin lacagaha biilka ee ay u diraan ehelkooda ku nool Soomaaliya.
Waxaa loo arkaa in ay culeys gaar ah ku tahay Soomaalida aan weli haysan sharciyo buuxa oo dalka Mareykanka u oggolaanaya inay si caadi ah u shaqeystaan oo lacag u diraan dalkooda.
Dowladda Mareykanka ayaa horey cadaadis ugu hayay xawaaladaha Soomaalida, kuwaas oo la dulsaaray kormeer oo aad u adag.
Sabti , 29 Nov 2025 {HMC} Saraakiil sare oo ka tirsan ciidanka ilaalada xeebaha Taiwan ayaa maanta soo gaaray Somaliland, iyagoo qayb ka ah hirgelinta heshiis dhowaan ay labada dhinac kala saxiixdeen. Heshiiskan ayaa diiradda saaraya tababarka, qalabeynta, iyo tayeynta awoodda ilaalada xeebaha Somaliland.
Booqashada saraakiisha Taiwan ayaa ujeedadeedu tahay inay kormeeraan baahiyaha ciidamada, isla markaana bilaabaan barnaamijyo tababar oo joogto ah.
Somaliland ayaa hadda lagu tilmaamaa inay leedahay ciidanka ilaalada xeebaha ugu tababarka iyo qalabka wanaagsan guud ahaan dhulka Soomaalida, iyadoo iskaashigan cusub uu sii xoojinayo dowrka ay ku leedahay sugidda baddeeda iyo ka hortagga tahriibka, kalluumaysiga sharci darrada ah, iyo amniga marin-biyoodka muhiimka ah ee gobolka.
Masuuliyiinta labada dhinac ayaa sheegaya in iskaashigan cusub uu kor u qaadi doono amniga badda iyo xiriirka siyaasadeed ee u dhexeeya Somaliland iyo Taiwan.
