Home Blog Page 2886

{DAAWO MUQAALKA} Madaxweyne deni oo kulan mahad celin ah u sameeyay dadkii ka shaqeeyay caleema saarkiisa.

Jimco-02- Feb – 2024-{HMC} –  Madaxweyne deni oo kulan mahad celin ah u sameeyay dadkii ka shaqeeyay caleema saarkiisa.

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

Iran oo dhisanaysa afar wershedood oo ku shaqeeya tamarta nukliyeerka

Jimco-02- Feb – 2024-{HMC} –  Iran ayaa bilawday dhismaha afar wershedood oo kale oo ku shaqeeya tamarta Nukliyeerka, kuwaas oo ay ka dhisayso dhinaca Koonfureed ee dalkaasi. Wershedahan ayaa la filayaan inay soo saaraan tamar gaadhaysa illaa 5,000 oo megawatt, sida ay baahisay wakaaladda wararka dalka Iran ee IRNA.

Iran ayaa doonaysa inay soo saarto tamarta nukliyeerka oo gaadhaysa illaa 20,000 oo megawatts marka la gaadho sannadka 2041.

Iran ayaa haatan leh hal wershed oo ku shaqaysa tamarta nukliyeerka, taas oo soo saarta illaa 1,000 megawatt, waxaana wersheddani ay shaqada bilawday sannadkii 2011, ka dib markii ay taageero ka heleen dalka Ruushka.

Iran ayaa sidoo kale wershed weyn oo ku shaqaysa tamarta nukliyeerka, ka dhisaysa, gobolka saliida qaniga ku ah ee Khuzestan ee u dhow xuduudda ay la wadaagaan dalka Ciraaq. Wersheddan ayaa la filayaa inay soo saarto tamaar gaadhaysa illaa 300 megawatt.

Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan ilaalinta hubka nukliyeerka ayaa sannadkii hore sheegtay in Iran ay horumar ka samaysay, inay soo saari karto hub nukliyeer ah.

Maraykanka oo doonaya inuu Qunsuliyad ka furto Afghanistan, isaga oo aan aqoonsan xukuumadda Taliban

Jimco-02- Feb – 2024-{HMC} –  Maraykanka ayaa si taxader leh uga fekeraya, inuu qunsuliyad ka furto dalka Afghanistan, isaga oo aan wax aqoonsi ah u fidinin xukuumadda Taliban ee dalkaas maamusha, sida ku cad warbixin istaraatejiyadeed oo ay baahisay wasaaradda arrimaha debedda ee Maraykanku.

Tallaabadan uu qaadayo Maraykanku ayaa u muuqata, isbedel weyn oo ku yimi siyaasaddii Maraykanka ee ku wajahnayd ururka Taliban, iyada oo haatan uu Maraykanku ka fikirayo inuu maamulkaas kula macaamilo, siyaasad xadidan, oo looga danleeyahay lagu gaadho arrimo dhinaca amniga, siyaasadda iyo dhaqaalaha la xidhiidha.

Warbixintan oo loogu magacdaray, istareetejiyadda isku dhafan ee dalka Afghanistan, oo la meelmariyey bishii October ee sannadkii hore, ayaa dhigaysa, in Maraykanku uu doonayo inuu qunsuliyad ka furto dalka Afghanistan, iyada oo lagu sheegay qoraalkaas, in taageero loo muujinayo shaqada ergeyga gaarka ah ee madaxweynaha Maraykanka u qaabilsan, dadka la afduubo ama kuwa la xidho, si uu fursad ugu helo in la soo daayo muwaadiniin Maraykan ah oo si caddaalad darro ah dalkaas ugu xidhan.

Markii ay meesha ka baxday xukuumaddii Afghanistan, bishii August ee sannadkii 2021, waxaa Maraykanku uugebi ahaanba xidhay, safaaraddii ay ku lahaayeen Kabul, taasoo calaamad u ahayd, dhammaadka labaatan sano oo dalkaas uu ka socday dagaal daba dheeraaday iyo weliba iskaashi dhinaca siyaasadda ah oo Maraykanku la ahaa xukuumaddii Afghanistan.

Tan iyo wixii xilligaas ka dambeeyey, waxaa Maraykanku adeegsanayey, inuu hawlaha dalka Afghanistan ka wado safaaraddiisa ku taalla dalka Qatar, halkaas oo Maraykanku uu kulamo googoos ah kula yeeshay ururka Taliban.

Warbixintan la sii daayey ayaa lagu sheegay, inaanu Maraykanku illaa haatan aqoonsanayn xukuumadda Taliban, inay tahay, dawladda sharciga ah ee ka jirta Afghanistan, haddana waxaa Maraykanku doonayaa inuu xukuumaddaas la jeeyo xidhiidho xadidan, si loo gaadho ayaa la yidhi, danaha Maraykanka iyo sidii loo fahmi lahaa in xukuumadda Taliban ay u diyaarsan tahay ama ay awood u leedhay inay fulin karto ballamaha lala galo.

Istareetejiyadda cusub ayaa laga leeyahay illaa afar ujeedo oo kala duwan, oo ay ka mid yihiin, la dagaalanka argagixisada, taakulaynta dhaqaale, xidhiidhka bulshada Afghanistan iyo in adeegyo qunsuliyadeed loo fidiyo muwaadiniinta Maraykanka eek u nool gudaha Afghanistan ama in laga caawino muwaadiniinta dalkaas ee doonaya inay Maraykanka u soo haajiraan.

Istaraatejiyadda Maraykanka ayaa lagu sheegay, in weli Maraykanku sii wadi doono inuu u hadlo xuquuqda dadka Afghanistan, gaar ahaan haweenka iyo hablaha.

Masuuliyiinta Maraykanka ayaa ku adkaysanaya in xidhiidh diblomaasiyadeed oo lala yeesho Taliban, isla markaana cunaqabatanada laga qaado madaxda Taliban, inay ku xidhnaan doonto inay dib uga laabtaan siyaasadaha cadaadiska ku dhisan iyo inay sameeyaan xukuumad wadaag ah oo ay iska dhex aragto bulshada dalkaasi

Maraykanka oo jawaab ka bixinaya weeraradii lagu laayey askartiisa ee ka dhacay Urdun

Jimco-02- Feb – 2024-{HMC} –  Ciidamada Maraykanka ayaa isu diyaarinaya inay ka jawaabaan weerarada joogtada ah ee lagu qaaday ciidamada Maraykanka ee ku sugan bariga dhexe, kuwaas oo ay geysteen kooxaha gacan-saarka la leh dalka Iran.

Kooxahan ayaa weerarkii ugu dambeeyey ka geystay saldhig ay leeyihiin ciidamada Maraykanka oo ku yaalla dalka Urdun, waxaana weerarkaas ku dhintay saddex askari oo Maraykanka ah, halka ay ku dhaawacmeen in ka badan 40 askari oo kale.

Xoghayaha difaaca ee Maraykanka Lloyd Austin, ayaa Khamiistii sheegay in aanu Maraykanku u dulqaadan doonin, tallaabooyinka noocaas ah.

Waa markii ugu horraysay ee xoghayaha difaaca ee Maraykanku uu warbaahinta la hadlo, tan iyo wixii ka dambeeyey markii cusbitaalka la dhigay, bilawgii bishii January.

“Waa inaan ka geysanaa gacan ka kulul tii hore” ayuu yidhi xoghaye Austin oo ka jawaabayey su’aal laga weydiiyey, waxa keenay in Maraykanku uu la daaho inuu jawaab adag ka bixiyo weeraradii ka badnaa 165 ee lagu qaaday ciidamada Maraykanka ee ku sugan bariga dhexe, tan iyo wixii ka dambeeyey bishii October ee sannadkii hore.

Xoghayaha difaaca ee Maraykanka ayaa u muuqday inuu meesha ka saarayo hadal ka soo yeedhay, kooxda Kataib Hezbollah, oo ah urur gacan-saar la leh dalka Iran oo ka dagaalama gudaha dalka Ciraaq, kuwaas oo sheegay inay hakinayaan weerarada milateri ee ka dhanka ah ciidamada Maraykanka.

US military targets 10 Houthi drones in new Yemen strikes

0


Thursday February 1, 2024

 

The Iran-aligned rebel group has warned of more attacks against US and British warships.

 

The United States military has carried out new strikes against 10 drones belonging to the Iran-aligned Houthi rebels in Yemen as well as a ground control centre.

On Thursday, US forces targeted a “Houthi UAV ground control station and 10 Houthi one-way UAVs” that “presented an imminent threat to merchant vessels and the US Navy ships in the region”, the US military’s Central Command (CENTCOM) said in a statement referring to unmanned aerial vehicles.

“This action will protect freedom of navigation and make international waters safer and more secure for US Navy vessels and merchant vessels,” it added.

The group said on Wednesday that all US and British warships participating in “aggression” against Yemen are targets, heightening concerns over the escalating tensions in the region as well as the increased disruption to world trade.

CENTCOM said earlier that the USS Carney had shot down an antiship ballistic missile fired by the Houthis and downed three Iranian drones less than an hour later.

It did not specify if they were surveillance drones or attack drones.

The Houthis said on Wednesday that their naval forces carried out an operation hitting an “American merchant ship” in the Gulf of Aden hours after firing missiles at the US Navy destroyer Gravely.

While the United States and Iran have avoided direct confrontation, the US has recently launched strikes on the Houthis and other Iranian-linked groups in the Middle East.

On Wednesday, CENTCOM said forces had destroyed a Houthi surface-to-air missile that posed a threat to “US aircraft”, in a marked difference from past air raids that have focused on the group’s ability to affect global shipping in the Red Sea.

The Houthis, who control the most populous parts of Yemen, began targeting Israeli-linked vessels in the Red Sea in November in what they say is an act of solidarity with Palestinians in Gaza and in support of Hamas.

US and British forces have responded to the attacks by striking the Houthis, who have since declared US and British interests as legitimate targets.

US Secretary of State Antony Blinken met with his British counterpart, Defence Secretary Grant Shapps, to discuss the situation in the Red Sea and the “international action to hold the Houthis accountable for their illegal and reckless attacks on vessels in the Red Sea and Gulf of Aden”, the US Department of State said on Wednesday.

The US has set up a multinational naval task force to help protect Red Sea shipping from the Houthis’ repeated attacks on the busy waterways that carry up to 12 percent of global trade.

European Union foreign policy chief Josep Borrell said on Wednesday that the bloc also plans to launch a naval mission in the Red Sea within three weeks to help defend cargo ships.

Washington has also looked to put diplomatic and financial pressure on the Houthis. In January, the US relisted the group as “specially designated global terrorists”.

‘Trust is lost’: Muslim voters unhappy with Labour’s stance on Gaza war

0


Thursday February 1, 2024
By Harriet Sherwood, Geneva Abdul and Jessica Murray

Party’s position has shifted with Keir Starmer now calling for a ‘sustainable ceasefire’ but for some voters it is too little too late

At Walsall Central mosque, a redbrick building on a street of Victorian terraces in the West Midlands market town, the imam, Murthaza Qadri, has reflected on the changing views of his congregation over the past few months.

“There was never much talk about politics before but now everyone cares, lots of people are speaking up,” he said last week. “We’ve been brought up in an environment where we were blindly supporters of Labour, old and young. But now people are opening their eyes a bit more.”

The issue that has opened the eyes of Muslims in Walsall and elsewhere across the country is Labour’s failure to explicitly demand a permanent ceasefire in the war between Israel and Hamas. The party’s position has shifted in recent weeks but, with more than 25,000 casualties in Gaza and a growing humanitarian catastrophe, it is too little and too late for many Muslims.

The anguish and anger felt by Muslims in the UK over the Israel-Gaza war could spell trouble for Labour at the next election. An opinion poll carried out in November by Savanta found strong support for Labour among Muslim voters, with 64% backing the party. But more than 40% said Keir Starmer’s response to the war had made them less likely to vote Labour, while 20% said it had made them more likely to do so. One in three Muslim voters rated the conflict among their top three issues in deciding who to vote for.

In Ilford North, local activists have selected a candidate to challenge the 5,198 majority of the shadow health secretary Wes Streeting specifically on Labour’s position on the Gaza war. Nearly a quarter of the population is Muslim.

In Walsall, where 11.3% of the population is Muslim, eight Labour councillors who resigned from the party over the issue in November are considering putting up a candidate at the general election.

This month Ammar Anwar, a Labour councillor in Kirklees, Yorkshire, and a lifelong member of the party, announced his resignation in tears and with a Palestinian flag draped around his neck. Eleven Labour councillors in Burnley resigned from the party in November, 10 resigned in Oxford, eight quit in Blackburn, and there have been others.

Aftab Nawaz, one of those who resigned in Walsall, said he had been inundated with messages of support from the Muslim community. “We had calls from all over the place, not just in Walsall. People were coming up to us and hugging us and saying well done, you’ve stood up for what you believe, you’ve stood up for us and you’ll always be our heroes. We’re not heroes,” he said.

Nawaz said he had been unhappy with the party’s creeping “central control”, but it was its response to the war that pushed him over the edge. “We saw a side of the Labour party which we didn’t expect,” he said. “If we are sitting at home or in our mosques praying for the people of Palestine, yet we represent a party whose leader isn’t saying that this should stop, we ourselves become complicit.”

He said walking away from Labour had been a difficult decision. His father, who came to work in the West Midlands metal-bashing factories, had been supported by Labour and the union movement at a time when ethnic minorities were being targeted by the National Front.

“We were all Labour people and we always trusted that the Labour party would do the right thing. People voted for the Labour party without even blinking, they wouldn’t read the manifesto,” he said.

He joined the party in 2000 and spent many hours campaigning as a paper candidate in wards that the party had little chance in winning – “we used to call it flying the red flag”.

“You’d go out in the middle of the snow and rain deliver leaflets and get people’s doors smashed in your face because they didn’t want to know anything,” he said. “But it was something that enriched my life, and I’ll never regret being part of the Labour party. We’re still Labour people. I’ve said to people it’s not that we’ve left the Labour party, the Labour party has left us.”

Qadri, the imam, who has been a party member for six years but is unlikely to vote for Labour in the next election, was confident he had a good insight into the views of the hundreds of people who attend Walsall Central mosque each week.

Younger people in particular were influenced by what they saw about the conflict on social media, he said. They were emailing their MPs to demand answers and passing the message on to older generations.

That message appeared to be cutting through in Walsall. Nahid Ahmed, 54, a former Labour party member of 15 years who left the party over its stance on Palestine, said he would vote for an independent candidate or abstain. “Labour thinks Muslims are going to vote [for them] anyway, but they have to understand this has changed now,” he said.

Even if Starmer explicitly backed an immediate and permanent ceasefire now after months of death and destruction, it may not bring Muslim votes back into the fold.

“As things are getting worse in Palestine, you would expect their sense of moral duty, their humane side, to have come out and it hasn’t. That trust is lost,” said Sajad, 40, who declined to give her surname.

In the immediate aftermath of the horrific atrocities committed by Hamas and others on 7 October, the Labour leadership offered full-throated support for Israel. In an interview on LBC radio a few days later, Starmer said Israel had the right to withhold power and water in Gaza. His words – which he later sought to clarify – shocked many Labour supporters.

In response, three senior frontbenchers – Streeting, Shabana Mahmood and Louise Haigh – warned in a shadow cabinet meeting that Labour was at risk of losing Muslim votes.

The following month, 56 Labour MPs rebelled against the leadership by backing a Scottish National party amendment to the king’s speech that explicitly called for an immediate and permanent ceasefire in the Israel-Gaza war. Eight frontbenchers resigned their posts.

Despite his shadow cabinet warning, Streeting was not among them. In his Ilford North constituency, protests were held outside the MP’s constituency office, and a grassroots organisation, the Redbridge Community Action Group (RCAG), was formed.

“Trust has irretrievably broken down between British Muslims and the Labour party. It’s a fundamental break,” said Vaseem Ahmed, a spokesperson for the RCAG. Leading Labour MPs had shown a “lack of empathy to the 75-year suffering of the Palestinian people … For them, Palestinian lives matter much less than others,” he said.

This month the RCAG held a meeting to choose an independent candidate to contest the general election. “We are proud to live in a democracy and we are using democracy to make our views known,” Ahmed said.

The candidate, Leanne Mohamad, a 23-year-old British-Palestinian who grew up in the constituency, said: “It’s clear to me and countless others that Labour no longer represents the interests of working people. British Muslims are aghast at what is taking place in Gaza and they have marched in their millions to make this point.”

She said Labour had failed “to hold Israel to account for its actions and they still haven’t called for an immediate ceasefire in order to save lives. The sheer hypocrisy between their position on Ukraine when compared to Gaza lays bare what many, including Muslims, now see as a party devoid of any principles whatsoever.”

Mahmoud Rauf, 77, a retired accountant who has lived in the area for more than 40 years and is a lifelong Labour supporter, said he had previously canvassed for Streeting but would not do so again, and may not even vote Labour at the next election.

“Wes Streeting might have a good bashing when the election comes because this area [is home to] a lot of supporters from the Palestinian side,” he said. “I don’t support [him] any more. I don’t see that he’s playing fair.”

Another accountant, Imtyaz Vakil, 54, a Labour voter who switched to the Conservatives after the Iraq war, said he would never again vote for either party. He had joined RCAG and would be supporting Mohamed in the election, saying her candidacy was “the first piece in the whole jigsaw”.

Political parties would ignore Muslim voices at their peril, he said. “It’s the second, third generation of Muslims here and we’re growing. We’re not just going to sit back and accept that.”

In recent weeks, senior Labour figures have toughened their language in response to the scale of killing and destruction in Gaza. Last month, Streeting spoke of the need for a “sustainable ceasefire” amid “intolerable civilian casualties”. On Tuesday, Starmer told the Commons: “What is needed in Gaza is a humanitarian truce now, a sustainable ceasefire to stop the killing of innocent civilians.”

Streeting told the Guardian: “For the last nine years I’ve consistently fought for all communities in Redbridge, including launching the all-party parliamentary group on British Muslims … [and] campaigning for the recognition of a Palestinian state and the end of human rights abuses. The next election is a choice between five more years of Conservative failure or change for the better with Labour.” This article was amended on 30 January 2024 to remove text stating incorrectly that the Palestine Solidarity Campaign had registered a new pro-Palestine party.

Maxay wali u shaqaynayaan bogagga AS kadib markii dawladdu sheegtay in ay tirtirtay dhamaantooda?

Khamiis-01- Feb – 2024-{HMC} – Hay’adda Nabadsugida iyo Sirdoonka Qaranka Soomaaliyeed ee NISA ayaa soo bandhigtay ku dhawaad 20 Mareegood ama Website-yo ay sheegtay in ay ka xidhay kooxda AS.

Website-yada NISA ay soo bandhigtay ayaa ahaa kuwii ugu waa weynaa oo ay kooxda Al-shabaab ku faafin jirtay wararkeeda.

Wasiir ku xigeenka warfaafinta ee Soomaaliya Cabdiraxmaan al Cadaala, ayaa ku soo qoray bartiisa Facebook ku soo qaray, “in gabi ahaanba uusan jirin maanta bog ay leeyihiin al Shababa oo shaqaynaya”.

Balse saacado uun ka dib markii ay dawladdu ku dhawaaqday xirista mareegahaas, ayaa waxa ay al Shabaab isticmaalayaan webiste yo cusub oo wata isla magacyadii ay dawladdu sheegtay in ay xirtay.

Waxay u muuqataa in ay halkaan ka socoto ciyaar ila meereyso ah oo ka dhaxaysa labada dhan.

Hadaba xagee wax iska qaban la’ yihiin?

Sida uu sheegay wasiir kuxigeenka wasaradda warfaafinta dawladda fedaraalka ee Soomaaliya Cabdiraxmaan Yuusuf Al-cadaala, dawladdu waxay Alshabaab kula jirtaa “dagaal aan kala hadh lahayn. Mid ka mid ah dagaalkaasna waa in la joojiyo dacaayadaha iyo been abuurka ay dadka Soomaaliyeed ku marrin habaabiyaan ama ku cabsi geliyan ama ay maskaxdooda ku qaldaan,” ayuu yiri wasiir al-Cadaala.

Wasiir Alcadaala ayaa sheegay in dawladdu ay qiyaastii sannad iyo bar ka hor bilowday “hawlgalka lagu burburinayo joogitaankooda [Al Shabaab] baraha bulshada iyo guud ahaan aaladaha warbaahineed ee ay isticmaalaan” wuxuuna sheegay in tani ay hawlgalkaas ka mid ahayd.

Mar la waydiiye wasiirka sida ay ugu suurta gashay in ay mareegaha iyo barahan bulshada ay ka xiraan dalal kale oo ka baxsan Soomaaliya ayaa wuxuu yiri: “Dabcan aduunka waxaa ka jira sharci iyo nidaam la isla yaqaano oo dawladaha caalamku ay ku wada shaqeeyaan oo ay ku wada xiriiraan”.

Wuxuu intaa kusii daray in hay’adaha dawladda Soomaaliyta ay mareen dariiqyada dawliga ah iyo kuwa caalamiga ah “ee loogu tala galay in lagu joojiyo argagixisanimada”.

Waxaan hor dhignay wasiirka sababta ay wali u sii shaqaynayaan website cusub oo ay leeyihiin al Shabaab iyada oo saacado ka hor ay dawladdu sheegtay in ay hawada ka bixiyeen guud ahaan bogagii ay lahaayeen al Shabaab.

“waxaa muhiim ahayd in nidaamka lagu joojinayo la dhamaystiro uuna shaqeeyo lana tijaabiyo waana shaaqeeyay waana la dhamaystiray, dad xirfadleyaal ah ayaa u xilsaaran”,

Sidee bay dawladuhu u xayiraan bogagga internet ka?

Weli waxaa shaqaynaya bogag ay internet ka ku leeyihiin al Shabaab, waxaana laga yaabaa in ay furtaan kuwa kale marka laga xiro bogagga baraha bulshada iyo mareegaha internet-ka ee ay haatan ku adeeganayaan. Haddaba farsamo ahaan sidey dawladi u xakamayn kartaa ama u joojin kartaa mareegaha iyo baraha bulshada ee bartilmaameedka u ah?

Su’aashan waxaa weydiinay khabiir ku takhasusay arrimaha amniga internet-ka iyo teknoolajida oo codsaday in aan magaciisa la shaacin.

“Marka hore aan kala qaadno baraha bulshada iyo mareegaha kale. Baraha Bulshada sida Facebook, twitter Tiktok iyo wixii la mid ah waxaa iska leh shirkado shisheeye oo leh sharciyo u gaar ah isla markaana waafaqa xeerarka caalamiga ah iyo kuwa dalalka laga leeyahay” ayuu yiri khabiirku.

Saas darteed Waxa uu sheegay khabiirku marka ay dawladdu doonayso in ay xirto bog baro bulsheed ah, in ay ku qasban tahay in ay xiriir la samayso shirkadda iska leh bartaas bulsho kuna qanciso in boggaas uu mudan yahay in la joojiyo.

“Shirkadaha baraha bulshada ayaa waxaa u yaala siyaasad iyo nidaam ay wax kaga qaban karaan bogagga lala xiriiriyo argagixisada iyo kooxaha kale ee dambiilayaasha ah, taas oo haddi ay wax ka qaban waayaan lagu dacweyn karo …dhamaantoodna waxay diyaar u yihiin in ay ka qayb qaataan maxaa yeelay horay ayey u dhacday in akoonno badan laga xiro kooxo noocaas oo kale ah” ayuu yiri khabiirku.

Si la mid ah, shirkadaha keydiya xogta mareegaha internet-ka ayaa iyaguna leh sharciyo ay kaga hor tagaan akoonada ay ku qancaan in ay yihiin kuwa argagixiso ama cid kale oo mudan in laga xiro, saas darteed dawladdu shirkadahaas ayey soo ogaataa kadibna xiriir la samaysaa.

Balse waxaas oo dhan waxaa ka muhiimsan oo wasiir Al cadaala iyo khabiirkuba isku raaceen in lacagaha khidmada ee mareegaha loo adeegsado kaarar bangi taas oo wasiirku sheegay in ay noqon karto si dhib oo looga hortago mareegahaas.

Dawladaha horu maray sida uu khabiirku sheegay waxay leeyihiin hal mee loo laga xakameeyo guud ahaan internet-ka taas oo u fududeynaysain laga war hayo tilaabana laga qaado bogagga iyo mareegaha noocaas oo kale ah, hase yeeshee wuxuu khabiirku shaki ka muujiyey in dawladda Soomaaliya ay haysato nidaamka noocaas ah ee hormarsan.

Balse sida muuqata wali waxaa shaqaynaya bogag ay leedahay kooxda la Shabaab, guud ahaan talaabooyinkaasina waxay u muuqdaan kuwa aan ku guuleysan xakameynta internet ee al Shabaab.

XIGASHO BBC SOMALI

Booliska Soomaaliya oo Ka Hadlay Dadka Ka Bixi la” Dhulkii Dabdamiska

Khamiis-01- Feb – 2024-{HMC} – Taliska booliska Soomaaliya ayaa faahfaahin ka soo saaray xaaladda guud ee dalka, iyadoo warbixintaan lagu dul-istaagay shaqaaqooyinkii dhacay toddobaadkaan, halka uu marayo murankii dhulka dabdemiska ee dadka lagu dilay iyo arrimo kale.

Afhayeenka Booliska Soomaaliya Sadiiq Aadan Cali (Doodishe) oo galabta shir jaraa’id ku qabtay Muqdisho ayaa sheegay in dadka degan dhulka Dabdemiska ee Isbitaalka Banaadir u dhow loo qabtay labo toddobaad, isla markaana uu hadda dhamaaday kala bar waqtigaas.

Maalmo ka hor dadka degan dhulkaas waxaa loo diray ciidamada Haramcad, si ay u barakiciyaan, balse waxay xaaladu xumaatay markii ay ciidamadu dileen nin askari ah oo waardiye ka ahaa Ceelbiyood ku dhex-yaalla xaafadda.

Dadka degan dhulkaas oo u badan beesha Sacad ee Habargidir ayaa ku adkeystay in ninka dhintay uu gacantiisa ku dilay Taliyaha booliska gaarka ah ee Haramcad oo lagu magacaabo Cabdixamiid Fanax.

Dilka marxuumkaas kadib, ciidamadii Haramcad waxay ku laabteen xaruntooda, waxaana banaanka xarunta Haramcad, Isbitaalada Madiina, Banaadir ilaa Seybiyaano is qabsaday banaanbaxyo ay dhigayeen qoysaska lagu war-geliyey inay dhulkii Dabdemiska baneeyaan, sidoo kale ninka la dilay uu ka dhashay.

Arrinta dhulkaas ayaa adkaatay, waxaana ku soo baxay xildhibaanada baarlamaanka ku metela Habargidir, kuwaas oo balan qaaday inay dadkaan cabanaya xuquuqdooda u raadi doonaan.

Afhayeenka booliska ayaa galabta shirkiisa jaraa’id ku shaaciyey in laga wadahadlay shaqaaqooyinkii dhacay, isla markaana lagu heshiiyey in dadka degan dhulkaas ay ku guuraan muddo labo toddobaad ah, iyadoo uu hadda dhamaaday hal toddobaad, sida uu sheegay.

“Dadka daggan Dhulka Dab-damiska ee Booliska Laba Isbuuc ayaa loogu daray inay ku guuraan hal Isbuuc ayaana u dhamaaday, waxaan mar kale si sharaf leh uga codsaneynaa inay waqtiga ilaaliyaan, maadaama hey’addii dhulkaas laheyd ay diyaar u tahay inay ku shaqeyso oo la wareegto,” ayuu yiri Gaashaanle Sadiiq Doodishe.

Sidoo kale Afhayeenka ayaa sii faahfaahiyey xaaladaha kale ee dalka, gaar ahaan dhanka ammaanka, isagoo sheegay in ciidamada booliska oo kaashanaya daraawiishta dowlad goboleedyada ay Muqdisho iyo gobollada dlaka ka wadaan howlgallo joogto ah oo amni xaqiijin ah.

Maxeey Tahay Caqabada Ka Jirta Xabsiga Dhexe ee Muqdisho?

Khamiis-01- Feb – 2024-{HMC} – Guddoomiyaha maxkamadda darajada koowaad ee ciidamada qalabka sida G/Sare Xasan Cali Nuur Shuute ayaa sheegay in xabsi la’aan heysto Soomaaliya, isla markaana la weysan yahay meel lagu xiro, dambiilayaasha, askarta qaladaadka gasha iyo xubnaha argagixisada ah ee nolosha lagu qabto.

Guddoomiye Shuute ayaa sheegay in Xabsiga Dhexe ee Xamar uu buuxsamay, iyadoo ay ku xiran yihiin dad ka badan 1,600 oo qof.

Sida caadiga ah wuxuu sheegay in Xabsiga Dhexe ee Xamar loogu tala galay in lagu xiro 800 oo qof, balse hadda tiradaas la u jibaarkeed lagu xiray, isla markaana ay weli taagan tahay baahida xabsiyada.

“Xabsiga Dhexe ee Xamar wuxuu noqday xabsiga Soomaaliya oo dhan, deegaanadii la xoreeyey iyo kuwii xorta ahaa isaga ayaa xabsi u wada ah, waa in deg deg xabsiyo waaweyn loo helaa, si loo xakameeyo dembiyada dhacaya,” ayuu yiri Shuute.

Guddoomiyaha ayaa sheegay in maalin kasta la sii daayo dad aan dhameysan xabsiyadii ay ku xukunaayeen, si kuwo kale loogu xiro qolalkii ay ku xiraayeen, taas oo sida uu sheegay dembiyada dalka ka dhacaya sii kordhineysa.

“Duruuf weyn oo dhanka xabsiyada ah ayaa dalka ka jirta hey’adaha amniga, maamulka gobolka iyo dhamaan inta ay quseyso waa inay deg deg uga howlgalaan arrintaan, maalin kasta waxaa la daayaa dad loo waayey meel lagu xiro, aad ayey muhiim noogu tahay arrintaas,” ayuu yiri Shuute.

Guddoomiyaha ayaa sidoo kale ka hadlay xakameynta hubka lagu dhexsito caasimadda Muqdisho, kaas oo inta badan keena isku dhacyo, “Saraakiisha xukunta ciidamada banaanka ka jooga magaalada ee fasaxa ku soo gala magaalada waa inay xakameeyaan hubka,” ayuu yiri.

Sidoo kale wuxuu digniin u diray ciidamada u xil saaran sugidda amniga caasimadda, isagoo ku amray in aysan ku xadgudbin askarta safarka ah iyo dadka kale ee amnigooda ay sugayaan.

“Qof iska socda oo askari ah oo hebel aad u taqaano, hadii uu qalad kaa galana aad dacwey karto inaad xabad ku furto oo isagiina disho shacabkana leyso mid laguu xilsaartay maaha, iska ilaali fadlan,” ayuu yiri guddoomiye Shuute.

{DHAGEYSO} Warka Habeenimo ee Radio Hiiraanweyn { 01/ 02/2024}

Khamiis-01- Feb – 2024-{HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Wark Habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn

Warka waxaa soo jeedinayo :Abdimaajid Abdirahman Addan

Farsamadii :Abdirahmaan Musae Osman

HOOS KA DHAGEYSO WARKA HABEENIMO