Isniin-29-jan- 2024-{HMC} Maamulka Somaliland oo qabatay xubno As ah oo ka tegay Magaalada JILIB
HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA
Isniin-29-jan- 2024-{HMC} Maamulka Somaliland oo qabatay xubno As ah oo ka tegay Magaalada JILIB
HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA
Isniin-29-jan- 2024-{HMC} Aragtida reer Muqdisho ee ciyaarta Galmudug iyo Hirshabelle
HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA
Isniin-29-jan- 2024-{HMC} Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, ayaa magacaabay xubno ka tirsan Golaha Wasiirrada.
HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA
Isniin-29-jan- 2024-{HMC} Qaramada Midoobe oo kulan Deg Deg ah ka yeelanaya Xiisada Soomaliya iyo Itoobiya
HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA
isniin-29-jan- 2024-{HMC} Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa magacaabay xubno ka tirsan Golaha Wasiirrada.
Wasiirka Beeraha iyo Waraabka ayaa loo Magaacabay Xildhibaan Maxamed Cabdi Xayir Maareeye
sidoo kale Wasiirka Howlaha Guud ee Dib u Dhiska ayaa loo Magacaabay Mudane Cabdi salaan Dhaay.
Xubnahaan ayaa cusub ee katirsan Golaha wasiirada ayaa imaanaya Xili Afar kamid ah Xubnaha Golaha Wasiirada ay Boosas koodu Banaan yihiin islamarkaana dhawaan Rw magacaabi doona sidoo kale Waxaa Suuragal ah in Si Guud Xubnaha Golaha isku Shaandhayn lagu Sameeyo
Isniin-29-jan- 2024-{HMC} Booliska Soomaliya oo Amaro kasoo saaray kohor Ciyaarta dhaxmari Doonta Galmudug iyo Hirshabelle.
HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA
isniin-29-jan- 2024-{HMC} Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa lagu wadaa inay kulan deg-deg ah ka yeesheen xiisadda diblumaasiyadeed ee haatan u dhexeyso dowladaha Soomaaliya iyo Itoobiya ee ka dhalatay heshiiska badda.
Kulankan oo lagu soo qaadi doono xaaladda Geeska Afrika ayaa waxaa si gaar ah diiradda lagu saarayaa arrimaha soo kordhay, siiba khilaafka Muqdisho iyo Addis Ababa.
Soomaaliya ayaa horay u dalbatay kulankan, si ay QM usoo fara-geliso heshiiska maamulka Somaliland iyo Itoobiya oo xadgudub ku ah madax bannaanida dalkeenna.
Horay ururada caalamiga iyo waddamada xiriirka la leh Soomaaliya ayaa iyaguna si weyn uga soo horjeestay tallaabada Itoobiya iyo heshiiska ay la gashay Somaliland.
Kulanka la filayo in haatan golaha ammaanka ay ka yeeshaan xiisadda labada dal ayaa kusoo aadayo, ayada oo hadda Xasan iyo Abiy ay wada joogaan magaalada Rome oo ay maanta uga qeyb-galayaan Madasha Talyaaniga iyo Afrika, oo ah shir muhiim ah oo ay isugu imaanayaan madax ka kala socota Afrika iyo Yurub.
Inkasta oo ajendaha shirkaan aysan ku jirin hadana Talyaanigu wuxuu qorsheynayaa in xal laga gaaro mushkiladaha Soomaalida iyo Itoobiyaanka ee maalmahaan gilgilay Geeska Afrika,
Ma cadda in Xasan uu aqbali doono kulan gaar ah oo uu la qaato Abiy, hase yeeshe ra’iisul wasaaraha Itoobiya ayaa si weyn u daneynaya inuu si gaar ah ula kulmo Xasan, si cadaadiska caalamiga ah uga yaraado, mana u badna inay u mari doonto.
Si kastaba, Shirkan ayaa noqonaya kii labaad ee madaxweynaha iyo ra’iisul wasaaraha Itoobiya ay ka wada qeyb galaan tan iyo markii ay qaraxday xiisadda labada dal ee salka ku haysa heshiiskii Addis-Ababa ay ku gaareen Abiy Axmed iyo Muuse Biixi.
Isniin-29-jan- 2024-{HMC} Ciidamo Mareykan ah oo duqeyn lagu laayay
HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA
isniin-29-jan- 2024-{HMC} Magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya ayaa waxaa maanta lagu wadaa in lagu soo gabagabeeyo tartanka ciyaaraha maamul goboleedyada iyo gobolka Banaadir, kaas oo muddooyinkan ka socday Stadium Muqdisho.
Ciyaarta galabta oo kama dambeys ah ayaa waxaa isku dhici doono xululka Galmudug iyo HirShabelle oo isugu haray Finalka ciyaaraha maamul goboleedyada dalka.
Kulanka galabta oo ah mid xiiso badan ayaa waxaa haatan socda diyaar garow xoogan, waxaana durbo garoonka kusii qul-qulaya taageerayaasha labada dhinac.
Qoraal kasoo baxay Booliska ayaa looga hadlay ciyaarta, ayada oo farriin nabadeed loo diray kooxaha labada dhinac iyo taageerayaashooda, taas oo la xiriirta amniga.
“Farriin Nabadeed Muwaadin cayaaruhu waa isdhexgal Bulsho iyo aalad lagu muujiyo nabada iyo hormarka dalka ka jira. Hadaba, ka qeyb qaado sugida amniga ka hor cayaarta. Inta cayaartu socoto iyo cayaarta ka dib.” ayaa lagu yiri qoraalka kasoo baxay Booliska.
Sidoo kale wuxuu Boolisku sheegay inay heegan ku jiraan, si loogu sugo amniga garoonka iyo badqaba ciyaartoyda labada kooxood.
“Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed iyo Ciidamada kale ee amaanku waxey diyaar u yihiin sugida amniga iyo badqabka dadweynaha.” ayaa mar kalen lagu yiri farriinta Booliska.
Waxaa kale oo qoraalka lagu yiri “Qof walba masuuliyad ayaa ka saaran fulinta ujeedooyinkaas. Mahadsanidiin”.
Isniin-29-jan- 2024-{HMC} HARGEYSA, Somaliland – Hay’adda nabad-sugida iyo sirdoonka Somaliland ayaa ku dhawaaqdey qabashadda “shabakad AS ah oo kasoo safartey magaalada Jilib ee xarunta gobolka Jubada Dhexe”.
War qoraal ah oo lagu daabacay ciwaanka X (Twitter) ee National Intelligence Agency (Somaliland) NIA ayaa lagu xusay xubnahan ay ku jiraan labo haween oo “xaasas u ah amiiro Al- Shabaab ah”.
Bayaanka kooban ayaa sidoo kale waxaa lasoo raaciyay sawirradda eedeysaneyaashan kuwaas oo wajiyadooda laqariyay lana soo bandhigay oo kaliya qeybta dambe ee madaxooda.
“Hay’adda NIA oo kaashanaysa Ciidanka Qaranka ayaa qabatay koox ka kooban 7-qof 5 nin iyo 2 dumar oo ka tirsan Ururka Alshabaab,” ayaa lagu bilabaay war-saxaafadeedka.
Qoraalka ayaa waxa uu intaas kusii daray: “Kooxdan ayaa ka soo safray degaanka Jilib ee koonfurta Soomaaliya, labada dumarka ah ayaa xaasas u ah amiiro Al- Shabaab ah”.
“Shabakadan ayaa ka kooban 27 qof, waxana lagu raad joogaa 20 kii kale,” ayaa lagu soo gabagabeeyay warka
qoraalka ah iyadda oo aan wax fahfaahin ah laga bixiyay shaqsiyaadka kale ee la raadinayo.
Warkan kasoo yeeray Somaliland ayaa waxa uu kusoo beegmayaa iyadda oo ay taagan tahay xiisad xooggan taasoo udhaxeysa Soomaaliya iyo Itoobiya lana xiriirta heshiis lala galay maamulka Hargeysa.