Isniin-29-jan- 2024-{HMC} Shacabka Baladweyne Maxay ka dhaheen kulanka galabta ee gal-mudug & Maamulkooda Hirshabele.
HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA
Isniin-29-jan- 2024-{HMC} Shacabka Baladweyne Maxay ka dhaheen kulanka galabta ee gal-mudug & Maamulkooda Hirshabele.
HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA
Isniin-29-jan- 2024-{HMC} DF oo sheegtay in Duqeyn lagu laayey saraakiil badan oo ka tirsan AS kaas oo ka dhacay G.Hiiraan.
HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA
Isniin-29-jan- 2024-{HMC} Madaxweynaha Mareykanka, Joe Biden, ayaa sheegay, in Maraykanku uu ka jawaabi doono weerar ay diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ku qaadeen saldhig ciidamada Maraykanku ku leeyihiin waqooyi bari ee Urdun, una dhow xuduudda dalka Suuriya.
Mr Biden ayaa weerarkaas ku eedeeyay kooxaha mayalka adag ee ay taageerto dowladda Iran ee ka hawlgala Suuriya iyo Ciraaq.
Saddex kamid ah askarta Mareykanka ayaa lagu dilay weerarkaasi, halka tobanaan kalena ay ku dhaawacmeen.
Ha yeeshee Iran ayaa beenisay inay ku lug leedahay weerrarkasi.
Waa markii ugu horreysay oo duqeyn lagu dilo ciidamo Mareykan ah oo ka howlgala gobolka, tan iyo 7-dii bishii Oktoobar, oo Xamaas ay weerrar ku qaadday Israa’iil.
Jordan ayaa sheegtay in weerrarku ka dhacay dalka Suuriya, balse aysan ahayn gudaha Jordan.
Waxaa jiray weerarro kale oo lagu qaaday saldhigyo uu Mareykanka ku leeyahay gobolka, balse sida ay sheegeen milatariga Mareykanka, Axadda ka hor ma jirin ciidamo ku dhintay.
Weli ma cadda cidda ka dambeysa weerrarkan ugu dambeeyay.
isniin-29-jan- 2024-{HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Wark Subaxnimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn
Warka waxaa soo jeedinayo; Mustaf Ali Addow
Farsamadii : Mohamed Baryare Haamud
isniin-29-jan- 2024-{HMC} Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa galinkii dambe ee shalay gaaray magaalada Rome ee dalka Talyaaniga, sidoo kale waxaa halkaasi ku sugan ra’iisul wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed.
Xasan iyo Abiy ayaa xalay ku wada hoyday Rome oo ay maanta uga qeyb-galayaan Madasha Talyaaniga iyo Afrika, oo ah shir muhiim ah oo ay isugu imaanayaan madax ka kala socota Afrika iyo Yurub.
Inkasta oo ajendaha shirkaan aysan ku jirin hadana Talyaanigu wuxuu qorsheynayaa in xal laga gaaro mushkiladaha Soomaalida iyo Itoobiyaanka ee maalmahaan gilgilay Geeska Afrika, sida ay Warbaahinta ay u sheegeen diblumaasiyiinta gacanta ku heysa qaban qaabada shirka.
Ma cadda in Xasan uu aqbali doono kulan gaar ah oo uu la qaato Abiy, hase yeeshe ra’iisul wasaaraha Itoobiya ayaa si weyn u daneynaya inuu si gaar ah ula kulmo Xasan, si cadaadiska caalamiga ah uga yaraado, mana u badna inay u mari doonto.
Shirkan ayaa noqonaya kii labaad ee madaxweynaha iyo ra’iisul wasaaraha Itoobiya ay ka wada qeyb galaan tan iyo markii ay qaraxday xiisadda labada dal ee salka ku haysa heshiiskii Addis-Ababa ay ku gaareen Abiy Axmed iyo Muuse Biixi.
Sida ay shaacisay Villa Soomaaliya, Madaxweyne Xasan ayaa qorshuhu yahay inuu shirka ka jeediyo khudbad uu diiradda ku saarayo iskaashiga dhaqaale, fududeynta isu-socodka iyo arrimaha amniga.
Sidoo kale waxa uu ku soo bandhigi doona muhiimadda xasilloonida gobolka, ixtiraamka mabaadi’da madax-bannaanida iyo wadajirka dhuleed ee dalalka, isagoo si gaar ah u dul istaagi doona xad-gudubka ka dhanka madax-bannaanida Soomaaliya ee dhawaan ay Itoobiya ku dhiirratay.
Si kastaba, shirkaan ayaa imanaya xilli ra’iisul wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed uu maalmo kahor si cad u sheegay in dalkiisu uusan xoog ku raadineyn bad uu leeyahay dal kale oo marnaba aysan la dagaalami doonin Soomaaliya.
Abiy ayaa markaas sheegay in Itoobiya ay ixtiraameyso midnimada Soomaaliya, wuxuuna hadalkaasi wax badan ka bedelay wajigii ay laheyd xiisadda labada dal ee salka ku haysa heshiiskii is-afgarad ee Somaliland iyo Itoobiya.
isniin-29-jan- 2024-{HMC} Dowladda Soomaaliya ayaa shaacisay in shalay gobolka Hiiraan laga fuliyey howlgal lagu dilay horjoogayaal sare ee Shabaab ka tirsanaa iyo maleeshiyaad badan.
Howlgalka oo loo adeegsaday duqeyn culus waxaa fuliyey diyaaradaha dagaalka, wuxuuna ka dhacay degaanka Buq-aqable ee gobolka Hiiraan oo hoos taga Buuloburde.
“Howlgal aad loo qorsheeyay oo lagu laayay Horjoogayaal iyo Maleeshiyaad Khawaarij ah ayaa goor dhow ka dhacay magaalada Buq-aqable ee Gobalka Hiiraan,” ayaa lagu yiri warkaan ka soo baxay dowladda Soomaaliya.
Qoraalka dowladda ayaa intaas ku sii daray, “Howlgalka ayaa lagu beegsaday laba gaari oo ay saarnaayeen Horjoogayaal Khawaarij ah oo aad loo doon doonayay.”
Howlgalka sidaan oo kale duqeyn loo adeegsaday ayaa shalay maqribkii ka dhacay halka ay iska galaan gobollada Sh/Dhexe iyo Galgaduud, waxaana lala beegsaday xubno ka tirsanaa Al-Shabaab oo la socday gaadiid dagaal.
Inkastoo aan la shaacin khasaaraha rasmiga ah ee duqeymahaan loogu geystay kooxda, hadana waxaa muuqata in maalmahaan aad loogu beegsanayo dhulka howdka ah, maadaama ay kooxda ku furan yihiin dagaalo culus oo muhiim ay u tahay isku socdaan.
Dowladda ayaa kordhisay duqeymaha ay la kaashato saaxiibada caalamka oo Mareykanku ugu horeeyo, kuwaas oo maalmahaan kooxda loogu geysanayey gobollada Mudug, Galgaduud, Sh/Dhexe iyo Hiiraan oo ah dhammaan dhulka ay ka arrimiyaan Galmudug iyo HirShabeelle.
Kooxda al-Shabaab waxaa hadda ku adkaatay inay isku gurmadaan oo dhaqdhaqaaq sameeyaan, waxaana sheeda sare ka ilaashada diyaaradaha dagaal oo beegsada markii ay isku yimaadaan ama kolonyo noqdaan, si ay u socdaalaan.
Sabti-27-jan- 2024-{HMC} Benjamin Netanyahu Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil ayaa wajahaya cadaadis sii kordhaya, kadib maalintii ugu darneyd ee khasaaraha ciidamada Israa’iil kasoo gaaray dagaalka Gaza, iyo sidoo kale dibadbaxyada isa soo taraya ee ka dhashay inuu ku guuldareystay inuu soo celiyo dadkii la qafaashay.
Istaraatiijiyada ciidamada ee dhulka falastiiniyiinta ayaa si weyn isha loogu hayaa kadib markii la dilay 24 askari maalintii isniinta, waana khasaarihii ugu badnaa ee soo gaara Israel hal maalin gudaheed tan iyo markii uu bilowday duullaanka dhulka ee Qaza dabayaaqadii October.
Dadka dhintay waxaa ka mid ah 21 askari oo kayd ah, kuwaas oo lagu dilay hal weerar.
Weerarkan oo loo adeegsaday baasuukayaal ku dhacay taangi iyo laba dhismo oo ay ciidamadu isku dayeen inay qarxiyaan, ayaa Netanyahu waxa uu ku tilmaamay “musiibo”.
Emmanuel Navon, oo ah bare wax ka dhiga jaamacadda Tel Aviv, ayaa u sheegay wakaaladda wararka ee AFP in khasaaraha ciidanku uu saameeyay qof kasta gudaha Israa’iil, madaamaama ku dhawaad qof kasta oo dalka ku nool uu wiilkiisa ama walaal ama qof qaraabo ah uu ka dagaallamayo Gaza.”
Kala qaybsanaan Xoogan ayaa ka dhex aloosantay golaha wasiirada dagaalka ee Netanyahu, kadib mudaaharaadyo ka dhacay magaalada Tel Aviv iyo bannaanka gurigiisa oo ku yaala magaalada Qudus, halkaas oo ehelada la haystayaasha ay socod ku mareen, iyagoo ku dhawaaqaya “dhammaan iyo hadda” si ay ugu booriyaan soo celinta laheysteyaasha.
Axad-28-jan- 2024-{HMC} Faransiiska ayaa ku biiray wadamadan kale ee deeq bixiyayaasha ah joojinta taageerada dhaqaale ee UNWRA iyadoo la eegayo eedeymaha Israel ee sheegaya in shaqaale ka tirsan heyaddaas ay ku qeyb qaateen weerarkii 7dii Oktoobar.
Faransiisku “ma laha wax qorshe ah oo uu ku bixiyo lacag dheeraad ah qaybta hore ee 2024” hay’adda gargaarka Qaramada Midoobay ee Gaza sida ay sheegtay Wasaaraddeeda arrimaha dibadda oo bayaan ku sheegtay Axaddii maanta
Wasaaraddu waxay tilmaantay kuwo halis ah eedaymaha Israa’iil ee ah in qaar ka mid ah shaqaalaha Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan gargaarka iyo arrimaha qaxootiga ee Falastiiniyiinta (UNRWA) ay ku lug lahaayeen weerarrada Xamaas ee 7-dii bishii Oktoobar ee sannadkii hore.
Faransiiska ayaa ku dhawaad 60 milyan oo Yuuro (qiyaastii $65 milyan) ugu deeqay UNRWA sanadka 2023.
Wasaaradda arrimaha dibadda ayaa warbixinteeda ku sheegtay in ay go’aan ka gaari doonto “marka la gaaro waqtiga” waxay sameyn doonto si loo hubiyo in la tixgeliyo shuruudaha hufnaanta gargaarka iyo amniga.
Dalalka kale hakiyey gargaarkii Falastiiniyiinta ayaa kala ah Maraykanka, Jarmalka, Kanada, Talyaaniga. Boqortooyada Ingiriiska, Nederlands, Switzerland, Australia, Finland
Ireland iyo Norway ayaa sheegay inay sii wadi doonaan maalgelinta hay’adda Qaramada Midoobay.
Arrinta dad badan ka yaabisay ayaa waxay tahay in dalalka joojiyey gargaarka iyagoo aan baaritaan sameynin ay horey ka qaateen eedeynta Israel u jeedisay heyadda UNRWA, iyadoo la ogyahay cadaawada ay u heysto shacabka Falastiintiinyiinta oo har iyo habeen ay gumaadka ku heyso., ujeedada Israel ayaana lagu tilmaamay iney tahay sidii shacabka Gaza looga joojin lahaa gargaarka kooban ee ay helaan si inta ka hartay duqeymaha ay ugu dhintaan gaajo iyo cuduro.
Axad-28-jan- 2024-{HMC} Ergeyga Madaxweynaha JFS ee arrimaha Somaliland Cabdikariin Xuseen Guuleed ayaa soo saaray qoraal uu kaga jawaabay gef uu sheegay in Fahad Yaasiin uu u geystay Madaxweynaha iyo shacabka reer Jabuuti, isagoo Fahad ku tilmaamay nin warkaan loo soo dhiibay.
Agaasimihii hore ee hey’adda NISA Fahad Yaasiin ayaa soo saaray qoraal uu ku sheegay in madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle uu wax badan ka ogaa heshiiska badda ee Muuse Biixi iyo Abiy Axmed ay kala saxiixdeen 1-dii bishaan, sidoo kale Fahad ayaa Madaxweyne Ismaaciil ku tilmaamay nin jecel jabka Soomaaliya.
Cabdikariin Guuleed ayaa sheegay in reer Jabuuti aysan Soomaaliya ka mudneyn gefkaas, isla markaana uu ka raali gelinayo, sidoo kale wuxuu hoosta ka xariiqay inay garanayaan cidda gefkaan u soo dhiibtay Fahad Yaasiin.
Xukuumaddii Farmaajo ee Fahad ka tirsanaa ayaa dagaal diblomaasiyadeed oo adag la gashay dowladda Jabuuti, waxaana la aaminsan yahay in Fahad ay hadaladaan ka keenayaan xurguftii siyaasdeed ee kala dhaxeysay Jabuuti intii ay joogeen xukunka.
Hoos ka akhriso qoraalka Cabdikariin Guuleed
Tuulo ay fiita-waraar iyo horjoogayaalba ka yihiin rag af-gurucyaal ah ayaa waxaa soo degay nin caaqil ah oo garaad badni iyo aftahamo isku darsaday. Muddo kooban gudaheed ayuu ninkii garaadkiisa iyo garyaqaannimadiisii kula wareegay tuuladii oo meel kasta ka yeertay WAR INA HEBAL GARTA IYO GUDDOONKA INOOGU GEEYA.
Ragga xafiiltan iyo wax iska dhicin kama dhamaate waxaa arinkaas ka xumaaday geeridoodana u arkay raggii kale ee tuulada madaxda ka ahaan jiray, waxayna soo abaabuleen shirqool ay ku doonayaan in sharafta iyo karaamada oga xayuubiyaan ninkii caaqilka ahaa. Nin doqonnimo tuulada kaga caan baxay ayey Budh u soo dhiibeen si uu ninkii caaqilka ahaa ugu garaaco goob fagaare ah iyo geedkii garta lagu naqayey.
Ninkii caaqilka ahaa goortii qaarta lagu qabadsiiyey shirkii dhexdiisa, wuu gartay halka colaaddu kaga socoto ayadoo meeshii laga sugayey in ninkii Caranka ahaa uu la fac noqdo intuu soo jeestay ayuu yiri WARYAADA HEBAL IYO HEBALOW MAAD USHA IGA DEYSAAN.
Haddaba waa naqaana, waana garaneynaa Fahad Yaasiin ciddda gefka iyo wax ka sheegga madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle iyo Shacabka aan walaalaha nahay ee reer Jabouti u soo dhiibtay, cidda uu ku matalo gafeysa iyo cidda daaha gadaashiisa usha kaga soo dhiibtay. Waxaan kaloo garan karnaa waxa loola jeedo eedaymahaas iyo dhaleenceyntaas.
Waa ka raali galineynaa madaxweyne Ismaaciil iyo shacabka reer Jaboutiba gafkaas aysan muteysan ee loo geystay, waxaana idin leenahay shacabka Soomaaliyeed waa ogyahay waxaad u tihiin, waxaad u gasheen iyo waxaad u qabateen intaba. Waxaad noo tihiin garab, waxaad noo tihiin HIIL WALAAL.
Madaxweyne Ismaciil iyo reer Jaboutina ayagoo ku mahadsan gogol nabadeed oo aanu anaga ka codsanay ayey noo dhigeen, naguna sharfeen. Ayagoo juhdi iyo dadaal kastaba galiyey heshiinka iyo wadajirka dadka Soomaaliyeed
Shacabka Soomaaliyeedna marnaba waxuusan iloobeynin halkii dib looga soo unkay dowladnmada aan maanta hoos harsameyno, oo ragga qaarkii ay madaxda iyo hogaanka ka noqdeen.
Axad-28-jan- 2024-{HMC} Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa gebi ahaanba qaadacday qodobadii kasoo baxay shirka 32-aad ee dalalka Bariga Afrika ee ciidamada heeganka.
Shirkaan oo lagu soo gaba-gabeeyay dalka Kenya, uuna shir guddoominayay wasiirka Gaashaandhigga Kenya ayaa waxaa looga hadlayay qorshaha iyo Istaraatiijiyadda shanta sano ee soo socoto, ayada oo qeybaha hore diirada lagu saaray sidii tababaro joogto ah loo siin lahaa ciidamada heeganka ee qeybta ka ah dalalka bariga Afrika.
Waxaa ka qeyb-galay wasiirada gaashaandhigga dalalka Bariga Afrika, ayada oo dhanka Soomaaliya ay uga qeyb-galeen wafdi uu hogaaminayay taliye ku-xigeenka ciidanka xoogga dalka iyo xubno sar-sare oo ka tirsan wasaaradda gaashaandhigga Soomaaliya, oo iyagu markii dambe iskaga soo baxay.
Xubnaha ka socday Soomaaliya ayaa madaxda qeybta ka ahaa shirka u cadeeyeen mowqifka dowlada federaalka ee laga soo horjeedo damaca Ethiopia ee badda Soomaaliya, balse shirka ahmiyad gaar ah ma siin arrintaan taas oo keentay in xubnaha Soomaaliya iskaga soo baxaan shirka.
La-taliyaha sare xaga amniga ee wasaaradda gaashaandhigga Soomaaliya Cabdi Diirshe oo warbaahinta kula hadlay magaalada Nairobi ayaa shaaciyay in dowladda Soomaaliya ay qaadacday qodobada laga soo saaray shirka, kaasi oo looga gaabsaday xad-gudubka Itoobiya ay kula kacday Soomaaliya.
“Soomaaliya waxa ay qaadacday qodobadii ka soo baxay shirka 32-aad ee dalalka bariga Afrika ee ciidamada heeganka kaasi oo lagu soo gabagabeeyay dalka Kenya,” ayuu yiri La-taliyaha sare xagga qmniga ee wasaaradda gaashaandhigga Cabdi Diirshe.
Sidoo kale waxa uu tilmaamay in madaxda shirka ka qeyb-gashay ay u gudbiyeen mowqifka dowlada Soomaaliya, ayna ka filayaan in markale dib loo soo saaro bayaan cad, kaasi oo lagu taageerayo go’aanka dowladda federaalka Soomaaliya ay ka istaagtay xad-gudubka Ethiopia.
Soomaaliya ayaa horey ugu guuleysatay in shirkii urur-goboleedka IGAD lagu dhalleeceeyo xad-gudubka Itoobiya, ayada oo sidoo kale taageero ka heshay dalal badan oo caalamka, waxayna weli dadaal ku bixinaysa xoojinta cadaadiska diblumaasiyadeed ee Itoobiya lagu saarayo inay ka laabato heshiis beenaadkii Addis Ababa.