Home Blog Page 2920

{DAAWO MUUQAALKA} DEG DEG: Odayaasha Degmada Balanbale oo fariin adag udiray Madaxweyne Qoorqoor iyo Cabdi Waayeel

0

Arbaco jan-24 2024-{HMC} DEG DEG: Odayaasha Degmada Balanbale oo fariin adag udiray Madaxweyne Qoorqoor iyo Cabdi Waayeel

HOOS KA DAAWO WARBIXINTA

 

{DAAWO MUUQAALKA} Sadaali oo ku guuleyso 30$ Banaadir 🆚 Galmudug

0

Arbaco jan-24 2024-{HMC} Sadaali oo ku guuleyso 30$ Banaadir 🆚 Galmudug

HOOS KA DAAWO WARBIXINTA

 

{DAAWO MUUQAALKA} Khasaaro xoogan oo ka dhashay dagaalka Caad iyo rasaas goos goos ah oo wali la maqlayo.

0

Arbaco jan-24 2024-{HMC} Khasaaro xoogan oo ka dhashay dagaalka Caad iyo rasaas goos goos ah oo wali la maqlayo.

HOOS KA DAAWO WARBIXINTA

 

Muxuu salka ku haayaa kulanka maanta ee baarlamaanka soomaaliya

0

Arbaco-24-jan-2024-{HMC} Xildhibaanada labada gole ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa maanta kulan wadajir ah ku yeelanaya xarunta Villa Hargeysa, sida lagu sheegay farriin ogeysiis ah oo goor hore loo wada diray xildhibaannada labada aqal ee Soomaaliya.

Kulankan oo ah mid xasaasi ah ayaa waxaa go’aan looga gaari doonaa habraaca wax ka beddalka Dastuurka, sida lagu sheegay qoraalka loo diray xildhibaanada Soomaaliyeed.

Ajendaha kulanka ayaa ah akhrinta 3-aad iyo u codeynta habraaca ansixinta wax ka beddalka Dastuurka, oo haatan dood xoogan ay ka taagan tahay.

“Xildhibaanada sharafta leh berri oo Arbaco ah, taariikhduna tahay 24.01.2024, waxaa jira kulan labada aqal ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya. Ajendaha akhrinta 3aad iyo u codeynta habraaca ansixinta wax ka beddalka Dastuurka” ayaa lagu yiri farriinta loo diray xildhibaanada labada gole ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.

Xoghayaha Guddiga dib-u-eegista iyo La-socodka Hirgelinta Dastuurka Saciid Cowke oo wareysi gaar ah siiyay Telefishinka Universal ayaa xog cusub ka bixiyay kulanka maanta oo ay ku kala qayb-sameen inta badan xildhibaanada labada gole ee Baarlamaanka dalka.

Saciid Cowke ayaa sheegay in kulankan la siyaasadeeyay, isla markaana uusan ka saabsaneyn wax ka beddalka Dastuurka, taas oo uu tilmaamay inay dhiman tahay, balse uu yahay waxa kulanka wadajirka ah ay xildhibaanadu ku ansixinayaan habraac ama xeer ku aadan sida loo wajahayo wax ka beddalka Dastuurka dalka.

“Waxaa jirta marin habaabin badan oo dadka qaar ay aamineen in waxa maanta Baarlamaanka la horkeenayo uu yahay Dastuurka, basle ma ah waxa Baarlamaanka uu ka doodayo wax ka beddalka Dastuurka, waa harsan tahay, waana howl u taallo Baarlamaanka, laakiin waxa la horgeynayaa waa habraac” ayuu yiri Xoghayuhu.

Sidoo kale wuxuu sharraxaad ka bixiyay meelaha uu taabanayo habraacan iyo muhiimadda uu leeyahay, maadaama shaki weyn laga muujiyay.

“Habraaca waa xeer hoosaad, wuxuu salka ku hayaa cutubka 15-aad ee Dastuurka KMG ka ah, waxaana lagu hagayaa hannaanka Dastuurka looga doodayo, qaabka mooshinada loo keenayo, codeymaha arrimo noocaas ayuu taabanayaa” ayuu mar kale yiri Saciid Cowke.

Dhinaca kale waxaa wax laga weydiiyay in ay jirto in Baarlamaanka uu go’aan ka gaarayo nidaamka cusub ee loo guurayo madaxweyne iyo ku xigeen, taas oo uu meesha ka saaray.

“Horta madaxweyne iyo madaxweyne ku xigeen alifkiisu wuxuu ka yimid Madasha Watashiga Qaran, waana heshiis jira, laakiin waxay ku xiran tahay Dastuurka iyo marka la gaaro shaqadiisa” ayuu sii raaciyay Xoghayaha Guddiga dib-u-eegista iyo La-socodka Hirgelinta Dastuurka.

Si kastaba, kulanka maanta oo isha lagu wada hayo ayaa waxaa ku kala qaybsamay xildhibaanada, taas oo keentay walaac xoogan oo ku aadan kulanka maanta.

{DAAWO MUUQAALKA} Muxuu Ra’iisul Wasaare Xamsa kala hadlay Saraakiisha ciidanka dowladda?

0

Arbaco jan-23 2024-{HMC} Muxuu Ra’iisul Wasaare Xamsa kala hadlay Saraakiisha ciidanka dowladda?

HOOS KA DAAWO WARBIXINTA

 

Xasan cali khayre oo ka digay qorshaha ay wado Villa SOMALIA ee arrimaha dastuurka

0

Arbaco-24-jan-2024-{HMC} Ra’iisul wasaarihii hore ee Soomaaliya, Mudane Xasan Cali Khayre oo warsaxaafadeed soo saaray ayaa ka digay qorshaha ay haatan waddo Villa Soomaaliya ee ku aadan wax ka beddalka Dastuurka KMG ka ah ee dalkeenna Soomaaliya.

Khayre ayaa sheegay in halis weyn ay ku geedaman tahay damaca madaxtooyada, isaga oo sheegay in arrintan ay keeni karto xasilooni darro iyo hubanti la’aan siyaasadeed.

“Waxaan ka digayaa halista ku geedaaman isku-dayga ay Madaxtooyadu ku doonayso in ay ku beddesho Dastuurka Dalka iyadoo aan loo marin habraaca uu qeexayo Cutubka 15aad ee Dastuurka. Waa tallaabo khatar ku ah xasilloonida Dalka iyo wadajirka ummadda, Soomaaliyana u horseedi karta khilaaf hor leh iyo hubanti la’aan siyaasadeed” ayuu yiri.

Sidoo kale wuxuu intaas ku daray in xilligan aan la joojin xilli lagu mashquulo siyaasad, loona baahan yahay in loo midoobo difaaca dalka, si looga hortago duulaanka Itoobiya.

Xasan Cali Khayre ayaa sidoo kale madaxweyne Xasan Sheekh iyo ra’iisul wasaare Xamza ka dalbaday inay ka fogaadaan wax kasta oo keeni karo khilaaf horleh.

“Dadka Soomaaliyeed waxay maanta meel uga soo wada jeedaan damaca iyo duullaanka ay Itoobiya ku doonayso baddeenna, mana jiro xilli aan maanta uga baahi badannahay midnimo iyo isku-duubni. Waxaan Madaxda Dalka ugu baaqayaa in ay ka fogaadaan wax kasta oo kala dhantaali kara wadajirka iyo dareen-wadareedka Ummadda” ayuu raaciyay.

Ugu dambeyn wuxuu farriin culus u diray xildhibaannada labada gole, isaga oo ugu baaqay inay inay ilaaliyaan amaanada iyo mas’uuliyadda culus ee loo igmaday, wuxuuna si gaar ah uga dalbaday in aysan halis gelin mustaqlka dalka iyo guud ahaan dadka Soomaaliyeed”

Waxaan xildhibaannada labada Aqal ee Baarlamaanka ugu baaqayaa in ay ilaaliyaan ammaanada iyo masuuliyadda culus ee ay u hayaan Dalkeenna iyo dadkeenna, oo aysan lumin kalsoonida shacabka Soomaaliyeed, kana fogaadaan tallaabo kasta oo halis gelin karta mustaqbalka Dalka iyo geeddi-socodka dowladnimada Soomaaliya” ayuu ku daray.

Hadalkan ayaa kusoo aadayo, iyada oo maanta la filayo in xildhibaannadu ay meel-mariyaan wax ka beddalka Dastuurka oo ay horay uga digeen Farmaajo, Shariif iyo madax kale.

{DAAWO MUUQAALKA} Madaxweyne Xasan sheikh oo Bogaadiyay Sargaal magac weyn u keenay Soomaaliya

0

Arbaco jan-23 2024-{HMC} Madaxweyne Xasan sheikh oo Bogaadiyay Sargaal magac weyn u keenay Soomaaliya

HOOS KA DAAWO WARBIXINTA

 

{DHAGEYSO} Warka Subaxnimo ee Radio Hiiraanweyn { 24 01 2024}

Arbaco-24-jan-2024-{HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Wark Subaxnimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn

Warka waxaa soo jeedinayo; Mohamed ibraahin Ahmed

Farsamadii : Mohamed Baryare Haamud

HOOS KA DHAGEYSO WARKA SUBAXNIMO

Kooxda AS oo weerar ku culus ku qaaday CAAD + qasaaraha

0

Arbaco-24-jan-2024-{HMC} Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya khasaaraha ka dhashay weerar xoogan oo qaraxyo ku billowday oo ay saaka Al-Shabaab ku qaadeen magaalada Caad ee koonfurta gobolka Mudug, halkaas oo uu ka dhacay dagaal culus.

Xoogaga Al-Shabaab ayaa saaka weerar xoogan ku ekeeyay saldhigyo ay magaaladaas ku leeyihiin ciidanka Xoogga iyo kuwa deegaanka oo horay kooxda uga qabsaday halkaasi.

Ilo dadka deegaanka ah ayaa innoo sheegay in weerarka iyo qaraxyada ay ka dhasheen khasaare xoogan oo isugu jiro dhimasho iyo dhaawac, balse lama oga inta uu la’egyahay.

Warsaxaafadeed kasoo baxay dowladda Soomaaliya ayaa looga hadlay weerarkan, waxaana lagu sheegay in ciidamadu ay ka hortageen weerarkaasi, ayna jabiyeen Al-Shabaab.

“Ciidanka Xoogga Dalka iyo Geesiyaasha dadka deegaanka ayaa saaka cashar lama iloobaan ah Khawaarijta ugu dhigay magaalada Caad oo ay isku dayeen inay ku soo qaadaan weerar” ayaa lagu yiri war qoraal ah oo kasoo baxay dowladda Soomaaliya.

Sidoo kale warsaxaafadeedka ayaa intaasi kusii daraya in ciidamada ay ka war hayeen weerarkaasi, isla-markaaana ay khasaare culus ku gaarsiiyeen xubnaha soo qaaday

“Ciidanka Qaranka iyo Geesiyaasha oo u diyaarsanaa dhagarta Cadowga ayaa dhabarka ka jabiyay qorshihii Khawaarijta” ayaa mar kale lagu yiri warsaxaafadeedka.

Xaaladda ayaa haatan ah mid aad u kacsan, waxaana weli dhaq-dhaqaaqyo laga dareemayaa magaalada Caad oo kamid ah deegaanadii ugu dambeeyay ee la xoreeyay.

Gobollada Dhexe ayaa waxaa weli ka socda howlgallo xoreyn ah oo ay ku dhinteen saraakiil sar sare oo ay kamid ahaayeen Cabdi Maxamed Suulnuug iyo Xasan Tuure oo labaduba kamid ahaa ciidamada sida gaarka ah u tababaran ee dowladda federaalka Soomaaliya.

{DAAWO MUUQAALKA} WAR DEG DEG AH AS oo weerar Culus ku qaaday Magaalada Caad.

0

Arbaco jan-23 2024-{HMC} WAR DEG DEG AH AS oo weerar Culus ku qaaday Magaalada Caad.

HOOS KA DAAWO WARBIXINTA